Bismillah, Ilaahay wuxuu inoo abuuray hadaynu nahay bani Aadam qaabkii ugu wanaagsanaa, isagoo inaga fadilay dhamaan makhluuqaadka kale ee Alle uu abuuray. Basharka waxa loogu hor abuuray Nabi Aadam (csw),  kadibna Xaawa oo xaaskiisa ahayd ayuu Alle ka abuuray faadhii nabi Aadam (csw), hadaba caruurtii nabi Aadam qaabkee ayey kusoo farcameen?

Nabi Aadam iyo xaaskiisa Xaawa wuxuu Alle dajiyey Jannada kadibna waxay cuneen geedkii Alle ka reebay inay cunaan, dabadeedna labadoodiiba waxa lagasoo dajiyey Jannadii ayadoo la keenay Dhulka.

Nabi Aadam iyo Xaawa markay Dhulka yimaadeen waxay dhaleen ubad badan, oo culumadu isku khilaaftay tiradooda. Qolo waxay tidhi: Xaawa waxay dhashay 120 mataano halka Ibnu Isxaaq uu ka dhahay: dhamaan ubadkii ay Xaawa u dhashay nabi Aadam waa Afartan caruura, labaatan wiil iyo labaatan gabdhood oo mataano ahaa.

Mataanihii ugu horeeyey waxay ahaayeen Qaabiil iyo mataantiisii Qaliima sida la sheego (lama hubo magaca), waxa ku xigay Haabiil iyo mataantiisii.

Maadaama ay ahaayeen bani Aadamkii ugu horeeyey waxa Ilaahay u sharciyeeyay in wiilka dhashay sanadka hore guursado gabadha dhalatay sanadka danbe, halka wiilka sanadka danbe dhashayna uu ka guursanayo gabadha dhalatay sanadkii hore.

Arrintaasna waxa ka biyo diiday Qaabiil oo mataantiisii la dhalatay ku adkaystay inuu guursado, illamaa Ilaahay faray Haabiil iyo Qaabiilba inay qurbaan ugu dhowaadaan Ilaahay, wuxuuna Alle aqbalay qurbaankii Haabiil, waxayna cadho galisay  Qaabiil kadibna wuxuu dilay walaalkii Haabiil.

Markuu Haabiil dhintay waxa loo dhalay nabi Aadam ubad badan oo ayaguna isu guursanayey si iswaydaar ah, taasina waa qaabkii ay kusoo farcameen caruurtii nabi Aadam (scw).

Caruurtii nabi Aadam waxa kamid ahaa Shiith ibnu Aadam oo isagu aabihii Aadam kadib noqday nabi, loona wakiishay caruurtii nabi Aadam iyo wixii ay sii dhaleen. Nabi Shiithna (csw) waxa sii mara abtirsiintiisa dhamaan bani Aadamka aduunka ku nool, ayadoo ay dabar go’een dhamaan ubadkii kale ee nabi Aadam ku abtirsanayey, oo uu kamid ahaa Qaabiilkii dilay walaalkii Haabiil.

Quruumo badan kadib wuxuu Alle soo bixiyey nabi Nuux (csw) oo umadiisii diinta ugu yeedhayey sagaal boqol iyo konton sanadood, waxaana ka rumeeyey dad aad u tiro yar, kadibna Ilaahay wuxuu ku halaagay daaday biyo ah oo ka yimid xaga samada iyo dhulkaba, wuxuuna Ilaahay badbaadiyey nabi Nuux iyo intii rumaysay.

Nabi Nuux (csw) waxa ku abtirsada dhamaan ibnu Aadamka aduunka ku nool sababtoo ah wuxuu Alle dabar gooyey dhamaan umadihii kale ee ayaguna ku abtirsanayey nabi Aadam (scw) wuxuuna Allah leeyahay:

وَجَعَلْنَا ذُرِّيَّتَهُ هُمُ الْبَاقِينَ (77)

“Waxaan ka yeelnay durriyadiisii kuwa baaqiga ah (77) [Suuratu Saafat:77]

Culumadu ayagoo daliishanaya aayadan waxay dhaheen: durriyadii nabi Nuux ayunbaa la baqqi yeelay. Nabi Nuuxna (scw) wuxuu dhalay sadex wiil oo kala ah Saam ibnu Nuux oo aabe u ah Carabta, Yahuuda, Faarisiyiinta iyo Roomaanka, iyo Xaam ibnu Nuux  oo aabe u ah Afrikaanka, Hindida, Faraaciinta iyo Berberka, iyo Yaafith ibnu Nuux oo ah aabaha dhalay Turkida, qabiilooyin kale  iyo Yuuj iyo Ma’juud.

Hase ahaatee culumo kale ayaa ku khilaaftay aragtidaas oo dhahay umadihii kale ee nabi Nuux la noolaa ayaguna farcan ayey ka tageen. Si kastaba ha ahaatee nabi Aadam (csw) ubadkiisu waa malaayiin iyo malaayiin aan tiradooda la koobi karayn Ilaahay mooyee.