Bismillah, Ilaahaybaa mahada iska leh, waxaan ku sallinaynaa nabigeena Muxamed (scw) inuu Allah naxariis iyo nabadgalyo korkiisa uu yeelo, isaga, ehelkiisii, saxaabadiisii iyo dhamaan muslimiinta raacday jidkiisii. Assalama Calaykum wa raxmatuAllah wa barakaatuhuu.

 

Walaal , Ma la socotaa in Naftaadu ay tahay ta aadaysa meesha ay ku dhimanayso? Xabaashu ma socoto ee naftaada ayaa socota!!

Tusmo

Qisada 1 aad:

Waxa jira nin wasiir u ahaa nabi Daa’wuud (N.N.K.H), kolkuu dhintay nabi Daa’uudna wuxuu wasiir u noqday nabi Sulaymaan (N.N.K.H). Dabadeedna maalin nabi Suleymaan oo fadhiya xilli barqo ah ayaa wax usoo galay nin, markaasuu ninkii salaamay nabi Suleymaan, waxaanu la sheekaystay nabi Suleymaan isagoo fiirinaya ama ishiisu ay ku dhagagsantahay ninkii wasiirka ahaa, markaasuu wasiirkii argagaxay oo uu cabsi dareemay, kadibna ninkii ayaa baxay.

Ninkii Wasiirka ahaa ayaa dhahay: “Nabigii Ilaahayoow, muxuu yahay ninkan baxay? Ilaahbaan ku dhaartee waxa i cabsi galisay muuqaalkisa!” Markaasuu nabi Suleymaan yidh: “Ninkanin waa malakii mwtkii, oo sooqaatay suurad bani aadam”

Ninkii wasiirka ahaa wuu naxay oo bilaabay inuu ooyo, markaasuu dhahay: nabigii Ilaahayoow, Ilaahbaan kugu dhaaryee igu xanbaar dabayshaada oo igee dhulka ugu wadanka Hindiya, markaasuu nabi Suleymaan faray dabayshii, wayna xanbaartay illamaa ay ka geysay meeshii uu rabay.

Maalintii xigtay ayuu barqadii soo galay malak mowtkii, markaasuu dhahay nabi Suleymaan: “Shalay waxaad argagax galisay wasiirkaygii, ee maxaad kaga dhagagtay?” Wuxuu yidhi: Nabigii Ilaahayoow, waxaan kuusoo galay shalay barqadii, wuxuuna ALlah i faray inaan xilliga duhurka naftiisa ku qaado dalka Hindiya, markaasaan la yaabanaa ninkan agtaada jooga. Wuxuu dhahay nabi Suleymaan: Maxaad ku samaysay markaas? Wuxuu yidhi: Waxaan aaday meeshii la i faray inaan ruuxdiisa ku qaado, markaasaan helay isagoo igu sugay waanan ka qaaday ruuxdii!!  [1]

Qisada 2 aad:

Nabi Idriis Ilaahay raal haka ahaadee wuxuu ahaa nin aad ugu dadaala dacwada, sidaas awgeed waxa loo qori jiray ajarka iyo khayrka u dhigma dadkii ku noolaa dhulka oo dhan. Dabadeedna wuxuu Nabi Idriis (N.N.K.H) uu doonay inuu arko malaka nafta qaada ee Malak Almawtka, kadibna Ilaahay ayaa malak usoo diray xanbaara, wuxuuna geeyey samada Afaraad, kadibna waxa kahor yimid malak al-mawtkii, markaasuu malakii xanbaarsanaa doonay inoo is baro nabi Idriis iyo malak al-mawtkii, markaasuu dhahay malak mowdkii: “ SubxaanAllah, waxa la I faray inaan Idriis kaga qaado ruuxda samada Afaraad, waxanna idhi: xaguu Idriis ka joga samada Afaraad!!” Kadibna halkii ayuu nafta kaga qaaday, waana tafsiirka aayada Ilaahay leeyahay:

وَرَفَعْنَاهُ مَكَانًا عَلِيًّا ﴿٥٧

“Waxaan u qaadnay meel aad u sareysa” [Maryam:57]

 


[1] Ibnu abi Shaybah (musanafka). Thaclabi fii tafsiirihii. Axmed fii Zuhdi. Ibnu Badah fi al-ibaadah. Ibnu Hibat Allah fii taariikh dimishiq. Abunaciim fi Alxilyah.