Baybalku ma hadal Ilaahaybaa??

 

Intaynaan ka hadlin su’aashaas waxa inooga jawaabay culumo masiixiyiina oo ku xeeldheer diinta Kiristanka, gaar ahaan ninka la dhaho Dr. W. Graham oo kamid ahaa xubin ka tirsan machadka Moody Bible Institute wuxuu ku dhahay kitaabkiisa ”Baybalku ma hadal Ilaahbaa” cinwaankan ah ”Baybalku waa hadal Bani-aadam laakiin samaawi ah”

Haa, kitaabkan waa kitaab Bani-aadam uu qoray, waxaanad ka dhex arkaysaa sifooyinka iyo caqliga bashariga ah oo ka dhex muuqda qoraalada Kitaabka Baybalka. Sidoo kale ninka la dhaho Kenneth Caragg ayaa wuxuu ku sheegay kitaabkiisa ”the call of Minaret” in Kutubta axdiga cusub ay katimid maskaxdii Kaniisada taasoo dhabarka ka riixaysa qorayaashii Baybalka, kutubtanina waxay ka turjuntaa Khibrad iyo Taariikh.

Labadaas nin oo ah culumada Masiixiyiintu waxay si cad inoogu qeexeen in Kitaabkan Baybalku yahay kitaabka uu qoray Bashar oo aanu ahayn hadal Ilaah sida ay sheegaan Kiristaanku!

Hadii jawaabta ruuxa Muslimka ah uu bixinayo tahay; Kitaabkani waa hadal Bani-aadam, mana wada aha waxyigii Ilaahay kusoo dajiyey nabiyadii ka horeeyey nabi Muxamed. Maxay tahay jawaabta dadka rumaysan kitaabkan?

Dabcan dadka khubarada ku ah kitaabkani ma rumaysna inuu yahay hadal Ilaah laakiin dadka aqoonta yar ama ay ku cusubtahay Masiixinmadu waxa laga buuxiyaa in Kitaabkani yahay hadala Ilaah oo kalmad kasta iyo qoraalkasta waxa soo waxyooda rooxaaniyada barakaysan. Si kale hadaan u tilmaano Kiristaanku wuxuu leeyahay Kitaabkaygu waa hadalkii Ilaahay, hadaba ruuxaas maxaa lagu qancinayaa?

Ilaahay wuxuu Quraankiisa ku dhahay; “قل هاتوا برهانكم إن كنتم صادقين ” ku dheh nabiyoow la kaalaya daliilkiina hadaad run sheegaysaan” waxaynu waydiinaynaa maxaad u haysataan daliil ama xujo in Kitaabkani uu yahay hadal Ilaah? Kiristaankii wuxuu yidhi; waa kan daliilkaygii oo uu uga jeedo kitaabka Baybalka oo lagu qoray in kabadan 1500 oo luuqadood.

Hadaba aynu fiirino wuxuu Daliil ka dhigtay, hadii ayba daliilkaasi uu noqdo xujo cad oo qancisa ruux kasta kolkaas waaban kula qaadan fikradaada waanan u hogaansami balse hadii ay xujadaasi noqon waydo mid xaqiiqo ah waxaan kaa codsanayaa inaad raacdaan diinta xaqa ah.

Hadii kale idinkoo arkaya xaqiiqada ood is baal marisaan waxaad noqonaysaan dadkii Ciise masiix (N.N.K.H) uu tilmaamay isagoo dhahay; ”they seeing see not; and hearing they hear not, neither do they understand.” “way arkaan hadana wax ma arkayaan, way maqlaan hadana waxba ma maqlayaan, waxna ma fahmayaan” (Mathew 13:13)

Sidoo kale kitaabka Quraanka Kariimka ahna wuxuu Allah (S.W.T) ku leeyahay suurada labaad ee Al.baqara 2:18

صُمٌّ بُكْمٌ عُمْيٌ فَهُمْ لَا يَرْجِعُونَ ﴿١٨

waa Dhaga la’aan, Hadala’aan, aragla’aan, xaqana uma soo noqdaan” [Albaqara: 2:18]

 

Tusmo

Xogta aad daliishanaysu waa kee?

Sida aynu hore usoo tilmaamnay qofkii Kiristanka ahaa wuxuu leeyahay aniga Daliilkaygu waa Baybalka, wanaa kan ku horyaala hase ahaatee manta waxa jira boqolaal Baybal ama kumanaan Baybal oo kalawada duwan oo mid mid kale lamid ah aanu jirin, marka hore waa inaad qeexdaa kitaabka daliilka kuu ah. Ma Baybalka Katoligaa? Ma ka Protestaankaa? Ma ka Kaniisada Ingiriiskaa? Ma ka NIV gaa? Ma ka Jehovas Withness baa? Ugu horeyn bal dadka ha u sheegaan kitaabka ay rumaysanyihiin inuu yahay hadal Ilaah.

Intaynaan doodaas ku saabsan ”waa Baybalkee kaad u rumaysantahay hadal Ilaah” waxaan jeclaystay inaan idiin soo bandhigo iimaanka ruuxa Muslimka ah.

Qofka Muslimka ah wuxuu rumaysanyahay in Kitaabka Quraanka Kariimka ah uu yahay hadalkii Ilaahay oo loo waxyooday Nabigii ugudanbeeyey ee Muxamed (N.N.K.H), waxaana soo dajiyey Malaga Jibriil oo mudo dhan 23 sanadood ayaa kolba inyar lasoo dajinaayey illaa ugu danbayn uu noqday waxyigaasi Kitaabkan Quraanka Kariimka ah.

Waxaana qiray in Kitaabka Quraanka ah yahay kitaabka diiniga ah ee kaliya ee Dunida korkeeda yaala ee aan isbadalin dadka dura ama wax ka sheega Islaamka, waxaana kamid ahaa ninka la dhaho Wiliam Miyuur ayaa wuxuu yidhi mudo laga joogo 200 oo sanadood sidan ” Kitaabka Quraanku waa kitaabka kaliya ee aan isbadalin mudo dhan 1200 oo sanadood oo sidiisii baaqi ku ah” dabcan weedhaas uu yidhi iminka waxa laga joogaa 200 oo sanadood waxaana kasoo wareegay xilligii uu waxyigu soo dagay 1400 oo sanadood.

Anaka ka muslim ahaan waxaan rumaysanahay waxyigii  Ilaahay kusoo dajiyey nabiyada sida nabi Muuse oo Towreed lagu soo dajiyey, nabi Ciise oo Injiil lagu soo dajiyey iyo Nabi Daa’uud oo Zabuur lagu soo dajiyey.

Tawraadkii lagu soo dajiyey Nabi Muuse waanu rumaysanahay laakiin towraadka Yahuudu aaminsantahay ee ah Shanta kitaab ee ugu horeeya Baybalku maaha kaanu anaku rumaysanahay, waxa dhici karta in magacu isku mid yahay hase ahaatee maaha towraadkii nabi muuse lagu soo dajiyey (waanan ka waraamaynaa sababta).

Sidoo kale Injiilka Kiristaanku rumaysanyihiin ee ah afarta kitaabka ee Axdiga hore maaha Injiilka ay Muslimiintu rumaysanyihiin, afarta kitaab waxa magacooda la dhahaa, Injiilka Mathew oo laga soo xigtay St. Mathew, Injiilka Luuk oo laga soo xigtay St. Luuk, Injiilka John oo laga soo xigtay St. John iyo Injiilka Markus oo laga soo xigtay St. Markus, waxa is waydiinta leh waxay tahay; kitaabkasta waxa raacsan weedha ah (according, ama enligt) oo macnaheedu yahay laga soo xigtay, waxay Muslimku rabaan Kitaabka Injiilka Ciise Masiix ee laga soo xigtay Ciise Masiix, kaasina waa mid aan meeshaba oolin (waanan ka warrami doona sababta aanaan u rumaysnayn)

Dhanka kale kitaabka Zabuur ee Muslimku aaminsanyihiin in lagu soo dajiyey nabi Daa’uud maaha kitaabka Psalms ee Masiixiyiinta qaar ay u tiiriyaan inuu yahay kitaabkii Daa’uud sidoo kale xitaa Masiixiyiintu kuma adkaysanayaan in Kitaabkaas uu alifay nabi Daa’uud.

 

Waa kee Kitaabkaagu?

Sida caadiga ah hadaad waydiiso ruux Masiixiya waa kee Kitaabkaagu? Wuxuu dhahaa; waa kitaabka qaduuska ah ee Baybalka. Hadaad dhahdo, haayee kitaabkeebaad u jeedaa? Wuxuu ku dhahayaa; waxa jira halka kitaab oo la dhaho kitaabka qaduuska ah ee Baybalka. Ruuxaasi wuxuu doonayaa inuu kugu khiyaano in hal kitaab kaliya uu jiro balse xaqiiqadu waxay tahay in kutubo badan oo Baybal ah ay jiraan oo kala wada duwan.

Kitaabka Douay ee Romaan Kaatooliga:-

Kitaabkan waxa la daabacay markii ugu horeysay 1582 dii ayadoo laga daabacay Laatiin, sanadkii 1609 kii ayaa dib loo sii daabacay, sidaa darteed Kitaabkan Kaaotooligu waa kitaabka ugu qadiimisan ee maanta aad suuqa ka iibsankarto. Hadana kitaabkaas ugu qadiimisan waxa ka hor yimid Protestaanka oo diiday todoba kitaab oo kamida ah waxayna ku sifeeyeen in todobadaas kitaab yihiin ”Apocrypha” waa daciif shaki badan ka buuxo, wayna dafireen ayagoo ka hor yimid waxa kitaabkoodu sheegayo oo ah inaan cidina badali karayn ama cidina wax ka jari karayn kitaabkan ayey ka tuureen todobadaas kitaab oo ay kamid yihiin Kitaabka Judith, kitaabka Tobias, kitaabka Baruch, kitaabka Esther iwm.

Kitaabka Protestaanka:-

Sidaynu hore usoo sheegnay Protestaanku waxay ku dhiiradeen inay Kitaabka Baybalka ka tuuraan todobadii kitaab, waxayna soo dabaceen markii ugu horeysay kitaabka King James Version gaar ahaan sanadkii 1611 kii. Waxaana faray oo amray in la qoro boqokii James ee kowaad waana kan loogu magac daray kitaabkaba.

Hadaba bal aynu fiirino aragtida Masiixiyiinta ee ku saabsan kitaabkan KJV, kaasoo la shaandheeyey sanadkii 1881 kii, loona bixiyey xogta shaandhaysan, hadana sanadkii 1952 dii ayaa si xoog ah loosii shaandheeyey waxaana loo bixiyey R.S.V. hadana sanadkii 1971 dii ayaa lagu noqday dib u shaandhayn kara. [Shaandhaynta macnaheedu waxa weeye in Kitaabka wax laga jaro ama lagu daro wax kale]

Waxay tidhi Jariidada Kaniisada Ingiriiska; ” Xogtii ugu wanaagsanayd weeye ee la soo saaray qarniga” Jariidada Live and Work waxay tidhi; ” waxa weeye xog fiican oo shaandhaysan lana jecelyahay laguna midaysanyahay loona turjumay si saxiix ah”

Taasi waa amaan loo soo jeediyey kitaabkan KJV hase ahaatee u diyaagarooba arrinta cajiibka ah ee ka nixinaysa qofkasta oo Kiristan ah waxa lagu sheegay kitaabka ugu iibsiga badan Aduunka ee AV ”Authorised Version of the Bible” gaar ahaan bogga sadexaad ee kitaabkaas waxay dhaheen culumadii ugu sarreysay uguna cilmiga badnaa Masiixiyiintu oo ah 32 culumo oo ay taageerayeen 50 kaniisadood waxay dhaheen sidan; ” Kitaabka King James Version waxa ku jira ceebo aad u khatar ah oo halis an, ceebahaas oo aad u tiro badan una baahan in dib u eegis lagu sameeyo ama dib loo shaandheeyo ”

Waa taas aragtidii culumadii ugu sarreysay diinta Kiristan oo ku tilmaamay in Kitaabka Protestanku ay aaminsanyihiin inay ka buuxaan ceebo halis ah oo aad u tiro badan waxayna soo saareen kitaabkaas badalkiisa kitaab kale oo Baybal ah lana dhaho R.S.V.

Konton kun oo Khalad oo ku jira Baybalak!

Jariidada ”Wake up” ee ay leedahay kooxda Jehovas Withness ayaa lagu sheegay cadadkeedii soo baxay 8 September 1957 dii ayey cinwaanka layaabka leh ” Konton kun oo Khaladaad oo ku jira kitaabka Baybalka”

Dabcan maqaalkan ama kitaabkan yar kagama doodayno Kontankaa kun ee Khaladaad ee waxaan soo qaadanaynaa Khaladaadka ugu caansan ama ugu muhiimsan ee Kitaabka Baybalka.

  1. Maryama ma Bikro ayey ahayd mise Sabi (gabadh yar)?

Therefore the Lord himself shall give you a sign; Behold, a virgin shall conceive, and bear a son, and shall call his name Immanuel.” [Isaiah 7:14]

Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu’eel. 

 

Faqradan meesha ku qoran waxa laga badalay weedha ah “Bikrada” loona badalay weedha ah ”Sabi” waana tarjamada saxiixa ah ee luuqada Cibraaniga “almah” waana qaabka loo saxay kitaabkan laguna soo bandhigay kitaabkan cusub ee dib loo shaandheeyey.

 

  1. Ciise Masiix waa la dhalay waana makhluuq.

 

Kaniisadaha Kiristaanka iyo guud ahaan Masiixiyiintu waxay ku celceliyaan weedha ah Ciise wiilka Ilaahay ee kaliya ee la dhalay. Ayagoo xigsanaya aayadan soo socota ama faqradan.

 

For God so loved the world, that he gave his only begotten Son, that whosoever believeth in him should not perish, but have everlasting life” [John: 3:16]

Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.”

