BismiAllah, magaca Ilaahaybaan ku bilaabaynaa, Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo naxariis gaar ahba. Mahaduna Ilaahaybay u sugnaatay, waxaanan ku sallinaynaa xabiibkeena Muxamed ilaahay naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yeelee.

Walaalayaal, waxaynu wadnay qisooyinkii haweenkii wanaagsanaa ee khayrka badnaa, waxaynaan so qaadanaynaa maanta taariikhdii xaaskii nabi Ayuub ilaahay naxariistiisa korkiisa ha yeelee.

Waxaynu la soconaa in nabi Ayuub uu ahaa nin wanaagsan oo Ilaahay caabuda markaasaa Ilaahayna siiyey ubad badan, xoolo badan, adoomo badan oo u adeege, hase ahaatee mar kaliya ayaa nabi Ayuub la imtixaamay isagoo laga qaaday caafimaadkiisii, caruurtii uu dhalay, xoolihiisii iyo adoomadii u adeegi jirayba.

Hadaba waxynu milicsanaynaa taariikhdii haweenaydii nabi Ayuub oo ninkeedii wanaagsanaa la qaadatay nolol cajiiba, dhibtii soo gaadhayna la qaybsatay. Haweenaydan waxa la dhahaa magaceedu waa Liyaa bintu Manshaa ibnu Yuusuf ibnu Yacquub ibnu Isxaaq ibnu Ibraahiim. Waxay kasoo jeedaa qoyskii nabiyada ee reer banu israa’iil, waxaana qabay nabi kamid ah nabiyada Ilaahay, wayna rumaysay oo la qaybsatay nolol raaxo leh.

Nabi Ayuub oo xoolo badan Ilaahay siiyey sidoo kalena ubad badan la siiyey ayey Xaaskiisan Liyaa ay ahayd mid u adeegta daacada iyo raali ahaanshaha ninkeeda. Labadooduba waxay ku noolaayeen nolol barwaaqo oo aanay dareemin dhib ama wax ay kahdaan oo nacaan.

Markay mudo dhan todobaatan sanadood ay wada noolaayeen, ayaa mar kaliya waxa qoyskii ku habsatay masiibo ama imtixaan Rabaaniya, oo uu Allah doonay inuu ku ibtileeyo nabigiisii Ayuub iyo haweenadii nabi Ayuub ee Liyaa. Waxay waayeen xoolihii iyo ubadkiiba kadib markii ay dabayl dab wadatay ay ku dhufatay beertoodii.

Nabi Ayuub oo dhibtaas u dulqqatay oo Ilaahay ku kalsoon ayaa hadana isagii waxa asiibay cudur paralays ka dhigay, oo uu la fadhiistay. Nabi Ayuub wuxuu noqday bukaan jiif ay daashatay cudurkaas halista ahaa.

Haweenaydii Liyaa oo shalay ahayd gabadh boqorad ah oo lahayd xoolo badan, ubad badan, adoomo u adeega iyo sawjkeeda oo u caafimaad qaba ayaa mar qudha ay kusoo habsatay dhibtani. Odaygeedii ayaa dadkii ka yaaceen oo xitaa dadkii ehelkiika ahaa ayaa ka orday ayagoo dhahaya: “Ayuub, waxa loo ciqaabay waa danbiyo uu shaqaystay!”

Haweenaydii Liyaa way ku samirtay waxa dhib soo gaadhay ninkeedii, wayna la dadaashay odaygeedii intii ay awoodaysay. Waxay bilowday inay ka shaqayso guryaha dadka kale ayadoo jaariyad ah si ay usoo diyaariso cuntada iyo cabitaanka ninkeeda uu ucunayo.

Mudo ayaa kasoo wareegtay, nabi Ayuubna waa sidiisii oo kamuusoo raynin ee kaliya waxa u bad qaba labadiisa dibnood iyo carabkiisa oo uu ku xusayo magaca Allah. Maalintii danbe ayey Liyaa waydiisay nabi Ayuub: “Nabi Ilaahayoow, maxaad u baryi wayday Ilaahay? hakaa dul qaado dhibta kula soo darisataye. Nabi Ayuub wuxuu yidhi: Imisa sani ayeynu nicmo iyo barwaaqo ku jirnay? Waxay tidhi; Todobaatan sanadood. Wuxuu dhahay; todobaatan kale miyaanan u samrayn dhibta Ilaahay igu imtixaamay.

Liyaa, cimrigeedii ayaa waynaaday oo dadkii waxay u diideen inay ka shaqayso guryahooda, waxayna garan wayday qaab ay u keento cuntadii nabi Ayuub ilaahay raali haka ahaadee. Maalintii danbe ayey tidicday timaheedii oo ay goysay qayb kamid ah kadibna ka iibisay oo kusoo gaday cuntadii. NAbi Ayuubna wuxuu la yaabay meeshay ay ka keentay cuntada maadaama ay dadkii diideen inay shaqo galiyaan, hase ahaatee maalintii xigtay ayey sidii oo kale ay gaday qaybtii kale ee timaheedii kuna soo iibisay cuntadii. Nabi Ayuub wuu waydiiyey meesha ay ka keentay lacata? waxayna uga warrantay inay timaheedii iibisay. Halkaas ayuu nabi Ayuub ku baryay Ilaahay isagoo leh;” Rabiyoow, way i taabatay dhibtii” sidoo kale wuxuu ballan ku qaaday inuu boqol jeedala ku dhufto haweentiisa markuu bugsado, maadaama ay ku kacday falkan.

Xaaskiisii nabi Ayuub way baxday, kadibna waxyigii ayaa u yimid nabi Ayuub oo leh; ku garaac lugtaada dhulka, waxaana kasoo burqamay il biyo ah kadibna waxa la faray inuu ku qubaysto iyo inuu cabo, sidaasbaanu nabi Ayuub ku caafimaaday.

Xaaskii nabi Ayuub ee Liyaa ayaa soo noqotay waxayna la kulantay nin dhalinyaro ah oo qurxoon, markaasay waydiisay ninkii; ma ragtay nabigii la imtixaamat? Ayadoo is waydiinaysa, tolow ma bahal ayaa cunay!! Ninkii ayaa la hadlay oo yidhi; Aniga weeyey nabi Ayuub!! Liyaa, way yaabtay oo fajacday, kadibna waxay u mahad celisay Ilaahay.

Nabi Ayuub waxa Ilaahay usoo celiyey ubadkiisii iyo kuwo lamid ah, waxaana Ilaahay ku manaysaty xoolo badan iyo caafimaad wanaagsan. Waxaana aad u amaanay Ilaahay subxaanahu oo ku tilmaamay inuu ahaa nabi Ayuub mid aad u samray, wuxuu dhibkaas u samray 18 sanadood.

Dhanka kale waxa sharftaas la wadaagtay xaaskiisii Liyaa oo xitaa nadarkii uu nabi Ayuub galay ee ahaa inuu boqol jeedal waxa Ilaahay ugu badalay in nabi Ayuub uu hal jeedal ku dhufto xidhmo, sidaasna uu nadarkiisii ku oofiyo. Ilaahay ha u naxariisto haweenaydaas qaaliga ah ee Ilaahay iyo ninkeedii oo ahaa nabi Ilaahay soo diray adeecday, sidoo kalena ku samirtay dhibtii soo gaadhay.


Waxa diyaariyey: Sheekh Abdulaziz Sh. Mohamed Oogle