Tusmo

Sideebaan u gaadhsiiyaa dacwada ruux Kiristaan ah?

Bismillah, su’aasha kor ku xusan waa su’aal inbadan igu soo noqnoqotay, waaana su’aal aad muhiim u ah, qaabkeebaa ugu yeedhaa ruux Kiristaan ah diinta Islaamka? Maxaanse adeegsadaa si aan islaamiyo ama aan ugu horseedo diinta xaqa ah ee Islaamka. Waxaan soo bandhigayna inshallah dhowr qodob oo muhiim ah, ayadoo ay jiri karaan kuwo kalena.

Qodobka Koowaad:

– Ugu horeyn ruuxa muslimka ah ee raba inuu dacwada ugu yeedho dadka aan muslimiinta ahayn, waa in yaboohaasi  ka dhabyahay, waana inay ka muuqataa islaamnimadu dhaqankiisa, akhlaaqdiisa, fikirkiisa iyo caqiidadaadaba. Waxaana muhiim ah inaad dhaqangalinaysid islaamnimadaada, tusaale ahaan; hadii aanad tukan, ama aanad soomin ama khamriga aad cabto oo hadana aad tidhaahdo islaamka ayaan dadka ugu yeedhayaa, waxay u muuqataa inaanad guul wayn kasoo hoynaynayn yaboohaaga. Sababtoo ah wixii aad dadka ugu yeedhaysay ee muhiimka  ahaa adigiibaa ku xadgudbay.

Arrintaasina ruuxii aad diinya ugu yeedhaysay ayey ku keenaysaa niyad xumo iyo in yaboohaaguba ahaa mid been ah ama waxaan xaqiiqoba ahayn. Ilaahayna wuxuu leeyahay:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لِمَ تَقُولُونَ مَا لَا تَفْعَلُونَ ﴿٢ كَبُرَ مَقْتًا عِندَ اللَّـهِ أَن تَقُولُوا مَا لَا تَفْعَلُونَ ﴿٣

“Kuwa xaqa rumeeyow maxaad u sheegaysaan waxaydaan falaynin (1) Waxaa Cadho weyn Ilaahay agtiisa ku ah inaad sheegtaan wax aydaan falaynin.(2)” [Saff:1 & 2]

Sidaas awgeed walaal waa inaad ku dhaqmaysaa waxan aad dadka ugu yeedhayso, oo ayna kaa ahayn istusnimo, ismaqashiin, iyo inaad tusto dadka kale inaad ka sarreyso, Ilaahaybaan ka magan galnee.

Qodobka Labaad:

– Ruuxa aad islaamka ugu yeedhayso waa inaad kula dhaqanta dabeecad wanaagsan, waa inaanad cadhoonin oo aad leedahay dulqaad iyo sabir, sababtoo ah ruuxa aan islaamka haysanin waa sidii qof buka oo kale. Hadii dhakhtar loo geeyo qof bukana wuxuu kuu sheegayaa in ruuxaas dawadiisu waqti qaadanayso,  oo aanu mar qudha ka kacayn cudurka ee si tartiib ah uu udawaysmayo. Wuxuuna Allah leeyahy:

ادْعُ إِلَىٰ سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ ۖ وَجَادِلْهُم بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ ۚ

“ugu yeedh Jidka Rabigaa si xigmada iyo Wacdi fiicana kulana dood sida u fiican,” [Al-naxli:125]

Sidoo kale Allah wuxuu ina farayaa inaan u sabirno dacwada iyo yabooha islaamka:

وَاصْبِرْ وَمَا صَبْرُكَ إِلَّا بِاللَّـهِ ۚ

“Samir, mana aha samirkaagu dar Ilaahay mooyee,..” [Al-naxli:127]

Qodobka Sadexaad:

– Waa inaad aqoon fiican u leedahay diinta Islaamka, gaar ahaan caqiidada, towxiidka iyo axkaamta muhiimka ah. Qodobkanina waa mid aad u muhiim ah, sababtoo ah hadii aanad aqoonba u lahayn Islaamka waxaad ku jawaabaysa jawaabo fikirkaaga ka yimid oo aan sal iyo baartona ku lahayn Islaamka.  Ilaahayna wuxuu leeyahay:

وَقُل رَّبِّ زِدْنِي عِلْمًا ﴿١١٤

“Waxaad dhahdaa (nabiyow) Rabiyoow ii kordhi cilmi” [Daha:114]

