Bismillah, waxaynu maqalnaa marar badan tobanka saxaabi ee loogu bishaareeyey Jannada ayagoo nool oo dhulka jooga, hadaba ma maqashay sadex iyo tobanka dumar ee ayagana Jannada loogu bishaareeyey.

  1. Khadiija bintu Khuweylid

Xaaskii nabiga (scw) ee Khadiija bintu Khuweylid waxa loogu bishaareeyey Jannada. Maalin ayaa Malakul Jibriil u yimid nabiga (scw) wuxuuna ku dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow, waa tan Khadiija soo sida weel cunto ku jirto ee marka ay kuu timaado, iga gaadhsii salaam katimid xaga Ilaahay iyo anigaba, uguna bishaaree Guri jannada ku yaala oo ka samaysan macdanta lu’lu’a oo aan buuq iyo dhib toona lahayn.[1]

  1. Caasha bintu Abibakar

Nabigu waxa uu arkay riyo tusinaysa inuu guursanayo Caasha waxaanu yidhi; (Hurdada ayaa laygu kaa tusay laba jeer, waxaan arkay Nin kugu sida dacal xariira oo dhahaya: Tani waa xaaskaagii, waanan daahfuray, mise waa Adiga. Aniguna waxa dhihi hadii ay xaga Ilaahay ka sugnaatey way ahaan) [2]

 

Dhanka kale Caasha waxay nabiga waydiisay: Rasuulkii Ilaahayoow, yaa kamid ah xaasaskaaga Jannada, wuxuu dhahay: adigu kamid ayaad tahay.[3]

  1. Faadima bintu Muxamed

Nabigu (scw) wuxuu ku qoray dhulka afar khad, kolkaasuu yidhi: “ma garanaysaan khadadkan? Waxay dhaheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa og, wuxuu yidhi: Haweenka Jannada waxa ugu fadli badan Khadiija bintu khuweylid, Faadima bintu Muxamed, Asiya bintu Musaaxim, iyo Maryama bintu Cimraan..”[4]

  1. Umu Suleym Alqumaysaa (hooyada Anas ibnu Maalik)

Umu Suleym waxay wiilkeedii Anas ibnu Maalik adeege uga dhigtay Rasuulka (scw), waxaanu imam Muslim soo saaray in Rasuulku dhahay: “Jannada ayaan galay, waxaanan maqlay sanqadh socodka, waxaana idhi waa kuma? Waxay dhaheen: waa Qumaysaa bintu Malxaan.[5]

  1. Haweenaydii suuxi jirtay Saciira Al-asadiya, ama Umu Zufar:

Haweenaydana way suuxi jirtay waxaana muuqan jiray cawradeeda, kadibna nabiga (scw) ayey u timid oo waydiisatay inuu Allah u baryo inuu ka dulqaado dhibka suuxitaanka, markaasuu Rasuulku dhahay: hadaad rabto waad ku sabri oo Jannada ayaad gali, hadaad rabtana Alle ayaan kuu baryi hakaa dulqaadee, markaasay tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow, waan ku sabrayaa ee ii bari Ilaahay markaan suuxo inaanay cawradaydu muuqan, kadibna Rasuulka u baryey Ilaahay. [6]

  1. Miskiinadii timirta ukala jeexday labadeedii hablood.

Sida Imaam Muslim soo saaray waxay Caasha tidhi: Haweenay miskiinad ah oo wadata laba hablood oo yaryar ayaa ii timid, waxaanan siiyey sadex xabo oo timir ah, kadibna hablihii yaraa mid kasta xabad timir ah ayey siiyey, kii sadexaadna ayadaa is tidhi afka gasho, balse labadii hablood ayaa ka dalbaday kadibna inta ay xabadii timirta ahayd kala jeexdaya ayey siiyey hablihii. Arrintaa ayey Caasha la yaabtay markaasay uga warrantay nabiga (scw) wuxuuna nabigu dhahay: “Janno ayaa u waajibtay, ama Naarta ayaa laga xoreeyey”[7]

  1. Haweenaydii wanaajisay jiiraankeeda:

Nabig waxa lagu dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow heblaayo waxay tukataa habeenka, wayna soomta balse waxay carrabkeeda ku dhibtaa jiiraankeeda, wuxuu dhahay nabigu: Khayr malaha, ayadu waa ehelka naarta, waxay dhaheen Rasuul Allow: heblaayo salaadaha waajibka ah oo kaliya ayey tukataa, cidna ma dhibto, wuxuu dhahay nabigu “Ayadu waa ehelka Jannada”[8]

  1. Umu ayman, Barka Alxabashiyah:

Umu Ayman waa haweenaydii soo korisay nabiga (scw), waxaanu nabigu ugu bishaareeyey Jannada, wuxuuna dhahay: Cidii ay farxad galinayso inuu guursado haweenay ehelka Jannada kamid ah ha guursado Umu Ayman.[9]

  1. Umu Camaara

Umu Camaara waxay kamid ahayd labadii haween ee kaliya ee nabiga islaamnimada kula heshiiyey habeenkii baycada Caqabada labaad, sidoo kale Umu Camaara waxay ka qayb gashay dagaalkii Uxud ayadoo difaacaysa nabiga (scw), kolkaasuu nabiguna ugu duceeyey isagoo leh: Ilaahyoow reer Umucamaara rafiiqayga Jannada kay eel”

Dhanka kale Umu Camaara waxay ka qaybgashay heshiiskii saxaabadu geedka hoostiisa ay nabiga kula galeen, ee Ilaahayna kaga raalida noqda (baycatu Alridwaan).

  1. Sumaya bintu Khayaad

Sumaya bitu Khayaad waa shahiidadii ugu horeysay ee Islaamka, waxa islaamay ayada, odaygeedii Yaasir, seedigeed Cabdulaahi iyo wiilkeeda Camaar, kadibna waxa lagu dhibay islaamnimadooda, kolkaasuu Rasuulku dhahay: “Samra reer Ala Yaasiroow, ballanteenu waa Jannadee” Dabadeedna habaarqabe Abujahal ayaa dilay oo waran kaga dhuftay xubinkeeda taranka.

  1. Umu Xaraam bintu Malxaan

Umu Xaraam bintu Malxaan waxa qabay saxaabiga Cubaada ibnu Saamit, waxayna habaryar u ahayd nabiga (scw), nabiguna gurigeeda wuu booqan jiray, kadibna maalin ayuu nabigu gurigeeda seexday wuxuuna soo kacay isagoo qoslaya, markaasay Umu Xaraam tidhi: Rasuulkii Ilaahayow maxaa kaa qosliyey? Wuxuu dhahay: waxa la iisoo bandhigay qoom umadayda kamid ah oo fuulaya badda ayagoo duulaya, markaasay tidhi: rasuulkii Ilaahayoow Alle ii bari aan kamid noqdo kuwaase? Nabiguna wuu u baryey..

Dabadeedna xilligii Mucaawiya fuushay dooni ayada iyo ninkeedii, waxayna ku duuleen Qubrus kadibna faras ayey ka dhacday, waxayna dhimatay ayadoo shahiidad ah.[10]

  1. Xafsa bintu Cumar

Xaaskii nabiga ee Xafsa bintu Cumar (I.R.H) waxay is qabteen Rasuulka (scw) kolkaasu nabigu ku furay hal dalqad, kadibna Malakul Jibriil ayaa u yimid nabiga (scw) oo ku dhahay: “Soo cesho Xafsa, waa mid soon badan oo salad badane, waana xaaskaaga Jannada”[11]

  1. Asma bintu Abibakar

Asma waxay u diyaarisay nabiga iyo aabaheed Abubakr cunto saad ah maalintii uu hijronayey nabiga iyo saaxiibkii ABubakar, kadibna waxay halmaantay xadhigii lagu xidhayey weelkii ay cuntadu ku jirtay, markaasay maradeedii ka jeexday laba daraf waxayna ku xidhay weelkii cuntadu ku jirtay, kolkaasuu nabigu dhahay (scw): labadaas dacal wuxuu Ilaahay kuugu badalay laba dacal oo Jannada ah.[12]


[1] Muslim [2432]

[2] [Sahih Al-Jamic 915]

[3] Xaakim fi Almustadrak [4/14]

[4] Imaam Axmed musnadka [4/409]

[5] Muslim [2456]

[6] Bukhaari [5328]

[7] Muslim [2630]

[8] Adab almufrad, bukhaari [114]

[9] Siyar aclaam alnubalaa [umu ayman]

[10] Bukhaari [2636]

[11] Dabari, Mucjam Alkabiir [934]

[12] Ibnu Casaakir, taariikh dimishiq [6/69]