Tawxiidku waa kalmad Af-carabi ah oo luuqad ahaan waxa weeye wuu kali yeelay, kalinimo. Waxayna kalinimadaasi ku sugmaysaa in waxyaalaha qaarna la reebo qaarna la sugo, tusaale ahaan Qofku marka uu dhaho: ( لا إله إلا الله) Ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Ilaahay mooyee, wuxuu Ilaahnimo ruuxaasi u diidanyahay cidii Ilaahay kasoo hadhay, wuxuuna sidoo kale Ilaahnimo u sugay Allah (S.W.T).

Noocyada Tawxiidka Ilaahay waxay guud ahaan soo wada galayaan qeexidan kooban oo a: In Ilaahay (S.W.T) loo kali yeelo waxa u gaarka ah, sida ay Culumadu sheegaan waa sadex nooc;-

  1.  Tawxiidka Rabinimo {توحيد الربوبية}
  2. Tawxiidka Ilaahnimo {توحيد الألوهية}
  3. Tawxiidka Magaca iyo Sifooyinka { توحيد الأسماء والصفات}

Culumaduna waxay ku ogaadeen noocyada Tawxiidka kadib markii ay daba galeen Aayadaha Quraanka ah iyo Xadiisyada Nabiga (N.N.K.H), kolkaasbay ogaadeen in Tawxiidku guud ahaan sadexdaa nooc aanu ka baxayn.

  • Tawxiidka Koowaada waa Tawxiidka Rabinimo waxaana weey: in Ilaahay (S.W.T) kali layahay Abuurka, Mulkiga (Boqortooyada) iyo maamulkaba.

Ta koowaad Ilaahy (S.W.T) waa Abuure oo isaga kaligii ayaa wax abuura, mana jiro cid aan Ilaahay ahayn oo wax abuurtaa, wuxuu Allah dhahay:

{هَلْ مِنْ خَالِقٍ غَيْرُ اللَّهِ يَرْزُقُكُم مِّنَ السَّمَاءِ وَالأَرْضِ لاَ إِلَهَ إِلاَّ هُوَ فَأَنَّى تُؤْفَكُونَ} Faadir: 3

Waxa kale oo uu Allah dhahay: {أَفَمَن يَخْلُقُ كَمَن لَّا يَخْلُقُ ۗ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ} {Cid wax Abuuraa Ma la midbaa cidaan waxba abuurayn, miyeydaan wax xasuusanayn}. Ilaahay ayaa ah kaligii ka wax Abuura, waxkastana isaga ayaa abuuray, abuuridiisuna waxay koobsanaysaa waxa dhacaya falkooda, waxa dhacaya falkoodana waxa abuuray isaga, sidaa darteed waxa kamid ah dhamaystirka iimaanka Qadarka, in la rumeeyo Ilaahay kor ahaayee abuuray falka adoomihiisa sida uu Allah kor ahaayee yidhi: {وَاللَّـهُ خَلَقَكُمْ وَمَا تَعْمَلُونَ} {Allah ayaa idin abuuray idinka iyo waxaad camal falaysaan}. Wuxuu cadeeyey in falka adoonku kamid yahay sifooyinkiisa, adoonkana waxa abuuray Ilaahay, cida wax abuurtaana waxa uu abuuray sifooyinkiisa, si kale falka adoonka kasoo fulaa wuxuu ku dhacaa doonid go’an iyo awood dhamaystiran, doonista iyo awoodaba waxa abuuray Ilaahay (S.W.T).

Hadii la dhaho sideebaynu ku kulminaynaa in Ilaahy (S.W.T) loo kali yeelo Abuurka misana abuurku wuxuu u sugmi karaa cidaan Ilaahay ahayn sida ay tilmaamayso Aayadan: { فَتَبَارَكَ اللَّهُ أَحْسَنُ الخَالِقِينَ} {Waxaa khayr badnaaday Ilaaha abuurkiisu fiicanyahay} iyo xadiiskii Nabiga markuu ka hadlayey kuwa wax sawira {(‏يقال ‏:‏ لهم ‏:‏ أحيوا ما خلقتم‏} {Waxa la dhihi: Nooleeya waxaad abuurteen}.

