Tusmo

Qeexid kooban:

Cabdilaahi ibnu Zubeyr wuxuu ahaa saxaabi geesiya, mujaahid ah, caabid ah, caalim ah, amiirkii mu’miniinta ee maamulayey dawladii islaamiga ahayd. Cabdilaahi ibnu Zubeyr cibaadadiisii badnayd waxa kamid ahayd:

  • Camru ibnu Diinaar wuxuu yidhi; Maan arkin cid cid ka salaad wanaagsan salaadii Cabdilaahi ibnu Zubeyr (I.R.H).
  • wuxuu ahaa mid habeenkii salaad u taagan, maalintiina sooma, loguna yeedhi jiray Shinbirta Masaajidka, joogida iyo nagaashihiisa masaajidka awgeed.
  • Mujaahid wuxuu yidhi; Ibnu Zubeyr kolkuu salaada isu taago waxa la moodi jiray sida qori.
  • Xilligii uu Cabdilaahi ibnu Zubeyr madaxda ahaa ayaa waxa yimid daad buuxiyey kacbadii, taas oo dadku ay dawaafi kari waayeen, hase ahaatee Cabdilaahi ayaa ku dawaafay Kacbadii isagoo dabaalanaya.
  • Waxa lasoo wariyaa in Cabdilaahi oo tukanaya ay abeeso kasoo dhcday saqafka sare oo ay beerka iskaga martay ilmo yar oo uu dhalay, kadibna dadkii ayaa qayliyey oo ilmihii ka badbaadiyey abeesadii, halka isaguna uu iska watay salaadiisii.

Nasbka iyo abtirsiinta Cabdilaahi:

Cabdilaahi hooyadii waa Asmaa bintu Abubakar, waa gabadhii yarayd ee wajahday Abujahal kolkuu raadinayey aabaheed Abubakar wuxuuna ku yidhi: ” Mee aabahaa?” Waxay tidhi: “Ma garanayo” dabadeedna dhirbaaxo ayuu wajiga kaga dhuftay, markaasbay tidhi; “Ma markaad ragii iska celin kari wayday ayaad kusoo hoos noqotay dumarkii”

Dhanka kale markay da’deedu ahayd boqol sanadood ayaa la dilay wiilkeedii Cabdilaahi, markaasy ninkii dilay ee Xajaaj ibnu Yuusuf ku tidhi; “Nabigu wuxuu noo sheegay in laba beenayaal ah ay kasoo bixi doonaan reer bani Tayim, kii koowaad waan aragnay oo waa Mukhtaar, kan kalena inaad adiga tahay shaki igagama jiro.

Cabdilaahi awoowgii hooyo waa Abubakar (I.R.H) saxaabigii ugu fadliga badnaa saxaabad Rasuulka, waana saaxiibkiisii godka la galay ee Allahna ku amaanay quraankiisa.

Cabdilaahi habaryartiina waa Caasha bintu Abubakar, gabadhii runta badnayd ee uu dhalay runbadanihii Abubakar, ahaydna hooyadii Mu’miniinta, xaaskii nabiga (scw).

Cabdilaahi abtiyaashiina waa Cabdilaahi iyo Cabdiraxmaan ibnu Abubakar oo ahaa rag magac ku leh saxaabada rasuulka dhexdooda.

Cabdilaahi aabihii waa Zubeyr ibnu Cawaam oo ahaa mid kamid ah tobankii saxaabi ee Jannada loogu bishaareeyey, waana xawaarigii rasuulka (scw).

Cabdilaahi ayeydii aabe waa Safiya bintu Cabdulmudalib, waa nabiga eedadi, waana haweenaydii geesiyada ahayd ee wacdaraha cajiibka ka gaysatay dagaalkii Axzaab. Duulaankaas nabigu wuxuu wajahay toban kun oo ahaa carabtii reer Qureesh iy carabtii reen bani Qadafaan, kadibna waxa si shirqool ah ballantii u jabiyey gaaladii Yahuuda ee reer bani Qureyda, dabadeedna waxay dooneen inay qafaashaan haweenka iyo caruurta muslimiinta, waxyna soo direen nin il ah, macnaha jaajuusa ama basaas ah oo soo fiiriya in qalcadan ay rag ku jiraan, kadibna ninkii waxa aragtay Safiya markaasay garatay inuu yahay Yahuudi basaas ah, markaasbay xidhatay dircigii dagaalka oo ayna qaadatay ul kadibna nnkii oo sii jeeda ayey madaxa kaga dhufatay dabadeedna intay dishay ninkii ayey madaxiisiina ku tuurtay meeshii Yahuuda, markaasbay isku dhaheen:”Qalcadan ragbaa ka buuxa”!! Safiya oo ayeydii ahaydna wuxuu ka bartay geesinimada iyo dhiiranaata.

Cabdilaahi ayeydii aabihii eedada u ahaydna waa Khadiija bintu Khuweylid oo ahayd marwadii koowaad ee nabiga (scw).

Dhalashadii Cabdilaahi:

Cabdilaahi wuxuu dhashay ayadoo hooyadii ay ku jirto safarkii hjrada, waxay Asma fooshii ku qabatay ayadoo joogta Quba, meeshii nabigu ka dhisay masaajidka Quba. Wiilkan Cabdilaahi markuu dhashay ayuu awoowgii Abubakar ayaa xanbaartay una geeyey saxaabadii RAsuulka, kadibna magaaladii waxa ka dhacay mudaharaad ay saxaabadu takbiiranayso, ayna leedahay, Alle ha hoojiyo Yahuuda. Sababta keentay mudaharaadkan wuxuu ahaa Yahuuda ayaa sheegatay in ay muslimiinta ka sixirtay inay wiil dhalaan, kadibna mudo sadex bilood ah wax wiil ah umuusan dhalan muslimiintii, ama mabuusan noolaanba, arrintaasina waxay keentay in dadkii ay qaar rumeystaanba, kadibna wiilkan ayaa noqday wiilkii ugu horeeyey ee dhashay dabadeedna mudaharaadkaas lagu muujinayo farxadiisa ayaa laga dhigay Madiina.

Abubakar wiilkii ayuu u keenay nabiga (scw), nabiguna wuxuu timir ayuu calaaliyey kadibna ilmihii yaraa ayuu afkiisa ama dhanxanaga u saaray, si ay unoqoto waxa ugu horeeya ee ilmahaas afkiisa galaa candhuuftii rasuulka (scw). Kadibna Abubakar ayaa ilmaha dhagihiisii ku aadaamay, wixii ugu horeeyey ee uu maqlayna wuxuu ahaa Aaadaanka.

Waxa la dhahaa ilmahan yar kolkuu hadalka bartay wuxuu ugu hor dhawaaqay waa erayga Seef, waxayna ka turjumaysaa ilmahaas mustaqbalka dhiiranaanta uu yeelan doono.’

Caasha ayaa walaasheed Asma ka dalbatay inay korsato Cabdilaahi, wuxuuna ahaa cida ay caasha ugu jeceshahay marka laga yimaado Nabiga iyo aabaheed Abubakar.

Siduu u eekaa Cabdilaahi:

Cabdilaahi wuxuu u eekaa awoowgii Abubkar, midabkiisu wuxuu ahaa cadaan ay casuus saarantahay, wuxuna ahaa nin dhuuban oo caato ah sidii awoowgii Abubakar, manuu dheerayn, wuxuuna lahaa gadh yar oo markuu lixdanka gaadhay ayuu dhamaystirmay gadhkiisu, midabka gadhkiisuna yahay jaale, wuxuu ahaa geesi, cilmi badan, aftahan ah oo ay sujuud madow ku taalo madaxiisa.

Wacdarhii Cabdilaahi aabihii ee Zubeyr:

Zubeyr wuxuu ka qayb galay dagaalkii Badar, waxaanu kamid ahaa saxaabadii wacdaraha cajiibka ah ka geysatay dagaalkaas, ayadoo dhaawac uu kasoo gaadhay dhabarkiisa, dhawaacaas oo meel godan ka sameeyey dhabarkiisa. Cabdilaahi oo yar ayaa gacantiisa galin jiray meeshaas.

Zubeyr waxa kale oo uu ka qaybgalay dagaalkii Uxud, oo lagu xasuusto inuu dilay ninkii saarnaa awrka ee sitay maryo xadiid ah, wuxuuna haystay seef dheer oo cidii usoo dhowaata uu ku dialyo, ninkaasi wuxuu galaaftay 9 qof oo saxaabo ah. Kadibna saxaabadii ay uga cabatay nabiga (scw), markaasuu yidhi; yaa ubaxaya ninkan? hadii kale anigaa ubaxaya. Dabadeedna Zubeyr ayaa u baxay oo intuu awrkii xaga danbe ka fuulay ayuu ninkii dhabarka kaga yimid, markaasuu ka tuuray awrkii oo ayagoo wada socda ayey dhulka kusoo dhaceen, dabadeedna mindi ayuu Zubeyr ku bireeyey ninkaasna.

Zubeyr waxa kale oo uu wacdaro ka gaystay dagaalkii Axzaab, halkaasna wuxuu ku dilay nin kamid ragii kasoo gudbay godkii Khandaqa, kadibna wuxuu ninkaasi doonay inuu ordo oo uu ku laabto safkii gaalada, hase ahaatee Zubeyr ayaa kadaba tagay oo garabka kaga dhuftay seef, seeftaas oo kala dhanbashay ninkii isaga iyo faraskiisiiba. Wuxuu leeyahay Cabdilaahi anigoo Shan jir ah ayaan arkay aabahay oo gaalkaas kala dhanbalaya!!

