(1) Waamaxay Xukunka soonta Ramadaan?

Xukunka soonku waa waajib faral ah waxaana u daliil ah aayaadka Quraanka ee uu Ilaahay inoogu tilmaamayo,

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ }

{Kuwa xaqa rumeeyayoow waxa laydinku waajibiyey Soonka sidii loogu waajibiyey umadihii idinka horeeyey inaad ka dhowrsataan Rabbigiin}

Sidoo kale Nabigu (N.N.K.H) wuxuu dhahay: Islaamka waxa lagu kor dhisay shan (Tiir): Qirida in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Ilaahay mooyee, Muxamadna yahay Rasuulkiisa, Salaada oo la oogo, Sakada oo la bixiyo, Xajka (oo la tago) iyo in Ramadaan la soomo. Waxa kale oo uu dhahay Nabigu: (Hadaad aragtaan sooma). Muslimiintuna waxay ku kulmeen in Soontu tahay faral, uuna yahay mid kamid ah tiirarka Islaamka, cidii dafirta faralnimadiisana ay gaaloobayso, marka laga reebo cida ku barbaartay wadan shisheeye oo aan garanaynin  axkaamta Islaamka, isagana waa loo sheegayaa, marka lagu xujeeyo ee loo sheego haduu diido wuu gaaloobayaa, cida uga tagta caajisnimo ama wahsina wuxuu ku sugan yahay halis, culumada qaarna waxay u arkaan inuu yahay gaal ridoobay hase ahaatee waa danbiile faasiq ah oo halis ku dul sugan.

(2) Ma gaaloobayaa cida soonta uga tagta wahsi iyo caajisnimo sida qofka ka tagay salaada oo kale?

Cida soonka uga tagta wahsi iyo caajisnimo ma gaaloobayo, sababtuna waxa weeye ruuxu muslim ayuu yahay illamaayo laga helayo daliil tilmaamaya inuu ka baxay Islaamnimada, mana jiro daliil tilmaamaya in cida soonta uga tagtay caajisnimo ama wahsi uu yahay gaal. Dhanka kale cida salaada cayaar uga tagta inuu gaalyahay waxa kusoo arooray daliil Quraanka ah, sunnada Rasuulka iyo hadalkii saxaabada Ilaahay raali haka ahaadee. Wuxuu dhahay Cabdillaahi ibnu Shaqiiq: (Waxay ahaayee saxaabadii Rasuulku kuwo aan u arkayn gaalnimo hadii qofku camal uu ka tago marka laga reebo salaada) hase ahaatee ruuxa soonka ka tagay isagoo ay ka tahay wahsi iyo caajisnimo waa in loogu nasteexeeyo inuu soomo haduuse diido waa in la ganaaxo illamaayo intuu ka soomayo.

(3) Waa maxay tiirarka Soontu?

Tiirarka soontu waa hal mid oo ah; in Ilaahay lagu caabudo katagida laga tagayo waxa soonta jabiya laga bilaabo marka waagu dillaaco illamaayo ay Qoraxdu ka dhacayso. Waabarigana waxa loojeedaa Oogta danbe maaha Oogta hore, Oogta danbena waxay kaga duwantahay Oogta hore sadex arrimood:

  1. Oogta danbe waxay ku fidsantahay cirka halka Oogta hore ay tahay mid laydi ah oo ku fidsan bari Illaa galbeed balse Oogta danbe waxay ku fidsantahay waqooyi illaa koonfur.
  2. Oogta danbe mugdi kama danbeeyo ee waxa sii koraya iftiinka illaa Cadceedu kasoo baxdo, halka Oogta hore ay madawdahay isagoo leh shucaac ama falaadho.
  3. Oogta danbe waxay cadaantiisu ku xidhiidhsantahay Cirka, halka Oogta hore mugdi u dhaxeeyo isaga iyo Cirka. Oogta danbe ayaana Salaada subax iyo soonkuba waajibaan.

(4) Waa maxay xikmada loo waajibiyey Soonka?

Waynu garanaynaa xikmada loo waajibiyey soonta waa in Ilaahay lagu caabudo lagana dhawrsado, dhawrsaniduna waa inaad ka tagto waxa la xarimay, waxayna si guud u koobsanaysaa in lala yimaado waxa lagu faray iyo inaad ka tagto waxa lagaa reebay, wuxuuna dhahay Nabigu (N.N.K.H): (Ruuxaan ka tagin hadalka beenta ah <<xun>> iyo ku dhaqankeeda, Ilaahay dan kama laha inuu ka tago cunadiisa iyo cabidiisaba) Sidaa darteed waxa ku waajiba ruuxa sooman inuu ku kaco waxa la faray kana tago waxa laga reebay oo ah hadal iyo ficilba, waa inaanu dadka xamanin, beena ka sheegin, uuna cidna isku dirin sidoo kalena aanu wax xaaraan ah uusan iibinin waana inuu ka fogaado dhammaan waxa xaaraanta ah, haduu qofku sidaas uu sameeyo bil dhan, naftiisu way toosnaanaysaa sanadka oo dhan. Hase ahaatee waxa wax laga xumaado ah in Dad badan aanay kala duwanayn markuu soomanyahay iyo markuu afursanyahay, waxay ku dul suganyihiin dhaqankoodii ahaa inaanay camal san qabanin mid xuna ka dhawrsanin, mana la dareemayo inay ilaalinayaan soonta, arrimaahaasina soonta ma jabiyaan laakiin way yareeyaan xaga ajarka, waxaana laga yaabaa in hadii lays barbardhigo in camalka xun uu bato oo uu waayo ajarkiiba (abaal marinta fiican).

(5) Goormaa la soomaa Ramadaan?

Waxa Ramadaan la soomaa marka la arko bisha Ramadaan oo bilatay ama bisha Shacbaan oo 30 maalmood ku dhamaatay. Waxaana u daliila xadiiska Nabiga ee uu leeyahay; {Markaad aragtaan sooma, markaad aragtaana afura, haduu idinka daboolmana (arki waydaan) waxaad dhamaystirtaan bisha Shacbaan 30.}

(6) Ma laysku tiirin karaa Dayax gacmeed si loo arko bisha Ramadaan? Ma banaan tahay in la adeegsado waxa loo yaqaan (Dardiil) oo ah soo dhoweeyaha si loo arko bisha Ramadaan?

Ma banaana in laysku tiiriyo Dayax gacmeedka hadii aan bisha la arkin, balse hadii la arko bisha haba la adeegsado Dayax gacmeed way sugmaysaa aragtidaasi sida ku cad xadiiska Nabiga (Markaad aragtaan sooma, markaad aragtaana afura). Sidoo kale hadii la adeegsado soo dhoweeyaha wax dhib ah malaha, dadkuna waagii hore way adeegsan jireen, aragtidaas soo dhoweeyuhuna wuxuu soo galayaa macnaha xadiiska Nabiga (Markaad aragtaan sooma, markaad aragtaana Afura).

(7) Miyey ka sugnaatay Nabiga (N.N.K.H) duco gaar ah oo uu akhriyo cida aragta bisha dhalatay?

Haa, wuxuu dhahayaa: { اللهم أهله علينا بالأمن والإيمان والسلامة والإسلام ربي وربك الله هلال رشد وخير} {Ilaahayoow! Bishu hanoogu dhalato amaan, iimaan, nabadgalyo iyo Islaamnimo, Rabigay iyo Rabigaa waa Ilaahay, Bil hanuun iyo khayreed} Waxa kusoo arooray ducadan laba xadiis walow saxiixnimadooda ay culamdo ka hadlaan. Sida markaa ka muuqata xadiiska waxa ducadan la akhrinayaa kolka la arko bisha laakiin cida maqashay ee aan arkin looma sharciyayn inuu ku ducaysto.

(8) Soonta bisha Ramadaan ma waxaan la soomnaa Sacuudiga? Mise Wadanka aan daganahay ayaan la soomnaa? 