Jawaabtu waxay noqonaysaa: Ilaahay siduu wax u abuuro cidina uma abuurto, waxaan jirina wax kama abuuri karaan, wax dhintayna ma noolayn karaan, waxa kaliya ee cida aan Ilaahay ahayni ay abuurto waa in ay wax Ilaahay abuuray ka badalaan sifadiisii oo ay ubadalaan sifo kale, tusaale ahaan: Sawirluhu, markuu wax sawirayo wax ma abuurayo ee shay ayuu ubadalaa wax kale, sida dhoobada oo loo badalo suurad Shinbireed ama suurad Awr. Ama sida meel midabkeedu cadaa loogu badalo midabyo kale, halka Rinjigu ka yahay Abuurkii Ilaahay, warqada cadna waa Abuurkii Ilaahay, waana kaas farqiga u dhaxeeya Abuurista Ilaahay (S.W.T) iyo sugida loo sugay Abuurka uunkiisa. Sidaa daraadeed Ilaahay (S.W.T) wuxuu la kali yahay ABuurka uu la gaarka yahay.

Ta Labaad: Ilaahay (S.W.T) wuxuu la kali yahay Mulkiga, Ilaahay ayaa kaligii wax iska leh, sida uu Allah leeyahay; {تَبَارَكَ الَّذِي بِيَدِهِ المُلْكُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ} {Waxa barako badnaaday Ilaaha Mulkigu gacantiisa ku jiro waana ka wax kasta kara} Waxa kale oo uu Allah dhahay: {قُلْ مَن بِيَدِهِ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيْءٍ} {Dheh yay gacantiisu ku jirtaa Mulkiga wax kasta} Maalika wax kasta iska leh  ee Boqorka dhamayskatiran waa Ilaahay (S.W.T). Halka Uunka Ilaahay laftigiisu uu hanti leeyahay oo Ilaahayna waa sugay hantidooda ama xukunkooda sida uu Allah leeyahay: [أَوْ مَا مَلَكْتُم مَّفَاتِحَهُ] [ama guryahaad hanataan furihiisa] hase ahaatee Hantida iyo Mulkiga Ilaahay way ka duwantahay mulkiga Uunka, waa hanti yar oo xadidan, halka Mulkiga Ilaahay iyo hantidiisu ay tahay mid aan tiro iyo cadad lahayn oo aan la koobi karin, Ilaahayna wuxuu doono ayuu falaa, cidina ma waydiiso wuxuu falo halka Uunka Ilaahay la waydiiyo waxay falaan.

Ta sadexaad: Ilaahay (S.W.T) wuxuu la kali yahay maamulka, isagana maamula Dhulka iyo Cirarkaba waana sida uu Allah leeyahay : [أَلاَ لَهُ الخَلْقُ وَالأَمْرُ تَبَارَكَ اللَّهُ رَبُّ العَالَمِينَ] {Ilaahaybaana Abuurka iyo Amarkaba iska leh, waxaana barako batay Rabiga barbaariyey Caalamiinta}. Maamulkaasina waa mid guud, cidi masoo dhex gasho cidina kama hortagto. Halka maamulka makhluuqaadka qaar sida maamulka bani-aadamku maamulo xoolahood, caruurtooda iyo shaqaalahoodu ay tahay mid cidhiidhiya oo xadidan. Sidaa awgeed waxa muuqda runimada hadalkeena ah: Tawxiidka Rabinimadu waa Ilaahay oo la kali ah loona kali yeelo Abuurka, Mulkiga iyo Maamulka.

  • Tawxiidka labaad waa Ilaahay (S.W.T) oo loo kali yeelo Cibaadada, isagoo Bani-aadamku aanu Ilaahay la jirkiisa la wadaajinin Ilaahyo kale.

Noocan labaad ee Tawxiidkuna waa ka ay ka lumeen gaaladii Carbeed ee uu Nabigu la dagaalamay ee uu banaystay Dhiigoodii, Xoolahoodii, Dhulkoodii uuna ka qafaashay Haweenkoodii iyo Caruurtoodiiba. Waana Tawxiidka loo soo diray Rususha loona soo dajiyey Kutubta, isaga iyo labada Tawxiid ee kaleba Tawxiidka Rabinimada iyo Tawxiidka Magacyada iyo Sifooyinkaba. Tawxiidka ugu badan ee Rusushu qoomkooda kala hadli jireen waa Tawxiidkan, ayadoo aan Cibaadada iyo Baryada Ilaahay lala wadaajinayn cidna haba ahaado cidaasi MAlak Ilaahay u dhow, Rasuul lasoo diray, Wali wanaagsan ama ciduu doonaba ha ahaadee, maxaa yeelay Cibaadada cid aan Ilaahay ahayn malaha, cidiise ka tagta Tawxiidkan waa Mushrik gaal ah xitaa haba qirsanaado Tawxiidka Rabinimo iyo Kan Magaca iyo Sifooyinkaba. Hadii Nin rumaysanyahay in Ilaahay (S.W.T) uu yahay Abuuraha, Maalka ah iyo Maamulaha Kooonkan iyo in Ilaahay xaq u leeyahay wuxuu mutaystay oo ah Magacyo iyo Sifooyin balse uu Ilaahay la jirkiisa la caabudayo wax kale, waxba uma tarayso qirida uu qiray Tawxiidka Rabinimo iyo Kan magacyada iyo sifooyinka. Tusaale ahaan hadii Nin uu qirsanyahay Tawxiidka Rabinimo iyo Tawxiidka Magayada hase ahaatee uu tagayo Xabaasha oo uu caabudayo cida ku aasan qabriga ama uu u nadrayo Qurbaan uu ugu dhowaanayo wuxuu yahay ruuxaas gaal ku waaraya Naarta. Wuxuu Allah dhahay: {إِنَّهُ مَن يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدْ حَرَّمَ اللَّهُ عَلَيْهِ الجَنَّةَ وَمَأْوَاهُ النَّارُ} {Ruuxii Ilaahay u shariik yeela wuxuu Allah ka xarrimay Jannada hoygiisuna waa Naarta}. Sida lawada ogyahayn Gaaladii uu Nabigu la dagaalamay ee uu dhiigooda banaystay waxay qirsanaayeen inuu Ilaahay kali layahay Abuurka balse waxay la jirkiisa la caabudeen Sanamyo iwm.

Ta Sadexaad: Tawxiidka Magacyada iyo Sifooyinka; Waana in Ilaahay loo kali yeelo magacyada uu isku magacaabay iyo Sifooyinkiisa uu ku sifeeyey Quraanka ama uu Rasuulkiisu inoo sheegay. TAasina waxa weeye in Ilaahay loo sugo wuxuu isku sifeeyey ama Rasuulkiisu ku sifeeyey ayadoon la badalayn, la shaqo gabinayn, la xaaladaynayn ama la matalayn. Waxaana waajib ah in Ilaahay lagu magacaabo wuxuu isku magacaabay iyo wuxuu isku sifeeyey ayadoon la xaaladaynayn ama la matalayn. Noocan sadexaad ee Tawxiidka Magacyada iyo Sifooyinka waxa ku lumay kooxo badan oo ku abtirsada Islaamka waxayna u kala baxaan qaybo kala duwan.

Qolo way ku xadgudubtay oo xadgudubkaas darteed ayey kaga baxeen Islaamka, kuwo kalena waa meel dhexaad halka kuwo kalena usoo dhow yihiin Dadka Ehlusunaha ah. Tusaale ahaan Ilaahay wuxuu isku magacaabay inuu yahay (الحي القيوم) (Noole u taagan inuu Uunkiisa maamulo), Waxa waajiba markaas inaynu rumayno in magacani kamid yahay magacyada Ilaahay (S.W.T) iyo waxa magacaasi keensanaayo oo ah Nolosha dhamayska tiran ee aan bar bilow iyo bar dhamaadba lahayn.

Waxa kale oo uu Ilaahay (S.W.T) isku magacaabay inuu yahay (السميع) (Maqle), markaas waxa inala haboon inaynu rumayno inuu Ilaahay magacyadiisa kamid yahay magacaasi sidoo kalena waa inaynu rumaynaa waxa magacaasi koobsanayo oo ah inuu maqlayo, maxaa yeelay Maqle aan wax maqlayn ama Maqle aan ogayn wuxuu maqlayo waa waxaan jirin.

Tusaale hadaynu kasoo qaadano Sifooyinka Ilaahay waxa kamid ah inuu ka sarreeyo Carshigiisa, Ilaahayna (S.W.T) Todaba jeer ayuu Quraanka ku sheegay inuu ka sarreeyo Carshigiisa sida Allah uu dhahay: {الرَّحْمَنُ عَلَى العَرْشِ اسْتَوَى}, macnaha aayaduna waxa weeye Ilaahay (S.W.T) wuxuu ka sarreeya Carshigiisa sarreyn u gaar ah maaha sarreynta guud ee cid kasta kala sareyso ee waa sarreyn Rabbi u gaar ah oo ku haboon, maaha sida Qofku uga sarreeyo sariirtiisa oo kale ee waa Sarreyn Ilaahay u cuntamta oo u gaar ah.


Xigasho: {مجموع فتاوى ورسائل فضيلة الشيخ محمد بن صالح العثيمين} Fatwooyinkii Shiikh ibnu Cuthaymiin (I.H.U)

WD: Abdulaziz Oogle