Tusmo

Waa maxay diinta Axmadiya ama Qaadyaaniyah? Yaase aasaasay? Maxayse rumaysanyhiin?

 

Dawlada Ingiriiska ayaa guumaysataya dalka Hindiya oo ay deganaayeen malaayiin Muslimiina oo ka talin jiray qaarada Hindiya mudo dhan Kun sanadood, xilligaasna waxa isku jiray dalka iminka loo yaqaan Hindiya, Bakistan iyo Bangaladish oo waxay isku ahaayeen hal dal.

Dalka waxa yimid guumaystihii Ingiriiska waxaana kamid ahaa dadkii sida ba’an iskaga dhiciyey dad muslimiina, oo ku iclaamiyey Jihaadka, sidaa darteed guumaystihii Ingiriisku wuxuu dareemay in cida kaliya ee iska caabinaysaa ay tahay qoomiyada Muslimiinta. Dabadeedna shir ayey ku qabsadeen magaalada London, ayagoo ku gorfeeyey qaabka ay Islaamka iska dhicin karaan, waxayn qorsheysteen in Muslimiinta qaabka kaliya ee la iskaga difaaci karo ay tahay in la abuuro kooxo sita shaatiga Islaamka, una adeega danaha guumaystaha Ingiriiska.

Dabcan si ay qorshahooda u fushaan waxay yimaadeen Hindiya, waxayna direen jaasuusyadoodii iyo basaasyadii ayagoo raadacaynaya cida ku haboon ee booskaas gali karta. Ugu danbayna waxay heleen nin aabihii calooshiisa u shaqayste ahaa oo kursi kulahaa maamulka guumaysiga, ninkaasina wuxuu dhalay wiilka la dhaho Qulaam Axmed Alqaadyaani.

Qulaam ayaa u ballan qaaday inuu oofinayo axdiga uu ka qaaday dawlada Ingiriiska, wuxuuna sheegtay inuu yahay daaci ama wadaad muslima, wuxuuna muslimiinta ugu yaboohay inuu ka difaacayo guumaystaha Ingiriiska iyo weerarada diimeed ee lagu soo qaadayo Muslimiinta, kadibna  koox muslimiintii jahligu haysatay ayaa u riyaaqay soona dhoweeyey, raacayna jidkiisii. Dabadeedna Qulaam Axmed wuxuu sheegtay inuu yahay hagaajiyihii Umada Islaamka iyo cusboonaysiiyihii Qarniga 14 aad ee Hijriyada.

Intaas kaliya kuma ekaan ee wuxuu sheegtay inuu mahdigii yahay, iyo masiixii lagu ballanqaaday inuu imanayo. Sheegashooyinkiisa batay awgeed waxa ka horyimid culumadii Islaamka, kadibna wuu sii kordhiyey sheegashadiisii wuxuuna dhahay waxaan ahay nabi Alle soo diray, kana fadli badan dhamaan nabiyada. Sidoo kale wuxuu dhahay waxaan ahay Maryama waxaana la igu afuufay ruuxii nabi Ciise, waxaanan ahay Wiil Ilaah.

 

Hadaba waa kuma ninkan wax kasta iska sheegtay? Maxayse tahay fikradaha uu aaminsanaa iyo sideebay u ekayd noloshiisu?

Ninkan nabinimada iska sheegtay ee Qulaam Axmed wuxuu dhahay: ”Magacaygu waa Qulaam Axmed, magaca aabahayna waa Qulaam Murtada, magaca aabihiisna waa Cadaa ibnu Muxamed” Qulaam wuxuu dhahay: ”anaga qoomkayagu waxaan kasoo jeednaa Mangooliyiinta” Hase ahaatee qowlkiisa kale wuxuu ku sheegay inuu Ilaahay u waxyooday inuu asalkiisu yahay Faarisi! Hadana waxa kale oo uu sheegtay inuu kasoo jeedo ubadkii Faadima bintu Rasuul, qoyskiisuna ay yihiin caruurtii Isxaaq. Markasta oo la waydiiyo maxaad sidaas u sheeganaysaa? Wuxuu ku jawaabi jiray: ”Ilaahaybaa sidaas ii waxyooday, Ilaahayna runbuu sheegay”

 

Qulaam wuxuu ku dhashay magaalada Qaadiyaan ee gobolka Banjaab ee dalka Hindiya sanadkii 1839 kii. Markii Qulaam uu qaangaadhayna wuxuu bilaabay inuu barto Naxwaha, Sarfiga, iyo qaar kamida kutubta luuqada Carabiga iyo luuqada Faarisiga ahba, iyo sidoo kale wax kamid ah caafimaadka. Waxa kale oo uu sheegtay inuu bartay Quraanka, lamana yaqaano macalimiintii wax bartay.

Qulaam Axmed wuxuu qabay cudur la dhaho ”Maraaq” waana cudur sida waalida oo kale ah, oo qofku waxyaalo aan dabiici ahayn ayuu u arkayaa inay dabiici tahay. Wuxuuna ahaa markuu yaraa nin maangaab ah oo wuxuu ka sheekeeyey in hooyadiis sonkor u diratay kadibna uu soo iibsaday milix oo uu ogaaday markuu dhadhamiyey.

Qulaam wuxuu ku bilaabay shaqooyinkiisa shaqo fudud oo lagu bixiyo gabigeedaba 15 rubi oo kaliya, waa qiimo aad uyar. Qulaam aabihii wuxuu ahaa calooshiisa u shaqayste u adeega guumaysiga Ingiriiska, isagoo kursi ku lahaa golaha guumaysiga Ingiriiska.

Qulaam wuxuu kusoo if baxay inuu iska dhigo sidii qof difaacaya Muslimiinta, wuxuuna arkay in dadka Muslimiintu ay ixtiraam badan u muujiyaan culumadooda, markaa wuxuu donay inuu ka faa’idaysto jaaniskaas.

Wuxuu Qulaam akhriyey kutubtii Hinduuska iyo Kiristaanka, wuxuuna qoray maqaalo uu kagasoo horjeedo Hinduuska iyo Kiristaanka sanadkii 1878 dii, kadibna wuxuu iclaamiyey inuu qorayo kitaab konton majaladooda oo ku difaacayo Islaamka, kuna fadeexaynayo shubuhooyinka iyo ismoodsiinada.

Markii ay Muslimiintii maqashay iclaankiisii way farxeen ayagoo u haysta inay heleen nin difaacay diintoodii, kadibna Qulaam wuxuu qoray qeybtii koowaad ee kitaabkiisa ”Baraahiin Axmadiya”, mise kitaabkaba waxa ka buuxa karaamooyin iyo waxyaalo khuraafaada, iyo amaan uu usoo jeedinayo guumaystihi Ingiriiska. Qeybtii sadexaad ee kitaabkaasna wuxuu si cad ugu nuuxnuuxsaday amaanta ay mudanyihiin guumaystaha Ingiriisku, isagoo sheegtay in amaantaas uu kasoo xiganayo Quraanka iyo Sunnada nabiga (scw).

Culumadii Muslimiinta Hindiya waxa soo gaadhay khuraafaadkiisa, wayna ka digeen hase ahaatee dawladii Ingiriiska ayaa taageertay oo u fidisay kaalmo dhaqaale iyo mid adinba iyo afba ah.

Qulaam markii uu dhaleecayn iyo eedo kala kulmay muslimiintii ayuu kordhiyey sheegashooyinkiisii wuxuuna iclaamiyey inuu yahay Mahdiga, Masiixii la sugayey iyo nabi ka yimid xaga Alle.

Dadka taabacsan diinta uu ninkaasi aasaasay waxay nacayb iyo xiqidi u hayaan Islaamka iyo Muslimiinta waxayna ka qaybgaleen qabsashadii dawlada Ingiriiska ee Ciraaq, wayna ku farxeen sidoo kalena markii ay dhacday dawladii Cusmaaniyiintu waxay u farxeen si xad dhaafa ayagoo dhahay: Waxaan Ilaahay u mahad celinaynaa kun jeer iyo kun jeer oo kale in dawlada Ingiriis gaadhay guulo wax ku ool ah, ayadoo Qulaam u dardaarmay cidii raacsanayd inay u duceeyaan Ingiriiska.

Dhanka kale waxay aad ugu farxeen in magaalada Qudus ay ku dhacday gacanta guumaystiha, illamaa xoghayihii ra’iisul wasaarihii Ingiriisku uga mahadceliyey taageeradooda.

 

Hadaba Qaadyaaniyiintu ama Axmediya dadka isku magacaabay maxay Muslimka ka rumaysanyihiin?

Dad badan waxay u maleeyaan in Qaadyaanniyiintu ay kamid yihiin firqooyinka Islaamka, hase ahaa Qaadyaaniyiintu ma rumaysna in muslimiintu yihiin Islaam, wayna gaalaysiiyeen cidii aan Qaadyaani ahayn.

Wiilkii Qulaam Axmed oo la dhaho Bashir Axmed wuxuu qoray: ”Ku kasta oo rumaysan Muuse oo aan rumaysnayn Ciise ama rumaysan Ciise oo aan rumaysnayn Muxamed (scw)  waa gaal, sidaas oo kalena cidii aan rumaysnayn Qulaam Axmed waa gaal, ka baxay diinta Islaamka, manaha hadalkayga anaga ee waxaan ka qaadanaynaa Quraanka (أُولَٰئِكَ هُمُ الْكَافِرُونَ حَقًّا)[1] (Kuwaasi waa gaalo dhab ah)[2]

Wuxuuna beenaale Qulaam Axmed sheegay in Qaadyaaniyiinta ay xaaraan ka tahay inay ku daba tukadaan Muslimiinta wuxuuna dhahay: ”Ilaahaybaa i daalacsiiyey inay xaaraan tahay inaad ku daba tukadaan kuwa i beeninaya”[3]

Waxa halkaas inoogu cad in Qaadyaaniyiinta ay xaaraan ka tahay inay la tukadaan Muslimiinta hase ahaatee baryahan danbe waxa soo baxay qolo masaajidada soo gasha lana tukada Salaadaha ayagoo uga jeeda khiyaano iyo dhagar, waxayna ogyihiin in salaadaas laga aqbalayn waa sida ay sheegtaan ayagu, waxayna salaadahood ku tukadaan guryahooda ama masaajidadadoda, hadii ay la tukadaan muslimiina dib ayey ugusoo celiyaan salaadaas

Sidoo kale Qaadyaaniyiinta waxa la faray inay xadhkaha ujaraan xidhiidhka ay la leeyihiin Muslimiinta, iyo inaanay ka qaybgalin ciidahooda iyo farxadahoodaba.

 

Beenaalihii nabinimada sheegtay ee Qulaam Axmed Alqaadyaani u fiirso qaabka uu ugu jeesjeesayo saxaabada nabiga (scw):

Wuxuu dhahay Qulaam isagoo ku jeesjeesaya saxaabada: ”Xasan iyo Xuseen (ehelka baytka nabiga) way ii cadhaysanyihiin sababtoo aniga ayaa naftayda ka sare mariyey Xuseen..”[4]

Waxa kale oo uu dhahay: Aniga ka fadli badan -Xasan iyo Xuseen- wuxuuna Alle muujinayaa fadligayga”[5]

Beenaalahaasi wuxuu iska fadilay saxaabadii Rasuulkii Ilaahay ee nabigu (scw) ugu bishaareeyey Jannada, iyo inay yihiin madaxda dhalinyarada ee Jannada.

