Gautama Budha waa Ninka loo tiiriiyo inuu aasaasay Diinta Budhiska, Lamana garanayo tacaaliintii dhabta ahayd ee Budha faafinayey, laakiin dadka iminka raacsan diintan xitaa kuma dhaqmaan qoraalada ay haysteen, waxay iminka caabudaan sanamka Budha, taas oo diintooda ka mamnuuc ah. Maadaama uu Ilaahay dadka u diray Nabiyo iyo kutubo badan waxa dhici karta in kutubtaa laga helo wax daliil u ah Nabinimada Nabi Muhamed (N.N.K.H), Anigu kama doodayo Budha ma nabi ayuu ahaa mise muu ahayn. Xogta qoraalkan waa inaan cadayno in Nabi Muhamed calaamado sheegaya Nabinimadiisa laga helay kutubta Budhiska. Buddha waxa uu tilmaamay in Budha kale Imanayo. (Budha macnaheedu waa Ruux soo jeed leh oo indheer garad ah).

 A) Kutubta Budhiska badankoodu waxay ka waramaan Budha kale. Sida laga soo xigtay: Chakkavatti Sinhnad Suttanta D. III, 76:

“Waxa Aduunka kasoo baxaya Budha kale oo magaciisu yahay Maitereya (Ka khayrka badan) ka barakaysan, ka wayn, ka iftiimaya, ka cilmiga iyo xikmada dhaqanka la siiyey, ka farxada keenaya sidoo kalena aqoon u leh koonka.” “waxa uu fidin doonaa diintiisa, taas oo masdarkeedu waynyahay,meesha ay gaadhaysana ay wayntahay, hadafkeeduna waynyahay odhaah ahaan iyo qoraal ahaanba. Waxa uu faafinayaa nolol diiniya, oo aad u dhamaystiran oo sifiican u saafi ah. Sida aan iminka Dadka ku wacdiyo iyo inuu keeno nolol shabahda ta aan ku baaqo.Tirada dadka raacsan (Wadaada) waxay gaadhayaan kumanaan, halka kuwaygu yihiin boqolaal.”

B) Sida laga soo xigtay kutubta; Kutubta Sakredka ee Bariga, Majalada35 Bogga. 225:

“Waxa la sheegaa inaan Anigu kaligay ahay Budhaha hogaanka iyo xeerarku ku xidhanyihiin. Aniga gadaashay waxa imnaya Budha ah Maitereya. Anigu hada waxaan hogaamiyaa boqolaal balse isagu waxa uu hogaamin Kumanaan”

C) Sida laga soo xigtay Injiilka Buddha ee uu qoray Carus.Bogga 217 iyo 218:

“Ananda ayaa wydiiyey ka barakaysan, ‘Yaa wax na baraya markaad adigu tagto?’ “Kii barakaysnaa waxa uu ku jawaabay; Anigu ma ahi Budhahii ugu horeeyey ee yimi Dhulka, mana ahi kii ugu danbeeyey. Waqtiga ku haboon waxa Aduunka kasoo baxaya Budha, kaas oo barakaysan, ka nuurkiisu waynyahay, ka xigmada asluubta iyo dhaqanka la siiyey, ka farxada keenaya, aqoona u leh koonka, waana hogaamiye cid u dhigantaa aanay jirin, waana sayidka Malaa’ikta iyo basharka, wuxuu idiin keeni doonaa runta abidka ah taan idinka idin baray oo kale. Wuu faafinayaa diintiisa, taas oo masdarkeedu waynyahay, meesha ay gaadhaysana ay wayntahay, hadafkeeduna waynyahay. Wuxuu faafinaya nolol diinya, oo aad u dhamaystiran oo sifiican saafi u ah. Sidan iminkaba Dadka ku wacdiyo. Asxaabtiisu waa kumanaan halka kuwaygu yihiin boqolaal.” “Ananda waxa uu yidhi; Sidaan ku garanaynaa? Kii barakaysnaa waxa uu yidhi; waxa loogu yeedhi doonaa Maitereya

Kalmadan oo ah luuqada Sanskirtka (Maitreya) kuna noqonaysa luuqada Pali (Metteya) macnaheedu waa; Maxbuub (ku la jecelyahay), Naxariis leh, wanaaga jecel. Waxay kale oo noqon kartaa, Qof tudhid badan, saaxiibtinimo iyo naxariis leh. Ereryga luuqada Carabiga ee waxaas oo sifo koobsanaysa waa Raxmaan. Ilaahayna Nabi Muhamed (N.N.K.H) waxa uu ku tilmaamay inuu Raxmad u yahay Calaamiinta. Suurada Al-anbiya, Ayada 107.