Dagaalkii Axzaab kadib, nabigu wuxuu ku duulay Yahuudii reer bani Qureydah ee dhagaqrta u maleegay muslimiinta, maalintaasna nabigu waa kii kulahaa Zubeyr “NAbi kastaba Xawaari ayuu leeyahay, anigana xawaarigaygy waa Zubeyr”.

Cabdilaahi iyo baycadii uu la galay nabiga:

Markuu Cabdilaahi ahaa da’diidu 7 jir ayuu shiriyey caruutii magaalada Madiina, wuxuun yidhi-; “Waynu aragnaa in ragii waaweynaa ay baycada la galayaan nabiga, ee maxaynu inagu ula gali waynay?” Kadibna waxa soo galay masaajidkii Cadbilaahi oo hogaaminaya mowjadaas caruurta, markaasuu ku yidhi nabiga, nala bayctam sida raga waaweyn aad ula bayctamootid. Kolkaasbaa nabigu furay gacantiisii oo dhahay fur gacantaada, wuuna la bayctamoobay, la heeshiiyey. Dabdeedna nabigu wuxuu ku dhahay wiilkan kalimadii waartay ee ahayd-: “هذا ابن أبيه” “kan waa wiilka aabihii” macanaha waxa looga jeedaa waa aabihii oo halkaas soo taagan.

Waxa kale oo lasoo arooriyaa in maalin nabigu istoobay, kadibna dhiigii toobista ayuu u dhiibay wiilkan Cabdilaahi oo uu ku dhahay, orod soo tuur dhiiga, dabadeedna intuu istaagay guriga dibadiisa ayuu fakaray xagaad ku tuurtaa dhiiga rasuulka, kadibna wuu cabay. Kolkuu cabay dhiigii ayuu nabiga kusoo noqday, markaasuu yidhi rasuulkii Ilaahayow, dhiigii waxaan ku tuuray meel aan cidina arkayn. Wuxuu dhahay nabigu (scw); miyaad cabtay? wuxuu yidhi; haa. Kolkaasbuu dhahay nabigu (scw): ……..

لا تمسك النار إلا تحلة القسم ، وويل لك من الناس ، وويل للناس منك

” Cadaabku kuma taabanayo, marka laga reebo dhaarta oofinteeda (marida jidka siraad), dadkana waad dhibtay, adigana dadku way dhibeen”.

Cabdilaahi wuxuu ku tabobaran jiray fardafuulnimada, sidoo kale cilmi ayuu ka qaadan jiray habaryartii Caasha iyo aabihii Zubeyr.

Dagaalkii Mu’tah iyi caruurtii Islaamka:

Dagaalkaas oo dhulka shaam ka dhacay, ayaa waxa ku shahiiday sadexdii hogaamiye ee kala danbeeyey waa Zayid ibnu Xaaritha, Jacfar ibnu Abudaalib, iyo Cabdilaahi ibnu Rawaaxa. Kadibna waxa gacan ku haynta ciidanka la wareegay Khaalid ibnu Alwaliid seeftii Ilaahay ee gacanta la’ayd, markaasuu ciidankii kasoo saaray geeri la hubo. Kolka ciidankii muslimiintu soo gaadheen magaalada Madiina, ayey caruurtii dhagxiyeen ayagoo leh “Yaa Furraar, waad soo baxsateen” xitaa haweenkii muslimaadka ayaa diiday in ragoodii albaabka ay soo galeen, illamaayo uu Rasuulku furdaamiyey oo uu ydhi: maysan soo baxsanin ee ani ayey ii yimaadeen.

Fatxu Makkah, iyo xajkii Cabdilaahi:

Dagaalkii Makkah lagu furtay wuxuu Cabdilaahi la socday aabihii iyo awoowgii Abubakar. Waxa kale oo uu ka faa’idaystay geesinimadii aabihii ee uu ku weeraray hogaamiyihii qabiilka reer bani Hawaazim waa Maalik ibnu Cawf, waxa kale oo uu ka qaybgalay xajkii nabiga oo uu arkay waajibaadka xajka sida loo guto.

Wiilkan Cabdilaahi waxa aad ugu ducayn jiray aabihii Zubeyr iyo habaryartii Caasha ilaahay raali haka ahaado dhamaantoodbee… La socoqaybaha kale.


Xigasho:

  • Siyar aclaam nubalaa, imaam Dahabi.
  • Albidaayah wa nihaayah, ibnu Kathiir.