Tusmo

Waa maxay Quraanku?

– Quraanka Kariimka ah waa hadalkii Rabiga Caalamiinta, wuxuu Alle kusoo dajiyey Rasuulkiisa Muxamed (scw) si dadka looga saaro mugdiyada looguna bixiyo nuurka, iftiinka iyo hanuunka.

(هو الذي ينزل على عبده آيات بينات ليخرجكم من الظلمات إلى النور ) الحديد/9 .

“Isagu Ilaahay waa ka kusoo dajiyey adoonkiisii (Muxamed) aayado cadcad si uu idiinka saaro mugdiyada idinkuna bixiyo nuurka” [Suurada Alxadiid:9]

– Allah wuxuu ku cadeeyey Quraanka Kariimka ah warkii dadkii hore ee tagay iyo kuwa danbeba, sidoo kale wuxuu Alle kaga waramay abuurka samooyinka iyo dhulkaba, wuxuuna ku kala saaray xalaasha iyo xaaraanta, waxa  lagu xusay Quraanka asalka akhlaaqda iyo aadaabta looga baahanyahay ruuxa Muslimka ah. Quraanku sidoo kale wuxuu aad uga waramayaa taariikhdii umadaha iyo rusushii loo diray, iyo abaal marinta mu’miniinta iyo gaalada. Waxa kale oo Quraanku sifeeyey hoyga mu’miniinta iyo hoyga gaalada.

– Quraanka wuxuu Alle ka yelay mid kala cadaynaya wax kastaba.

( ونزلنا عليك الكتاب تبياناً لكل شيء وهدى ورحمة وبشرى للمسلمين ) النحل/89

“Waxaan kugu soo dajinay Kitaabkan isagoo cadayn wax kasta iyo hanuun iyo naxariis iyo bishaarana u ah Muslimiinta” [Suurada Alnaxli:89]

 

– Quraanka Kariimka waxa kale oo uu cadeeyaa magacyada Ilaahay, sifooyinka Ilaahay, makhluuqaadka Ilaahay iyo in dadka loogu yabooho in la rumeeyo Ilaahay, Malaa’iktiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, iyo Maalinta aakhiro.

( آمن الرسول بما أنزل إليه من ربه والمؤمنون كل آمن بالله وملائكته وكتبه ورسله لا نفرق بين أحد من رسله وقالوا سمعنا وأطعنا غفرانك ربنا وإليك المصير ) البقرة/285 .

“Rasuulku wuu rumeeyey wixii lagaga soo dajiyey xaga Rabigii iyo mu’miniituba (wey rumeeyeen), dhamaantood waxay rumeeyeen Ilaahay iyo Malaa’iktiis iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa, mana kala kaxaynayo mid kamid ah Rusushiisa dhexdooda, waxayna dhaheen waan maqalnay oo adeecnay ee noo danbi dhaaf Rabigayagow, xagaagaana loo noqonayaa” [Albaqarah:285]

 

– Quraanka sidoo kale waxa lagu cadeeyey xaalada maalinta Qayaame, iyo waxa dhacaya geerida dabadeed, iyo in xabaasha la iska soo saarayo, oo dadkana loo bandhigayo Ilaahay oo la xisaabin doono. Waxa kale oo uu aad u sifeeyey Quraanku jidka siraad, xawdka nabiga (scw) miisaanka xasanaadka iyo ka xumaanahaba, nicmooyinka ehelka Jannada, cadaabka iyo ciqaabka ehelka naarta, iyo qaabka dadka loo kulminayo maalintaas weyn.

( الله لا إله إلا هو ليجمعنكم إلى يوم القيامة لا ريب فيه ومن أصدق من الله حديثاً ) النساء/87 .

“Allah, majiro Ilaah xaq lagu caabudo isaga mooyee, wuxuu idinku kulmin maalinta Qayaame, shakina kuma jiro, yaa uga run badan Ilaahay Hadal (Majiro)” [Suurada Alnisaa: 87]

 

– Quraanku sidoo kale wuxuu inagu boorinayaa inaynu fiirino oo ka fakarno abuurka Koonka iyo macanaha qotoda dheer ee aayaatka  Quraanka Kariimka.

