Tusmo

Sigaarku wuxuu halis ku yahay noloshaada!!

 

Sigaarku wuu ku dili karaa, balse kahor intaanad dhiman wuxuu kugu sababayaa cuduro ay adagtahay in la maareeyo , waxaana kamid ah cudurada halista ah ee cabida Sigaarku ay sababto:

  • Kansarka Sanbabada!

Dad aad utiro badan ayaa u dhinta cudurka Kansarka Sanbabada marka la barbardhigo kansarada kale. Cabida sigaarkaana ah sababta koowaad ee horseeda kansarka sanbabada. Ilaahay awoodii, Sida dhakhaatiirtu ay sheegayaana hadii lagaa helo cudurka Kansarka Sanbabada waxa yaraanaysa jaaniska inuu qofku sii noolaado shanta sanadood ee soo socota.

  • COPD (chronic obstructive pulmonary disease)

COPD waa cudur ku dhaca sanbabka oo sababa in qofka neefqaadashadiisu ay adkaato, waxa kale oo uu kugu keenayaa in sanbabkaagu naafoobo iyo in dhimasho soo dagdagto. Cudurkan sidoo kale wuxuu ka hor istaaga dadka inay u gutaan noloshooda qaab firfircooniya, waxaana cudurkana sababa boqolkiiba 80% cabida Sigaarka.

 

  • Wadnoxanuun.

Cabida Sigaarku waxa kale oo ay saamaysaa dhamaan xubnaha jidhkaaga oo dhan xitaa Wadnaha, wuxuuna kugu keenayaa in xidida wadnaha geeya ama ka keena dhiigu inay xidhmaan, taas oo macnaheedu tahay in dhiigii iyo oxygentii ku socotay wadnahu ay yaraato.

CT brain : show left thalamic hemorrhage (Hemorrhagic stroke)

  • Dhiigkar

Maadaama sigaarku awday xidida dhiiga waxa ka dhalan kara dhiigkar ama Stroke. Dhiigkarkuna wuxuu yimaada marka dhiig ku socday maskadu uu si kumeel gaadh ah u xidhmo, kadibna unugyada maskaxdu waxay tabayaan oxygenta yaraatay, waxayna bilaabayaan inay dhintaan. Sidaas awgeed dhiigkarku wuxuu sababaa faalig, hadalka oo xidhma, iyo isbadal ku yimaada shaqada maskaxda iyo waliba dhimasho.

 

  • Astma ama Xiiqda

Xiiqdu waa cudur joogto ah taaso sababta in ruuxa ay ku adkaato inuu qaato hawada ama in ay neeftu kasoo baxdo. Cabida Sigaarkuna waxay cuncun ku ridaa marinka hawada waxay keeni kartaa cudurka Xiiqda si lama filaan ah.

 

  • Taranka Dumarka oo waxyeelo soo gaadho

Cabida Sigaarku waxay sababtaa in ilmaha uurka hooyada ku jiraa uu ku abuurmo meel ka baxsan riximka ama ilmo galeenka. Beedkii masii noolaanayo, hadiia aan la dawaynina waxay hooyada ku keenaysaa in nolosheedu halis gasho. Cabida Sigaarku sidoo kale waxay sababtaa in bacramintu yaraato, taaso macnaheedu tahay inay adkaato in hooyaduba uur qaado.

  • Ilmaha oo miisaankiisu yaryahay.

Kaliya maaha in cabida Sigaarku saamaynayso hooyada ee waxay u gudbaysaa ilmaha dhalanaya, wuxuuna Sigaarku ku keenayaa in ilmaha dhalanaya miisaankiisu aad uga yaraado xaaladaha caadiga ah, ama in ilmihii dhasho waqtigiisa isagoo kasoo hormaraya, ama inuu dhashaba isagoo aad u yar taasoo sii sababaysa in ilmuhu helo cuduro ama inuu dhintaba.

  • Macaanka noociisa 2 aad

Cabida Sigaarku waxay korisaa jaaniska ah inuu kugu dhaco cudurka Macaanka noociisa labaad, hadii qofku macaan uu leeyahay oo uu sii wado cabida Sigaarkana waxay sii sababsyaa in cuduro kale ay ruuxaas asiibaan sida kalyo xanuun, wadno xanuun, indho la’aan iyo dhaawac soo gaadha neerfaha.

  • Indho la’aan

Cabida Sigaarku waxay kale oo sababtaa indho la’aanta oo waxay dhaawacdaa araga.

  • Kansaro kaladuwan.

Cabida Sigaarku waxay sababaan tiro badan oo Kansar ah sida Kansarka Caloosha, Xiidmaha, Beerka, Kansarka Xameetida.

 

Hadaba walaalayaal cabida Sigaarku inay halis ku tahay caafimaadka, dhaqaalaha iyo bulshadaba waynu lasoconaa ee miyeyna haboonayn in gabi ahaanba la iska daayo cabida Sigaarka, idinkoo uga faa’idaysanaya bisha barakaysan ee Ramadaanka.

Diraasadaha ama cilmi baadhista ay culumada dhakaahtiirtu sameeyeen waxay tilmaameen in ruuxu iska dayn karo cabida sigaarka, waxaana hoos u dhacaya dhamaan saamaynta taban ee uu Sigaarku leeyahay. Ruux kasta oo Sigaarka caba waad iska dayn kartaa hadii aad go’aan adag leedahay, sidoo kalena aad u tudhayso caafimaadkaaga, dhaqaalahaaga iyo bulshadaadaba iyo waliba diintaada.


Xigasho:

  1. Lung.org

WD: Abdulaziz Mohamed Oogle