Qodobka Afaraad:

– Waa inaad xooga saartaa qaabka loo kala horaysiiyo arrimaha caqiidada, axkaamta iyo sunayaalka. Waa inaad mudnaanta koowaad siisa marka hore towxiidka iyo Ilaahay kalinimadiisa iyo risaalada nabi Muxmed (scw). Tusaale ahaan; hadaad dhakhtar tahay oo ay kuu fadhiyaan sadex qof oo xanuusanaya, ka koowaad waxa haya duray ama qufac, kan labaadna waxa xanuunaya wadnaha, ka sadexaadna wuxuu ka cabanyaa lafo xanuun, keebaad ugu horeysiinaysaa dawadiisa iyo baadhitaankiisa? Dabcan kan wadnuhu xanuunayo ayaad ugu horeysiinaysaa, sababtoo ah wuxuu ku jiraa xaalad degdeg ah oo khatr ku keenaysa caafimaadkiisa ama noloshiisaba galaafan karta.

Taas mid lamid ah waa inaad xooga saartaa marka ugu horeysa inaad ruuxa kala hadasho towxiidka iyo caqiiqadada, adigoo dib u dhigaya arrimaha yaryar ee mar danbe loo sheegi karo.

قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَىٰ كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلَّا نَعْبُدَ إِلَّا اللَّـهَ وَلَا نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا وَلَا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِّن دُونِ اللَّـهِ ۚ فَإِن تَوَلَّوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ﴿٦٤

“Waxaad dhahdaa Nabiyow Ehelu Kittabow u kaalaya kalimad (odhaah) aan u simanahay aniga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin Ilaahay mooyee, (wax kale) oynaan lana wadaajin waxba  kana yeelan qaarkeen qaar kale ilaahyo kasoo hadhay Allah, Hadday jeedsadaanna waxaad dhahdaa marag noqda inaan Muslimiin nahay.” [Alcimraan:64]

Qodobka Shanaad:

– Hala murmin dadka aan islaamka ahayn sababtoo ah muranka wax faa’ido ah ma keeno, aan ka ahayn in ruuxii aad islaaminaysay uu kasii fogaado xaqa, sidaa awgeed hadaad aragto qofkii oo bilaabay muran, aflagaado, cay waa inaad iskaga tagtaa.

وَلَا تُجَادِلُوا أَهْلَ الْكِتَابِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ

“hakula murmina ehelu Kitaabka wax fiican mooyee,..” [Alcankabuut:46]

Qodobka Lixaad:

– Waa inaad taqaana sababta kugu kalliftay inaad ruuxa kiristaanka ah ugu yeedho islaamka, waa inaad u sharraxdaa inuu dhimanayo oo uu aadayo xaga rabigiisii abuuray isaga iyo dadka kale oo dhan, iyo in la waydiinayo maxaad kusoo qabatay waqtigaagii iyo cimrigaagii? Sidoo kale waa inaad fahansiisaa sida ay muhiimka u tahay inuu Islaamka uu soo galo, si uu Allah uga raali noqdo oo uuna ugu abaalmariyo Jannadiisa maalinta Qayaame.

Qodobka Todobaad:

– Waa inaad taqaana cida aad u yeedhayso ciduu yahay iyo wuxuu rumaysanyahay, hadii ruuxaasi yahay Kiristaan waa inaad fikrad ka haysataa diinta Kiristanka iyo caqiidadooda.

Sida aynu ognahay Kiristaanku Ilaahay way rumaysanyihiin laakiin Ilaahay waxay ka dhigeen mid sadexoole ah, ama inuu soo qaatay jidhkii nabi Ciise, sidaas darteed waxa muhiim ah inaad taqaano su’aalaha iyo jawaabaha uu ku waydiinayo ruuxa Kiristanka, sababtoo ah maaha wax sahlan inaad qof dhan caqiidadiisa uu kusoo koray aad ka badasho.

[Dhowaan ayaan soo bandhigi doonaa inshallah, suaalaha ugu badan ee dadka aan muslimiinta ahayni ay waydiiyaan Muslimka, lasoco inshallah]

Qodobka Sideedaad:

Hadiiba aanad jawaabaha su’aalihiisa aanad garanaynin waxaad dhahdaa: magaranayo jawaabtaas laakiin waan soo baadhayaa, ama waxaan soo waydiinayaa culumadayada.


Waxa diyaariyey soona jeedinaya Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle.