Tusmo

Ducooyinka

Ducada markaad hurdadad ka kacdo:-

 الحَمْدُ لله الذِي أحْيَانا بَعْدَ مَا أمَاتَنَاوإلَيْهِ النَشُور

Mahad waxay u sugnaatay Eebe, Eebahaas oo i nooleeyay geeri kadib, xagiisaana laysoo bixin doono.

Ducada labiska:-

 الحَمْدُ لله الذِي كَساني هذا( الثوب ) ورَزَقَنِيه مِنْ غَيْرِ حَوْلٍ مِنّي ولا قُوةٍ

Mahad waxay u sugnaatay Eebaha ii labisay ( Maradan) ina arsaaqay xeelad iyo awood la’aan.

Ducada labiska maro cusub:-

اللَّهُمَّ لَكَ الحَمْدُ أَنْتَ كَسَوتَنِيه،أسْألك مِنْ خَيرِهِ وخَيْرَ ما صُنع لَهُ،وأعُوذُ بِكَ مِنْ شرِّه وشَرَّ ما صُنِعَ لَهُ

Mahad waxay u sugnaatay Eebaha ii labisay, waxaan ku waydiisanayaa khayrka (Marada) iyo khayrka laga sameeye, waxaanan kaa magan galayaa sharka (Marada) iyo ka laga sameeyey.

Ducada ruuxa gashanaya maro cusub:

 إلبِسْ جَدِيداً وعِشْ حميداً ومُتْ شهيداً

Gasho maro cusub, kuna noolow nolol la mahadiyey,dhimana adoo shahiida.

Ducada markaad dhigato Maryaha:-

سِتْرُ ما بَيْنَ أعْيُن الجِنِّ وَعَوْرَاتِ بَني آدَمَ إذا وَضَعَ أحدُهُمْ ثَوْبَهُ أنْ يقول بِسم الله

xijaabka u dhaxaysa indhaha Jinka iyo cawrada ibnu Aadamka markuu dhiganayo maryaha waxa weeye Bismillah.

Ducada markaad Musqusha galayso:-

بسم الله، اللهُمَّ إنّي أعُوذُ بِكَ مِنَ الخُبْثِ والخبائِثِ

Magaca Eebe ayaan ku bilaabaya, Eebow waxan kaa magan galayaa Shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhidig.

Ducada markaad Musqusha kasoo baxayso:-

غُفْرانَكَ

Eeboow ii danbi dhaaf.

Ducada waysada kahor:-

 بسم الله

Magaca Eebe ayaan ku bilaabaya.

Ducada waysada kadib:-

أشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له ، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله اللهم اجعلني من التوابين واجعلني من المتطهرين

Waxan qirayaa in Ilaah xaq lagu caabudaa jirin Ilaahay mooyaane, kaligii cidna lama shuraako ah,waxaan kaloo qirayaa in muhamed yahay adoonkii iyo rasuulkii Eebe, Eeboow iga yeel kuwa towbada badan igana yeel kuwa dahiran.

Ducada markaad guriga ka baxayso:-

بسم الله ، توكَّلْتُ على الله ، ولا حَوْلَ ولا قُوةَ إلا بالله اللهُمَ إني أعُوذُ بِكَ أن أَضِلَّ أوْ أُضَلَّ أَوْ أزِلَّ، أو أُزَلَّ، أوْ أظلِم أوْ أُظْلَم، أوْ أَجْهَلَ أوْ يُجْهَلَ عَلَيَّ  

Magaca Eebe ayaan ku bilaabayaa, waxaan talo saartay Eebe, Xeelad iyo awoodna ma jirto aan ta Eebe ahayn, Eeboow waxaan kaa magan galayaa inaan lumo, ama aan cid lumiyo, inaan danbaabo ama layga danbaajiyo, in lay dulmiyo ama aan wax dulmiyo, inaan jaahil noqdo ama layga jaahil noqdo.

 

Ducada markaad guriga soo galayso:-

بسم الله ولجنا ،وبسم الله خرجنا ، وعلى ربنا توكلنا ، ثم ليسلم على أهله

Magaca Eebe ayaan kusoo galay, kuna baxay, Eebana waan talo saaranay, kadibna ehelikiisa ayuu salaamayaa

Ducada markaad ku socoto masjidka:-

اللهم اجعل في قلبي نوراً ، وفي لساني نوراً ، وفي سمعي نوراً ، وفي بصري نوراً ، ومن فوقي نوراً ، ومن تحتي نوراً ، وعن يميني نوراً ، وعن شمالي نوراً ، ومن أمامي نوراً ، ومن خلفي نوراً  ، و اجعل في نفسي نوراً، وأعظم لي نوراً ، وعظم لي نوراً ، واجعل لي نوراً ، واجعلني نوراً ، اللهم أعطني نوراً ، واجعل في عصبي نوراً ، وفي لحمي نوراً ، وفي دمي نوراً ، وفي شعري نوراً ، وفي بشري نوراً

Eeboow ka yeel Nuur Qalbigayga, Carrabkayga, maqalkayga, aragayga, korkayga, hoostayda, dhanka midig, dhanka bidix, hortayda iyo gadaalba. Eeboow ka yeel Nuur naftayda, ina sii nuur, xubanahaygana ka yeel nuur, jirkaygana ka yeel nuur, dhiigayaygana ka yeel nuur, timahaygana ka yeel nuur, maqaarkaygana ka yeel nuur.

Ducada maraad galayso Masjidka:-

بسم الله ،والصلاة والسلام على رسول الله اللهم افتح لي أبواب رحمتك

Magaca Eebe ayaan ku bilaabay, Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato Nabiga Eebe, Eeboow ii fur albaabada raxmadaada.

Ducada markaad ka soo baxdo Masjidka:-

بسم الله والصلاة والسلام على رسول الله ،اللهم إني أسألك من فضلك، اللهم اعصمني من الشيطان الرجيم

Magaca Eebe ayaan ku bilaabay, Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato Nabiga Eebe, Eebow waxaan ku waydiisanayaa fadligaaga, Eeboow iga ilaali Shaydaanka.

Ducada waqtiga Aadanka:-

 يقول مثل ما يقول المؤذن إلا في “حي على الصلاة ، وحي على الفلاح” فيقول “لا حول ولا قوة إلا بالله

Mu’adinka ka daba dheh aadanka, marka laga reebo (حي على الصلاة ، وحي على الفلاح) waxaad odhanaysaa ”Laa xawla walaa quwata illaa billah”

Ducada Aadanka kadib:-

اللهم رب هذه الدعوة التامة ،والصلاة القائمة، آت محمداً الوسيلة والفضيلة، وأبعثه مقاماً محموداً الذي وعدته،

Eebaha iska leh dacwadan dhamayska tiran iyo salaadan taagan, sii Nabi Muhamed (wasiilo) boos janada iyo (fadiila) boos dheeraada, kana soo saar maqaamkii la mahadiyey ee aad ugu ballan qaaday.

Ducada furfurashada Salaada:-

اللهم باعد بيني وبين خطاياي كما باعدت بين المشرق والمغرب ، اللهم نقني من خطاياي كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس اللهم اغسلني من خطاياي بالماء والثلج والبرد

Eeboow kala fogee aniga iyo danbigayga sidii aad u kala fogaysay qorrax kasoo baxa iyo qorrax ka dhaca, Eeboow nadiifi danbigayga sida looga nadiifiyo marada cad waskhda, Eeboow ku dhaq danbigayga biyo, baraf iyo qabow.

Ducada Rukuucda:-

 سبحان ربي العظيم

Xumaan waxa ka nasahan Eebaha wayn.

Ducada markaad ka soo kacdo rukuucda:-

  سمع الله لمن حمده، ربنا ولك الحمد ، حمداً كثيراً طيباً مباركاً فيه

Eebe waa ka ajiibi cida u mahad celisa, Eeboow mahad adaa iska leh, mahadaasoo badan, wanaagsan, oo barakaysan.

Ducada Sujuuda:-

 سبحان ربي الأعلى

Xumaan waxa ka nasahan Eebaha koreeya.

Ducada fadhiga labada sujuudood u dhaxaysa:-

 اللهم اغفر لي ، وارحمني ،واهدني ، واجبرني،  وعافني،وارزقني ، وارفعني

Eeboow ii danbi dhaaf, iina naxariiso, ina hanuuni, ina taageer, ina caafi, ina arsaaq, kor ii qaad.

Ducada Sujuuda Quraanka:-

” سجد وجهي للذي خلقه ، وشق سمعه وبصره بحوله وقوته { فتبارك الله أحسن الخالقين }”

Wajigaygu waxa uu u sujuuday Eebihii Abuuray ee jeexay maqalka iyo aragtidaba, (Ilaahaybaa barako badan, ku wax abuurana ugu wanaag badan).

Ducada Atixiyaadka:-

التحيات لله ، والصلوات ، والطيبات ، السلام عليك أيها النبي ورحمة الله وبركاته ، السلام علينا وعلى عباد الله الصالحين ،أشهد أن لا إله إلا الله ، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله

Ilaahay ayaa iska leh salaamo, naxariiso iyo wanaagyaal, Nabad galyo korkaaga ha ahaato nabiganoow, sidoo kale naxariis iyo barakooyinka Eebe ha kuu sugnaato. Nabad galyo korkayaga ha ahaato iyo adoomada ilaahay ee wanaagsan, waxaan qirayaa in ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Ilaahay mooyee, waxaan kale oo qirayaa in Muhamed yahay adoonkii iyo rasuulkii Eebe.

