Barnaamijkan ka daawo Todobaadkasta hadii Alle ka dhigo barta internetka aan ku leenahay ee www.gaaldiid.com ama pagekeena Facebooka ee gaaldiid.com ama ka daawo barta Youtubka ee gaaldiid gaaldiid

Barnaamijka maanta wuxuu ku saabsanyahay 5 macluumaad oo ku saabsan kitaabka Quraanka Kariimka ah.

  • Ma ogtahay in Kitaabka Diiniga ah ee kaliya ee Dhulka korkeeda yaalaa ee aanay cidina badalin ama la xarifin inuu yahay Kitaabka Quraanka Kariimka ah. Masxafkii ugu horeeyey ee Khaliifkii Sadexaad ee Cusmaan ibnu Cafaan (I.R.H) wuxuu yaalaa matxafka Doob-Qaabi ee magaalada Istanbul Turkiga. Waxaana ballan qaaday Ilaahay oo ilaalinaya Kitaabka Quraanka Kariimka ah. Wxuu Allah ku leeyahay  sidan:

إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ ﴿٩

Annaka ayaa soo dajinay Quraanka annaka ayaana ilaalinayna (9) [(15) Al-Xijri:9]

  • Ma ogtahay in Kitaabka kaliya ee Dunida korkeeda yaala ee cariyey Jinka iyo Insaankaba inay la yimaadaan hal Suurad oo ah wax lamid ah inuu yahay Quraanka Kariimka ah. Waana Taxadiga ama Carinta cimrigeedu dhan yahay 1400 oo sananadood. Ruux kasta oo isku dayey inuu la yimaadaana waa ku fashilmay. Allahna wuxuu yidhi sidan:

وَإِن كُنتُمْ فِي رَيْبٍ مِّمَّا نَزَّلْنَا عَلَىٰ عَبْدِنَا فَأْتُوا بِسُورَةٍ مِّن مِّثْلِهِ وَادْعُوا شُهَدَاءَكُم مِّن دُونِ اللَّـهِ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ ﴿٢٣ فَإِن لَّمْ تَفْعَلُوا وَلَن تَفْعَلُوا فَاتَّقُوا النَّارَ الَّتِي وَقُودُهَا النَّاسُ وَالْحِجَارَةُ ۖ أُعِدَّتْ لِلْكَافِرِينَ ﴿٢٤

Hadii aad ka shakisantihiin waxaan kusoo dajinay Adoonkayaga (nabi Muxamed) la kaalay suurad wax lamid ah una yeedha markhaatiyadiin Ilaahay ka sokeeya hadaad run sheegaysaan (23) hadaydaan samaynayn mana samaynaysaan (abidkiine) ka cabsada Naarta oo shiidaalkeedu yahay Dadka iyo Dhagxaanta, una diyaarsan Gaalada (24) [(2) Albaqara:23-24]

  • Ma ogtahay in Kitaabka kaliya ee Dunida korkeeda yaala ee aayadihiisu aanay iska hor imanayn inuu yahay Kitaabka Quraanka Kariimka ah. Wuxuuna Allah ku dhahay Suurada Nisaa aayada 82 aad sidan:-

أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ الْقُرْآنَ ۚ وَلَوْ كَانَ مِنْ عِندِ غَيْرِ اللَّـهِ لَوَجَدُوا فِيهِ اخْتِلَافًا كَثِيرًا﴿٨٢

Miyeyna fiirfiirinayn Quraanka, haduu ka ahaaday (Quraanku) cid aan Ilaahay agtiisa ahayn waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa khaladaad badan (83) [(4) Nisaa: 83]

  • Ma ogtahay in Kitaabka Quraanka Kariimka ah ka koobanyahay 6236 aayadood (Qiraa’ada Xafsa), hadan inkabadan Kun aayadood waxay ka warramaan Cilmiga Sayniska iyo Tiknaloojiyada oo intooda badan la daah furay qarnigii 20 aad iyo qarnigan 21 aad. Wuxuu Allah ku leeyahay suurada Fussilat aayada 53 aad sidan:

سَنُرِيهِمْ آيَاتِنَا فِي الْآفَاقِ وَفِي أَنفُسِهِمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُ الْحَقُّ ۗ أَوَلَمْ يَكْفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ ﴿٥٣

Waxaan ka tusaynaa Aayadkayaga Jahooyinka iyo Nafahoodaba illamaayo ay ka cadaanayso inuu yahay xaq (quraanku), miyeyna ku filnayn Rabigaa inuu wax kasta markhaati ka yahay. (53) [(41) Fussilat:53]

  • Ma ogtahay in Kitaabka Quraanku yahay kitaabka kaliya ee Dunida korkeeda yaala ee xuruuftiisa iyo kalimadahiisu ku dhisanyihiin qaab xisaab ah inuu yahay Kitaabka Quraanka Kariimka. Wuxuu Allah yidhi sidan:

كِتَابٌ مَّرْقُومٌ ﴿٩

Kitaab Raqamaysan (calaamadaysan) (9) [(83)Mudafifun: 9]


Waxa soo diyaariyey soona gudbinaya Sheekh Abdulaziz Oogle.