Su’aal: Xiriirka guurka kahor xalaal miyaa? Aniga oon guur diyaar u ahyn gabadh malashekeysan Kara?

Jawaab: Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allah ee iska leh Naxariista guud iyo Naxariista gaarka ahba, waxaanan kugu salaamayaa Salaanta Islaamka (Salaama Calaykum), intaa kadib waxaad nasoo waydiishay Waydiinta ah inay banaantahay xiriirka ka horeeye guurka, adigoon guur diyaar u ahayn, jawaabteedu waxa weeye Walaal ma banaana xiriir aad la samayso gabadh Ajnabi kaa ah, gaar ahaan marka aanad guur diyaar u ahayn.
Xiriir kasta oo uu Ruuxo la sameeyo gabadh Ajnabi ka ah isagoon guur ka doonayn waxa xukunkeedu noqonayaa Khalwo, Khalwaduna waa xaaraan. sida Nabigeenu inoo sheegay (لا يخلون رجل بامرأة إلا ومعها ذو محرم) (Yaanu Nini la khalwoon (la kali noqon) gabadh, ayadoon Maxaram lahayn)
Xiriirka hadaad u jeedo xiriir gogoleedna taasina waa xaaraan marnabana ma banaana, ee waxaan Walaal kugu la talinayaa inaad guursato hadaad awoodo, hadii kalena waa inaad soontaa si aad u xakamayso naftaada.