Tusmo

Qisadii Nabi Yasac

(Dhagayso ama Akhriso)

Nabi Yasac (N.N.K.H) waxa uu yimid Nabi Ilyaas kadib, waxaanu faafiyey manhajkii iyo diintii Nabi Ilyaas illamaayo uu ka geeriyoonayey, kadibna waxa la soo diray Nabi Dul-Kifli.

waxa la dhahaa Nabi Yasac waa wiilkii uu dhalay Nabi Ayuub (N.N.K.H).

6:86

“Ismaaeiil Alyasac, Yuunus, iyo Luudh, Dhammaana waxaad ka Fadilnay Caalamka”

Suurada Al-ancaam:86

Qisadii Nabi Dul-Kifli.

Nabi Dul-Kifli (N.N.K.H) waa mid ka mida nabiyada Eebe, waxaana loo diray qoomkiisa si uu ugu xukumo amarka Eebe iyo cadaalad, sidaa awgeed ayaa loogu bixiyey Dulkifli. macnaha magaciisana waa ruux kafaalo qaaday. waxa la dhahaa markii Nabi Yasac (N.N.K.H) da’diisu waynaatay ayuu doonay inuu xilka qoomkiisa ku wareejiyo Nin wanaagsan oo kasoo baxaya shardiyada lagu xidhayo. kadibna waxa uu kulmiyey dadkii waxaanu ku yidhi yaa iga damaanad qaaday sadex shardi oon ku wareejiyaa xilka qoomkayga. Sadexda shardi waa inaad soontaa maalin kasta, habeenkastana salaad u taagnaataa iyo waa inaanad caroon.

kadibna Nabi Dulkifli ayaa kacay kana damaanad qaaday shardiyadii, waxaana uu qaaday masuuliyadii qoomka.

Ibliis ayaa doonay inuu kaga xanaajiyo/caraysiiyo Nabigan, kadibna waxa uu iskaga soo dhigay oday duqa oo gaboobay waxaanu u yimid xilliga duhurka oo Nabi Dul-Kifli seexan jiray, markaasu ku yidhi waxaan ahay oday wayn oo la dulmiyey ee kaalay noo garnaqa, kadibna waxa uu dhahay Nabi Dulkifli sii bax waan kuu garniqiye, markuu Nabi Dul-kifli soo baxay ayuu waayey odaygii, waxaana seegtay hurdadii xilliga duhurnimo.

Maalintii labaad ayuu hadana odaygii soo noqday si uu uga mashquuliyo hurdada oo dabadeedna u xanaaqo, hadana Nabi Dul-Kifli waa usoo baxay waana la waayey odaygii.

Maalintii sadexaad ayuu Nabi Dul-kifli ku dhahay ehelkiisii hadii ay cid idiin timaado, yaanu soo gali albaabka guriga, kadibna Ibliis ayaa soo noqday oo waxa uu waydiiyey ehelkii Dulkifli, waxayna dhaheen ma ogola inay cidi soo booqato xilligan, sababtoo ah laba casho ma uusan seexan. Odaygii waa ka tagay oo waxa uu galay guriga dhexdiisa markaasuu albaabkii ka garaacay gudaha, Nabi Dulkiflina waxa uu waydiiyey ehelkiisii sida odaygan usoo galay guriga kadibna waxa uu fahmay inuu yahay Ibliis oo doonayey inuu ka xanaajiyo sidaa awgeed ayaa loogu magac daray Dulkifli sababtoo ah waxa uu oofiyey ballantii iyo shuruudihii uu qaaday.

38:48
“Xusuusana Nabi Ismaaciil, Alyasac iyo Dul kifli dhamaanna waxay ahaayeen kuwo wanaagsan.”
Suurada 38aad, Saad:48

Ilaahbaana oga wixii sax ah.