Culumado way isku khilaafeen hadii bisha laga arko wadan Muslim ah miyey wadamada kale ee aan arkin bisha ku waajibaysaa soontu mise kuma waajibayso? Sida loo badanyahay waxa khilaafkaas loo celinayaa Culumada. Hadii labada Wadanba laga wada arkay dhalashada bisha way midoobayaan sida hal dal oo kaliya balse haday labada wadan is khilaafaan midkastaba ayagaa iskood isku xukumaya, waana siduu doortay Shiikha Islaamka Ibnu Taymiyah (I.R.H), waaana sida ka muuqata Kitaabka, Sunnada iyo Qiyaastaba.

{فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ ۖ} {Ruuxiise xaadira (jooga) ha soomo} Sida laga fahmayo Aayadan cidii aan joogin kuma waajibayso soontu. Sidoo kale Nabiguna wuxuu dhahay: (‏إذا رأيتموه فصوموا، وإذا رأيتموه فأفطروا‏) (Markaad aragtaan sooma, markaad aragtaana afura) Waxaynu xadiiskana ka fahmaynaa in hadii aynaan arkin aanay soonku waajibayn.. Qiyaastuna waxay inoo tilmaamaysaa in la soomo ama la afuro waxa loo tiirinyaa wadan kastaba kaligii ayadoo la cuskanayo Qorax soobaxa iyo Qorax dhaca, Tusaale ahaan dadka dagan wadamada Bari way kahor soomaan kana hor afuraan dadka dagan Galbeedka dunida, sidoo kale Cadceedu waxay kusoo hor baxdaa wadamada Bariga. Hadii markaaba ay kala horeeyaan xaga soonta maalinta iyo afurtaba sidaas oo kale ayey u kala horeynayaan soonka Ramadaan iyo afurtaba. Laakiin hadii labada dagmo ama labada magaalo ay isku dal yihiin sidoo kalena ay isku khilaafeen xilliga la soomayo ama la afurayo waa in Madaxda iyo Culumada loo celiyo si khilaafka meesha looga saaro. Sidaa darteed waxa lala soomayaa wadankaad joogtid lana afuraysa. Waxaana lamid ah soonta maalinta Carafo.

(9) Waa maxay xukunka cida ku soontay Wadan Muslim ah kadibna u safarta wadan kale oo Muslim ah ayadoon bishii laga arkin oo soomay in kabadan 30 casho? Ama cida ka safartay Wadan aan Ramadaan usoo galin oo tagta Wadan laga sooman yahay?

Hadii Qofku ka safro Balad Muslim oo uu tago Wadan Muslim ah oo kale oo aan wali laga afurin wuxuu ahaanayaa mid sooman oo la afura wadanka uu tagay, sababtoo ah soonku waa maalin ay dadku soomaan, maalinta ciida Al-adxahuna waa maalinta dadku ay ka ciidayaan baladkaas, waa sidaas xitaa hadii ay maalin dheeraad ay noqoto macnaha xitaa hadii uu soomo wax kabadan 30 casho. Waxa lamid hadii Ruuxu u safro wadan aanay wali Qorraxdii dhicin wuxuu ahaanayaa mid sooman xitaa dhawr saacadood dheeraad ha noqdaane sababtuna waxa weeye Wadanka aad u safartay lagama arkin bisha, nabiguna wuxuu ina faray inaynaan soomin oo afurin illamaayo aynu ka aragno bisha. {‏صوموا لرؤيته، وأفطروا لرؤيته} {Ku sooma aragtidiisa, kuna afura argtidiisa}

Cidiise u safarta wadan laga soomanyahay oo bishii laga arkay wuu la soomayaa, waxaanu soo qallaynayaa wixii ka tagay. Hadii ay ka tagtay hal maalin wuxuu soo qallaynayaa hal maalin sidoo kale haday ka tagtay wax hal maalin ka badan wuxuu soo qallaynayaa maalmihii ka tagay. Wuxuu soomayaa laba casho haduu Wadankaa ku soomay 28 casho waa hadii ay bishu ku dhamaatay 30 casho balse hadii ay bishu ku dhamaato 29 casho ama labada wadan midkood ay bishu ku dhamaatay 29 casho wuxuu soomayaa hal maalin kaliya.

