Bismillah, walaalayaal waxaynu la soconaa in qofkasta oo aduunka ku nool uu naawilo ama jeclaado oo ku daydo ciduu u arko inuu yahay qofka ugu wanaagsan, tusaale ahaan hadii aad waydiiso gaalada Budiska waa kuma qofkii ugu waynaa ee taariikhda bani-aadamka? waxay ku dhahayaan waa Guatama Budda, halka Masiixiguna uu ku dhahayo waa Jesus, sidoo kale Yahuuduna waxay ku dhahayaan waa Moses.

Waa arrin caadiya oo ruuxu cidii uu jecelyahay ayuu u yaqaana inuu yahay qofkii ugu qiimaha badnaa caalamka, xitaa hadii aad waydiiso ilmo yar oo daawada kubada cagta wuxuu kuugu jawaabaya; ruuxii ugu waynaa taariikhdu waa Cristiano Ronaldo, ama Messi ama waa Beckam. Dhanka kale haduu taageero dadka heesa wuxuu ku dhahayaa waa; Michael Jackson, ama Bob Marley.

Hadaba muslinka laftigiisa hadaad waydiiso waayo qfkii ugu waynaa ee taariikhda basharka soo maray, wuxuu si sahlan kuugu jawaabayaa waa nabi Muxamed (scw). Taasi waa qirashada ruuxa muslimka ah laakiin ka waran hadii ictiraafidu ka timaadu cadawgii Ilaahay iyo cadawga Rasuulka, markaas waxay ku tusaysaa waynida nabiga iyo siduu u saameeyey muslim iyo gaalba. Waxaan halkan kusoo bandhigaynaa qirashadii dadkii aan muslimka ahayn ee ay ku amaaneen nabi Muxamed.

Muxuu ka yidhi qoraagii La Martin

la-martin

la-martin

Hadii shuruudaha lagu xidho qofka waynaantiisa ay tahay hiigsiga sare iyo natiijada kasoo baxda waa kuma cid ku dhacaysa inay nabi muxamed la barbardhigto cid kale? Dadka caanka ah waxay sameeyeen hub, qaanuuno iyo inbiraadooryado, waxayna heleen badalkeedii amaan dhamaatay, hase ahaatee ninkan Muxamed kaliya muu dhisan ciidamo, manuusan taagin dawlad, dadkana manuusan xukumin ee wuxuu umad dhan u hogaamiyey sadex meelood hal meel dadkii dunida kunoolaa, waxa kale oo uu burburiyey sanamyadii, ilaahyadii, diimihii, fikradihii iyo aragtiyadii beenta ahaa.

Nabigu wuu samray wuuna u dhabar adayg ilaa intuu guusha ka gaadhayey, nabigana hadafkiisa kaliya ee uu lahaana waxay ahayd mid kaliya, manaysan ahayn inuu aasaaso dawlad inbiraadooriyadeedii. Xitaa salaadii nabiga, ducooyinkiisii, geeridiisii iyo guulihii ka danbeeyey kuma tusayso khiyaano iyo qish toona, ee waxay ku tusaysaa iimaanka runta ee nabiga siisay tamartii uu ka shiidaal qaadanayey, si uu ugaadho caqiido ka kooban laba qaybood: in la rumeeyo Ilaahay kalinimadiisa iyo in la khilaafo wixii kasoo horjeeda. Qaybta koowaad waxay tilmaamaysaa (wixii lagu sifaynayey Ilaahay), halka qaybta labaadna ay sheegays (wixii aan lagu sifaynayn Ilaahay). Si loo xaqiijayana waxay u baahnayd awood iyo seef in lagu burburiyo sanamyada, qaybta kalena waxay u baahnayd xikmad, waano iyo eray wanaagsan.

Waa kaas muxamed, waa nabi, waa faylasoof, waa khadiib, waa qaanuunyahan, burburiyihii hawooyiinka (shaydaanka), aasaasihi madhabka in la caabudo Ilaahay kalidii. Waa ka aasaasay 20 imbiraadooriyadood oo leh masdar ruuxiya oo kaliya, waa kaas Muxamed. Marka la fiiriyo habeeg kasta oo basharku wax ku qiyaasaan, aan idiin waydiiyo: miyuu jiraa cid ka wayn nabi Muxamed?  “Histoire de la Turquie” (1854), Alphonse de Lamartine.

 

Muxuu ka dhahay qoraagii Tos Kaliil?

tomas kaliil

Tomas Kaliil

Qoraagii reer scotland ee Tomas Karlill, muxuu ka dhahay nabi Muxamed (scw)?

Wuxuu qoray kitaabka ”Hero and hero worship” wuxuuna u doortay nabigiisa geesiga ah Nabi Muxamed, ku darsoo xilligii uu noolaa waxa dadka lagu barbaarin jiray nacaybka Muxamed sidii cadaanku ugu tababar jireen eyda in ay ku ciyaan dadka madowga ah.

Wuxuu ninkan u doortay geesigiisa nabi Muxamed isago leh; xilligan ma jirto cabsi laga qabo in la amaano Muxamed, ama cabsi kuma jirto in la noqdo muhamadism[1].

Muxuu ka dhahay xisaabyahankii Michael Hart?

Waxa jira sidoo kale ninka la dhaho Mihael Hart oo qoray kitaabka 100 qof ee ugu saamaynta badnaa Aduunka ayaa soo bandhigay dadkii ugu raadka badnaa taariikhda bani-aadamka.

Michael wuxuu u doortay ruuxii ugu saamaynta badnaa bani-aadamka nabi Muxamed isagoo ilaahii uu caabudayey ee Jesus galiyey kaalinta 3 aad.

Sababta uu udoortay wuxuu ku xusay kitaabkiisa “the 100 greatest” isagoo ku micneeyey in markuu baadhis sameeyey uu ogaaday in diinta Kiristaanka ay isku haystaan laba nin oo kala Jesusu iyo saint Paul.

Saint Paul oo qoray kala badh kutubta axdiga 2 aad ayaa Masiixiyinta aduunka ku nool ay raacsanyhiin ama ay daliishadaan eraydiisa ayagoo baal mara had iy jeeraale weedhihii nabi Ciise, maxaa yeelay nabi Ciise waligii Ilaahnimo muusan sheegan, kumana taalo erayo lagasoo xigtay kitaabkooda o sheegay inuu Ciise yahay wiil Ilaahay dhalay. Sidaa darteed nink Paul oo aan kamid ahayn saxaabadii nabi Ciise ayaa ka dhigay Ciise ilaah, masiixiyiintuna isaga ayey eraydiisa daliishadaan.

Muxuu ka dhahay Hiraqalkii madaxda u ahaa Roomaanku?

