Tusmo

QISADII NABI SHIITH

DHAGAYSO AMA AKHRISO

Nabi Shiith waa mid ka mida wiilashii uu dhalay Nabi Aadam waanu ka yaraa xaga da’da walaaladii Haabiil iyo Qaabiil. Nabi Aadam naxriis iyo nabadgalayo korkiisa ha ahaatee waxa uu udardaarmay wiilkiisa Shiith ka hor dhimashadiisa, waxanu baray Saacadaha Habeenka iyo Maalinta iyo Cibaadooyinka lala yimaado sidoo kale waxa uu utilmaamay in Duufaan dhici doono mudo kadib.

Geeridii Nabi Aadam kadib xilkii waxa la wareegay Nabi Shiith

Macnaha “Shiith” waa Hibadii Eebe, waxaana magaca u bixiyey Aabaheen Aadam kadib markii la dilay wiilkiisa Haabiil oo uu dilay walaalkiiskii kale Qaabiil.

Sida Rasuulkeena laga wariyo Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, waxa uu yidhi Rasuulku “Ilaahay waxa uu soo dajiyey Boqol Saxiifadood iyo Afar Kitaab, Shiith waxa la siiyey Konton Saxiifadood.”  Xadiiska waxa wariyey Abaa Dar.

Abtirsiinta ubadka Nabi Aadam waxay sii maraan Nabi Shiith sababtoo ah dhamaan caruurtii kale ee Nabi Aadam way dabargo’een.

Nabi Shiith markuu geeriyooday kadib waxa Eebe soo diray Nabi Idriis.

QISADII NABI IDRIIS

DHAGAYSO AMA AKHRISO

Nabi idriis (NNK) waxa amaanay Eebe oo ku sifeeyey in uu ahaa Nabi iyo Runsheege.

Nabi Idriis wuu soo gaadhay Nabi Aadam mudo dhan Sadex Boqol iyo Sideetan sano. Waana Ruuxii ugu horeeyay ee khadka wax ku qora.

Waxa loo soo diray Ubadkii Nabi Aadam iyo cidii ay sii dhaleen. Nabi Idriis waxa uu ahaa ruux firfircoon oo dacwada gaadhsiiya qofkasta, marwalba iyo meelkasta.

Eebe wuxuu Qur’aanka inoogu tilmaamay in Sare loo qaaday Nabi Idriis waxaanu ku suganyahay Samada Afaraad.

(ورفعناه مكانا عليا )

Eebe ayaa u waxyooday in uu uqorayo Ajar u dhigma camalka dhamaan ibnu Aadamka nool waqtigiisii. Kadib waxa uu jeclaystay inuu siyaadsado cibaadada, hase ahaatee waxa sare uqaaday  Malak kaasoo geeyay samooyinka, markuu maraya Samada Afaraad ayaa Malakul mawtkii la kulmay kana qaaday ruuxdiisa sidaa aawadeed ayaa Eebe u leeyehay Sare Ayaan u qaadnay Nabi Idriis.

Markii la dheelmiyey Nabigeenana (N.N.K.H) ayuu samada afaraad ku sii maray Nabi Idriis.

Qoomkii loo dirayna waxay ku sii baaqi ahaayeen diintii Nabi Idriis, Shiith iyo Nabi Aadam.

Ilaahay haynagu anfaco, Amiin.

ducadana hanaga ilaawina, ilaahay haydin barakeeyo.