Wuxuu qoray mid kamid Qaadyaaniyiintu inuu maqlay mid kamid ah ehelka Qulaam oo leh: ”Xagay kaga dhacayaan Abubakar iyo Cumar  (beenaalaha Qulaam) ayagu uma qalmaan inay qaadaan kabihiisa”[6]

Waxay ku tusinaysaa qaabka beenaalahaas iyo cida taageersani ay ugu xadgudbeen saxaabadii Rasuulkii ayna ugu jeesjeesayaa, Ilaahay ha mariyo wixii ay galabsadeene.

Waxa kale oo uu sheegtay beenaalahaas Qulaam inuu qoray konton kun oo kitaab uuna ku faafiyey meel kasta, waxaana soo if baxay midhihii kutubtaas oo ah in boqolaal kun oo muslimiina oo rumaysnaa Jihaadku ay ka tageen caqiidadaas wasakhaysan.[7]

Qaadyaanigaas beenaalaha ah wuxuu sheegtay inuu ka fiicanyahay nabi Yuusuf maxaayeelay isaga waxa bari ka dhigay Ilaahay halka nabi Yuusufna (csw) ay bari yeeshay haweenay ama dadku.[8]

Sidoo kale beenaalahaasi wuxuu sheegtay in erayadii lasiiyey nabiyada oo dhan lasiiyey nabi Muxamed (scw) kadibna ay isaga kusoo wareegtay, sidaas darteedna wuxuu isku magacabay magacyada nabiyada oo dhan, wuxuu naftiisa ku magacaabay: ”Aadam, Ibrahim, Muuse, Nuux, Daa’wuud, Yuusuf, Suleymaan, Yaxye iyo Ciise” [9] waxa kale oo uu dhahay: ”Aniga weeye Axmed iyo Muxamedkii Alle doortay” ”Cidii soo gasha jamaacadaydana waa sidii cid soo gashay saxaabada sayidkii Rususha”

 

Maxay tahay Qaadyaaniyiinta Caqiidadoodu?

 

Beenaale Qulaam wuxuu dhahay: ”Ilaahay wuxuu igu dhahay anigu waan tukadaa, waan soomaa, waan soo kacaa subaxa, waanan seexdaa”[10]

Beenaalahaasi wuxuu Alle ku shabahay sifooyinka bani Aadamka isagoo u nisbeeyey inuu seexdo, soo kaco, uuna tukado sidoo kale gaajoodo oo uu soomo. Xaguu beenaalahaasi ka maray qawlka Allah uu leeyahay:

اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ ۚ لَا تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلَا نَوْمٌ ۚ

”Ilaah waa Ilaaha aan Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa jirin isaga mooye waana noolyahay wuxuuna u taaganyahay inuu maamul uunkiisa, mana qabato lulmo iyo hurdo toona” [Albaqarah:255]

Waxa kale oo beenaalahaasi dhahay: ”Waxaan arkay Ilaahay oo ku saxeexaya waraaqaha qalin cas, kadibna dhuuxii qalinka ee casaa yaa dhacay kuna daadatay maradayda iyo marada muriidkayga..”[11]

Sidoo kale beenaalahaasi wuxuu Alle ku shabahay makhluuqa kunool badda oo lugo iyo faro badan leh wuxuuna dhahay: ”waxaan awoodnaa inaan ku sawirano Ilaahay inuu leeyahay gacmo badan iyo lugo badan .. sida faromagoogaha!”[12]

Miyaanu ogayn beenaaluhu inuu Allah leeyahay:

لَيْسَ كَمِثْلِهِ شَيْءٌ ۖ وَهُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ ﴿١١﴾ سورة الشورى

وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُوًا أَحَدٌ ﴿٤﴾ سورة الإخلاص

”Alle wax lamid ah majiro, waana Maqle waana Arke (11)” [Suurada Al-shuuraa:11]

”Mana jiro wax la kuf ah Ilaahay (4)” [Suurada Al-ikhlaas:4]

 

Habaarqabahaasi waxa kale oo uu sheegtay in Alle (swt) uu xidhiidh gogoleed ku kaco, uuna dhalo ubad, [13]Ilaahaybaan ka magan galnee.

Malcuunkaas   Alle waxaa ku sheegay miyaanu akhrinin aayadaha Allah uu leeyahay:

لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ ﴿٣﴾ سورة الإخلاص

أَن دَعَوْا لِلرَّحْمَـٰنِ وَلَدًا ﴿٩١﴾ وَمَا يَنبَغِي لِلرَّحْمَـٰنِ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا ﴿٩٢﴾ سورة مريم

”Alle waxna ma dhalin lamana dhalin (3)” [Suurada Ikhlaas:3]

”Ma waxay usheegaan Allaha Raxmaanka ah ilmo (91) umana haboona Allaha Raxmaanka ah inuu yeesho ilmo (92)” [Suurada Maryam:91,92]

 

Habqaarqabaasi waxa kale oo uu rumaysanyahay inuu isagu ahaa Wiil Ilaah wuxuuna dhahay: ”Ilaahaybaa ila hadlay oo igu dhahay: ”Dhagayso Wiilkaygoow”[14]

Sidoo kale habaarqabayaashaasi waxay rumaysanyhiin Quraan aan ahayn Quraanka caadiga siduu sheegay khaliifkii Qaadyaaniyiintu wuxuuna dhahay: ”Quraan majiro Quraan aan ahayn kii masiixa” Masiixana wuxuu uga jeeda Qulaam Axmed.

Qaadyaaniyiintu waxay kale oo rumaysanyihiin in magaalada Qaadyaan ee uu ku dhashay Qulaam Axmed ay la mid tahay Makkah iyo Madiina oo kale, sidoo kalena way u xaj tagaan magaaladaas oo qofku waa inuu yimaad shirka sanadlaha ah ee ka dhaca magaaladaas waan kaas xajkaoodu.

Hadii aynu soo koobno habaarqabayaashaasi caqiidadoodu waa:

  1. Ilaahay waxay ku sifeeyeen sifooyinka basharka, sida inuu tukado salaada, soomo, seexdo, soo kaco, wax uu qaldo, wax uu saxo, wax uu qoro, wax uu saxeexo, gogol uu sameeyo, wax uu dhlao, sidoo kalena uu qaato jidhka bani aadamka.
  2. Nabinimada kumay istaagin nabi Muxamed (scw) oo kaliya ee illaa Qayaamaha way sii soconaysaa.
  3. Qulaam Axmed waa Nabi.
  4. Qulaam wuxuu ka fadli badanyahay nabiyada oo dhan.
  5. Qulaam waxa u yimid waxyi.
  6. Malaka kusoo dagayna waa Jibriil.
  7. Waxay leeyihiin kitaab u gaar ah looguna yeedho Kitaab Almubiin.
  8. Xajkoodu waa inay ka qaybgalaan shirka sanadlaha ah ee Magaalada Qadyaan.
  9. Waxay diideen Jihaadka si ay guumaystaha u kaalmeeyaan.
  10. Ciise wuu dhintay, ayagoo dood ka dhigtay sidee ayuu Muxamed u dhintay Ciisena u noolyahay? Mana oga doqomadaasi in nabi Ciise aanu Islaamka wax cusub kusoo darayn ee kaliya uu usoo dagayo si u cadeeyo inaanu Ilaah ahay iyo wiil Ilaah toona iyo inuu dilo Dajjaal Cawarka.

 

Fadeexadii Qulaam Axmed Alqadyaani iyo mucjisooyinkiisii beenta ahaa:

  1. Wax jiray nin masiixiya oo la dhaho magiciisa Cabdilaahi Al-aathim, wuxuuna sanadkii 1893 dii uu la galay dood Qulaam Axmed, dabadeedna ninkaas oo Masiixiya ayuu xitaa ka guulaysan kari waayey, markaasuu si uu uga baxsado ceebta guul darrada wuxuu dhahay: ”Cabdilaahigaas wuxuu dhimanayaa Shan iyo toban bilood gudahood, gaar ahaana 5 December ee sanadka 1894 tii. Markii la gaadhay waqtigii isagoo dadkiisa u sheegay inuu hubo oo ku dhaaranayo in mucjisadaasi ay dhacayso ayaa la arkay ninkii oo nool! Sidaas ayuu Alle ku kashifay mucjisadiisii beenta ahayd sidii Musaylama oo kale.
  2. Sanadkii 1886 dii ayaa Qulaan xaaskiisii ay uur qaaday, markaasuu dhahay ”Waxa gabadhaasi sidaa wiil qurxoon, oo daahira, ayna ka buuxda cilmiga sare iyo ka hoosaba, waxaana iiga warramay Ilaaha deeqsiga ee awoodana iska leh” Markii haweenaydiisii ay dhashay waxa dhashay ilmo dhidig ah, kadibna shan sano kadib ayaa inantiina dhimatay sanadkii 1891 dii.
  3. Sanadkii 1889 kii ayaa loo dhalay wiil magiciisa la dhaho Mubaarig Axmed, markuu dhashayna wuxuu dhahay wiilkani waa nuukii Ilaahay, waana hagaajiye, waana daweeyaha cudurada! Dabadeedna wiilkii wuu bukooday, markaasaa dadkii taabacsana ka dhamaan waayeen walwal iyo argagax, kadibna Ilaahay ayaa caafimaadiyey. Markuu caafimaaday wiilkii ayuu Qulaam dhahay: ”Ilaahay ayaa igu ilhaamiyey inuu iga aqbalay ducadaydii” isla markuu iclaamiyey warkaas ayuu wiilkii xanuustay waanu dhintay sanadkii 1907 dii .
  4. Wuxuu Qulaam sheegtay in magaaladiisa Qaadyaan aanu cudurka Daacuunku soo galin, sababtoo ah waa magaaladii Rasuulkii Ilaahay siduu hadalka u dhigay habaarqabaahaasi. Dabadeedna Alle wuxuu qadaray inuu Daacuunkii galo magaaladii oo uu asiibo gurigiisi, isagiisii iyo qoyskiisiiba.
  5. Markay geeridiisii ay waxyar ka hadhsanayd ayuu la dooday nin muslim ahaa oo la dhaho Dr Cabdixakiim, waxaana lagaga awood batay dodii kadibna wuxuu bilaabay inuu u hanjabo oo uu cago jugeeyo, wxuuuna dhahahy: ” waa la ciqaabayaa wuxuuna ninkaasi dhimanayaa anigoo nool”, markaasuu Dr Cabdixakiim dhahay: Isagu Beenaaluhu wuxuu dhimanayaa mudo Shan iyo toban bilooda, waxayna xilligaasi ahayd sanadkii 1907 dii, bal ayu eegno maxaa dhacay? Ninkii Qulaam wuxuu dhahay anigu waxa Ilaahay ii ballan qaaday inaan noolaanayo ugu yaraan Sideetan sanadood, markaa wuxuu sheegtay sadex mucjiso: Kow:  wuxuu sheegtay inuu noolaanayo ilaa ugu yaraan Sideetan jir isagoo xilligaas dhawr iyo lixdan sano jir. Laba: Cabdixakiim anigoo nool ayuu dhimanayaa Sdex: Inaanu isagu ku dhimanayn Shan iyo Toban bilood gudahood. Hadaba maxaa dhacay? sidii wadaadkii Cabdixakiim uu sheegay ayey noqotay oo waxa dhintay Qulaam Axmed 26 May ee sanadkii 1908 dii, waxaana beenowday dhamaan mucjisooyinkuu sheegtay.

