Waa maxay Carshigu? Waa kuwama Malaa’ikta xanbaarsan Carshiga Ilaahay? 

Bismillah, Malaa’ikta xanbaarsan Carshiga Ilaahay waxa lagu sheegay Quraanka iyo axaadiista Rasuulkaba, waxayna kamid yihiin makhluuqaadka Ilaahay kuwa ugu waaweyn, waxay sidaa oo xanbaarsanyihiin Carshiga Ilaahay, ayadoo la ogyahay in Ilaahay (S.W.T) aanu u baahnayn cid wax u qaada ama u xanbaarta toona.

  • Ugu horeyn: Waa maxay Carshigu?

– Carshigu waa sariirta boqorada, sidoo kale Carshiga Ilaahayna waa Sariir leh lugo. Carshigu waa makhluuqaadka Ilaahay ka ugu sarreeya, waxaanu leeyahay lugo ay xanbaarsanyihiin Malaa’ik, waxa uu soo saaray ibnu Khuzaymah xadiiskan cajiibka ah:

 عَنْ اِبْن مَسْعُود رضي الله عنه قَالَ : ” بَيْن السَّمَاء الدُّنْيَا وَاَلَّتِي تَلِيهَا خَمْسمِائَةِ عَام , وَبَيْن كُلّ سَمَاء مسيرة خَمْسمِائَةِ عَام . وَفِي رِوَايَة ” وَغِلَظ كُلّ سَمَاء مَسِيرَة خَمْسمِائَةِ عَام , وَبَيْن السماء السَّابِعَة وَبَيْن الْكُرْسِيّ خَمْسمِائَةِ عَام , وَبَيْن الْكُرْسِيّ وَبَيْن الْمَاء خَمْسمِائَةِ عَام , وَالْعَرْش فَوْق الْمَاء وَاَللَّه فَوْق الْعَرْش وَلا يَخْفَى عَلَيْهِ شَيْء مِنْ أَعْمَالكُمْ ” وصححه الذهبي في العلو ( ص64 )

“Ibnu Mascuud waxa laga wariyey inuu yidhi: Samada aduunyada iyo tan ku xigta waxa isu jiraan (masaafo) shanboqol oo sanadood, samo kastana ta kale waxay ujirtaa socodka shan boqol oo sanadood.” Riwaayo kale waxay leedahay: “masaafada u dhaxaysa samooyinku waa shanboqol oo sanadood, samada todobaad iyo Kursigana waxay isu jiraan shan boqol oo sanadood, cardhiguna wuxuu ka sarreeyaa Biyaha (Badda), Ilaahaybaana ka sarreeya Carshiga wax camalkiina ahina kama qarsoona” [1]

– Sidoo kale Carshigu wuxuu leeyahay lugo, waxaana u daliila xadiiskan laga wariyey nabiga (ﷺ):

فإن الناس يصعقون فأكون أول من يفيق فإذا موسى باطش بجانب العرش فلا أدري أكان فيمن صعق فأفاق قبلي أو كان ممن استثنى الله

“..Maxaayeelay dadku way suuxayaan, waxaanan ahaanaya (nabi Muxamed) qofka ugu horeeya ee kacaya, mise nabi Muuse ayaa haysta lugaha Carshiga, ma garanayo inuu kamid ahaa dadkii suuxsanaa oo iga horkacay, mise inuu kamid ahaa kuwii Ilaahay ka reebay.”  [2]

– Carshigu waa saqafka ehlul Jannada, waana ka ugu sarreeya Makhluuqaadka ee ay ka kasoo qulqulaan wabiyada Jannadu. Sida nabigeenu inoo sheegay (ﷺ):

فَإِذَا سَأَلْتُمُ اللَّهَ فَاسْأَلُوهُ الْفِرْدَوْسَ فَإِنَّهُ أَوْسَطُ الْجَنَّةِ وَأَعْلَى الْجَنَّةِ وفَوْقَهُ عَرْشُ الرَّحْمَنِ وَمِنْهُ تَفَجَّرُ أَنْهَارُ الْجَنَّةِ

“hadaad Ilaahay waydiisataan, waydiista Firdawsa, maxaa yeelay waa ka u dhaxeeya uguna sarreeya Jannada, waxaana ka sareeya Carshiga Raxmaank, isagaana ay kasoo burqadaa wabiyada Jannadu.” [3]

– Ilaahay (s.w.t) wuu ka sarreeyaa Carshigiisa, waxaana u daliila Quraanka, Xadiiska iyo ijmaaca Culumada:

( وهو العلي العظيم ) البقرة/255  ( سبح اسم ربك الأعلى ) الأعلى/1  ( يخافون ربهم من فوقهم ويفعلون ما يؤمرون ) النحل/50

“(Waa Allah sarreeya ee wayn) Albaqara/255” “(U tasbiixso Rabigaaga sarreeya) Al-aclaa/1″ (Waxayna ka Cabsan Rabigooda Sarreeya waxayna sameeyaan waxa la faro.) Al-naxli/50”

– Ilaahay (s.w.t) wuxuu ku istiwooday Carshigiisa dushiisa:

الرَّحْمَـٰنُ عَلَى الْعَرْشِ اسْتَوَىٰ ﴿٥

“Allah raxmaankuna wuxuu ku istwooday carshiga dushiisa (si u cuntanta)” Al-daha/5.

Istiwaduna waa sarreyn gaar ah oo uu ka sarreeyo Carshiga, taasoo ku haboon una cuntanta Allaha wayn ee awooda leh.

– Ilaahay (s.w.t) wuu ka kaaftoonyahay Carshiga iyo Kursigaba, umana baahna ee makhluuqaadka ayaa isaga u baahan, waxaana u daliila in malaa’ikta sida Carshiga Raxmaanku ay aad ugu tasbiixsadaan Rabigii abuuray, ayagoo ah dadka ugu aqoonta badan in awooda ay wax ku sidaan uu siiyey Rabi subxaanahu wa tacaala.

Waa kuwama Malaa’ikta xanbaarsan Carshiga Raxmaanka?

– Malaa’ikta xanbaarsan Carshiga ayaguna waa kuwo aad u waaweyn ee wuxuu nabigu ku tilmaamay in masaafada u dhaxaysa garbahooda iyo carjawda dhagtooda loo kala duulo todoba boqol oo sanadood.

” أَذِنَ لِي رَبِّي أُحَدِّثُ عَنْ مَلَكٍ مِنَ الْمَلائِكَةِ مِنْ حَمَلَةِ الْعَرْشِ مَا بَيْنَ شَحْمَةِ أُذُنِهِ إِلَى عَاتِقِهِ مَسِيرَةُ سَبْعِ مِائَةِ عَامٍ “

” Waxa lay ogolaaday inaan ka warramo malak kamid ah malaa’ikta xanbaarsan Carshiga, inta u dhaxaysa carjawd dhagtiisa iyo garabkiisa waxa loo socdaa todoba sanadood” [4]

– Malaa’ikta xanbaarsan waxa la dhahaa tiradoodu waa Afar oo maalinta qayaame ayey noqonayaa Sideed, halka kuwo kalena ay dhaheen waa sideed saf oo tiradooda Ilaahay unbaa ogsoon.

– Malaa’ikta xanbaarsan Carshigu waxay u tasbiixdaan Ilaahay (s.w.t), ayagoo dhahay:

فَأَرْبَعَةٌ مِنْهُمْ يَقُولُونَ : سُبْحَانَكَ اللَّهُمَّ وَبِحَمْدِكَ عَلَى حِلْمِكَ بَعْدَ عِلْمِكَ ، وَأَرْبَعَةٌ يَقُولُونَ : سُبْحَانَكَ اللَّهُمَّ وَبِحَمْدِكَ عَلَى عَفْوِكَ بَعْدَ قُدْرَتِكَ

“Afar kamid ah waxay dhahaan: Subxaanaka Allahuma (Ilaahow xumaanbaad ka fogtahay) anagoo ku darayna mahadaada iyo dulqaadkaaga kadib aqoontaada. Afar kalena waxay dhahaan: Ilaahayow xumaanbaad ka nasahantahay, kuna daraynaa mahadaada cafintaada kadib awoodaada [5 ]

– Dhanka kale Malaa’ikta sidaas u waaweyn ee Ilaahay awoodaas siiyey waxay u duceeyaan Mu’miniinta toobada keena, wuxuu ALlah leeyahay:

الَّذِينَ يَحْمِلُونَ الْعَرْشَ وَمَنْ حَوْلَهُ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَيُؤْمِنُونَ بِهِ وَيَسْتَغْفِرُونَ لِلَّذِينَ آمَنُوا رَبَّنَا وَسِعْتَ كُلَّ شَيْءٍ رَّحْمَةً وَعِلْمًا فَاغْفِرْ لِلَّذِينَ تَابُوا وَاتَّبَعُوا سَبِيلَكَ وَقِهِمْ عَذَابَ الْجَحِيمِ ﴿٧﴾ رَبَّنَا وَأَدْخِلْهُمْ جَنَّاتِ عَدْنٍ الَّتِي وَعَدتَّهُمْ وَمَن صَلَحَ مِنْ آبَائِهِمْ وَأَزْوَاجِهِمْ وَذُرِّيَّاتِهِمْ ۚ إِنَّكَ أَنتَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ ﴿٨ وَقِهِمُ السَّيِّئَاتِ ۚ وَمَن تَقِ السَّيِّئَاتِ يَوْمَئِذٍ فَقَدْ رَحِمْتَهُ ۚ وَذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ ﴿٩﴾ /سورة غافر

“Kuwa (Malaa’igta) xambaarsan carshiga iyo kuwa hareerihiisa ah waxay ku tasbiixsan kuna Mahadin Rabigooda wayna rumeysanyihiin, waxayna u dambi dhaaf waydiiyaan kuwa rumeeyey iyagoo dhihi Rabiyoow waxaad ugu waasac noqon wax kasta naxariis iyo ogaanshee u dambidhaaf kuwa toobadkeena ee raaca jidkaaga kana dhawr cadaabka jaxiimo. (7) Rabiyoow gali kuwaas jannada cadni ee ah taad u yaboohday iyaga iyo ruuxii wanaagsanaada oo ah Aabayaalkood, Haweenkooda iyo Caruurtooda, adigaa ah adkaade falsane. (8) Kana dhawr xumaanta (Ciqaabta) ruuxaad ka dhawrto xumaanta maalintaas waad u naxariisatay taasina waa liibaanta wayn. (9)” [Qaafir: 7-9]

Tusmo

Waxa Diyaariyey Soona Jeedinaya Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle


[1] Ibnu Khuzaymah fii saxiixih (105]

[2] [Bikhaari:3227]

[3] Bukhaari:2637]

[4] Abudaawuud

[5] Maruuzi