Ducada Salliga Nabiga:-

اللهم صل على محمد وعلى آل محمد ، كما صليت على إبراهيم ، وعلى آل إبراهيم ، إنك حميد مجيد ، اللهم بارك على محمد وعلى آل محمد كما باركت على إبراهيم ، وعلى آل إبراهيم إنك حميد مجيد

Eeboow u naxariiso Muhamed iyo ehelkiisa, sidii aad ugu naxariisatay Ibraahim iyo ehelkiisa, Eeboow waxaad tahay mid la mahadiyo oo la wayneeyo. Eebow barakee Muhamed iyo ehelkiisa sidii aad u barakaysay Ibraahim iyo ehelkiisa. Eeboow waxad tahay mid la mahadiyo oo la wayneeyo.

Ducada salaamo naqsiga ka hor:-

اللهم إني أعوذ بك من عذاب القبر،ومن عذاب جهنم،ومن فتنة المحيا والممات ،ومن شر فتنة المسيح الدجال

Ilaahow waxaan kaa magan galay cadaabka qabriga, cadaabka Jahanama, fitnada nolosha iyo fitnada geerida, waxaan kale oo aan kaa magan galay sharka Masiix Dajaal.

اللهم إني ظلمت نفسي ظلماً كثيراً ، ولا يغفر الذنوب إلا أنت ، فاغفر لي مغفرة من عندك وارحمني إنك أنت الغفور الرحيم

Eebow naftayda waan ku gardarooday gardaro wayn, danbigana ma dhaafo adig mooyaane, Eebow ii danbidhaaf iina naxariiso adigu waxaad tahay ku danbidhaaf  iyo naxariis badane.

اللهم اغفر لي ما قدمت وما أخرت وما أسررت وما أعلنت وما أسرفت وما أنت أعلم به مني أنت المقدم وأنت المؤخر لا إله إلا أنت

Eeboow ii danbi dhaaf wixii aan hor marsaday iyo waxaan dib dhigtay iyo waxaan qarsady iyo waxaan muujistay, iyo waxaan ku xadgudbay iyo waxaad adigu igu ogtahay, adiga ayaa wax hor mariya, dibna wax u dhiga, Ilaah kale oo xaq lagu caabuna ma jiro.

اللهم أعني على ذكرك ، وشكرك وحسن عبادتك

Eeboow igu kaalmee dikrigaaga (inaan ku xuso) iyo inaan kuu mahad naqo iyo inaan cibaadadaada wanaajiyo.

Ducada Salaada kadib:-

أستغفر الله ” ثلاثاً ..”

Eeboow ii danbi dhaaf (sadex jeer ayaa la odhanaya)

اللهم أنت السلام ، ومنك السلام ، تباركت يا ذا الجلال والإكرام

Eeboow adiga ceeb oo dhan ka nabad galay, nabaduna xagaaga ayey ka timaada, waanad barako badan tahay Ilaaha waynaan iyo karaama oo dhan iska lehow.

لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ اللَّهُمَّ لَا مَانِعَ لِمَا أَعْطَيْتَ وَلَا مُعْطِيَ لِمَا مَنَعْتَ وَلَا يَنْفَعُ ذَا الْجَدِّ مِنْكَ الْجَدُّ

Ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Ilaahay mooye, waana kaligii, cidna lama wadaagto xukunka, mulkiga iyo mahadana isaga ayaa iska leh, wax kastana wuu awoodaa. Ilaahayoow cid diidi karaysaa ma jirto waxaad bixiso, waxaad diidayna cidi ma bixin karto, waxna ma tarayo qofka maalka leh xagaaga xoolihiisu.

سبحان الله ، والحمد لله ، والله أكبر

Sadex iyo sodon jeer ayaad odhanaysaa mid kasta. waxaanad boqol ku dhamaystiraysaa duxacadan:-

لا إله إلا الله وحده لا شريك له ، له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير

Ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Ilaahay mooye, waana kaligii, cidna lama wadaagto xukunka, mulkiga iyo mahadana isaga ayaa iska leh, wax kastana wuu awoodaa.