 

Aayadan waa ta ugu isticmaalka badan ee ay soo qaataan Kiristaanku, majiro Nin Masiixiya oo ku faanaya diintiisa haduuba jiro wuxuu soo qaatan faqradan, kalmadan cajiibka ah ee tibaaxaysa inuu Ilaahay wax dhalay waa mid gaalnimo keenaysa waana mid kamid ah weedhaha kusoo dhex dhuuntay Kitaabka Baybalka oo u nisbeynaysa inuu Ilaahay leeyahay wiil kaliya oo la dhalaya. Hadaba u diyaar garooba warka cajiibka, culumadii qortay kitaabkan dib loo shaandheeyey ee R.S.V 1952 kii way ka tureen weedhan “Begotten” Kitaabka Baybalka ayagoo ku doodaya inaanay ahayn weedh ku sugan xogtii qadiimiga ahayd ee ay heleen.

Weedhani inay gaalnimo tahay oo khalad wayna ay tahay waxa maantaa ogaaday culumadii Kiristanka madaxda u ahaa, waxayna talaabo hor leh usoo qaadaan jidkii saxda ahaa, anakana hadaan nahay Muslimiin waanu soo dhoweynaynaa in manta aad garwaaqsateen inaanu Ilaahy lahayn wiil la dhalay.

 

Kitaabka Quraankuna aadbuu u dhaleeceeyey dadka u nisbeeya Ilaahay inuu Ubad leeyahay waxaanu yidhi Allah sidan:-

 

 وَقَالُوا اتَّخَذَ الرَّحْمَـٰنُ وَلَدًا ﴿٨٨﴾ لَّقَدْ جِئْتُمْ شَيْئًا إِدًّا ﴿٨٩﴾ تَكَادُ السَّمَاوَاتُ يَتَفَطَّرْنَ مِنْهُ وَتَنشَقُّ الْأَرْضُ وَتَخِرُّ الْجِبَالُ هَدًّا ﴿٩٠﴾ أَن دَعَوْا لِلرَّحْمَـٰنِ وَلَدًا ﴿٩١﴾ وَمَا يَنبَغِي لِلرَّحْمَـٰنِ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا ﴿٩٢﴾ إِن كُلُّ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ إِلَّا آتِي الرَّحْمَـٰنِ عَبْدًا ﴿٩٣﴾ لَّقَدْ أَحْصَاهُمْ وَعَدَّهُمْ عَدًّا ﴿٩٤﴾ وَكُلُّهُمْ آتِيهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَرْدًا ﴿٩٥

waxay dheheen (gaaladu) wuxuu yeeshay Eebaha Raxmaana ilmo. (88) waxaad la timaadeen wax wayn.(89) oy u dhawdahay samooyinku inay la dillaacaan lana jeexmo dhulku oy la hoobato buuruhu burbur.(90) inay u sheegeen Eebaha Raxmaana ilmo. (91)kuma habboona Eebaha Raxmaana inuu yeesho ilmo.(92) wax kastoo Samada iyo Dhulka ku sugan uxuu u imaan Eebe isagoo Addoona. (93) wuu koobay Eebe wuuna Tiriyey Tiro. (94) Dhammaantoodna waxay u imaan Eebe Qiyaamada iyagoo Kali ah. (95)

 

  1. Xisaabta Masiixiyiinta ee Cajiibka ah oo aanay cidina xalin karayn (3=1 ama 1=3)

 

Kiristaanku waxay rumaysanyihiin oo ku celceliyaan kalimada “Trinity” “Sadexoole” Ilaaha sadexoolaha ah ama saaluuska ayagoo kazoo xiganaya weedhan waxa kusoo arooray kitaabka John.

 

For there are three that bear record in heaven, the Father, the Word, and the Holy Ghost: and these three are one” [1st Epistle of John 5:7]

“Markhaatiyaasha ka diiwaangashan Cirku waa sadex, Aabaha, Kalimada iyo Rooxaanta Qaduuska ah: Sadexdaasina waa isku hal”

 

Nb: Kitaabka Bayblka Soomalida wuxuu ku badalay aayadan dhan ee ah Aabaha, Wiilka iyo Rooxaniyadu waa isku mid weedhan soo socda;

“Oo waa Ruuxa kan maragga furaa, waayo, Ruuxa waa runta.” Bal khiyaanada iyo Beenta ay turjumayaan fiiri. Waxa meeshan ku qoran meelnaba kagama taalo Baybalka, kaliya ujeedadu waxay tahay in ay Soomaalida ku khaldaan oo ay ka dhaadhiciyaan in Ilaaha sadexoolaha ahi aanu raadba ku lahan Kitaabka Baybalka”

 

Dabcan aayadan ayaa ah ta ugu dhaw Ilaaha sadexoolaha ah ee ay rumaysanyihiin, hase ahaatee Culumadii 32 ka ahayd ee ugu sarreysay Kiristanka ee ay taageerayeen Kontanka Kaniisadood way ka tureen aayadan siday u dhantahay. Waa laga saaray faqradan Kitaabka gaar ahaan Luuqda afka Ingiriisiga ah laakiin dadka kale ee aan ku hadlin luuqda Afka Ingiriisiga yaa tolow uga saaraya Kitaabkooda Weedhahan beenta ah ee lasoo dhex galiyey Kitaabka!!

 

Kiristaankii waxay garwaaqsadeen in laga saaro Trinityga ama Sadexoolaha kitaabkooda, waxaana nala haboon anaka Muslimiinta inaan soo dhoweyno inay fahmeen iminka wixii Quraanku ka hadlayey 1400 oo sanadood kahor. Ilaahay wuxuu yidhi;

وَلَا تَقُولُوا ثَلَاثَةٌ ۚانتَهُوا خَيْرًا لَّكُمْ ۚ إِنَّمَا اللَّـهُ إِلَـٰهٌ وَاحِدٌ ۖ 

hana dhihina Saddex (ILaah), joojiya saasaa idiin Khayr Roon, Allah waa uun ILaah Kaliya, [Nisaa, 4:171]

 

  1. Ciise Masiix ma Cirkuu aaday?

Masiixiyiintu waxay sidoo kale aad ugu hadlaan oo kamid ah iimaankooda iyo ictiqqadkooda ugu sarreeyaa in Ciise Cirka aa doo uu fadhiista Gacanta Midig ee Ilaahay. Waxayna ku cadahay Kitaabkooda sida kusoo aroortay aayadahan.

And it came to pass, while he blessed them, he was parted from them, and carried up into heaven” [Luuk: 24:51]”

Markuu barakaynayey ayuu kali ka noqday, wuxuuna fuulay Cirka

 

Nb: Dadka qoray Bayblka Afka soomaaliga ah waxay u badaleen kalimadii ahayd wuxuu fuulay Cirka sidan; “oo waxaa kor loogu qaaday samada.” Waxay ka dhigeen sidii qof isaga la qaaday laakiin sidaas maaha tarjamada saxda ah ee isaga ayaa fuulay weeye Cirka. Waa khiyaanada ay ku khaldayaan Somaalida, maadaama aanu Muslimka Soomaaliga ahi aanu marnaba rumaysanayn inuu Ciise iskii isu qaaday waxay ku badaleen waa la qaaday, waxayna ka horyimaadeen oo khilaafeen isla kitaabkoodii!!!

  • Sidoo kale Faqradan ayaa tilmaamaysa inuu Ciise Masiix xaga sare qabtay.

So then after the Lord had spoken unto them, he was received up into heaven, and sat on the right hand of God.” [Mark: 16:19]

Haddaba Rabbi Ciise goortuu la hadlay dabadeed ayaa samada loo qaaday, wuxuuna fadhiistay Ilaahay gacantiisa midig

 

Waxa hadaba yaaba in Faqradahan oo tilmaamaya in Ciise Masiix (N.N.K.H) uu aaday Cirka oo sare loo qaaday (ama isagu sare isu qaaday) in guud ahaanba laga tirtiray kitaabka Baybalka gaar ahaan xogtii RSV ee la shaandheeyey 1952 dii. Waxayna meeshii ay ku qornayd sideeda aayadood ee u danbeeya lagu qoray badalkoodii xuruuf yaryar oo kale.

 

Dhamaan Daliiladaas aan soo qaadanay ee aynu nidhi; waa aayado ku yaalay Kitaabka Baybalka kahor intaan la qorin kitaabkan la shaandheeyey 1952dii, dabadeedna Culumadaasi way ka tureen aayadahan oo dhan ayagoo ku doodaya in xogtii ugu qadiimisaynd aanay salba ku lahayn. Waxayn yihiin kalimooyinka sida Ilaaha Sadexoolaha ah, Ciise oo qabtay Cirka, Wiilka la dhalay, iyo Bikranimada Maryan kuwo been ah oo si khalad ah usoo galay Kitaabka Baybalka.

Dabcan cid qasabtay Culumadaas maysan jirin ee kaliya markay isbarbardhigeen xogtii qadiimiga ahayd ee uu cuskanayey Kitaabka King James Version iyo xogtii ugu qadiimisanayd ee ay ayagu xiganayeen ayey ka waayeen kalimooyinkan iyo aayadahan, wayna ka saareen oo ka tureen kitaabka Baybalka.

 

U diyaar garooba mucjisadan iyo layaabkan.

Culamadii ka saartay Kitaabka Baybalka aayadahaan kor kusoo xusnay oo iibiyey Kitaabkii cusbaa ee ay soo saareen kuna iibiyeen lacag dhan 15000000 Shan iyo Toban Milyan oo doolar ayaa waxa lagu qasbay in ay dib usoo celiyaan waxay Kitaabka ka saareen, hadii kalena waxaan Dadka ku dhahaynaa ha iibsanina kitaabkaas.

Culumo ku sheegii hada kahor ka saaray weedhahan aynu kor kusoo xusnay hadan way kusoo celiyeen ayagoo cadaadis uu kaga yimid kaniisadaha iyo madhabyada kale ee DIinta Kiristanka.

Waa yaabe, markii ay soo saareen kitaabkan kale ee RSV ee 1972 dii ayey kusoo celiyeen wixii ay ka saareen Kitaabka ayagoo marmarsiiyo ka dhigtay in dhamaan xogtii iyo qoraaladii ugu qadiimisanaa ay baaba’day oo la waayey!!!

 

Kiristanku waxay wadaan waa Games waa Cayaar iyo dheeldheel, miyaad aragteen Kitaab loo nisbaynayo inuu ka ahaaday xaga Ilaahay oo hadana markii la doono la badalayo oo marna lagu darayo wax aan kamid ahayn marna laga jarayo weedho ku qoran. Yahuudu way badaleen kutubtoodii halka Kiristaankuna uu ka badalay Kitaabkoodii. Waana mid socota maalin walba oo marna wax cusub lagu darayo, marna wax ku jiray laga tuurayo.

Wuxuu Allah ku dhahay Quraankiisa, Kiristaanku kitaabkooda way badalaaan, maaha way badaleen ama way badali jireen ama way badali doonaan ee wuxuu Ilaahay adeegsaday weedk ka xeeldheer waxaas oo dhan oo ah way badalaaan goor kasta!!

فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ يَكْتُبُونَ الْكِتَابَ بِأَيْدِيهِمْ ثُمَّ يَقُولُونَ هَـٰذَا مِنْ عِندِ اللَّـهِ لِيَشْتَرُوا بِهِ ثَمَنًا قَلِيلًا ۖ فَوَيْلٌ لَّهُم مِّمَّا كَتَبَتْ أَيْدِيهِمْ وَوَيْلٌ لَّهُم مِّمَّا يَكْسِبُونَ ﴿٧٩

“halaag wuxuu u sugnaaday kuwa ku qoraya Kitaabka (Kiristanka iyo Yahuuda)  Gacmhooda hadana dhahaya kani wuxuu ka yimid xagga Ilaahay si ay qiimo yar ugu gataan, halaag baana ugu sugnaaday waxay qori Gacmahoodu, halaag baana ugu suganaaday waxay kasban”. [Al-baqarah: 2:79]

Allah (S.W.T) wuxuu si toosa u sheegay inay qarayaan kitaabkooda, goorma? Xilli kastaba, markastaba, goobkastaba iyo goorkastaba sababtoo ah “Qaraya” waa ficil iminka taagan oo maaha ficil hada kahor dhacay ama mid mustaqbalka dhacaya ee mid joogta ah oo soconaya markastaba.

 

Magaca Allah oo ku jira Baybalka.

Baadariga la dhaho Scoefiel oo ahaa Bare sare oo ku takhasusay cilmiga Laahuutka (Doctor of Divinity) iyo sideed nin oo kale oo ayaguna ahaa macalimiin ayaa ku dhawaaqay kalimada ”Ellah” oo macnaheedu yahay ”Ilaahay” una dhigmaysa magacan ”Allah”. Ugu danbayna Kiristaanku waxay qirteen in magaca Ilaahay uu yahay ”Allah” balse arrintii ayaa ku adkaatay oo waxay kaliya ay qoree xarafka ”L” waxaanad arki kartaan Sawirkan hoos ku yaala meesha ay ku qorantahay Allah laakiin gaalnimadooda darteed way qarinayaan. Daawasho wacan.

 

allah

 

 

Kutubta Towraadku ma hadal Ilaahbaa mise hadalkii Nabi Muuse?

Baybalku wuxuu ka koobanyahay laba qaybood, qaybta hore waxa la dhahaa ”Old Testment” ”Axdiga Qadiimiga” iyo ”New Testment” ” Axdiga cusub”. Axdiga qadiimiga ah waa diiwaankii nabiyadii wixii ka horeeyey nabi Ciise halka Kutubta Axdiga Cusub uu ka yahay wararkii noloshii ciise Masiix.

Qaybta hore gaar ahaan Shanta kitaab ee ugu horeeya Axdiga qadiimiga ah ee Genesis, Exodus, Leviticus, Numbers iyo Deutronomy, wuxuuna muqadas sidoo kale u yahay Yahuuda. Waxayna Yahuudu iyo Kiristaankuba sheegtaan in Shantaas kutub yihiin waxyigii Ilaahay kusoo dajiyey nabi Muuse.

Hadaba bal aynu la fiirino in waxyigaasi yahay hadalkii Ilaahay ama hadalkii Nabi Muuse.

