Bismillah:

Alle subxaana wa tacaala hayno geeyo Jannada iyo suuqyadeedabee waxaynu soo qaadanaynaa maantaa Suuqyada Jannada, waxaana laga yaaba in maskaxdaada ay kusoo dhacdo oo Jannaduna ma suuq ayey leedahay? Bal ila wadaag xadiiskan cajiibka ah ee ay soo saareen Imaam Tirmadi iyo Ibnu Maajah oo ka sheekaynaya suuqa Jannada.

Waxa laga wariyey Saciid ibnu Musiib inuu la kulmay Abahurayra (I.R.H) kolkaas ayuu Abuhurayra ku dhahay: “Ilaahay waxan waydiisanayaa inuu inagu kulmiyo suuqa Jannada!” Markaasuu Saciid dhahay: Oo ma suuq ayey Jannadu leedahay? wuxuu yidhi: “Haa, wuxuu rasuulkii Ilaahay (scw) ii sheegay in ehelka Jannadu markay galaan Jannad in la dajin doono booska camaladoodii, markaasna waxa loo ogolaanaya ehelka Jannada qiyaas ahaan maalin la eeg Jimcaha Aduunyada (oo looga jeedo todobaadka Aduunyada), kolkaasay booqanayaan Rabigood (swt), waxaana u muuqanaya Carshigiisa, wuxuuna uga muuqanayaa beer kamid ah beeraha Jannada, waxaana ehelka Jannada loo dhigayaa kuraas nuur ah iyo kuraas lu’lu’ ah iyo kuraas iyo kuraas Yaaquut ah iyo kuraas Zabarjad ah iyo kuraas dahab ah, iyo kuraas qalin ah (waxay ugu fadhiisanayaan sida ay ukala fadli badan yihiin), wuxuuna fadhiisanayaa kooda ugu hooseeya-mana laha cid hoosaysaaye- meel taago ah oo ka ahaaday cadar iyo kaafuur, kuwaasina uma arkayaan in asxaabta kuraasta ku fadhidaa ay ka fadli badan yihiin, wuxuu dhahay Abuhurayra: Rasuulkii Ilaahayow miyaan arkaynaa Rabigeen (swt)? wuxuu dhahay: “Haa, miyaad ka shakisantihiin araga qorraxda iyo dayaxu markuu dhamayska ayahay?” waxaanu nidhi: Maya, wuxuu dhahay Rasuulku (scw): “Sidaas oo kale kama shakiyeysaan araga Rabigiin, golahaasna nin kamid ah majoogo haduuba joogaba waxa la hadlaya Alle (hadal toosa, xijaab la’aan), illamaa uu ku dhahay nin kamid ah ayaga ehelka Jannad hebelow ina hebelow ma xasuusataa maalintii aad samaysay sidaas iyo sidaas, wuxuuna Alle sheegaya qaar kamid ah ballan burintoodii Aduunyada, markaasuu Adoonkii dhahayaa: Rabiyow miyaanad ii danbi dhaafin? wuxuu Allah dhahay: Haa, oo naxariistayda balaadhan awgeed ayaad booskaagan kusoo gaadhay. Ayagoo sidaas ku jira ayaa waxa imanaysa dushooda daruur, markaasay da’aysaa udgoon aanay waligood udogooda oo kale urin, markaasuu Rabigeen subxaanahu wa tacaalaa dhahayaa: “U kaca waxaan idiin diyaariyey oo karaamooyin ah, kana qaata waxaad ishtihootaan (jeceshihiin). Waxaynu tagaynaa suuq ay ka buuxaan Malaa’iktu, oo ay ku jiraan waxaan indho arkin, oo aanay dhagona maqlin oo aan qalbina kusoo dhicin, waxaana laynoo keenayaa wixii aan jeclaysanay ayadoon la gadaynin lana iibsanaynin. Suuqaasna waxa ku wada kulmaya ehelka Jannada, wuxuuna ninku la kulmayaa nin kamida dadka boosaska sare iyo nin kamid ah kuwa booskood laga sareeyo mana jirto cid hoosaysa, wuxuuna la cajabayaa wuxuu sito oo maryo ah, mana dhamaysanayo hadalkiisii illamaa loo sawiro kuwo ka qurxoon maryahaas, sababtuna waxa weeye ma haboono in qofna uu ku murugoodo dhexdeeda, markaasaa aadaynaa guryaheenii, waxaana naga hor imanaysa haweenkeena waxayna dhahayaan Maraxaba, soo dhowaada, waxaad timid adigoo ka qurxoon sidii aad nagaga tagtay, markaasuu dhahayaa maanta waxaan la fadhiisanaya Rabigayo oo ah Ajbbaar, wayna noo qalantaa inaan kusoo laabano sidaan kusoo laabanay. [1]


[1] Tirmadi, (2549)