 ( أفلا يتدبرون القرآن أم على قلوب أقفالها ) محمد/24

“Miyeyna fiirfiirinayn Quraankan mise quluubtooda qafilan (daboolan)” [Muxamed: 24]

 

– Quraanka waxa loo soo dajiyey basharka dhamaantood inay ku dhaqmaan.

 ( إنا أنزلنا عليك الكتاب للناس بالحق فمن اهتدى فلنفسه ومن ضل فإنما يضل عليها وما أنت عليهم بوكيل ) الزمر/41

“Annagaa kugu soo dajinay korkaaga Kitaabka dadka awgood si dhab ah, cidii hanuunta wuxuu hanuunin naftiisa, ka baadiyooba wuxuu lumin naftiisa, adiguna nabiyow korkooda wakiil kama tihid” [Zumur:41]

 

– Quraankuna wuxuu ka run sheegayaa kutubtii kahoreysay sida Tawreed iyo Injiil wuxuuna cadaynayaa wixii laga xarifay ama laga badalay kutubtaas.

 ( وأنزلنا إليك الكتاب بالحق مصدقاً لما بين يديه من الكتاب ومهيمناً عليه ) المائدة/48

“Waxaan kugu soo dajinay adiga Kitaabka (Quraanka) si xaq ah isagoo rumayn (ka run sheegi) wiixii ka horeeyey kutub iyo isagoo markhaati u ah (wixii laga badalay)..” [Suurada Almaa’ida:48]

 

– Quraanka lagasoo bilaabo maalintii uu soo dagay illamaa laga gaadhayo qiyaamaha waa kitaabka xaqa ah ee basharku ku hanuunayaan, cidii diidana waa gaal oo mudanaya ciqaab maalinta qayaame, siduu Allah leeyahay:

( والذين كذبوا بآياتنا يمسهم العذاب بما كانوا يفسقون ) الأنعام/49 .

“Kuwa ka gaalooba aayadkayaga waxa taabanay cadaabka, faasiqnimadooda darteed” [Suurada Al-ancaam:49]

 

– Quraanka Kariimka ah waynidiisa darteed ayuu Alle (s.w.t) ku cariyey in gaaladu ay la yimaadaan quraan lamid ah, ama dhawr suuradood oo lamida, ama hal suurad oo lamid ama wax aayad u ekaan karaa, wuxuuna Allah leeyahay:

( قل لئن اجتمعت الإنس والجن على أن يأتوا بمثل هذا القرآن لا يأتون بمثله ولو كان بعضهم لبعض ظهيراً ) الإسراء/88 .

“Waxaad ku dhahdaa (Nabiyow) hadii ay isu tagaan insiga iyo jinkuba inay keenaan Quraankan, ma keenayaan wax lamida xitaa hadii qaarkoodba qaar ay is kaalmeeyaan” [Suurada Al-israa:88]

 

– Quraanku wuxuu ka koobanyahay 114 suuradood, 30 Juz iyo 60 xisbi. Aayadaha Quraanka marka la isku daro tiradoodu waa 6236 aayadood, gaar ahaan qiraa’ada Xafsi can Caasim. Quraanku wuxuu leeyahay qiraa’adu (luuq ama qaabab loo akhriyo) oo dhawr ah, waxa ugu caansan qiraa’ada Xafsi can Caasim iyo qiraa’ada Warash.  Qiraa’ooyinkuna waa mid kamid ah mucjisooyinka Quraanka, inta badan isma badalayo macnaha aayadu ee qaabka loogu dhawaaqayo ayaa luuq kale ah.

– Quraanka Kariimka ah maadaama uu yahay kitaab kaliya ee xaqa ah illamaa qayaamaha laga gaadhayo waxa ballan qaaday inuu ilaalinayo Ilaahay (s.w.t) wuxuuna leeyahay:

إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ ﴿٩

“Annagaa soo dajinay Quraanka annagaana ilaalinayna”[Suurada Alxijri:9]