بسم الله الرحمن الرحيم { قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ*اللَّهُ الصَّمَدُ*لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ * وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُواً أَحَدٌ} بسم الله الرحمن الرحيم {قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ * مِن شَرِّ مَا خَلَقَ *وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ * وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ * وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ } بسم الله الرحمن الرحيم { قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ * مَلِكِ النَّاسِ * إِلَهِ النَّاسِ *مِن شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ * الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ * مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ } بعد كل صلاة مرة واحدة , وبعد صلاة المغرب والفجر ثلاث مرات

Sadexda suuradood ee Quraanka ugu danbeeya ayaad akhrinaysaa hal mar salaadaha Duhur, Casar iyo Cishe laakiin sadex jeer ayaad akhrin salaada Subax iyo salaad Maqrib.

{اللّهُ لاَ إِلَـهَ إِلاَّ هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ لاَ تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلاَ نَوْمٌ لَّهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الأَرْضِ مَن ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِنْدَهُ إِلاَّ بِإِذْنِهِ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلاَ يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِّنْ عِلْمِهِ إِلاَّ بِمَا شَاء وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضَ وَلاَ يَؤُودُهُ حِفْظُهُمَا وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ } عقب كل صلاة

Aayad kursiga ayaad akhrinaysaa salaad kasta.

Ducada Istikhaarada:-

إذا هم أحدكم بالأمر فليركع ركعتين من غير الفريضة ، ثم ليقل : اللهم إني أستخيرك بعلمك ، وأستقدرك بقدرتك ، وأسألك من فضلك العظيم فإنك تقدِرُ ولا أقدِرُ ، وتعلم ولا أعلم ، وأنت علام الغيوب ، اللهم إن كنت تعلم أن هذا الأمر -يسمي حاجته – خير لي في ديني ومعاشي وعاقبة أمري – أو قال : عاجلة وآجله – فاقدره لي ويسره لي ، ثم بارك لي فيه ، وإن كنت تعلم أن هذا الأمر شر لي في ديني ومعاشي وعاقبة أمري – أو قال : عاجله وآجله – فاصرفه عني واصرفني عنه ، واقدر لي الخير حيث كان ، ثم ارضني به

Hadii qofi hamiyo arin (xxajo) waa inuu tukadaa laba rakcadood oo suno ah, kadibna uu akhriyaa ducadan :- “Ilaahayoow khayr Ayaan ku waydiistay maadama aad cilmi leedahay, awoodna isiiso maadaama aad awood leedahay, waxan kale oo ku waydiisanayaa fadligaaga wayn, adigu waxwalba waad awoodaa waxkastan waad ogtahay. Ilaahayow hadaad garanayso in arinkaas – waxa uu magacaabayaa xaajadiisa- wanaag uleeyahay diintayda, noloshayda iyo cidhib danbeedkayga (Aduun iyo aakhiro) ii qorshee, iina fududee, kadibna ii barakee, balse hadaad garanayso in arinkaasi shar u yahay diintayda, noloshayda iyo cidhib danbeedkayga (Aduun iyo aakhiraba) iga leexi, animga i leexi iina qorsheen meesha khayr leh, kadibna igu qanci.

Ducooyinka Subaxa iyo Galabta:-

أعوذ بالله من الشيطان الرجيم { اللّهُ لاَ إِلَـهَ إِلاَّ هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ لاَ تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلاَ نَوْمٌ لَّهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الأَرْضِ مَن ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِنْدَهُ إِلاَّ بِإِذْنِهِ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلاَ يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِّنْ عِلْمِهِ إِلاَّ بِمَا شَاء وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضَ وَلاَ يَؤُودُهُ حِفْظُهُمَا وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ

Ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Ilaahay mooye, waana kaligii, cidna lama wadaagto xukunka, mulkiga iyo mahadana isaga ayaa iska leh, wax kastana wuu awoodaa. Ilaahayoow cid diidi karaysaa ma jirto waxaad bixiso, waxaad diidayna cidi ma bixin karto, waxna ma tarayo qofka maalka leh xagaaga xoolihiisu.

بسم الله الرحمن الرحيم { قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ*اللَّهُ الصَّمَدُ*لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ * وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُواً أَحَدٌ} بسم الله الرحمن الرحيم {قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ * مِن شَرِّ مَا خَلَقَ *وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ * وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ * وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ } بسم الله الرحمن الرحيم { قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ * مَلِكِ النَّاسِ * إِلَهِ النَّاسِ *مِن شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ * الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ * مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ } بعد كل صلاة مرة واحدة , وبعد صلاة المغرب والفجر ثلاث مرات

Sadexda suuradood ee Quraanka ugu danbeeya ayaad akhrinaysaa hal mar salaadaha Duhur, Casar iyo Cishe laakiin sadex jeer ayaad akhrin salaada Subax iyo salaad Maqrib.