Kutubta Hinduuska Maxay yidhaahdeen Nabi Muhamed (N.N.K.H)

Xaqu (S.WT) waxa uu ku leeyahay Suurada 26aad ee Al-shucara, Aayada 196 aad:-

.وَإِنَّهُ ۥ لَفِى زُبُرِ ٱلۡأَوَّلِينَ

“Quraankuna (muhamed) wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore”


Aaydan waxay tilmaamaysaa in Quraanka ama Nabi Muhamed uu ku sugnaa kutubtii hore ee Eebe soo diray, waxynaan ognahay in Eebe soo diray Nabiyo badan iyo kutubo badan kaliya 25 Nabi ayaa ku xusan Quraanka. Xadiis Rasuulka laga wariyey ayaa tilmaamaya tirada nabiyadii Eebe soo diray waxaanu yidhi; waa 124000 oo Nabi, 315 ayaa ah rusul. si kastaba ha ahaatee Eebe waxa uu udiray qoom kasta cid hanuunisa.

وَإِن مِّنۡ أُمَّةٍ إِلَّا خَلَا فِيہَا نَذِيرٌ۬….

“Umadaan Dige loo dirina ma jirto” Faatir, Aayada 24aad.


Umad kasta waxa loo diray dige, sidaa awgeed waxa dhici kara in diimaha jira maanta ay kasoo jeedaan diimo hore oo waqtigoodii dhamaaday, markaa waxaan ka heli karnaa cadaymo muujinaya inay rumeeyaan Nabi Muhamed (N.N.K.H).

Sida laga soo xigtay kitaabka Bhavishya Purana oo Hinduusku rumaysanyihiin inuu ka hadlo mustqabalka waxa uu leeyahay sidan:-.

“A malecha (belonging to a foreign country and speaking a foreign language) spiritual teacher will appear with his companions, His name will be Mohammad” Bhavishya Purana Parv 3 khand 3 Adhyay 3 Shloka 5 – 8.

”Nin Ajnabi ah oo ku hadlaya luuqad ajnabi ah ayaa imanaya, waxa uu wataa saxaabo, kana imanaya saxaraha, magiciisuna waxa uu noqonayaa (Muhamed), Raja (Bhoj) waxa uu ku odhanaya ”Nuurka dadkoow” waxaanu daganyahay dhulka Carabta, waxa uu ladagaalamaya isaga iyo ciidankiisu Shaydaanka, isagana waa laga ilaaliyey cadawga”

  • Hadii aynu u fiirsano weedhahan waxay tilmaamayaan soo bixida Nabi Muhamed (N.N.K.H) cidii ka baxsan dhulka Hindiya waxa loogu yeedhaa (malecha) oo macnaheedu yahay ajnabi, sidaan ognahayna Nabi Muhamed (N.N.K.H) umuusan dhalan Hindiya oo waxa uu kasoo jeedaa Carabata.
  • Maqaalku waxa uu tibaaxay magaca Muhamed sidaa awgeed ma jiro qof kale oo nabi ah oo la yidhaahdo Muhamed marka laga reebo Nabi Muhamed (N.N.K.H)
  • Waxa uu ka imanayaa saxaraha, waxaanu wataa saxaabo la dagaalamaysa Shaydaanka (Sanamyada)
  • Raja Bhoj waa naanaysta boqoradii ka talin jiray dhulka Hindiya, sida Fircoonba u yahay naanays boqoradii Masar.

Sida aan kasoo xiganay buugan Atharvaveda book 20 Hymn 127 verses 1-13:-

  1. He is Narashansah or the praised one (Muhammad). He is Kaurama: the prince of peace or the emigrant, who is safe, even amongst a host of 60,090 enemies.
  2. He is a camel-riding Rishi, whose chariot touches the heaven.

“Faqrada koowaad waxa uu ku tilmaamay (Narashansah) oo macnaheedu yahay (Muhamed), sidoo kale waxa uu ku tilmaamay (Kaurama) oo macnaheedu yahay amiirka nabadgalyada ama qof qaxoontia ah, waxa kale oo laga ilaalinaya cadaw gaaraya 60000.

Hadii aanu fiirino weedhahaas oo dhan waxay tilmaamayaan Nabi Muhamed (N.N.K.H) sababtoo ah waxaan ognahay in Nabigu qaxoonti ahaa oo uu ka haajiray Makkah, sidoo kale cadawgii kasoo horjeeday ee Makkah waxa lagu qiyaasaa 60000”

“ waa rishi fuulaya awrta, macnaha rishi waa wadaad waxaanan ognahay in wadaada haysta diinta Hinduuska ah ay ka mamnuuc tahay inay fuulaan awrta, sidaynu ognahay Nabi Muhamed (N.N.K.H) waxa uu saarnaa hal markii uu kasoo haajiray magaalada Makkah asagoo ku wajahnaa Madiina”

Diyaariye: Abdulaziz Oogle