  • Marka koowaad in kabadan Todoba boqol oo Weedhood oo ku jira kutubtan ayaa cadaynaya inaanu Ilaahay ahayn cida qortay ama soo waxyootay kutubtan, iyo xitaa Nabi Muuse aanu shaqo ku lahayn qoraalkan. Kaliyana waxa kula haboon si aad u ogaato xaqiiqada waa inaad furtaa kitaabka ood akhridaa qoraaladan iyo kuwa lamidka ah.
    1. ” then the LORD said unto Moses” “Rabigu wuxuu ku dhahay Muuse” [Exodus, 6:1] u fiirso aayadan waxay tidhi; rabi ayaa ku dhahay Muuse … maaha ha dalkii Muuse man aha hadalkii Ilaahay ee waxa hadlaya waa qof sadexaad. Haduu hadal Ilaah ahaan lahaa waxay ahaan lahayd sidan ”Anigu waxaan ku idhi Muuse…” haduu hadalkii nabi Muuse yahayna sidanbay ahaan lahayd ”Wuxuu Ilaahay igu dhahay sidan….”
    2. ” And the LORD spake unto Moses and unto Aaron” “iyo Rabina wuxuu la hadlay Muuse iyo Haaruun” [Exodus, 6:13] sidii oo kale cida hadlaysaa maaha Rabi mana aha Muuse ee waa qof sadexaad oo ka sheekaynaya.
    3. ” And Moses said unto the LORD” “ Muusena wuxuu ku yidhi Ilaahay” [Numbers, 11:11] Qof sadexaad ayaa hadlaya.

Halkaas waxa inooga muuqda in hadalkaasi aanu ahayn hadalkii Rabi iyo hadalkii Nabi Muuse ee waa ruux sadexaad oo ka sheekaynaya hadalkii dhexmaraya nabi muuse iyo Ilaahay. Dabcab tusaalayaashaas oo kaliya ayaa ugu filan inaan shantaas kitaab kulligood ahayn weedhihii ama hadalkii Ilaahay ama hadalkii loo waxyooday nabi muuse.

  • Nabi Muuse oo qoray isaga dhimashadiisii!!!

Ma kula tahay in Nabi Muuse qoray qaabku u dhimanayo intaanu dhiman kahor? Mise Yahuuda qaar kamid ah ayaa qoray dhimashadooda kahor intaanay geeriyoon? Bal hadaba cajiibkan fiiriya.

So Moses the servant of the LORD died there in the land of Moab, according to the word of the LORD. 6And he buried him in a valley in the land of Moab, over against Bethpeor: but no man knoweth of his sepulchre unto this day.7And Moses was an hundred and twenty years old when he died: his eye was not dim, nor his natural force abated.8And the children of Israel wept for Moses in the plains of Moab thirty days: so the days of weeping and mourning for Moses were ended.”

Sidaas daraaddeed Muuse oo ahaa addoonkii Rabbigu meeshaasoo ahayd dalkii reer Moo’aab ayuu ku dhintay, sida erayga Rabbigu ahaa. 
6 Oo wuxuu isagii ku aasay dooxada ku taal dalka Moo’aab oo ka soo hor jeeda Beytfecoor, laakiinse ilaa maantadan la joogo ma jiro nin qabrigiisii yaqaan. 
7 Oo Muuse markuu dhintay wuxuu jiray boqol iyo labaatan sannadood, oo haddana indhihiisu ma aragdarnaan, xooggiisiina kama yaraan. 
8 Oo reer binu Israa’iilna soddon maalmood ayay Muuse ugu ooyayeen bannaankii Moo’aab, haddaba maalmihii loo barooranayay Muuse way dhammaadeen.” [Deu 34:5-8]

 

Waxa cajiiba in la dhaho kitaabku waa hadalkii Muuse ama waxyigii Ilaahay u waxyooday oo hadana isagiisii uu qorayo dhimashadiisii. Waxay daliil u tahay in cida qortay kutubtan aanay ahayn Ilaahay ama Nabi Muuse ee qof sadexaad ayaa qoray oo ka warramaya sidii ay wax u dhaceen.

 

Kutubta Axdiga Cusub ama Injiiladu ma hadal Ilaahbaa?

Waxaynu hada kahor tilmaamnay in kitaabka Baybaku ka koobanyahay laba qaybood oo kala ah Axdiga Hore iyo Axdiga Cusub, waxaynu cadaynay in Kutubta Axdiga hore gaar ahaan Shanta kitaab ee Kiristaanku u tiiriyaan inay yihiin kutubtii Tawreed ee Nabi Muuse inaanay ahayn Tawraadkii Runta ahaa ee aynu si cad uga dhex arki karno cida kutubtaas qortay inay tahay qof sadexaad oo aan la garaynayn ciduu yahay.

 

 Ciise maaha cida laga soo xigtay Injiiladu ama Axdiga Cusub!!

Hadaba Axdigan Cusub oo ka warrama noloshii Nabi Ciise (N.N.K.H) ayaguna ma Injiilkii Nabi Ciise kusoo dagaybaa? Nabi Ciise injiilkiisa waxa rumaysan Muslimiinta waana ka ay doonayaan inay helaan. Waxa kusoo arooray kitaabka Baybalka gaarahaan Injiilka Mathew cutubka Afaraad faqrada 23 aad inuu Nabi Ciise barayey

 

And Jesus went about all Galilee, teaching in their synagogues, and preaching the gospel of the kingdom.. [Mathew 4:23]

Ciise wuxuu ku wareegay Galiili oo dhan, barayana Sunagoogyadooda, kuna wacdinaya Injiilka boqortooyada. [Matayos 4:23]

 

Halkaas waxa inoogu cad in Ciise dadka barayey Injiilkiisii, waana ka ay Muslimiintu rumaysanyihiin. Waxaana lays waydiinayaa mee Injiilkaasi? Waxaad arkaysaa markasta ood bilaabayso Afarta kutub ee Injiilada waxa mid kasta ka horeeya weedha aha (According to) (laga soo xigtay) tusaale ahaan, Injiilka Mathew waxa laga soo xigtay St. Mathew, sidaa darteed maaha kutubtaasi waxyigii Nabi Ciise lagu soo dajiyey sababtoo ah cida laga soo xigtayba isagii maahaa.

Qodobka Labaad: Mathew muu qorin kitaabka magaciisa wata ee Gospel of Mathew!!

Culumadu maanta way diidanyihiin in ninka la dhaho Mathew uu qoray kitaabka magiciisa wata ee Gospel of Mathew. Cida ogaatay arrintanina waa culumada Masiixiyiinta ee maaha Culumada Yahuuda, Muslimka, Buudiskaa ama Hunduuska. Waxaana arrintaas u daliila in ninka cida qortay kitaabka Mathew uu ka warramayo in Ciise arkay nin Mathew la dhaho oo uuna rumeeyey.