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey in Abusufyaan ibnu Xarbi uga sheekeeyey: in Hiraqal (Boqorkii Roomaanka) usoo diray safar Qureesh ah, waxayna ahaaayeen kuwo ganacsto ah oo jooga Shaam (Urdun, Suuriya, Lubnaan iyo Falastiin) xilligii uu nabigu (N.N.K.H) uu mudada (heshiiska) kula jiray Abusufyaan iyo gaaladii Qureeshba, way u yimaadeen ayagoo jooga Iiliyaa, waana ugu yeedhay golihiisii, isagoo ay hereero joogaan Roomaanka madaxdeedii, markaasu u yeedhay isaga iyo turjumaankiisii, wuxuu yidhi: Yaa idiin ku nasab dhow ninkaas sheeganaya inuu yahay Nabi? Abusufyaan waxa uu dhahay: waxaan idhi aniga ayaa ugu nasab dhow. Wxuu dhahay: iisoo dhoweeya, asxaabtiisana usoo dhoweeya oo yeela dhabarkiisa agtiisa, kadibna turjumaankiisii ayuu ku dhahay: waxaad ku dhahdaa (Abusufyaan asxaabtiisii) inaan waydiinayo arrinta ninkaas, ee haduu been ii sheego beeneeya, (Abusufyaan waxa uu yidhi) Ilaahbaan ku dhaartee hadii aanu xishood jirin ay iga qaadaan been waaan ka been sheegi lahaa, wixii ugu horeeyey ee uu i waydiiyey waxay ahayd: Waa sidee dhalashadiisu dhexdiina? Waxaan idhi: dhalasho ayuu nagu leeyahay, waxa uu yidhi: hadalkan isaga hortii miyaa la sheegtay? Waxaan idhi; Maya. Waxa uu dhahay; Aabayaashii ma qaarbaa boqoro ahaa? Waxaan idhi; Maya. Waxa uu dhahay: Ma dadka awooda leh ayaa raacaya mise dadka taagta yar? Waxaan idhi: kuwa tamarta yar. Waxa uu yidhi; Miyey korayaan mise way yaraanayaan? Waxaan idhi; Maya ee way korayaan. Waxa uu dhahay; Miyey cid kasoo laabataa ayagoo u cadhaysan diintiisa kadib markay galaan? Waxaan idhi; May. Waxa uu dhahay: Miyaad been ku eedayn jirteen intaanu odhanin hadalkan (sheeganin Nabinimo)? Waxaan idhi: May. Waxa uu dhahay; Miyuu ballan buriyaa? Waxaan idhi; Maya, anaguna waxaan kula jirnaa mudo (heshiis) ma garanayno waxa uu fali. Waxa uu dhahay (Abusufyaan): iimay suurtoobin inaan dhex galiyo weedho weedhaas  mooyee. Wuxuu dhahay: Ma dagaalanteen? Waxaan idhi: Haa. Waxa uu dhahay: Sideebuu ahaa dagaalkiinu  isaga? Waxaan idhi: dagaalku dhexdayada waa wadaamaysi, waan ka guulaysanaa, isaguna wuu naga guulaystaa. Waxa uu dhahay: Muxuu idin faraa? Waxaan idhi: wuxuu dhahaa: Ilaahay caabuda oo wehel ha u samaynina, kana taga waxa aabayaashiin dhahayaan, wuxuu na faraa salaada, sakada, sadaqada, dhawrsanida iyo qaraabo xiriirinta. Wuxuu ku dhahay Turjumaankii: ku dheh; waxaan ku waydiiyey dhalashadiisa waxaanad sheegtay inuu dhalasho idinku leeyahay, sidaasbaan Rususha looga soo saaraa qoomkooda ayagoo dhalasho ku leh, waxaan ku waydiiyey miyey isaga ka hor hadalkan sheegata, waxaad tidhi may, waxaan idhi: hadii cid ka horeysay ay tidhi hadalkan waxaan odhan waa nin ku dayanaya hadal hore loo yidhi, waxaan ku waydiiyey in cid ka mid ah aabayaashii boqor ahaa, waxaad tidhi; Maya, waxaan idhi: Hadii aabayashii boqor ahaayeen, waxaan odhan; waa nin dalbaya boqortooyadii aabihii, waxaan ku waydiiyey, miyaad been ku tuhmi jirteen intaan hadalkan sheeganin, waxaad dhahday; may, waxaan dhab u ogahay inaanay ahaanayn inuu beenta dadka iska daayey kana been sheego Ilaahay, waxaan ku waydiiyey, ma dadka madaxda ah ayaa raacaya mise dadka taagta yar, waxaad tidhi; dadka tamarta yar ayaa raacaya, waana kuwa raaca rususha. Waxaan ku waydiiyey miyey korayaan mise way yaraanayaan? Waxaad tidhi; way korayaan, waana sidaas arrinka iimaanku marka uu korayo. Waxaan ku waydiiyey miyey cid ka laabataa cadho ay u qabto diintiisa kadib markay gasho, waxaad tidhi; may, waana sidaas iimaanku marka ay la socoto qalbi furan. Waxaan ku waydiiyey, miyuu ballan buriyaa, waxaad tidhi; mar, waa sidaas, rusushu ma ballan buriyaan. Waxaan ku waydiiyey, muxuu idin faraa, waxaad tidhi; inaad caabudaan Ilaahay oo aydaan cidna la wadaajinin, iyo inuu idinka reebo inaad caabudaan sanamka, iyo inuu idin faro salaada, runta iyo dhawrsanida, hadii uu dhab yahay hadlkaad tidhi wuxuu hantiyi doonaa meesha labadayda lugood yaalaan, waanan ogaa inuu soo baxayo, manaan filayn inuu idinka yahay, hadaan ogahay inaan u gaar noqonayo waan isku dhibi lahaa la kulankiisa, hadaan agtiisa joogana cagihisa ayaan dhaqi lahaa, kadibna wuxuu u yeedhay kitaabkii rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) kaasoo loogu soo dhiibay Dixya madaxa Busra,  wuxuuna usii gudbiyey Hiraqal, wuuna akhriyey, mise waxa ku qoran (Bismillahi raxmaani raxiiim) ka socota Muxamed oo ah adoonkii iyo rasuulkii Ilaahay, kuna socota Hiraqal Madaxa Roomaanka; Nabadgalyo ha ahaato cida hanuunka raacday, intaa kadib, waxaan kuugu yeedhayaa yabooha Islaamka, hogaansan aad nabadgashide, Eebana ajarkaaga ayuu ku siin laba jeer, hadaad jeesatidna waxa korkaaga ah danbiga beeralayda (qoomkaaga), << يَا أَهْلَ الكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَى كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَنْ لاَ نَعْبُدَ إِلَّا اللَّهَ وَلاَ نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا وَلاَ يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ>> Abusufyaan waxa uu dhahay; Markuu dhahay wixii uu yidhi, ee u dhameeyey akhrintii kitaabka, buuqiibaa ku batay, codkiina sare ayuu u kacay, waana nala saaray, waxaan ku idhi asxaabtaydii markii nala saaray; wuu waynaaday arrinkii ibnu abi Kabasha, wax ka cabsanaya boqorkii Bani Asfar (reer Yurubta), waanan yaqiinsanaa inuu muujismayo, illamaayo Eebe isoo galiyey Islaamka.  Ibnu Naaduur waxa uu ahaa ninkii (xukumayey) Iiliyaa’ saaxiibna la ahaa Hiraqal baadari degan Shaam, wuxuu ka sheekayn jiray in Hiraqal markuu yimid Iiliyaa inuu maalin noqday mid argagaxsan, kuwo ka mid ah madaxdiisii waxay ku dhaheem; shakligaaga waan la yaabnay manta, ibnu Naaduur waxa uu yidhi; Hiraqal waxa uu ahaa xidigiye fiiriya xidigaha, wuxuu dhahay markay waydiiyeen; waxaan xalay arkay markaan xidigaha eegay in boqorkii dadka is guda dhashay, yaa iska guda Ummadan? Waxay dhaheen: waxa is guda oo kaliya Yahuuda, yaanay ku murginin arrinkoodu, ee u qor magaalooyinkaaga warqado, ha dilaan wixii yahuud joogta. Ayagoo sidaas ku sugan, waxa loo keenay Hiraqal nin uu soo diray boqorkii Qassaan, isagoo uga warraamaya warka Rasuulkii Ilaahay, markii looga warramay Hiraqala ayuu dhahay; taga, oo eega inuu gudan yahay iyo inkale, way eegeen waxayna u sheegeen inuu gudanyahay, waydiiyana Carabta (inay is gudaan) waxa uu dhahay: ayagu way is gudaan. Waxa uu dhahay Hiraqal:  Kaasi waa boqortooyadii ummadan ayaa soo if baxday, kadibna Hiraqla wuxuu u qoray saaxiibkiis joogay Rooma, wuxuuna ahaa dhigiisa xaga cilmiga, Hiiraqal waxa uu u baxay Ximis, markuu jooga Ximisba waxa u timid warqad  saaxiibkii ka soccota oo uu ku waafaqayo aragtidiisa, in Nabigu soo baxay (N.N.K.H), iyo inuu yahay Nabi. Wuxuu Hiraqal u ogaaladay madaxdii Roomaanka fadhi (gole), markaasuu faray albaabadeedii in la xirxiro, markaasuu sare joogsaday oo dhahay, Reer Ruumoow, Ma rabtaan liibaan, hanuun iyo in ay boqortooyadiinu suganto, (waa hadaad) la heshiisaan Nabigan, (madaxdii Roomanku) way u ordeen xaga albaabka sida dameer farawga, waxayna arkeen in la xirxiray, markuu Hiraqal arkay inay dideen, kana quustay iimaankodii ayuu dhahay: Igu soo celiya, waxaanu dhahay: Anigu waxaan u idhi hadalkaygii markii dhoweyd si aan idinku imtixaamo sidaad ugu adagtihiin diintiina, waanan arkay, markaasay u sujuudeen oo raali ka noqdeen. Waana arrinkii ugu danbeeyey ee Hiraqal.

Nabiga (scw) waxa amaanay Allah (swt) kuna tilmaamay inuu leeyahay akhlaaqdii ugu sareysay.

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ ﴿٤

Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn. [(4) suurada Qalam.]

Aayadan Ilaahay wuxuu nabigiisa ku tilmaamay inuu yahay halbeega laga qaato dabeecadaha bani-aadamka oo dhan, ha ahaato markaad faraxsantahay, murugaysantahay, cabsanayso, amaan tahay, xoolo haysatid, faqiir tahay, caafimaad qabto, bukto, xaakim aad tahay, shacab aad tahay, cid kula joogto, kalidaa aad tahay iwm.

Sidoo kale Allah wuxuu faray muslimiinta inay ku daydaan nabigooda, wuxuuna ka dhigay ruuxii buuxiyey dhamaan akhlaaqda iyo dabeecadaha laga rabo bani aadamka.

لَّقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّـهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُو اللَّـهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّـهَ كَثِيرًا ﴿٢١

waxaa idinku sugan Rasuulka Allah Kudayasho wanaagsan, ruuxii rajayn Allah iyo Maalinta Aakhiro, Allaahna xusa in Badan. [Suurada Axzaab 21]

Kudaysho wanaagsan ayuu Allah ka yeelay Rasuulkisa Muxamed, waana Ilaahay siduu la rabo in adoomadiisu dhamaan ay ahaadeen, Ilaahay naxariistiisa korkiisa hayeelo xabiibkeena Muxamed (scw), waa raxmadii caalamiinta siduu Allah ku sheegay quraankiisa:

وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ ﴿١٠٧

kumana aanaan Dirin (nabiyoow) Naxariista Caalamka adoo ah Mooyee.


[1] Reer galbeedka ayaa diinta islaamka u yaqaanay Muhamedism sababtoo ah ayagu masiix ayey caabudaan markaasay isu bixiyeen masiixiyiin, sidaa awgeed waxay u haysteen in musimkuna caabudo muxamed markaasay ugu yeedheen muhamdism.

Waxa diyaariyey soona jeedinaya Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle

 

Skip to toolbar