Hadaadse u safartay Wadan gaaleed ood ku aragto bisha waad soomaysaa, hadaadse aanad arkin bishii waxaad u celinaysaa soonkaaga meeshii aad katimid.

(10) Soontu yay ku waajibtaa?

Soontu waxay ku waajibtaa qof kasta oo Muslim ah, Qaangaadh ah, Garaad leh, Awooda, Deegaan ah kana madhan waxa manciya soonta. Ruuxa lixdaa sifo laga helo ayey Soontu waajib ku tahay.

  1. Ruuxu waa inuu Muslim yahay sababtoo ah gaalka lagama aqbalayo haduu soomo balse haduu soo Muslimo looma haysanayo cibaadooyinkii uu katagay, waxa daliil u ah inaan gaal waxba laga aqbalayn aayadan; { وَمَا مَنَعَهُمْ أَن تُقْبَلَ مِنْهُمْ نَفَقَاتُهُمْ إِلَّا أَنَّهُمْ كَفَرُوا بِاللَّـهِ وَبِرَسُولِهِ } {Waxa diiday in laga aqbalo sadaqadooda maxaa yeelay waxay ka gaaloobeen Ilaahay iyo Rasuulkiisa..} Kumana waajibayso inuu soo gudo wixii katagay haduu gaalku Islaamo waxaana u daliila aayadan; {قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوا إِن يَنتَهُوا يُغْفَرْ لَهُم مَّا قَدْ سَلَفَ} {Ku dheh kuw gaaloobay haday ka reebtoomaan gaalnimada waxa loo dhaafi wixii hor maray}. Laakiin haduu ku dhinto gaalnimo waxa lagu ciqaabayaa tagida uu ka tagay cibaadooyinka waxaana u daliila aayadan; {مَا سَلَكَكُمْ فِي سَقَرَ ﴿٤٢ قَالُوا لَمْ نَكُ مِنَ الْمُصَلِّينَ ﴿٤٣ وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ الْمِسْكِينَ ﴿٤٤﴾} {Maxaa idin galiyey naarta Saqara (42) Waxay ku jawaabi kamaanan ahayn kuwa Tukada (43) Kamanaan ahayn kuwa quudiya Masaakiinta(44)} Sidaa daraadeed tagida ay ka tageen Salaada iyo Sakada iyo Cibaadooyinka ayaa keenay oo sababay in la caddibo maalinta qayaame. Haduu ruux gaal ahaa Islaamo kuma waajibayso inuu qalleeyo maalmihii soonka katagay, hadii uu Islaamo Shan iyo tobanka Ramadaan masoo qallaynayo 14 ka maalmood ee tagay. 
  2. Ruuxu waa inuu garaad leeyahay maxaa yeelay qofka aan caqli lahayn sida xanuunka waalida ama qof ku dhashay jirro caqligu aanu koraynin laguma laha soon iyo salaad toona.
  3. Ruuxu waa inuu qaan gaar yahay, waxaana lagu qaan gaadhaa 3 arrimoo iyo mid u dheer dumarka, waxayna kala yihiin: Waa inuu buuxiyo sanadka Shan iyo Toban sano ama Waa in timo kasoo baxaan inta u dhaxaysa cawrada iyo xundurta ama waa in ay biyo yimaadaan riyo ama soo jeed labadoodaba, waxa kale oo gabadha u dheer in ay hesho dhiiga caadada <Xaydka>. Sidaa awgeed qofku wuxuu ku qaangaadhaa arrimahaas kor ku xusan xitaa waa hadii aanu buuxinin da’da shan iyo toban sano, dumarka qaarna waxay dhiiga xaydka helaan 15 sano kahor kolkaa waxa ku waajibaya soonka iyo cibaadooyinka kale oo dhan.
