Magaciisa: 

Magaciisa waa Ubayy ibnu Qays ibnu Cubaydi Najaar, waxa loogu yeedhaa Abu Mundir. Waa mid ka mid ah saxaabadii Rasuulke ee Ansaarta ahayd, waxa uu ka qaybgalay baycadii Caqaba, dagaalkii Badar, waana mid ka mid ah asxaabtii xifdiday Quraanka kariimka ah xilligii uu Rasuulku noolaa (N.N.K.H).Ubayy ibnu Kacab waa saxaabi ku dayasho mudan oo Qur’aankana bartay kuna camal falay, Ilaahay raali haka ahaadee.

Ubayy ibnu Kacab waxa uu ahaa Nin aan dheerayn oo aan gaabnayn (meel dhexaad), timihiisa iyo garkuba waxay lahaayeen cirro.

Waxyiga ayuu qori jiray:

Ubayy ibnu Kacab (I.R.H) waxa uu qori jiray waxayiga, waxaanu diri jiray dhanbaalada. Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) waxa uu ku yidhi Ubayy ibnu Kacab; {Ilaahay ayaa i  amray inaan kugu akhriyo Quraanka” Ubayya waxa uu dhahay; “Ma ilaahay ayaa i  magacaabay?” Nabigu waxa uu yidhi; “Haa” waxa uu yidhi; “Ma waxa laygu xusay Rabbiga caalamiinta agtiisa” waxa uu yidhi “Haa” markaasuu Ubayy ooyey} [Sahih Al-Bukhaari, Kitaabka tafsiirka Quraanka: 4677]

Cilmiga Ubayy ibnu Kacab:

Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) ayaa Ubayy ibnu Kacab waydiiyey aayada Quraanka ugu wayn, Ubaya waxa uu dhahay waa Aayada Kursiga (  اللَّهُ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ Nabigu (N.N.K.H) waxa uu garaacay laabtiisa kuna dhahay hanbalyo cilmigaaga Aba Mundiroow.) {Sunan Abu Da’uud, Kitaabka salaada: 1460}

Ubayy ibnu Kacab waxa uu ku yidhi amiirkii Mu’miniinta Cumar ibnu Khadaab; “Waxaan Quraanka ka qaatay ku ka qaatay Malak Jibriil (N.N.K.H) isagoo qoyan (macnaha fresh ah).

Abu Nudra Al-cabdiyy waxa uu yidhi; (Nin la yidhaahdo Jaabir ayaa yidhi; Xaajo ayaan ka doonay Cumar waxaana hareertiisa fadhiyey Nin timihiisa iyo gadhkuba cadyihiin markaasu yidhi; “Aduunyadu waa jidka hadafkanaga, sahayda Aakhiro, waxaana dhexdeeda yaala camalka laynagu abaal marinayo maalinta qayaamaha, markaasbaan idhi waa kuma kani amiirkii Mu’miniintoow? waxa uu yidhi; waa sayidka muslimiinta Ubayy ibnu Kacab.

Cumar Ibnu Khadaab waxa uu odhan jiray; Qofkii waydiin ka qaba Quraanka ha u tago Ubayy ibnu Kacab, qofkii waydiin ka qaba dhaxalka ha u tago Sayid, qofkii waydiin ka qaba fiqigana ha u tago Mucaad, qofkii waydiin ka qaba maalkana ha ii yimaado aniga.

Dardaadrankii Ubayy Ibnu Kacab:

Ninbaa waydiiyey Ubayy ibnu Kacab inuu u dardaarmo waxaanu yidhi; (Kitaabka Ilaahay ka yeelo Imaam, raalina ku noqo xukunkiisa, isagu (kitaabka Quraanka) waa kii uu Nabigeena ka dhaxalnay, waa ku shafeeco qaadaya, daacad ah, markhaati aan la tuhmina ah, waxa lagu xusay arrinkiina iyo qoomkii idin ka horeeyey iyo xukunka dhexdiina iyo warkiina iyo warkii qoomkii idin ka horeeyey.

Xanuunkiisii:

Ubayy Ibnu Kacab (I.R.H) waa xanuustay kadibna asxaabtiisii ayaa soo booqatay, waxaanu maqlay codkii Aadaanka, markaasuu yidhi; Miyaa la adimayaa misa waa la aqiimayaa?; waxay ku dhaheen; waa la aqiimay, markaasuu yidhi: Maxaad sugaysaan? Miyeydaan Salaada u kacayn? Waxay ku dhaheen; Adiga ayaan kula joognaa. Waxa uu yidhi; Kaca oo istaaga, Rasuulkii Ilaahay waxa uu na tujin jiray salaada Subax, markuu salaada dhameeyo ayuu na waydiin jiray Hebel ma joogaa? Markaasaa sadex laga waayey salaada waxaanu yidhi Rasuulku (N.N.K.H) {Salaadaha ugu culus qofka munaafiqa ah waa salaada Subax iyo salaada Cisha, hadayse ogaan lahaayeen waxa khayr ku jira way iman lahaayeen ayagoo gurguuranaya)  

Geeridii Ubayy Ibnu Kacab:

Ubayy ibnu Kacab (I.R.H) waxa uu geeriyooday maalin Jimco ah, waxaana kasoo qaybgalay aaskiisa dad badan oo reer Madiina ah. Waa laysku khilaafay sanadka uu geeriyooday, waxa la dhahaa waa sanadkii 22 ee Hijrada iyo sanadkii 32 aad ee Hijrada, Ilaahay raali haka ahaado, waxa uu ahaa saxaaadii Xafiday Quraanka, dadkana baray kuna camal falay.

Xigasho: Kitaabka Siyarka, Imaam Dahabi.

WQ: Abdulaziz Mohamed Oogle