Nabigu (scw) wuxuu yidhi:

عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ – رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا – قَالَ : نَهَى رَسُولُ اللَّهِ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ – عَنْ قَتْلِ أَرْبَعٍ مِنَ الدَّوَابِّ : النَّمْلَةُ ، وَالنَّحْلَةُ ، وَالْهُدْهُدُ ، وَالصُّرَدُ . رَوَاهُ أَبُو دَاوُدَ ، وَالدَّارِمِيُّ .

Ibnu Cabaas waxa laga wariyey (I.R.H) inuu yidhi: wuxuu reebay Rasuulkii Ilaahay (scw) in la dilo afar xaywaan, qudhaanjada, shinnida, hudhudka iyo Suradka” waxa soo saaray Abudawud.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ نَهَى رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنْ قَتْلِ الصُّرَدِ وَالضِّفْدَعِ وَالنَّمْلَةِ وَالْهُدْهُدِ

“Abuhurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu reebay in la dilo, shinbirka Suradka, raha, qudhaanjada iyo Hudhudka.”

Waa maxay xikmada loo diiday in la dilo:

  • Qudhaanjadu waa xayawaan ama cayayaan aan dhib badan u lahayn bani-aadamka, waana xayawaan u nool sida bani-aadamka. Waxay leedahay guryo dabaqyo ah oo ay u hooyato, suuqyo ay wax ku kala iibsadaan iyo maamule ama boqorad maamusha. Dhanka kale Qudhaanjadu waxay kamid tahay xayawaanad ugu cibaadada badan, waxa laga wariyey nabiga inuu yidhi: Ha dilina Qudhaanjada, maxaa yeelay nabi Suleymaan ayaa maalin roobdoon sameeyey, markaasuu arkay qudhaanjadii oo madaxeed ku fiirinaysa cirka sidoo kale lugaheeda sare u taagtay, oo leh: Ilaahayoow khalqi kamid ah abuurkaaga ayaanu nahay, kamana maarmayno dheeraadkaaga, Ilaahayow ha noo qabanin danbiyada adoomadaada khaldamay, noona keen roob noo soo saara dhir naguna quudi midho.markaasuu dhahay Sulaymaan dib u noqda, waa laynaga filnaaday laynaguna roobeeyey idinka qayrkiine. [1]  Waxa kale oo jiray in nabi kamid ah nabiyadu uu geed hoostii fadhiistay, kadibna uu indhaha isku qabtay, markuu hurdada meeshii ugu macaanayd mareyey ayey qudhaanjo qaniintay, dabadeedna gabigoodiiba wuu gubay, markaauu Ilaahay u waxyooday, bal maad qudhaanjo kaliya dishid… [2]
  • Shinnidana lama dilayo sababtuna waa nafciga iyo khayrka ay u hayso bani-aadamka, ayadoo samaysay malabka oo Ilaahay ku tilmaamay inay dawo u tahay dadka, waxa kale oo Ilaahay ugu maga daray suurad dhan oo Quraanka kariimka ah suurat Al-naxli.
  • Hudhudka, waa xayawaankii isaga awgii soo hanuuniyey qoom dhan, wuxuu nabi Suleymaan u diray inuu warqadii ku tuuro boqoradii reer Saba’ ee Balqiis. Ugu danbayna Boqoradii way islaamtay, waxayna soo gashay diinta xaqa ah. Sidoo kale Hudhudka lama cunayo hilibkiisa , maxaa yeelay hadii shay la xarrimo dilkiisa, waxa kale oo la xarrimaa cunidiisa.
  • Suradka, waa shinbir ay dadkii carbeed ka baasaysan jireen magaciisa, iyo codkiisaba. Sidaas darteed waa la xarrimay dilkiisa, kol hadii la mamnuucay dilkiisana ma banaano hilibkiisu.
  • Raha, sababtuna waa xayawaanka aduunka ugu tasbiixda badan, waxa laga wariyaa in nabi Daauud uu umaleeyey in cidina si isaga lamid ah aanay u amaanin Ilaahay, markaasbaa loo soo diray Malak isagoo jooga qolkii uu ku cibaadaysanayey, markaasuu ku dhahay; Daawuudow dhagayso waxa Rahu ku dhawaaqo, kolkaasbuu dhagaysy, mise waxay leedahay: سبحانك وبحمدك منتهى علمك, markaasu nabi daawuud cajabay isagoo leh: waxaan ku dhaarta Ilaahay iga yeelay nabiye, waligay sidaas oo kale umaan amaanin. [3] Dhank kale waxa lasoo arooriya in Rahaasi uu yahay waxa ugu Alle kacabsiga badan, oo maalina Rahbaa isku tuuray dabka cabsida uu Ilaahay ka qabo darteed, kolkaasaa Ilaahay ugu badalay biyaha qabow iyo codkeedana ka dhigo tasbiix. Sidoo kale waxa lasoo arooriyaa in cidii disha Raha lagu leeyahay Lax, ha jooga Xaramka ama meel kalebee. [4]
  • Sidoo kale Xaywaanada aan dhibta ku haynin bani-aadamka ama aanay hilibkooda cunaynina waa mamnuuc in la dilo. Allahuaclam

[1] Daaraqudni iyo Xaakim:

[2] Bukhaari iyo Muslimba:

[3] Bayhaqi:

[4] Kaamil ibnu Cadiyy: