Su’aalo ku saabsan Cadayga.
- Waa maxay xukunka Cadaygu? Waqtigiisu se miyuu xadidanyahay?
Xilli kasta waa sunne, waxaana u daliila xadiiska Caasha wuxuu dhahay Nabiga (N.N.K.H) {Cadaygu waa nadiifinta Afka iyo raali galinta Allah} [1]
- Goormaa la adkeeyaa inay wacantahay in la cadaydo?
- Marka laga soo kaco hurdada waxaana u daliila xadiiska Xudayfa uu leeyahay: {Rasuulkii Ilaahay wuxuu ahaa markuu hurdada habeenka ka kaco mid afkiisa cadaya.} iyo xadiiska Caasha (I.R.H) waxay tidhi: {Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu ahaa kolkuu hurdo kasoo kaco habeenka ama maalin wuu cadayan jiray inaatu waysaysanin}[2]
- Marka Afku isbadalo tusaale ahaan (cunto kadib) sababtoo ah waxaaba loo waajibiyey Cadayga waxa weey si wasakhda loo tirtiro iyo in la nadiifiyo Afka.
- Marka la wayso qaadanayo, waxaana u daliila xadiiska Abuhurayra ka warinayo Nabiga (N.N.K.H) wuxuuna dhahay: Hadii aanan Umadayda ku cuslaynayn Cadayga waxaan fari lahaa inay cadaydaan Wayso kasta kadib.[3]
- Marka la tukanayo Salaada waxaana u daliila Xadiiska Abuhurayra uu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H) wuxuu dhahay: Hadii aanan Umadayda ku cuslaynayn waxaan fari lahaa inay cadaydaan Salaad kasta.[4]
- Marka la galayo Guriga iyo Masaajidka, waxaana u daliila xadiiska Caasha oo la waydiiyey: Muxuu Nabigu (N.N.K.H) ku bilaabi jiray markuu galo gurigiisa? Waxay tidhi: Cadayga. [5] Halka Masaajidkuna uu ka mudanyahay Guriga.
[1] Axmed iyo Nisaa’i
[2] Waxa soo saaray Abudaa’uud.
[3] Waxa soo saaray Maalik, Axmed iyo Nisaa’i waxaana saxiixiyey ibnu khusaymah.
[4] Waxa soo saaray Jamaacada oo dhan.
[5] Waxa soo saaray Jamaacada oo dhan marka laga reebo Bukhaari iyo Tirmadi.