Miyaa lagu sheegay Nabi Muhamed kutubta Majuusiyiinta ama Dab caabudayaasha? 

Diinta Majuusiyada waxay ka mid tahay diimaha qadiimiga ah ee ka jiray dhulka Faaris (Iran) inkabadan 2500 oo sano kahor. Dadka haysta diintan waxa lagu qiyaasaa Boqol iyo Sodon kun oo qof dunida oo dhan. Zoratser ayaa loo tiiriyaa inuu aasaasay diintan, waxa loo yaqaanaa diintan Zoroastrianism ama Persi-ism. Waxa kale oo loogu yeedhaa diinta Dab Caabudayaasha ama Majuusiyiinta.

Kutubta  Majuusiyiintu waxay ka koobantahay Dasatir iyo Vesta ama Zend-Avesta. Dastir waxa loo sii qaybiyaa Khurda Dasatir iyo Kalan Dasatir. Vestana waxa sidoo kale loo qaybiyaa Khurda Avesta iyo Kalan Avesta. Kutubtu waxa ku qoran yihiin laba luuqadood waa pahlawi iyo luuqada Zindi.

ILahay maxay ka aaminsanyihiin:- 

Majuusiyiintu Ilaahay waxay u yaqaanaan “Ahura Mezda” Ahura macnaheedu waa Rabbi , Mezda waxay u taagantahay Xikmada sidaa awgeed Ahura Mezda waa Rabbiga Xikmada leh.

Sida laga soo xigtay kutubta Dasatir, Ahura Mezda (Rabbiga Xikmada leh) waxa uu leeyahay Sifooyinkan:-

  • Waa kali.
  • Bar bilow iyo bar dhamaad toona ma laha.
  • Aabo, hooyo, xaas iyo wiil toona malaha.
  • Malaha Jidh iyo foom toona.
  • Cid la mid ahna ma jirto.
  • Cidna ma arki karto, awood fikradeedna ma sawiran karto.
  • Cid kasta wuu ka sarreeyaa.
  • Isagua waa mid kaaga dhow xitaa naftaada.

Sida laga soo xigta kutubta Avesta, Ahura Mezda (Rabbiga Xikmada leh) waxa uu leeyahay sifooyinkan:-

Khaaliq (Abuurka bilaabay) 

  1. Yasna 31:7 & 11
  2. Yasna 44:7
  3. Yasna 50:11
  4. Yasna 51:7

Awood sareysa ayuu leeyahay.

  1. Yasna 33:11
  2. Yasna 45:6

Naxariis badan.

  1. Yasna 33:11
  2. Yasna 48:3

Waasic ah.

  1. Yasna 43:4,5,7,9,11,13,15
  2. Yasna 44:2
  3. Yasna 45:5
  4. Yasna 46:9
  5. Yasna 48:3

Tusmo

Nabi Muhamed iyo Majuusiyiinta. 

Nabi Muhamed (N.N.K.H) waxa nabinimadiisa lagu sheegay kutubta Dasatiir. 

(Nin ayaa kasoo baxaya dhulka Carabta, kaasoo Asxaabtiisu ay qabsandoonaan Dhulka Faaris (Iiran. iwm), wayna ka roonaayaan Faarisiyiinta kibirsan. Dabka ay ku caabudaan Macbuudkooda badalkeed waxay wajigooda u jeedinayaan Kacbada Nabi Ibraahiim (N.N.K.H) taas oo laga tirtiri doono sanamyada oo dhan. (Saxabada raacsan Nabiga Carabka ah) naxariis ayey u noqon doonaan Aduunka. Waxay xukumi doonaan Faaris, Madyan, Duus, Balakh iyo meelaha muqadaska u ah Majuusiyiinta iyo dhulalka jaarka la ah. Nabigoodu waxa weeye Aftahan kana waramaya arrimo mucjiso ah.

Nabi Muhamed (N.N.K.H) wuxuu noqonayaa Nabigii ugu danbeeyey. 

Sida lagu sheegay Bundahish, cutubka 30 aad, faqrada 6 ilaa 27.

(Soeshyant wuxuu noqonayaa Nabiga ugu danbeeya). Soeshyant macnaheedu waa ruuxa la mahadiyo waa sida laga soo xigtay mawsacada Haisting. Taas oo marka loo turjumo afka Carabiga noqonaysa Muhamed (N.N.K.H). Ilaahayna waxa uu leeyahay suurada 33 aad ee Axzaab aayada 40.

{ما كان محمد ابا احد من رجالكم ولكن رسول الله وخاتم النبيين وكان الله بكل شيء عليما} 

{Ma aha (Nabigu) Muxamad ah Aabaha Ruux ragiina ka mid ah, laakiin waa Rasuulkii Eebe iyo Khatimidii Nabiyada, Eebana wax walba waa ogyahay.} 

Xigasho:

Islamic Research foundation.

Waxa diyaariyey:- Abdulaziz Oogle.

Kala Xiriir: oogleabadle@hotmail.com ama Boggan www.gaaldiid.com