  4. Ruuxu waa inuu awood u leeyahay inuu soomo, cidii aan awood u lahayn inay soonto waa laba Nooc: (a) In awood darradaasi ay tahay mid joogto ah sida; Ruuxu gaboobay oo waayeel ah ama qof xanuusanaya oo aan la rajaynayn inuu xanuunka ka bugsado, kolkaas ruuxaas aan awooda u lahayn inuu soomo waa inuu miskiin quudiyaa maalin kasta, hadii bishu tahay 30 maalmood wuxuu quudinayaa 30 miskiin hadayse tahay 29 maalmood wuxuu quudinayaa 29 miskiin. Quudinta miskiinkuna waa laba qeyboood; Qeybta koowaad waxa weeye inuu bixiyo tusaale ahaan Bariis ama gallay qaydhin oo aan la karinin kolkaa waxa lagu miisaamaya Rubuc saac (Miisaankii Nabiga) oo u dhigma miisaanka maanta Laba kiilo iyo Afartan garaam 2,40Kg. Miisaankii Nabiguna wuxuu quudin jiray Afar qof , waxaana wanaagsan in cuntada aad bixinayso aad ku darto iidaan maadaama ay qaydhintahay oo aanay karsanayn. Qeybta Labaadna waxa weeye; inaad kariso cunto ku filan 30 miskiin bishaas, hadayse bishu ku dhamaato 29 maalmoodna waa inaad u kariso bishaas cunto ku filan 29 miskiin. (b) Nooca labaad ee aan awooda u lahayn inuu soomo waa sida qof laga rajo qabo inuu xanuunka ka kacayo, kaas waxaynu leenahay waa inaad soo qallaysaa maalmihii kaa tagay.
  5. Ruuxu waa inuu deegaan yahay oo aanu safar ahayn, haduu safar yahay wuu afuri kara sida ku cad aayadan: {فَمَن كَانَ مِنكُم مَّرِيضًا أَوْ عَلَىٰ سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ ۚ } {Ruuxii kale ee idin kamidka ah ee buka ama safar ah waxaa korkiisa ah inuu soomo ayaamo kale} Waxaana ruuxaa Musaafirka ah u wanaagsan inuu soomaanaado haduu awoodayo. Laakiin hadii aanu awoodayn waa inuu afuro oo uuna qalleeyo maalmaha ka tagay.
  6. Qodobka lixaad waxa weeye inuu ruuxu ka madhan yahay waxyaalaha diida soonka, wuxuuna qodobkan gaar u yahay haweenka. Soonku waajib ayuu ku yahay haweenka hadii aanay ahayn mid heshay dhiiga caadada <xaydka> ama Nifaaska, haday hesho dhiiga xaydka ama nifaaska kuma waajibayo soonku ee way soo celinaysaa maalmihii lagu lahaa oo way qallaynaysaa siduu dhahay Nabigu: (أليست إذا حاضت لم تصل ولم تصم) (Haday Xaydo miyey tukataa ama soontaa) Macnaha hadii haweenaydu ay hesho xayd ma soomayso ee way soo gudaysaa ayaamaha ka tagay sida qofka bukay ee xanuunka ka bugsaday.
  • Waxaana u baahan laba arrimood in la baraarujiyo: Waa mid koowaad oo ah in haweenka qaar ay  daahirto (xayd ama nifaas ka daahirto) habeenka oo ayna ogtahay inay daahirtay laakiin aanay soomin ayadoo filaysa in hadii aan la qubaysanin aanay soontu ku waaibayn sidaas maaha ee hadii ay habeenka daahir noqoto oo xitaa aanay qubaysan waa ku waajibayaa soonku, soonteeduna way sugnaanaysaa xitaa hadii aanay qubaysanin marka laga reebo qorraxda oo soo baxdo mooyee.
  • Haweenka qaarna ayagoo sooman oo qorraxdii dhacday oo ay afurtay balse aanay salaadii Maqrib tukan ayey heshaa Caadadii markaa qaarbaa dhaha; Soontii umaysan ansixin balse sidaas maahee soonteedu waa caadi oo waa saxiix .

