Bismillah, qisadan waxay ka warramaysaa haweenay saxaabiyad ah oo magaceeda la dhaho Umu-shariik, waxa qalbigeeda ku dhacay Islaamnimada ayadoo joogta magaalada Makkah, kadibna waxay bilowday in dumarka reer Makkah ay ugu yeedho diinta Islaamka, markaas haween badan ayaa gacanteeda kusoo islaamay illamaayo arrinkeedii uu soo ifbaxay. Dabadeedna reer Makkah ayaa qabtay waxayna ku dhaheen: hadii aanan kugu ixtiraamayn qabiilkaaga waan ku dili lahayn, balse ayagaan kuu gaynaynaa.

Waxay tidhi Umu-shariik: waxay igu qaadeen hal aan heeryaysnayn, waxayna i gaajaysiiyeen mod dhan sadex casho ah, ayagoon biyo iyo cunto toona aan i siinin. kolka ay nastaan waxay ku hadsanjireen meel dhir ka baxday halka anigana inta lay xidhxidho lay fadhiisan jiray bacadka ama qorraxda. Maalintii danbe anigoo xidhxidhan ayaa waxa igu dhibcay biyo, markaasaan xage sare fiiriyey, mise waa waadaan biyo ku jiraan, waxa waadaantii la ii saaray afka, kolkaasbaan cabay biyo ka qabow barafka kana macaan malabka, hadana sare ayaa waadaantii loo qaaday, hadana mar kale ayaa biyihii la i cabsiiyey, markaan dhargay ayaa biyihii lagu shubay jidhkayga iyo maryahayga.

Qolyihii i waday markay soo kaceen ayey arkeen qoyaanka maryahayga, waxayna dhaheen: haa, intaa aad iska furtay xadhkaha ayaad soo cabtay biyahayaga oodna isku qoysay, markaasay Umu-shariik tidhi: maya, ee sidaas iyo sidaas ayaa dhacday.

Dabadeedna nimankii waxay isku sii daayeen xagii weelkooda ay biyaha ku wateen mise biyihii waa sidii ay kaga tageen. Markaasay nimankii waxay dhaheen: “Umu-shariikay hadii rabigaagu kugu waraabiyey halkaas aad joogto, markaa diintaada ayaa ka fiican diintayada” Nimankii sidaas ayey ku islaameen waxaya u hijroodeen magaalada Madiina, kadibna Umu-shariik waxay nafteeda u hibeysa nabi Muxamed (scw).


Tusmo

WD: Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho:

  • Al-isaabah fii macrifat ass-saxaabah, majalada 4aad bogga 100