Islaamka iyo Hinduuska

Hinduuska waa diimaha qadiimiga ah, kalmada hindina waa kalmad faarisiya oo u taagan dadka dagan deegaanka iyo dooxada Valley India. Dadka Hinduuska ahi waxay aaminsanyihiin qoraalo kala duwan oo kuwa ugu muhiimsan ay yihiin kutubta Veda, Upanishads iyo Bhagavad Gita.

Kutubta Veda:-

Kalmada Veda waxa laga soo dhiraandhiriyey (Vid) oo macnaheedu yahay Aqoon, waxbarasho iyo xikmad. Kutubta Veda aad bay u badan yihiin laakiin waxa ugu muhiimsan afar kamida. Waana Rigveda, Samveda, Atharvaveda iyo Yajurveda.

Kutubta Upanishads:-

Kalmada Upanishad waxay ka timid laba kalmadood oo isku dhafan waa (Upa) oo ah hoos iyo (Shad) oo ah fadhi, sidaa awgeed Upanishads macnaheedu waa hoos u fadhiiso. Tirada kutubtana waxay dhaaftay 200 oo kitaab hase ahaatee waxa ugu muhiimsan 10 kamida.

Kutubta Purana:-

Purana waa kutub ka sheekeeya taariikh iyo bilowgii koonka waxaana lagu tilmaami karaa kitaab suugaaneed oo kale. Kitaabka Bhavishya Purana ayaa ah ka ugu muhiimsan waxayna hinduusku aaminsanyihiin inuu yahay hadalkii Eebe.

Maxay ka aaminsanyihiin Ilaahay:-

Diinta Hinduuska waxay aaminsanyihiin ilaahyo badan (polytheistic), Hinduuska qaar ka mid ah waxay aaminsanyihiin sadex ilaah, halka kuwo kalena ay aaminsanyihiin kumaan kun oo ilaah, kuwo kale waxay rumaysanyihiin 330 milyan oo ilaah. Si kastaba ha ahaatee dadka aad u bartay diintan waxay iclaamiyeen in dadka haysta diinta Hinduuska inay aaminaan hal Ilaah oo kaliya.

Farqiga ugu wayn ee u dhaxeeya diinta Islaamka iyo diinta Hinduusku waxa weeye Hinduuska oo rumaysan in guud ahaan wax kastaa yahay ilaah oo xurmo mudan yahay, Qorraxdu waa ilaah, Dhulku waa ilaah daanyeerku waa ilaah sidoo kale dadkuna waa ilaahyo!!!!

Diinta Islaamku waxay rumaysantahay in  Eebe wax kasta leeyahay, Qorraxda waxa leh ilaahay, Dayaxa, Daanyeerka, Masaska, Dhulka iyo Dadkaba waxa abuuray ilaahay oo iska leh..

Kutubta Hinduuska maxay ka yidhaahdeen ilaahay?

Dadkan waxa loo diray inay rumeeyaan Hal ilaah oo kaliya, balse nasiib xumo waxay caabudeen sanamyo iyo ilaahyo fara badan, waxaynu soo bandhigi doona cadaymo cadcad oo ku tusaya in loo diray inay rumeeyaan  ilaaha wayn iyo Nabi Muhammed (N.N.K.H).

    1 .  “Ekam evadvitiyam” “[Chandogya Upanishad 6:2:1]1.
           “Ilaahay waa kali, cidna lama lamaana”.  Qof kasta oo muslima waxa uu rumaysan yahay in Ilaahay yahay kali.

  1. Na casya kascij janita na cadhipah.” [Svetasvatara Upanishad 6:9]2
    “Asagu (Eebe) malaha waalid iyo ilaah toona”  Sidoo kale Eebe malaha waalid iyo ubad toona.
  2. Na tasya pratima asti” [Svetasvatara Upanishad 4:19]3
    “Cid u dhigantaana ma jirto.” cid la mid ahina ma jirto.
  3. Na samdrse tisthati rupam asya, na caksusa pasyati kas canainam” [Svetasvatara Upanishad 4:20]4

         ” Lama arki karo, Qofna kuma arki karo indhihiisa”

  1. Dev maha osi” [Atharvaveda 20:58:3]9
    “Ilaahay Aad buu u wayn yahay”

Isku soo wada duuboo Daliiladan laga soo ururiyey Kutubta Hinduusku waxay waafaqsanyihiin caqiidada diinta Islaamka oo ah in la caabudo hal ilaah oo kaliya. Xaqu (S.W.T) asagoo ka hadlaya caqiidada dadka muslimka ah ayuu ku yidhi Suurada 112 aad ee Al-Ikhlaas, Aayada 1-4.

قُلۡ هُوَ ٱللَّهُ أَحَدٌ (١) ٱللَّهُ ٱلصَّمَدُ (٢) لَمۡ يَلِدۡ وَلَمۡ يُولَدۡ (٣) وَلَمۡ يَكُن لَّهُ ۥ ڪُفُوًا أَحَدٌ (٤)

“Waxaad dhahdaa (Nabiyow) Eebe waa Kali (wehelna ma leh), Waana Sayid (deeqtoon), Eebe wax ma dhalin, isna lama dhalin, Wax la mid ahna ma jiro”


Si kastaba ha ahaatee su’aasha wali meesha taagan waxay tahay hadii kutubtooda ay ku qorantahay inay caabudaan ilaahay oo kaliya maxay wali u caabudaan sanamyada (idol worship). waa wax lala yaabo, ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu nagu sugo diintiisa kuwa kalena ee uu Eebe khayr ku og yahayna soo hanuuniyo.

Diyaariye: Abdulaziz Oogle