وما ارسلناك الا رحمة للعالمين 

kumana aanaan Dirin Naxariista (Raxmada) Caalamka adoo ah Mooyee.

Kalmada Raxmada iyo naxariista waxa lagu sheegay Quraanka Kariimka waxaan ka yarayn 409 jeer. Suurad kasta oo Quraanka ah marka laga reebo suurada Tawba waxay ku bilaabantaa Bisinka.

بسم الله الرحمن الرحيم 

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

Kalmadan Muhamed waxa loogu dhawaaqi karaa (Mahamet) sidaa darteed luuqadaha Sanskirtka iyo Paliga (Maha) waxay noqonaysaa Wayn, halka kalmada (Meta) tahay Naxariis. Markaa Mahamet waxay noqonaysaa (Naxariis wayn)

2.  Budha waxa uu lahaa Adeege (Khaadim).

Budha waxa uu lahaa qof u adeege oo la dhaho Ananda, sidaa darteed waxa uu sheegay in Budhaha imanaya uu leeyahay qof u adeega sida Ananda oo kale. [Waa sida laga soo xigta kutubta Sakred ee Bariga. Majalada 11 aad, Bogga 97, cutubka 5aad ee faqrada 36aad.]

Hadii aan fiirino dadkii Nabi Muhamed (N.N.K.H) u adeegi jiray way badnaayeen, laakiin Saxaabiga Anas ibnu Maalik oo nabiga u yimi isagoo da’diisu ay aad yartahay waxa uu adeegay Nabiga Toban sano, sidaa daraadeed Anas (I.R.H) waxa uu noqon karaa sida Ananda, kii u adeegay Budha.

  1. Budha waxa uu sheegay in Budhaha kale lagu garanayo Lix sifo. 
  • Budha waxa cilmiga iyo ximada la siin doonaa goor Habeena.
  • Intaanu dhiman nuur ayaa ka iftiimaya.
  • Wuxuu dhimanayaa Habeen.
  •  Marka nuurku dhamaystirmo aad ayuu u ifayaa (dhalaalayaa).
  •  Si dabiici ah ayuu u dhimanayaa.
  •  Marka uu geeriyoodu wajigiisa Dhulka mar danbe laguma arkayo.

Sidaa Awgeed aan fiirino hadii ay sifooyinkaas uu leeyahay Nabi Muhamed (N.N.K.H)

  • Nabi Muhamed (N.N.K.H) waxa uu helay waxyiga (Aqoonta iyo Xikmada) goor habeen ah,  sida uu Allah ku tilmaamay Suurada Dukhaan: 2-3 iyo Suurada Calaq:1

 {انا انزلناه في ليلة القدر}  {انا انزلناه في ليلة مباركة انا كنا منذرين}  

{Annagaa soo dajinnay Quraanka Habeenka LaylatulQadarka ah (sharafta leh)} {Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) Anagaana wax u digi}

  • Anas (I.R.H) waxa uu leeyahay nabigu markuu geeriyooday wuu nuuray.
  • Nabi Muhamed (N.N.K.H) waa dareemay iftiin ka imanaya samada marka nuurku u yimi.
  • Nabi Mahamed (N.N.K.H) si dabiici ah ayuu u geeriyooday.
  • Nabi Muhamed (N.N.K.H) dib wajigiisa looma arag markii la oofsady kadib.

Qoraalkan waxaan kasoo xigtay xogta uu diyaariyey Dr.Zakir Naik, waxaanad qoraalka oo faahfaahsan ka akhrisan karta Boggan http://www.irf.net/budhism_Muhammad.html

Diyaariye: Abdulaziz Oogle

Skip to toolbar