Tusmo

Qeexid kooban.

Maalinta Caashuura oo ah maalinta tobnaad ee bisha Muxarram waxa Ilaahay (S.W.T) badbaadiyey qoomkii nabi Muuse sidoo kalena waxa la halaagay Fircoon iyo ehelkiisii, hdaba maalintan maadaama Rabi u hiiliyey dadkii Muslimiinta ahaa waxa haboon in la soomo.

Qisadii nabi Muse iyo Fircoon oo kooban.

Fircoon oo xukumi jiray Masar waxa Ilaahay usoo diray Nabi Muuse iyo walaalkii Nabi Haaruun kadibna waxay dacwadii gaadhsiiyeen Ficoon iyo qoomkiisii balse way diideen inay dacwadan qaataan oo waxay dileen caruurtii reer banu Israa’ill ayagoo gawracaya wiilasha hablahana daynaya, dabadeedna Fircoon ayaa bandhig sixireed ku cariyey Nabi Muuse iyo walaalkii Haaruun markaasuu Sixiroolayaashiisii faray inay tuuraan xadhkihii oo isu badalay masas ama abeesooyin si ay dadka ugu cabdi galiyaan. Nabi Muuse ushiisii ayuu tuuray waxayna isu badashay Ilaahay idankiis Mas oo cunaya dhamaan masaskii yaryaraa ee Sixiroolayaashu dadka ku sixreen, kadibna Sixiroolayaashii ayaa rumeeyey Rabigii Nabi Muuse iyo Haaruun wayna u sujuudeen Ilaahay hase ahaatee Fircoon ayaa laayey Sixiroolayaasii.

Qoomkii Fircoon Ilaahay wuxuu ku imtixaamay balaayooyin badan, waxa loo soo diray Duufaankii, Ayax, Raho, Injiro, iyo cuntadoodii o dhiig isu badashay, hadana waxaas oo dhan waxba kumaysan qaadanin ee gaalnimo iyo madax adaygnimo ayey kasii qaadeen.

Nabi Muuse wuxuu doonay inuu la baxo reer banu Israa’iil hase ahaatee waxa ogaaday Fircoon iyo qoomkiisii kadibna isaga iyo ciidankiisii waxay soo dabo galeen reer banu Israa’iil illamaayo ay ku kulmeen Badda, balse Allaha wayn ayaa faray Nabi Muuse inuu ushiisa Badda ku dhufto waxayna badii u qaybsantaya laba buurood oo waaweyn markaasuu Nabi Muuse iyo qomkiisii dhaafeen halka Fircoon iyo qoomkiisii Ilaahay ku halaagay meeshaas.

Xilligii Nabi Muxamed (N.N.K.H)

Markuu nabi Muxamed (scw) uu usoo hijrooday magaalada Madiina ayuu arkay in Yahuudu ay soomantahay kolkaasbuu waydiiyey sababta ay la soomanyihiin? waxayna dhaheen; waa maalin Ilaahay u gargaaray nabi Muuse. Nabi Muxamedna wuxuu yidhi; Anaka ayaa ka mudan Yahuuda Nabi Muuse, wuxuuna faray umadiisa inay sooman maalintan.

Maalintan soomkeedu wuxuu noqday waajib bilowgii hore balse markii Ilaahay (S.W.T) soo waajibiyey soonka Ramadaan ayey noqotay soonka Caashuura Sunne.

Nabigu wuxuu jeclaa inuu khilaafo Yahuuda iyo Masiixiyiinta sidaas awgeed wuxuu Nabigu faray umadiisa inay soomaan maalinta Caashuura iyo maalinta ka horeysa ama ka danbaysa ama waa inaad soonta sadexda cashoba 9 aad, 10 aad iyo 11 aadba waana ta ugu wanaagsan.

Fadliga Soonka Caashuura:

Nabigu wuxuu yidhi; Soonka maalinta Caashuura waxaan Ilaahay kaga filayaa inuu ku dhaafo danbigii sanadkii hore, maashaAllah, bal maxaa ka wanaagsan inuu Ilaahay kaa dhaafo danbiyadaadii sanadkii tagay oo dhan gaar ahaan kuwa yaryar sababtoo kuwa waaweyn Ilaahay wuxuu ku dhaafa toobad lala yimaado.

Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu ina waafajiyo soonka maalintan iyo inuu inaga yeelo kuwa loogu danbi dhaafo danbiyadooda. Aamiin.

Sallaa Allahu calaa Muxamed wa calaa ahli baytihii wa calaa asxaabihii wa calaa kulli man ihtadaa bi hadyihi.