Lixdaa sifo ee aan kor kusoo sheegnay hadii qofka laga helo waxa ku waajiba soonta bisha Ramadaan, umana haboona inuu afuro illamaayo xilligeeda laga gaadho.

(11) Candhuuftu miyey jabisaa Soonta?

Candhuuftu ma jabiso Soonta hadii la liqo.

(12) Xaakada oo la liqo  miyey Jabisaa Soonta?

Hadii Ruuxu uu liqo Xaako isagoo Sooman waxa jira laba Qawl (xukun) oo kala ah:-

(a) Culumada qaar ayaa tidhi; Xaakadu way jabinaysaa Soonta sida Cuntada iyo Cabitaanka.

(b) Kuwo kalena waxay dhaheen: Ma jabinayso ee waxay qaadanaysaa xukunka Candhuufta oo kale. Hadayba Culumadau wax isku khilaafaana waxa loo noqonayaa Kitaabka iyo Sunnada Nabiga, Asalna waxa ah in xaakadu Soontiisa waxba yeelayn sida Candhuufta oo kale. Waxaana Muhiim ah in aan Candhuufta iyo Xaakadaba lasoo jiidin oo aan la keenin Afka, hadayba dhacdana waa in la tufaa. 

(13) Waa maxay xukunka Cadayga iyo is qurxinta qofka Sooman?

Run ahaantii Cadyga iyo is Qurxinta qofka sooman waa Sunne maalintii iyo habeenkiiba, waxaanu guud ahaan soo gudo galayaa xadiiska Nabiga ee ah;

{السواك مطهرة للفم، مرضاة للرب‏‏}

(Cadaygu waa nadiifiyaha Afka iyo raali galinta Rabbiga).

Iyo sidoo kale Xadiiskii kale ee Nabiga (‏لولا أن أشق على أمتي لأمرتهم بالسواك مع كل وضوء‏) (Hadii aanan Umadayda ku cuslaynayn waxaan fari lahaa Cadayga wayso kasta).

Sidoo kale is qurxintu way u banaantahay qofka sooman maalintii iyo habeenkiiba, isqurxintaasi haba noqoto bukhuur, cadar ama saliid. Balse waxa kaliya ee aan la ogolayn ayaa ah in Sanka laga qaato Bukhuurka, maxaa yeelay wuxuu bukhuurku u gudbayaa Afka kadibna Caloosha. Sidaa awgeed ayuu Nabigu (N.N.K.H) u dhahay: 

{‏‏بالغ في الاستنشاق إلا أن تكون صائماً}

(Biyaha sanka gali -xilliga waysada- mar aad Soomantahay mooyaane.)

(14) Waa maxay xukunka Macjuunka lagau cadaydo Ilkaha xilliga Soonka?

Macjuunka ama Dawada Cadaygu waxay noqonaysaa laba xaaladood, ta koowaad waxa weeye in Macjuunku ama Dawada Cadaygu tahay mid xoogan oo u gudbaysa Caloosha, taasi ma banaana waxaana daliil u ah Xadiiskii uu Nabigu lahaa (Biyaha sanka gali -xilliga waysada- mar aad soomantahay mooyaane.) Maxaa diiday in xilliga Soonka biyo sanka xoog loo galiyo sababtu waxa weeye in aanay biyuhu u gudbin Caloosha oo markaas Soontiisii ka jabin, sidaa darteed hadii Macjuuku yahay mid xoogan oo Caloosha u gudbi kara ma banaana, ama ugu yaraan waa Karaahiyo.

Xaalada labaad waxa weeye in Macjuunku yahay mid aan xooganayn oo aan Caloosha u gudbayn, taasi wax dhib ah malaha maxaa yeelay Afka biyo ayaa lagu luqluqdaa xilliga Waysada taasina waxba ma yeesho Soonta, sidaa darteed wuxuu qaadanayaa xukunka luqluqashada biyaha ee xilliga Waysada.

(15) Cuntada oo la dhadhamiyo miyey burisaa Soonta?

May, dhadhamiska Cuntadu ma burinayso Soonta hadii aanu liqin, hase ahaatee waa in ay xaajo laga furan waayo tahay, hadayba xaajo keento oo ay waxun Calooshaada galaan markaas Soontu kaama jabayso. 

(16) Ma banaan tahay in Ninku la cayaaro ama dhunkado Xaaskiisa isagoo Sooman?

Way u banaanatahay in Ninku la cayaaro ama uu dhunkado Xaaskiisa isagoo Sooman, marka laga reebo inuu ka cabsado in ay Biyo ka yimaadaan, hadayba Biyo yimaadaan way burtay Soonkaasi, haduu Soonkaasi yahay Ramadaana waa inuu sii soomanaad inta ka hadhsan Maalintaas, waana inuu soo qalleeyaa maalintaas. Balse hadii Soontaasi aanay ahayn Ramadaan wuu iska Afuri karaa maalintaas, hadii ay tahay Soon waajib ahna waa inuu soo qalleeyaa hadayse ahayd Soon Sunne ahna waxba masii wadayo soonkiisa ee wuu Afuri karaa, dhibna malaha haduu soo qalleeyo.

(17) Xanta iyo isku dirka Dadku miyey Jabisaa Soonta?

Xanta iyo isku dirka Dadku ma jabiyaan Soonta balse waxay yaraysaa Ajarka ruuxa Sooman, Nabiguna (N.N.K.H) wuxuu dhahay: (‏من لم يدع قول الزور، والعمل به، والجهل فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه‏) {Cidii aan ka tagin hadalka kiisa xun iyo ku dhaqankiisa iyo Jaahilnimada, Ilaahay dan kama laha inuu ka tago Cuntadiisa iyo Cabitaankiisa9.}

(18) Waa maxay Xukunka ruuxa Markhaati Beenaalaha ah ee Sooman?

Markhaati Beenaaluhu waa Danbiyada ugu waaweyn waana Qofka oo u marag kaca waxaanu ka war qabin, mana buriso Soonka laakiin Ajarkiisa ayey yaraynaysaa.

(19) Cuntada xad dhaafka ah ee la diyaariyo xilliga Afurada miyey yaraynaysaa Ajarka Soonta?

Ma yaraynayso Ajarka Soonka balse cuntada iyo cabitaanka xad dhaafka ah asal ahaa ma banaana siduu Allah (S.W) uu dhahay: {‏وكُلُوا وَاشْرَبُوا وَلاَ تُسْرِفُوا إِنَّهُ لاَ يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ}{Cuna oo Caba hana xad gudbina maxaa yeelay Ilaahay ma jecla kuwa xad gudba} hadiiba Cuntadu badantahay waxa wanaagsan in la sadaqeeyo.

(20) Waa maxay xukunka Qofka Soontu kaga jabto xidhiidh gogoleed oo uu la wadaago xaaskiisa Maalinta Ramadaan?

Hadii Soontu tahay Ramadaan oo ay ku jabto galmo waxa ku waajiba Ruxaas kafaaro gud ah: Inuu xoreeyo Qoor, haduusan awoodin waa inuu soomo laba bilood oo isku xigta, haduusan awoodayn waa inuu quudiyo 60 Miskiin. 

 


Fadlan Waydiimahaaga noogu soo dir halkan: Waydii Su’aal

Xigasho:

فتاوى ورسائل فضيلة الشيخ محمد بن صالح العثيمين

Fatwooyinkii Shiikha Muxamed ibnu Saalix Al-Cuthaymiin Ilaahay ha u naxariistee.


Fadlan Waydiimahaaga noogu soo dir halkan: Waydii Su’aal

Xigasho:

فتاوى ورسائل فضيلة الشيخ محمد بن صالح العثيمين

Fatwooyinkii Shiikha Muxamed ibnu Saalix Al-Cuthaymiin Ilaahay ha u naxariistee.