Walaalayaal waxaynu ognahay in Rabi waxkasta uu karo oo uu awoodo, waxa kamid ah awoodaha Ilaahay inuu yahay Abuure, Sameeyey, Hindise iwm. Rabi (swt) wuxuu abuuray makhluuqaad farabadan oo cadadkooda iyo tiradooda uu isaga un ogyahay, wuxuun ku abuuray sifadiisa ah “Ahow, wuuna yahay”.

Hadaba walaalayaal, ayadoon ognahay in awoodaas intaas la eeg uu ALlah leeyahay, hadana wuxuu la gaarnoqday inuu makhluuqaadka qaar uu ku abuuro gacantiisa. Waxa kamid ah makhluuqaadkaas: Carshiga, Qalinka, Jannada Cadan, iyo Nabi Aadam (scw).

عن ابن عمر رضي الله عنهما من قوله موقوفا عليه  قال : ( خلق الله أربعة أشياء بيده : العرش ، والقلم ، وآدم ، وجنة عدن ، ثم قال لسائر الخلق : كن فكان ) رواه الطبري في “جامع البيان” (20/145) ، والدارمي في “نقضه على المريسي” (ص/261) ، وأبو الشيخ الأصفهاني في “العظمة” (2/579) ، والآجري في “الشريعة” (رقم/750) ، والحاكم في “المستدرك” (2/349) ، والبيهقي في “الأسماء والصفات” (2/126) .

“Ibnu Cumar (I.R.H) waxa laga wariyey inuu yidhi: Afar ayuu Ilaahay gacantiisa ku abuuray: Carshiga, Qalinka, Aadam iyo Jannada Cadan, kolkaasuu ku dhahay makhluuqaadka inta kale: Ahow, wayna ahaadeen”

 

  • Carshigu waa mid kamid ah makhluuqaadka Ilaahay ee ugu waaweyn, waxaanad ku garanaysaa waynidiisa inuu nabigu dhahay: todobada samo waxay uga dhigmaan kursiga xalqad lagu tuuray dhul saxare ah, carshiguna wuuu kursiga uga dhigmaa sida xalaqadaa lagu tuuray saxaraha. [1]
  • Qalinku waa makhluuqii ugu horeeyey ee Rabi abuuro, waana Nuur, markaasuu Rabi ku dhahay Qalinii: qor, qalinkii wuxuu yidhi: maxaan qoraa? wuxuu Allah yidhi: qor qadarka iyo waxa jiri doona abidkeed. [2]
  • Jannada Cadan:

( أُولَئِكَ الَّذِينَ أَرَدْتُ : غَرَسْتُ كَرَامَتَهُمْ بِيَدِي ، وَخَتَمْتُ عَلَيْهَا ، فَلَمْ تَرَ عَيْنٌ ، وَلَمْ تَسْمَعْ أُذُنٌ ، وَلَمْ يَخْطُرْ عَلَى قَلْبِ بَشَرٍ ) رواه مسلم برقم (312)

  • Nabi Aadam, waxaana u daliila Quraanka Kariimka ah:

قَالَ يَا إِبْلِيسُ مَا مَنَعَكَ أَن تَسْجُدَ لِمَا خَلَقْتُ بِيَدَيَّ ۖ أَسْتَكْبَرْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ الْعَالِينَ ﴿٧٥

“Allah wuxuu yidhi Ibliisow maxaa kaa reebay inaad u sujuuddo kaan ku abuuray yaddayda ma iskibrisey mise waxaad ka mid noqotay kuwa islasareeya.” Saad:75


 

[1] Albidayah wal nihayah

[2]  (2155) Tirmadi.