Tusmo

Siyaasadii nabigu (scw) ku casilay saxaabigii Saxaabi agtiisa qiimo kuleh

 

Siyaasadii nabiga (scw) ee xikamadu ku dhisnayd waxa kamid ahaa in saxaabigiisa Sacad ibnu Cubaada uu ku hadlay maalintii la furanayey Makkah eray gaf iy qalad ahaa isagoo dhahay: Maanta Kacbada ayaan xalaashanayaa! Hase ahaatee nabiga markii loo sheegay ayuu dhahay: “Beenubuu sheegay Sacad ee maanta Kacbada waa la sharfayaa, waxaana la huwinayaa daaha Kacbada” Dabadeedna Nabigu wuu casilay Sacad ibnu Cubaadah oo calanka usiday saxaabadii reer Ansaar, wuxuuna badalkiisii u magacaabay hogaanka saxaabada Ansaarta wiilkii Sacad uu dhalay ee Qays ibnu Sacad ibnu Cubaad Ilaahay raali haka ahaadee.

Subxaana Allah, waa taas siyaasada xikmada ku fadhidaa, nabigu scw wuxuu tusay Sacad inuu danbi galay iyo inuu wali Sacad agtiisa qiimo kuleeyahay oo uu nabigu u hayo abaalkii reer Ansaar ee kusoo dhoweeyey magaalada Madiina. Ilaahay korkiisa ha yeelo nabiga scw scw.