Tusmo

– Waa tuma Kalkaalisadii ugu horeysay ee Aduunka?

Kalkaalisadii ugu horeysay waqtigan casriga ah waxa la odhan jiray Florence Nightingale, waxay ahayd gabadh u dhalatay wadanka Igiriiska, kana qaybgashay dagaalkii Crimean War, oo dhacay inti u dhaxaysa 1853 dii ilaa 1956 dii. Nightingale waxay u adeegaysay ciidamada ayadoo u qabanaysay shaqada kalkaalisada caafimaadka ee ah in la daweeyo dadka ku dhaawacma dagaalka.

Hadaba ma ogtahay in 13 qarni kahor Nightingale intaanay bilaabin shaqadeeda kalkaalisnimo inay jiratay haweenay Saxaabiyad ah oo ahayd kalkaalisadii ugu horeysay ee Aduunka.

Haweenaydan saxaabiyada magaceedu waa Rufayda Al-aslamiyah, waxay xarun caafimaad ku lahayd masaajidka nabiga agtiisa, waxayna daweyn jirtay dadka buka iyo dhaawacaba. Shaqadeedaana waxay u qaban jirtay hab mutadawcnim ah (Voluntary) ayadoo uga faa’idaynaysa muslimiinta cilmigeeda iyo hantideedaba.

Saxaabiyadn Rufayda (I.R.H) waxa xaaladeeda ka waraysan jiray nabiga (scw), wuxuu ku odhan jiray markay waabariisato: Maxaad ku waabariisatay? Kolka ay galabaysatana wuxuu dhahi jiray: Maxaad ku galabaysatay?

Rufayda Ilaahay raali haka ahaadee waxa lagu xasuustaa qaabkii cajiibka ahayd ee ay uga qaybqqdatay daweyntii saxaabigii Sacad ibnu Mucaad oo dhaawac kasoo gaadhay gacanta. Nabigu (scw) wuxuu Sacad ibnu Mucaad dhigay cariishkii ama teendhadii Rufayda, ayadaana daryeelaysay Sacad.

– Maxay diintu ka qabtaa in gabadhu kalkaaliso noqoto?

Sida asalka ah haweenaydu waa inay joogto gurigeeda, laakiin hadii ay baahi keento waa loo ogolyahay haweenku inay shaqeeyaan ayagoo ilaalinaya axkaamta sharciga ah, sida inay sidato xijaabka, aanay la kali noqonayn rag ajnabiga ka ah, sidoo kalena waa in aan looga cabsanayn dhib kasoo gaadhaysa goobtaas ama meeshaa ay haweenaydaasi ka shaqaynayso.

Haweenayda muslimada ah way ka shaqayn kartaa cusbitaal, ayadoo noqon karta dhakhtarad, umuliso iyo kalkaalisaba, waxaana asalku yahay in haweenku ay daweeyaan dumarka, raguna ay daryeelaan raga.

Kumana banaana sharciga in ninku uu daweeyo haweenay aan maxramkiisa ahayn, sidoo kale haweenayda uma banaana inay daweyso nin ajnabi kah. Balse hadii ay baahi keento sida in ninkii dhakhtarka ahaa ee duri lahaa ruuxa buka in la waayo markaa wax dhib ah malaha in haweenaydu ay daweyso ninkii ama ninku daweeyo gabadhii.

Wuxuu yidhi Ibnu Baaz (I.R.H):

“الواجب أن تكون الطبيبات مختصات للنساء ، والأطباء مختصين للرجال إلا عند الضرورة القصوى إذا وجد مرض في الرجال ليس له طبيب رجل ، فهذا لا بأس به ، والله يقول : ( وقد فصل لكم ما حرم عليكم إلا ما اضطررتم إليه ) الأنعام / 119″. انتهى من رسالة ” فتاوى عاجلة لمنسوبي الصحة ” ص 29 .

“Waajibku waa in haweenka dhakhaatiirta ah ay ku takhasusaan dumarka, raga dhakhaatiirta ahna ay ku takhasusaan raga, marka laga reebo wixii ay daruuro adag keento. Hadii raga cudur laga helo oo aanu jirin nin dhakhtar ah, markaas wax dhib ah malaha. Allahna wuxuu leeyahay: (xaqiiqadu waa laydiin cadeeyey wuxuu idinka xarrimay, marka laga reebo wixii aad ku qasbanaataan) Ancaam/119”.

WD: Abdulazizi Mohamed Oogle


Xigasho: