Hordhac:-

Diinta Masiixiyadda (Christianity) waa diin ay haystaan dad gaadhaya 1,2 bilayn dunida oo dhan, waxayna aaminsanyihiin in Nabi Ciise (N.N.K.H) uu yahay Ilaah ama wiil Ilaahay dhalay. Subxaanallah.

Kitaabka Baybalka ayaa ah kitaabka muqadas xagooda ka ah, waxayna rumaysanyihiin in uu yahay hadalkii Eebe, Kitaabka Baybalka wuxuu u qaybsamaa laba qaybood waa; Old Testament (Axdigii hore) iyo New Testament (Axdigii danbe).

Axdiga Hore waa kitaab muqadas ka ah xagga Yahuuda, waxaanu ka warramaa diiwaankii nabiyadii reer banu israel, wixii ka horreeye Nabi Ciise (N.N.K.H), Axdiga Danbe waxa uu kawarramaa noloshii Nabi Ciise (N.N.K.H).

Baybalka oo dhan waxa uu ka koobanyahay 73 buug, si kastaba ha ahaatee Madhabka Protenant waxay rumaysanyihiin 66 buug oo kaliya, ayagoo diiday 7 buug oo axdiga hore ah, halka Katooligu rumaysanyahay 73 buugba.

Diinta Islaamku maxay ka aaminsantahay Nabi Ciise (N.N.K.H).

  • Diinta Islaamku waa diinta kaliya ee aan masiixiga ahayn ee rumaysan Nabi Ciise (N.N.K.H), qofka muslimka ahi noqon maayo muslim hadii aanu Nabi Ciise (N.N.K.H) u rumaysnayn Nabinimo.
  • Waxaan rumaysanahay inuu yahay mid ka mida Shanta rasuul ee ulul casmiga (اولو العزم), waana rasuul uu soo diray Eebe (S.W.T)
  • Waxaan rumaysanahay inuu u dhashay qaab mucjiso ah, mana laha aabo, taasoo in badan oo madhabyada diinta masiixigu dafireen.
  • Waxaan rumaysanahay inuu yahay Masiix, marka la turjumana noqonaya (Christ).
  • Waxaan rumaysanahay inuu noolayn jiray qof dhintay Ilaahay idinkii.
  • Waxaan kaloo rumaysanahay inuu daawayn jiray dadka indha la’ iyo kuwa qaba xanuunka baraska ahba idinka Eebe (S.W.T).

Nabi Ciise (N.N.K.H) waligii ma uusan sheegan Ilaahnimo.

Farqiga ugu wayn ee u dhaxeeya Diinta Islaamka iyo Diinta Masiixiga waxa weeye Masiixiyiinta oo rumaysan in Nabi Ciise (N.N.K.H) uu yahay ilaah. Cilmi baadhis lagu sameeyay Kitaabka Baybalka waxay tilmaamaysaa in Nabi Ciise (N.N.K.H) aanu waligii sheegan ilaahnimo. Run ahaantiinta ma jirto war qoraal ah oo uu Nabi Ciise (N.N.K.H) ku leeyahay ” Waxaan ahay Ilaah, ama i caabuda”.

Weedhahan soo socda oo ku yaala kitaabka Baybalka waxay tilmaamayaan in Nabi Ciise (N.N.K.H) uu yahay Muslim.

  • [The Bible, John 14:28] “My Father is greater than I” oo macnaheedu yahay “ Eebahay ayaa iga wayn aniga” Kalmada Father waa magac tilmaamaya Eebe, macnaheedu maaha aabahay sababtoo ah diimihii hore markay doonayaan inay tilmaamaan Eebe waxay odhan jireen Aabaheen, laakiin markay diinta Islaamku timid ayuu Eebe ku badalay kalmada (Rabbi) oo noqonaysa Eebaha wax kasta barbaariya.
  • [The Bible, John 10:29] “My Father is greater than all.” Oo macnaheedu yahay “ Eebahay ayaa ka wayn cid kasta” Qof kasta oo aaminsan inuu Eebe (S.W.T) uu ka wayn yahay cid kasta waa muslim sidaa awgeed Nabi Ciise waa Muslim.
  • [The Bible, Mathew 12:28] “I cast out devils by the Spirit of God….” Waxaan Shaydaanka ku saaray ruuxda Ilaahay” ruuxda macanaheedu waa awooda ilaahay.
  • [The Bible, Luke 11:20] “…I with the finger of God cast out devils….” “ Waxaan Shaydaanka ku saaray farta ilaahay” macnaha awooda ilaahay.
  • [The Bible, John 5:30] “I can of mine own self do nothing: as I hear, I judge: and my judgement is just; because I seek not my own will, but the will of the Father which hath sent me.” Nabi Ciise waxa uu leeyahay “ Anigu naftayda waxba uma qaban karo, waxaan maqlo ayaan wax ku xukumaa, Xukunkayguna waa Xaq; Sababtoo ah ma doono inaan doonistayda yeelo, laakiinse waa doonista Eebahay isoo diray” waa hadal cad oo Nabi Ciise (N.N.K.H) uu ku cadaynayo inuu yahay rasuul iyo nabi, uuna wax ku xukumo sharciga Eebe (S.W.T).

Shaqadii Nabi Ciise (N.N.K.H) “waa inuu dhamaystiro Sharcigii Nabi Muuse (N.N.K.H)”

Nabi Ciise (N.N.K.H) marnaba muusan sheeganin ilaahnimo, asagoo ka hadlaya shaqadiisa waxa tilmaamaya weedhahan soo socda.

“Think not that I am come to destroy the law, or the Prophets: I am not come to destroy, but to fulfil. For verily I say unto you, Till heaven and earth pass, one jot or one tittle shall in no wise pass from the law, till all be fulfilled. [The Bible, Mathew 5:17-20]

Ha umalaynina inaan u imi inaan burburiyo Qaanuunka, ama Nabiyada: Umaan iman inaa wax burburiyo balse waa dhamaystir. runtii, waxaan idinku leeyahay, Intaan cirka iyo dhulku idlaan, xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso ma idlaan sharcigu, ilaa ay wada dhamaystiranto

Iskusoo duuboo Nabi Ciise (N.N.K.H) waxa uu tilmaamay inaanu u iman inuu burburiyo qaanuunkii iyo sharciyadii nabiyadii ka horeeyey, sida Nabi Muuse, Nabi Haarruun, Nabi Daa’uud Nabi Suleymaan, Nabi Sakariye iyo Nabi Yaxye, balse kaliya loo soo diray inuu dhamaystiro sharciga.

Yaa soo diray Nabi Ciise (N.N.K.H)

Kitaabka baybalka waxa uu tilmaamayaa in Nabi Ciise yahay Nabi, fiiri weedhahan soo socda:-

[The Bible, John 14:24] “… and the word which ye hear is not mine, but the Father’s which sent me.” “….. iyo hadalkaad maqashaan maaha kayga, ee waa kii Eebahay isoo diray

[The Bible, John 17:3] “And this is life eternal, that they might know thee the only true God, and Jesus Christ, whom thou has sent.” Macanaha waxa weeye “ tani waa nolosha abidka ah, inay ku gartaan ilaaha xaqa ah, iyo inay gartaan Ciise Masiix (N.N.K.H) kii aad soo dirtay

Nabi Ciise (N.N.K.H) wuu diiday in loogu yeedho sifooyinka Eebe.
“And behold, one came and said unto him, ‘Good Master, what good thing shall I do, that I may have eternal life?’ “oo bal eeg, Qof ayaa u yimid kuna yidhi ; Macallinka wanaagsanoow, maxaan sameeyaa si aan u galo jannada?” waxa uu ugu jawaabay sidan.

And he said unto him, ‘Why callest thou me good? There is none good but one, that is, God: but if thou wilt enter into life, keep the commandments.’ ” ” Waxa uu yidhi maxaad iigu yeedhaysaa, Macallinka wanaagsan, ma jiro cid wanaagsan aan Ilaahay ahayn, balse hadii aad rabto inaad gasho Jannada ilaali sharciga iyo qaanuunka. “
[The Bible, Mathew 19:16-17]

Nabi Ciise wuu diiday inuu qaato sifooyinka wanaagsan ee Eebe (S.W.T) waxaanu ku yidhi qofkii waydiiyey wadada jannada loo maro inuu dhawro oo ilaaliyo sharciga iyo qaanunka diintii Nabi ciise.

Hadii lagu galayo in Nabi Ciise (N.N.K.H) yahay ilaah ama wiil uu dhalay ilaah, muxuu u odhan waayey I rumee inaan ilaah ahay. Waa yaab!!

Nabi Ciise waligii muusan sheegan Ilaahnimo, waana carrinta iyo taxadiga horyaala dhammaan dadka haysata diinta masiixiga ah, inay soo saaraan hal weedh oo cad oo Nabi Ciise ku yidhi Ilaah baan ahay ama I caabuda.

Ciise (N.N.K.H) waa Nin Ilaahay u nimceeyey:-

Qoraalkan soo socda oo ku yaala Biblke waxaanu qeexayaa aragtida Islaamku ka qabo Nabi Ciise (N.N.K.H)

“Ye men of Israel, hear these words; Jesus of Nazareth, a man approved of God among you by miracles and wonders and signs, which God did by him in the midst of you, as ye yourselves also know.” [The Bible, Acts 2:22]

Rag yahaw reer banu Isra’iil, hadalladan maqla; Ciisiihii reer Nasared oo ahaa Nin Ilaah idiinku muujiyey mucjisooyin, calaamado iyo astaamo, kuwaas oo Ilaahay ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiina, sidaad idinkuba qudhiinu ogtihiin.”

Weedhahan waxay taageerayaan argtida Islaamka oo ah in Nabi Ciise yahay Nin ilaahay siiyey mucjisooyin iyo calaamado lagu garto nabinimadiisa, hadaba weedhahan waxay ku yaalaan Baybalka ee maxaa keenay ereyada gaalnimada ah ee lagu tilmaamayo in Ciise yahay Ilaah!!! waa yaab. Ciise Ilaahna maaha, manuusan sheeganin Ilaahnimo, Subxaanallah ee waa Adoon iyo Nabi Ilaahay usoo diray reer banu Isra’iil.

Sharciga koowaad waa inay rumeeyaan Ilaaha wayn oo kaliga ah:-

Baybalka kama warramayo ilaah saddexda midkood ah, kumana taalo kalmadaasi ee waa wax ay kaniisaduhu baraan dadka raacsan diintan. Nabi Muuse waxa uu ku yidhi reer banu Israel inay caabudaan Hal ilaah oo kaliya, waxaana ku tusinaya weedhahan oo ku qoran afka cibriga:-

“Shama Israelu Adonai Ila Hayno Adonai Ikhad.”

Maqla, Reer banu Isra’iiloow, Rabbigeen waa ilaahay waana hal ilaah” [The Bible, Mark 12:29].

Ilaahay waa hal Ilaah oo kaliya:-

Weedhahan soo socda waxay tilmaamayaan in Ilaahay yahay Hal Ilaah oo kaliya.

  • “I, even I, am the Lord; and beside me there is no saviour.” [The Bible, Isaiah 43:11]
  • Aniga, aniga qudhayda ayaa Rabbiga ah, oo aniga mooyaane Badbaadiye kale ma jiro.”
  • “I am Lord, and there is none else, there is no God besides me.” [The Bible, Isaiah 45:5]
    Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro
  • I am God, and there is none else; I am God, and there is none like me.” [The Bible, Isaiah 46:9]
  • Aniga Ilaah ah, mid kalena ma jiro; Anigaa Ilaah ah, mid ila mid ahina ma jiro.”

Axidga Hore (Old testment) waxa uu ceebaynayaa caabudida sanamyada:-

  • “Thou shalt have no other gods before me.” (Aniga mooyaane Ilaahyo kale waa inaanaad lahaan)
  • “Thou shalt not make unto thee any graven image, or any likeness of anything that is in heaven above, or that is in the earth beneath, or that is in the water under the earth:”
    (Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eeg waxa samada sare jire, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya jira)
  • “Thou shalt not bow down thyself to them, nor serve them: for I the Lord thy God am a jealous God.”
    (Waa inaanad ayaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaaha waxaan ahay Ilaah masayr ah.) [The Bible, Exodus 20:3-5]

Weedhahan ku qoran Baybalka waxay si cad u iftiiminayaan in aan la farin gaalada (Kiristanka) inay caabudaan sanamyo, tamaasiil ee kaliya ay caabudaan Eebaha wayn ee Qaadirka ah. Maxaa keenay inay caabudaan Nabi Ciise!!! waa Shaydaanka oo ka leexiyey wadadii toosnayd.

Fiiro gaara:-

Dadkan waxa loo diray inay Eebe kaligii caabudaan rumeeyaana nabiyadiisa dhamaan, laga soo bilaabo Nabi Aadan ilaa Nabiga ugu danbeeyey ee Nabi Muhammed (N.N.K.H) kadibna  nasiib xumo waxay caabudeen ilaahyo kale sida sanamyada iwm, ama waxay Eebe la barbardhigeen dad kale, oo siiyeen sifooyinka Eebe subxaanallah. Sidoo kale waxa loo diray dhamaan diimaha dunida korkeeda saaran inay rumeeyaan rasuulka ugu danbeeye ee Nabi Muhammed laakiin nasiib darro way daffireen oo ka gaaloobeen diinta islaamka.

Mowqifka diinta Islaamku ka qabto shirkiga:-

Eebe (S.W.T) waxa uu ku leeyahay suurada 5aad ee Al-maaidah, Aayada 72 ilaa 76.

 لَقَدۡ ڪَفَرَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡمَسِيحُ ٱبۡنُ مَرۡيَمَ‌ۖ وَقَالَ ٱلۡمَسِيحُ يَـٰبَنِىٓ إِسۡرَٲٓءِيلَ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ رَبِّى وَرَبَّڪُمۡ‌ۖ إِنَّهُ ۥ مَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدۡ حَرَّمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ ٱلۡجَنَّةَ وَمَأۡوَٮٰهُ ٱلنَّارُ‌ۖ وَمَا لِلظَّـٰلِمِينَ مِنۡ أَنصَارٍ

”waxaa Gaaloobay kuwa Yidhi Eebe waa Masiixi Ibnu Maryama, Wuxuuna yidhi Masiix (Ciise) Banii Israa’iilow Caabuda Eebe ee ah Eebanay iyo Eebihiin, Ruuxii u Shariig Yeela Eebe (La wadaajiya) wuxuu Eebe ka Xarrimay Jannada wuxuuna ku hoyan Naarta Daalimna ma helo Gargaare.

لَّقَدۡ ڪَفَرَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ ثَالِثُ ثَلَـٰثَةٍ۬‌ۘ وَمَا مِنۡ إِلَـٰهٍ إِلَّآ إِلَـٰهٌ۬ وَٲحِدٌ۬‌ۚ وَإِن لَّمۡ يَنتَهُواْ عَمَّا يَقُولُونَ لَيَمَسَّنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Waxaa Gaaloobay kuwii Yidhi ILaahay waa Saddex Midkood, ILaah kaliya Mooyee ILaah kalana ma jiro, hadayna ka Joogin waxay Sheegina waxaa Taaban kuwa Gaaloobay oo ka mid ah Cadaab Daran.

أَفَلَا يَتُوبُونَ إِلَى ٱللَّهِ وَيَسۡتَغۡفِرُونَهُ ۥ‌ۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌ۬ رَّحِيمٌ۬

Miyeyna u Toobad keenayn Eebe oyna Dambi Dhaaf warsanayn, Eebaana Dambi Dhaafe Naxariista ah

مَّا ٱلۡمَسِيحُ ٱبۡنُ مَرۡيَمَ إِلَّا رَسُولٌ۬ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِ ٱلرُّسُلُ وَأُمُّهُ ۥ صِدِّيقَةٌ۬‌ۖ ڪَانَا يَأۡڪُلَانِ ٱلطَّعَامَ‌ۗ ٱنظُرۡ ڪَيۡفَ نُبَيِّنُ لَهُمُ ٱلۡأَيَـٰتِ ثُمَّ ٱنظُرۡ أَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ

Masiix (Ciise) Ibnu maryama ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaana tagay hortiis rasuuladii, hooyadiisna waxay ahayd rumayso, waxayna cuni jireen Cunnada, day Saannu ugu Caddayn Aayaadka Markaas day Sida loo iilo.

Afartaa aayadood ayuu Eebe inoogu cadeeyey mowqifka Islaamka ka qabo Nabi Ciise (N.N.K.H), iyo cidii asaga caabuda ama ka yeesha ilaah.

Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu soo hanuuniyo ruux kasta oo qalbigiisa wanaag ku jiro, dadka muslimiinta ahna ku sugo diintooda.

Lifaaqa sare ka akhriso waxa uu kitaabka Baybalkau ka yidhi Risaalada Nabi Muhammed (N.N.K.H).

Diyaariye: Abdulaziz Oogle