And as Jesus passed forth from thence, he saw a man, named Matthew, sitting at the receipt of custom: and he saith unto him, Follow me. And he arose, and followed him. [Mathew 9:9]

Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay. [Matayos 9:9]

 

Uma baahnid inaad cagli badan adeegsato, bal fiiri waxa sare ku qoran waxa weedhahan qoray Mathew ama Matayos siday Somalidu ku turjumeen wuxuuna ka sheekaynayaa inuu Ciise arkay nin Mathew la dhaho kuna dhahay isoo raac uuna raacay, hadii Mathew uu qoray Injiilka sita magaciisa wuxuu odhan lahaa ” Ciise ayaa i arkay anigoo fadhiya meeshii Cashuurta lagu qaado, oo wuxuu igu dhahay; isoo raac, waanan raacay”  Hase ahaatee waxa muuqata in xitaa Mathew aanu qorin kitaabkan.

Qodobka Sadexaad: Mathew wuxuu qishay Markus Injiilkiisa.

Sida uu qoray ninka la dhaho J.B. Philips  oo ahaa aqoonyahay Kiristaan ah ayaa wuxuu yidhi; Mathew wuxuu qoraalada uu ka xaday Markus, si kale hadaynu u dhigno wuxuu qishay Injiilka Markus.

Waxa hadaba is waydiin leh muxuu Mathew oo kamid ahaa saxaabadii Nabi Ciise oo shaahid iyo maragba u ahaa wixii qabsaday Ciise maxaa ku kallifay inuu qisho injiilka Markus oo ahaa wiil yar oo toban jir ah, qiyaas nin joogay oo markhaati ahaa hadana qishaya ilmo yar qoraaladiisii. Waxay cadaynaysaa in cida kitaabkan qortay aanay ahayn Mathew ee ay tahay cid kale oo ku adeeganaya magaca Mathew.

 

Xogta lagu kala xado kitaabka Baybalka:-

Dabcan Kitaabkan waxa qoray dad gaadhay 40 qof oo diyaariyey Lix iyo Lixdanka kitaab ee Protestanka iyo Todobaatan iyo sadexda Kaatoliga, waxaana ka buuxa xogag badan oo la kala xaday ama luuqada ciyaalka iskuulka “lakala qishay” tusaale ahaan: Fiiri labadan xogoog sida loo kala xada/qishay.

2 Kings: 19 (Boqorada labaad: 19) Isaiah : 37 (ishcayah:37)
1 Oo markii Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.
2 Markaasuu Elyaaqiim oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo duqowdii wadaaddada, iyagoo joonyado qaba u diray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos.
3 Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Xisqiyaah wuxuu kugu leeyahay, Maanta waa maalin dhibaato, iyo canaan, iyo cay, waayo, carruurtii way dhalan lahayd laakiinse xoog lagu dhalaa ma jiro.
4 Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh oo dhan, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool; waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay; haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.
5 Sidaas daraaddeed Boqor Xisqiyaah addoommadiisii waxay u yimaadeen Ishacyaah.
6 Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.
7 Bal ogow, jinni baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in isaga seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga.
8 Markaasaa Rabshaaqeeh intuu noqday wuxuu helay boqorkii Ashuur oo la diriraya Libnaah, waayo, wuxuu maqlay inuu Laakiish ka tegey.
9 Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah, isagoo leh,
10 Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.
11 Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalka oo dhan ku sameeyeen, iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi’iyeen; haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?
12 Quruumihii ay awowayaashay baabbi’iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen, kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa?
13 Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac, iyo kii Ciwaah?
14 Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaatay gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.
15 Oo Xisqiyaah wuxuu ku baryootamay Rabbiga hortiisa oo yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa’iilow, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey.
16 Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag; bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo.
17 Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi’iyeen quruumihii iyo dalalkoodii,
18 oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi’iyeen.
19 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow Ilaahayagow, waan ku baryayaaye gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyahu tahay Rabbiga Ilaaha ah.
20 Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa’iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday, taas aawadeed waan ku maqlay.
21 Oo kanu waa erayguu Rabbigu isaga kaga hadlay: Gabadha bikradda ah oo Siyoon Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay; Gabadhii Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay.
22 Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa’iil.
23 Wargeeyayaashaadii ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda; Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meesha ugu fog hoygeeda, iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.
24 Anigu waxaan qoday oo cabbay biyo qalaad, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.
25 War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas kaa yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi’isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.
26 Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen; Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, Iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh gubtay intaanu korin.
27 Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, Iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, Iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.
28 Cadhadaadii aad ii cadhootay, Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.
29 Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad; sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxa; oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay; sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beera canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.
30 Markaasaa kuwii hadhay oo reer Yahuudah ah oo baxsaday mar kalay xididdo hoos u bixin doonaan, midhona kor bay u dhali doonaan.
31 Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona. Oo qiirada Rabbiga ayaa taas samayn doonta.
32 Haddaba Rabbigu saasuu uga hadlay boqorka Ashuur oo yidhi, Isagu magaaladan iman maayo, fallaadhna ku soo gani maayo, horteedana gaashaan la iman maayo, taallo ciid ahna ag tuuli maayo.
33 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidkuu ku yimid ayuu ku noqon doonaa, oo magaaladan iman maayo.
34 Waayo, anigu magaaladan waxaan u daafici doonaa oo u badbaadin doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa’uud daraaddiis.
35 Oo isla habeenkaas ayaa malaa’igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin; oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd.
36 Markaasaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur intuu tegey Nineweh ku noqday oo degay.
37 Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen; markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.
Oo markii Boqor Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.
2 Markaasuu Elyaaqiim oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo duqowdii wadaaddada iyagoo joonyado qaba u diray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos.
3 Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Xisqiyaah wuxuu kugu leeyahay, Maanta waa maalin dhibaato, iyo canaan, iyo cay, waayo, carruurtii way dhalan lahayd, laakiinse xoog lagu dhalaa ma jiro.
4 Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool, waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay, haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.
5 Sidaas daraaddeed Boqor Xisqiyaah addoommadiisii waxay u yimaadeen, Ishacyaah.
6 Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.
7 Bal ogow, ruux baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga.
8 Markaasaa Rabshaaqeeh intuu noqday wuxuu helay boqorkii Ashuur oo la diriraya Libnaah, waayo, wuxuu maqlay inuu Laakiish ka tegey.
9 Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro, ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah isagoo leh,
10 Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.
11 Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalkan oo dhan ku sameeyeen iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi’iyeen, haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?
12 Quruumihii ay awowayaashay baabbi’iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa?
13 Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac iyo kii Ciwaah?
14 Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaaday gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga, oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.
15 Oo Xisqiyaah wuxuu baryay Rabbiga, oo yidhi,
16 Rabbiyow, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa’iil, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey.
17 Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag, bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo oo dhan.
18 Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi’iyeen quruumihii oo dhan iyo dalalkoodiiba,
19 oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi’iyeen.
20 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaahayagow, gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyuhu Rabbiga tahay.
21 Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa’iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday,
22 taas aawadeed Rabbigu wuxuu ku hadlay eraygan isaga ku saabsan, Gabadha bikradda ah oo Siyoon ahu Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay, Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay.
23 Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa’iil.
24 Addoommadaada ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda, Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meeshiisa ugu dheer oo fog iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.
25 Anigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.
26 War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey, Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas ka yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi’isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.
27 Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen, Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin.
28 Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.
29 Cadhadaadii aad ii cadhootay Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.
30 Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad, sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay, oo sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beero canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.
31 Markaasay kuwii hadhay oo reer Yahuudah ka baxsaday mar kalay xididdo hoos u bixin doonaan, midhona kor bay u dhali doonaan.
32 Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona, oo qiirada Rabbiga ciidammada ayaa taas samayn doonta.
33 Haddaba Rabbigu saasuu uga hadlay boqorka Ashuur oo yidhi, Isagu magaaladan iman maayo, fallaadhna ku soo gani maayo, horteedana gaashaan la iman maayo, taallo ciid ahna ag tuuli maayo.
34 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidkuu ku yimid ayuu ku noqon doonaa, oo magaaladan iman maayo.
35 Waayo, anigu magaaladan waxaan u daafici doonaa oo u badbaadin doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa’uud daraaddiis.
36 Markaasaa malaa’igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin, oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd.
37 Markaasaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur intuu tegey Nineweh ku noqday oo degay.
38 Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay wiilashiisii oo ahaa Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen, markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.

 

Labadaas Cutub ee xaraf xaraf isku mid ah, waxa lakala xaday xogtii sikale hadaan u sheeganana waa lakala qishay.

 

Khaladaadka iyo iska hor imaadka aayadaha Baybalka

Ilaahay wuxuu na siiyey anaka ka muslimiin ahaan aalad aanu wax ku baadhno oo aanu ku kala garano in weedhahani ay yihiin hadalkii Ilaahay iyo inkale, aaladaasina waxay tahay hadii kitaabkaas waxa ku qoran ay iska hor imanayaan maaha hadal Ilaah sababtoo ah hadalka Ilaahay malaha khaladaad iskamana hor imanayo. Wuxuu Allah leeyahay;.

أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ الْقُرْآنَ ۚ وَلَوْ كَانَ مِنْ عِندِ غَيْرِ اللَّـهِ لَوَجَدُوا فِيهِ اخْتِلَافًا كَثِيرًا ﴿٨٢

Miyeyna Fiirfiirinayn Quraanka, hadduu ka yimid Ilaahay agtiisa Meel aan ahayn waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan. [4 Nisa: 82]

 

Kitaabka Baybalka waxa ka buuxa khaladaad badan oo iska hor imanaya, waxaynaan kasoo qaadanaynaa dhawr tusaale boqolaalka khalad ee ku jira Kitaabkan.

Tusaalaha 1aad: Labadan aayadood keebaa sax ah?

2 samuel 24:1 1 Chronicles: 21: 1
1 Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa’iil, oo Daa’uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa’iil iyo reer Yahuudah. 1Haddaba Shayddaan baa ku kacay reer binu Israa’iil oo wuxuu Daa’uud ku dhaqaajiyey inuu reer binu Israa’iil tiriyo.

Su’aashu waxay tahay yaa qaatay go’aankan? Ma Rabi mise Shaydaan????

Tusaalaha 2 aad: Ma todoba sanadoodbaa mise waa sadex sanadood?

2 Samuel 24:13 1 Chronicals 21
13 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa’uud u yimid, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Toddoba sannadood dalkaaga abaari ma kuugu soo degtaa? 11 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa’uud u yimid oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Midkaad doonaysid dooro,
12 saddex sannadood oo abaar ah, ama saddex bilood oo aad ku baabba’did……

 

Tusaale 3 aad: Ma Todoba Boqolbaa mise Todoba Kun?? Ma Fardooleybaa mise way lugaynayeen?

2 Samuel 10 1 Chronicles 19
18 Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa’iil. Daa’uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba boqol oo gaadhifaras raggoodii iyo afartan kun oo fardooley ah, oo wuxuu dilay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidankooda, halkaasuuna ku dhintay. 18 Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa’iil hortooda. Daa’uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba kun oo gaadhifaras raggoodii, iyo afartan kun oo nin oo lug ah, oo wuxuu dilay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka.

 

Tusaale 4 aad Ma Laba Kunbaa mise Sadex Kun??

1 Kings 7 2 Chronicles 4
26 Oo berkeddii dhumucdeedu waxay ahayd taako; qarkeedana waxaa loo sameeyey sidii koob qarkiis oo kale oo ubax u ekaa; oo waxay qaadday laba kun oo qiyaasood oo bad la yidhaahdo. 5 Oo berkeddii dhumucdeedu waxay ahayd taako; qarkeedana waxaa loo sameeyey sidii koob qarkiis oo kale oo ubax u ekaa; oo waxay qaadday saddex kun oo qiyaasood oo bad la yidhaahdo.

 

Khaladaadkan yaa galay Ma Ilaahay ayaa waxyooday khaladaadkan iyo iska hor imaadkkan?? Mida kale iska jir yaan lagugu khaldin in tirooyinka qaar ay hal ebar oo kaliya ku jirto sababtoo ah ebar ama tirooyinka 000 kumuusan jirin luuqda Yahuuda ee waxa markii ugu horeysay keenay Carabta markaasay ku faaftay dhamaan luuqdaha kale.

 

Cayda Nabiyada ee Kitaabka Bayblka:

Nabiyadu waa madaxa ugu sareeya ee Diin kasta, waxyn yihiin macsuum aan danbi galin balse hadii madaxaas laga dilo diinta waxa soo baxaya waa diin aan cid ay ku dayato aan lahayn. Waana sida ka buuxda kitaabka Baybalka oo nabigaas oo fal xun loo nisbeeyo waxay lamid tahay in lagaga dayan karo falkaas sababtoo ah isagii oo nabi ah ayaa falkaas kumkacay bal kawaran markaa dadkii aan nabiyada ahayn?? Baybalku si ay dadka haysta diintoooda u jar habaabiyaan ayey ka been abuurteen nabiyada, waxay qaar ku tilmaameen inay yihiin dilaa, danbiile, sinayste, xoolaha jecel baly aynu fiirino wuxuu Baybalku nabiyada Ilaahay kaga been abuurtay!!

  • Nabi Nuux oo khamri cabay kadibna maryaha dhigtay!!!

20 Nuuxna wuxuu bilaabay inuu beerrey noqdo, oo wuxuu beertay canab. 21 Kolkaasuu wax ka cabbay khamrigeedii, wuuna sakhraamay; oo teendhadiisii dhexdeeda ayuu ku qaawanaa. 22 Oo Xaam, oo ahaa Kancaan aabbihiis, ayaa arkay qaawanaantii aabbihiis, kolkaasuu u sheegay labadii walaalihiis ahayd oo dibadda joogta. 23 Kolkaasaa Sheem iyo Yaafed dhar qaadeen, oo labadoodu garbahay saareen, oo dib dib u socdeen, kolkaasay qaawanaantii aabbahood ku dedeen, oo wejiyadooduna way sii jeedeen, mana ay arkin qaawanaantii aabbahood. 24 Nuuxna khamrigiisii wuu ka soo miyirsaday, wuuna ogaaday wixii wiilkiisa yaru ku sameeyey. 25 Kolkaasuu yidhi, Inkaaru ha ku dhacdo Kancaan; Addoonkii addoommaduu u noqon doonaa walaalihiis. [Genesis 9:]

Bal qiyaas beentaas intaas la eeg ee ay gaalada Masiixiyiintu ka sheegeen Nabigii Ilaahay ee Nuux oo ahaa Nabi iyo Rasuul, miyeyse ka suurtowdaa inuu cabay Khamri kadibna uu qaawanaaday oo cawradiisa dadkii daawadeen!!!!

 

  • Ma kula tahay Nabi Luud ayaa ka sineystay labadii hablood ee uu dhalay???

Sida kusoo aroortay Bayblka kitaabka Genesis cutubka 19 faqradaha 30-38 ayaa waxay ka waramaysaa labadaas gabdhood oo aabahood khamri siiyey kadibna la seexday oo caruuro u dhalay!! Acuudubillaah, ma wax ka suurtowda nabigii Ilaahay ee Luudbaa waxaasi? mida kale meeye malaa’iktii Ilaahay ee u waxyoonaysay kolka khamriga la cabsiinayey? Waa been abuurad wayn oo lagag been abuurtay nabigii Ilaahay ee Luud naxariista Ilaahay korkiisa ha ahaatee isaga iyo labadiisa gabdhood ee beenta laga sheegay.

 

  • Ma kula tahay Nabi Daa’uud ayaa naag ka sinaystay oo ninkeediina dilay?

Sida kusoo aroortay kitaabka 2 Samuel cutubka 11 aad ayaa Daa’uud ayaa naagtii uu qabay Uuriyah ka sinaystay kadibna ninkeedii qaab xeeladaysan u dilay. Acuudubillaah, taasina waa wax aan ka suurtoobayn nabigii Ilaahay ee Nabi Daa’uud ee kaliya cidii kitaabkan qortay waxay tusaale uga dhigayaan dadka Kiristaanka ah inay sameeyaan wixii ay nabiyadoodu faleen. Waana been cadaan ah oo laga been abuurtay Nabi Daauud.

 

  • Ma kula tahay Nabi Haaruun ayaa caabuday Sanam oo dadkiisiina faray?

Sida kusoo aroortay Exodus cutubka 32 aad ayaa Nabi Muuse kolkuu ka tagay qoomkiisii ayuu walaalkii Haaruun sanam uga sameeyey dahabkoodii wayna wada caabudeen. Dabcan qisadan waxay kusoo aroortay Quraanka laakiin cidii sanamka samaysay waxay ahayd Saamiri oo Nabi Haaruuna waa u digay qoomkiisii balse Yahuuda iyo Kiristaanka oo nacayb badan u haya nabiyada waxay been ku masabideen nabi Haaruun Ilaahay raali haka ahaadee.

 

  • Ma kula tahay Nabi Sulaymaan ayaa gaaloobay markuu gaboobay?

Sida kusoo aroorta kitaabka 1Kings cutubka 11 waxa ridoobay oo diintii ka baxay nabi Suleymaan, isagoo jeclaaday naago farabadan caabudayna sanamyo kadibna Rabiga ayaa u cadhooday oo ku dhahay; waxaan kaa xoogayaa mulkigaaga oo waxaan ka xoogayaa wiilkaaga… Acuudubillah, waa been abuurad kale oo aad iyo aad u wayn oo ay gaalada Kiristaanka iyo Yahuudu ka sheegeen Nabigii Ilaahay ee Sulaymaan Ilaahay naxariis korkiisa ha yeelee.

 

  •  Ma kula tahay Nabi Daawuud, Sulaymaan iyo Ciise inay yihiin ilmo sino!!!!???

Sida kusoo aroortay kitaabka Genesis cutubka 38 ayaa ninka la dhaho Yahuudah oo kamid aha caruurtii Nabi Yacquub uu ka sinaysytay gabadh uu qabay wiilkiisa Taamaar oo uu sodog u yahay waxayna u dhashay wiil la dhaho Fares waxaanu wiilkan ku abtirsada Nabi Daawuud, Suleymaan iy Nabi Ciise oo isagu aan lahayba abtirsiin laakiin gaaladina waxay u sameeyeen abtirsiintaa sii marta dadkaa danbiyada galay… Acuudubilaah, waa arrin kale oo aad iyo aad u fool xun in Nabiyadii Ilaahay sidaas looga been abuurto, sababtuna waxa weeye oo kaliya si ay ugu banaystaan sinada iyo liwaadka ama qowmuluudnimada ilaahaybaan ka magan galnee.

  • Roobin wiilka Nabi Yacquub miyay kula tahay wuxuu xidhiidh ugu tagay aabihii xaaskiisii????

Sida kusoo aroortay kitaabka Genesis cutubka 35 faqrada 22 aad wiilka Ruubin oo uu dhalay Yacquub ayaa la seexday aabihii haweenaydiisii…. Acuudubilaah, kitaabkani waxaas oo miidhan ayaa ka buuxa, mana aha hadal Ilaah, hadal Nabi, hadal qof wanaagsan ee waa hadal ruux wasakh ah oo sagagar gaal ah oo ugu talo galay in dadka rumaysan ay noqdaan sidaas oo kale, dabcana markaad aragtaan ama aad maqashaan wadamada reer galbeedka ayaa dhaqanadan ay ka jiraan ha u malaynin inay khaldanyihiin ee waxay dabaqayaan aaydaha kutubtooda!!!!

  • Ma kula tahay Amuun oo ahaa wiil nabi Daawuud dhalay oo u tagay walaashii??

Sida kusoo aroortay 2 Samuel cutubka 13 aad Aamnoon ayaa la seexday walaashii, daawuudna kumuu qaadin xadkii sinada sababtoo ah isagaaba ahaa …. nin sameeyey sidaas oo kale. Taasina waa been wayn oo kale oo la sheegay nabi daaud, waxaana lagu xalaashtay halkaas sinada maxramka ilaahbaan ka magan galnayee.

  • Nabi Yaxye oo garan waayey Ilaahiisii??

Sida kusoo aroorta kutubta Injiilkood gaar ahaan Markus cutubka koowaad iyo Mathew cutubka 3 aad ayaa Yaxye oo jooga wabiga Urdun waxa u yimid Ciise (oo ay gaaladu u rumaysanyihiin inuu Ilaah yahay) markaasaa la baabtiisay.

  • Saxaabiga Ciise ee Yuudaas Al-iskharyoodii oo khiyaanay Rabigiis!!

Ninkan Yuudaas oo saxaabi u ahaa Ciise ayaa khiyaameeyey rabigiisii Ciise siday hadalka u dhigeen weeye waxayna kusoo aroorta Mathew cutubka 26 ayaa wuxuu gacanta u galiyey cadawgii doonayey inay dilaan Ilaahiisii oo wuxuu qaatay 30 dirham oo kaliya. Cajiib, sideebaa Ilaaha loo khiyaamayn karaa, ma wuxuu kala garan kari waayey saaxiibkiisa iyo cadawgiisa???

 

Waxaas oo Tusaalooyin unbay ahaayeen ee Kitaabkan waxa ka buuxa boqolaal khaladaad, been abuuro, mana aha Kitaab xaga Ilaahay ka yimid ee waa kitaab dad xanuusanayaa ay qoreen, waxaanan kula talinaynaan´cidii masiixiya inay kasoo leexdaan diinta gaalnimad oo ay yimaadaan diinta xaqa ah ee Diinta Islaamka.