1. Waa maxay xukunka haraga xoolaha dhintay in lagala baxo? Maxaase u daliila?

Haraga xooluha dhintay wuu banaanyahay, waxaana u daliila xadiiska uu warinayo ibnu Cabbaas in Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) uu helay Lax dhimatay aan siiyey Adoomadii Maymuuna oo sadaqo ahayd markaasu Nabigu (N.N.K.H) yidhi: Maxaad uga faa’idi waydeen Harageed? Waxay dhaheen: way bakhtiday. Wuxuu yidhi: Waxa la xarrimay Cunideeda.[1]

  1. Waa maxay xukunka xoolaha bakhtiyey? Waa imasa qaybood?

Maydadku waa laba qaybood, mid daahir iyo mid aan daahir ahayn. Ta koowaad ee daahirka ah waxa kamid ah Kalluunka, Ayaxa iwm.

Qeybta 2 aadna waa xoolaha sida Adhiga, Shinbiraha iyo wixii u baahan in la bireeyo. Balse Dhogortooda, Baalashooda, Haragoodu waa daahir halka inta soo hadhay tahay Najaas. Sida Allah uu dhahay: {وَمِنْ أَصْوَافِهَا وَأَوْبَارِهَا وَأَشْعَارِهَا أَثَاثًا وَمَتَاعًا إِلَى حِينٍ}.

  1. Waa maxay xukunka qeybta Hilibka ah ee laga gooyo xoolaha ayadoo nool?

Wixii laga jaro xoolaha ayagoo nool waa mayd sida laga wariyey Nabiga (N.N.K.H): Wixii laga jaro xoolaha ayadoo nool waa mayd. [2]


[1] Bukhaari (1421)

[2] Waxa soo saaray Abudaa’uud iyo Tirmadi.