Bismillaah, walaalayaal haweenaydan magaceeda la dhaho Al-Khansaa waxay ahayd gabadh ku caan baxday suugaanta baroordiiqda ah ee ay u tirisay aabaheed iyo walaaladeed Sakhar iyo Mucaawiya. Al-Khansaa oo u barooranaysay walaalkeed Sakhar afartan sanadood ayaa loo soo sheegay in afartii wiil ee ay dhashayna ku shahiideen duulaankii Qaadisiya, waxayna ku jawabtay: “Ilaahaybaa mahad iska leh igu sharfay dilkooda, anigoo rajaynaya in Rabi igula kulmiyo deegaanka naxariistiisa”!!

Tusmo

Magaceeda iyo Nasabkeeda:

Magaceedu waa Tamaadur bintu Camru ibnu Al-xaarith Al-sulami, naanaysteeduna waa Al-khansaa, sababta loogu bixiyeyna waxay ahayd sankeeda oo yaraa, sarena u qaadsanaa.

Islaamnimada kahor:

Al-khansaa, waxay kasoo jeedaa qoys carabta magac iyo sharaf ku dhex lahaa, waxayna ku barbaartay guri lagu majeerto geesinimada iyo deeqsinimadaba. Waxay la noolayd aabaheed, walaaladeed Sakhar iyo Mucaawiya, waxayna labada wiil ahaayeen kuwo naftood hurayaal ah sida ay ku sheegayso gabayada ay tiriso. Al-Khansaa waxa soo doonay nin madax u ahaa qabiilka reer Jushum waa Durayd ibnu Al-samtah, kadibna Al-khansaa way diiday ninkaas guurkiisa ayadoo ka doorbiday wiil ay ilmo adeer yihiin. Dabadeedna waxay guursatay inaadeerkeed Rawaaxa ibnu Cabdulcuza Al-sulami waxayna u dhashay hal wiil hase ahaatee ninka qaba ayey ku eedaysay inuu ahaa nin ku cayaara xoolaha, ugu danbeyna way kala tageen oo waxay guursatay nin kale oo ay ilmo adeer yihiin Murdaas ibnu Caamir al-sulami, ayadoo u dhashay afar wiil.

Al-Khansaa waxay ku caanbaxday gabayo suugaaneed oo baroor diiq ahaa oo ay u tiri jirtay labadeedii walaa Sakhar iyo Mucaawiya. Carabtii xilligaa noolayd aqoon badan ayey u lahaayeen haweenaydan Al-Khansaa. Tusaale ahaan markii Dagaalkii Badar uu dhacay waxa la dilay Cutbah, Shaybah iyo Waliid ibnu Cutbah oo sadexdaasba waxay isku qoys yihiin hinda bintu Cutbah, waliid walaalkeed ayuu ahaa, Cutabana aabaheed iyo Shaybah oo adeerkeed ahaa. Dabadeedna Hinda waxay u baroordiiqday musiibada soo gaadhay ayadoo la barbardhigtay dhibta soo gaadhay tii asiibtay Al-khanaa.

Islaamnimadii Al-khansaa:

Wuxuu sheegay Ibnu Cabdulbarri: Al-khansaa waxa la islaamtay qoomkeedii reer bani Suleym, waxaana la sheegaa inuu Nabigu (s.c.w) ka dalbay inay gabaydo oo uu la cajabay gabaydeedii. Al-khansaa waxay ahayd ruug cadaa soo gaadhay xilligii jaahiliga ee islaamka kahor iyo xilligu islaamku soo ifbaxayba, wayna islaamtay oo ay wanaagsanaatay islaamnimadeedu. [1]

Nuurka Islaamka:

Haweenydan oo la sheego inay walaalkeed u barooranaysay Afartan sanadood ayaa wajahday mowqif lamid ah kii ay hore ugu barooranaysay oo ahaa in hal mar  lawada dilay Afar wiil oo ay dhashay. Dadku waxay iswaydiinayaa, maxaa iska badalay Al-khansaa? Miyaanay ahayn gabadhii suugaanteedu ay caalamka carabta wada gaadhay? Dabcan isbadalkaas waxa sameeyey islaamka oo qalbigeeda galay, iyo fikradii hore ee ay ka haysatay dhimashada oo is badashay.

Waxa la sheegaa in Alk-Khansaa ay timid goobtii dagaalka ee duulaankii Qaadisiya ayadoo ay la socdaan afar wiil oo ay dhashay, waxayna ku tidhi habeenkii koowaad ee dagaalka: “Wiilashaydoow, waad islaamteen idinkoo adeecsan, soona hijrooteen idinkoo dookha lahaa, Ilaahbaan ku dhaartee aabe kaliya ayaad leedihiin, hooyo kali ahna waad leedihiin, ma khiyaamaynin aabihiin, manaan fadeexadayn abtigiin, manaan boodhayn nasabkiina, waadna ogthiin waxa Ilaahay u diyaariyey Muslimiinta ee abaal marin ah, ogaadana in daarta Aakhiro ka khayr badantahay ta Aduunyo:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اصْبِرُوا وَصَابِرُوا وَرَابِطُوا وَاتَّقُوا اللَّـهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ﴿٢٠٠

Kuwa (Xaqa) rumeeyow Samra oo isa samriyana kuna nagaada dhawridda (Xuduudda Islaaxa) kana Dhawrsada Allaaah waxaad mudantihiin inaad Liibaantaane. [Alcimraan:200]

Hadaad barri waabariisataan idinkoo nabadqaba wajaha gaalada ayadoo laydin arkayo, lana dagaalama madaxooda, waxaad helaysaan karaamo iyo qaniimada daarta danbeysa ee baaqiga ah. Afartii wiil way dagaalameen illamaayo ay ka geeriyoodeen Ilaahay ha unaxariistee [2]

Kolkii loo sheegay in afartii wiilba shahiideen ayey tidhi: Alxamdulilaah, ilaahbaa mahad iska leh igu karaameeyey geeridoodii, waxaanan rajaynaaa inaan kula kulmo daarta naxariista Allah. [3]


[1] Alkhansaa: http://library.islamweb.net/hadith/display_hbook.php?indexstartno=0&hflag=&pid=346249&bk_no=690&startno=0

[2] Alkansaa: http://library.islamweb.net/hadith/display_hbook.php?indexstartno=0&hflag=&pid=346249&bk_no=690&startno=1

[3] Alkhansaa: http://library.islamweb.net/hadith/display_hbook.php?indexstartno=0&hflag=&pid=346249&bk_no=690&startno=2