1. Waa maxay is daahirintu? Maxaase looga hor mariyaa axkaamta kale?

Is daahirintu waa is nadaafadin ama in layska dhaqo usgaga ayadoo la isticmaalayo labada wax nadiifiya (Biyaha iyo Ciida). Waxaana looga hormariyaa axkaamta kale sababtoo waxay shardi u tahay Salaada taasoo ah tiirka labaad ee Islaamka.

  1. Maxaa u daliila?

Waxa daliil u ah xadiis laga wariyo Cali ibnu Abudaalib (I.R.H) oo uu ka warinayo Nabiga (N.N.K.H) oo yidhi: Furaha Salaadu waa is daahirinta, waxaana lagu xirtaa Salaada Takbiirta (Allahuakbar), waxaana lagu dhameeya Salaamo naqsiga.[1]

  1. Waa maxay Biyaha laysku daahiriyo? Maxaana u daliila daahirnimadooda?

Waxa isagu daahirka ah ayaa wax nadiifiya, wuxuu Allah dhahay: (وَأَنزَلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً طَهُوراً) (waxaan idiin soo dajinay Biyo daahir ah)[2] Sidoo kale Abuhurayra waxa laga wariyey inuu Nabiga biyaha Badda ka yidhi: ( هُوَ اَلطُّهُورُ مَاؤُهُ، اَلْحِلُّ مَيْتَتُهُ) (waa daahir biyaheedu, waana xalaala maydkeedu)[3]

  1. Maxaa nijaaseeya Biyaha daahirka ah?

Biyuhu waxay nijaas noqdaan kolka ay isbdadlaan midabkoodu, dhadhankoodu ama urtooduba. Waxaana u dalilla xadiiska laga warinayo Abu-umaama Albaahili, wuxuu yidhi; Rasuulkii Ilaahay wuxuu dhahay: (الْمَاءُ لا يُنَجِّسُهُ شَيْءٌ إِلا مَا غَلَبَ عَلَى رِيحِهِ وَطَعْمِهِ وَلَوْنِهِ) (Biyuhu ma nijaasoobaan illaa ay isbadalaan urtoodu, dhadhankoodu iyo midabkoodu).[4] Waxayna Culumadu isku waafaqeen in Biyaha badan iyo Biyaha yarba hadii wasakh ku dhacdo oo ay badasho midabkooda, urtooda iyo dhadhankeedab inay nijaasoobayaan.

  1. Maxaa nadiifinaya Biyaha nijaasta ah?

Biyuhu inay iskood isu badalaan ama laga saaro waxa nijaaseynaya oo Biyuhu soo hadheen ayagoon is badalin, ama in lagu daro Biyo kale oo dheeraad ah kuwaas oo u badala Biyo Nadiifa.

Allahu aclam, Sallaa calyhillaahu Muxamed.


[1] Waxa soo saaray Tirmadi (3)

[2] Furqaan: 48.

[3] Waxa soo saaray Tirmadi, Abudaa’uud iyo Nisaa’iba.

[4] Waxa soo saary ibnu Maajah.