Qaabkee ayuu ku dhintay Beenaalahaasi?

Qaabka uu beenaalahasi ku dhintayna waxay ahayd isagoo caafimaad qaba 25kii bishii May ee sanadkii 1908 dii ayaa galinkii danbe waxa asiibay cudurka Kolera ee shubanka, waxayna naftu kaga baxday isagoo ku jira suuliga ama musqusha oo dhex jiifa saxaro iyo najaasooyin, waxayna ahayd calaamo laga muujiyey beentiisii!!!

Qeybaha Qadyaaniyiinta:

Markuu dhintay habaarqabihii Qulaam Axmed Alqaadyaani waxa la wareegay xilkii khliifkiisii, waxayna diintii Qaadyaaniyiintu u qaybsantay laba qaybood:

Kooxda Koowaad waa: Axmadiya Alqadyaaniyah, waxaana hogaamiyey Bashiiru Diin Maxamuud ibnu Mirza Qulaam, waxayna la baxeen magaca Shucbat Rabwah.

Kooxda Labaad waa: Axmadiya Al-Laahuuriyah, ayagoo ka yeeshay xaruntooda Laahuur ee gobolka Banjaab, waxayna la baxeen Shucbat Al-Laahuur. Qolodan danbena waxay sheegtaan in Qulaam Axmed aanu ahayn nabi ee uu ahaa hagaajihii iyo cusboonaysiyihii Qarniga, balse xaqiiqdu waxay tahay caqiidadooda rasmiga ah way qariyaan waana dhagar ay umaleegaan dadka si ay u ugaadhsadaan.

Waa maxay xukunka Qaadyaaniyiinta iyo Axmediya?

Waxa ay soo saareen Majmac Alfiqh Al-islaami (golaha ururka Fiqiga Islaamku) in kooxdaas Qadyaaniyiinta ay yihiin Gaalo ka ridoobay diinta Ilaahay.

Sidoo kale waxa ka ratibmay axkaamta ah in ruuxa haysta Qadyaaniyada ama Axmediya ee loo tiirinayo Qulaam Axmed inuu yahay gaal, aan lagu tukanayn markuu dhinto, loona waydiinayn Ilaahay naxariis, laga guursanayn dumarkdooda  waxaas rumaysan, lana siinayn gabadh Muslimada, waxaana lagu aasayaa xabaalaha Gaalada, waxa guud ahaan ka dhalanaya axkaamta gaalka. Wallahu aclam

Xigasho:

Waxa Qoray soona jeedinaya Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle


[1] Suurah Alnisaa: 156. ”Waxay badaleen macnihii aayada Quraanka oo ka hadlaysa dadka kala kaxeeye Ilaahay iyo Rasuulkiis Muxamed (scw) inay gaalo dhab ah yihiin, waxayna u turjunteen in cida beenaalaha Qulaam beenisa ay gaalo dhab ah tahay”

[2] [كلمة الفصل، لبشير احمد ابن الغلام]

[3] الاربعين للغلام، ص ٣٤،٣٥

[4] ملفوظات احمدية، ج:٤،ص: ١٩١،١٩٢

[5] اعجاز احمد، ص:٥٨ للغلام

[6] كتاب المهدي، نمرة ٣٠٤، ص: ٥٧ لمحمد حسين القادياني

[7] ستارة قيصر ص:٣ للغلام

[8] براهين احمدية للغلام

[9] ملفوظات احمدية ج ٤، ص: ١٤٢

[10] البشري ج٣ ص٩٧ للغلام القادياني

[11] حقيقة الوحي، ص ٢٥٥ للغلام

[12] توضيح الحرام، ص٧٥، للغلام القادياني

[13] ضحية الاسلام : ص ٣٤ لبار محمد

[14] البشري ج ١، ص ٤٦ للغلام