Diinaasoorku waa xayawaano waaweyn oo la sheego inay noolaayeen malaayiin sanadood kahor. Erayga Dinaasoorna wuxuu kasoo jeedaa laba eray oo ah luuqada Afka giriiga waa Dina oo ah “Wayn” “Argagaxleh” iyo Saour oo ah “gurguurato” . Dabcan Diinaasoorku may ahayn xayawaano gurguurta ee xajmiga waynidooda ayaa ahayd kuwo waaweyn, iyo miisaankooda oo ahaa ku tobonaan jeer kusoo laablaabmaya maroodiga qaangaadhay.

Diinaasoorkii ugu horeeyey wuxuu soo ifabaxay 220 milyan oo sanadood kahor, ayagoo dhulka ka talinayey ku dhowaad 150 milyan oo sanadood, hase ahaatee Diinaasoorkii waxay si kadis ah u dabar go’een xilli laga joogo 63 milyan oo sanadood.

Hadaba xayaawaanadan jiritaankooda iyo inkaleba ma diidadyo Kitaabka Quraanka iyo Sunada nabiguba (scw). Waxaynaan falanqayndoonaa laba su’aalood oo kala ah:

  1. Miyey jireen noole ku noolaa dhulka kahor bani-aadamka?
  2. Hadayba jireenba miyey ahaayeen kuwo aad u waaweyn sida Diinaasoorka?

– Ugu horeyn, Nabi Aadam (csw) intaan la abuurin kahor waxa dhulka ku noolaa noole kala duwan, ha ahaadaan xayawaano, dhir, kalluun iwm. Waxayna arrintaasi ku cadahay kitaabka Quraanka iyo Sunnada nabigaba (scw).

Ilaahay wuxuu yidhi:

وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً ۖ قَالُوا أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ الدِّمَاءَ وَنَحْنُ نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ ۖ قَالَ إِنِّي أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ ﴿٣٠﴾ وَعَلَّمَ آدَمَ الْأَسْمَاءَ كُلَّهَا…..

“Xus markuu ku yidhi Rabigaa Malaa’igta waxaan yeeli Dhulka cid u hadha, oyna dhaheen ma waxaad yeeli dhexdeeda cid fasahaaadisa oo kudaadisa dhiig annagoo ku tasbiixsana mahadaada kuna wayneena markaasuu yidhi anigu waxaan ogahay waxaydaan ogayn.(30) Ilaahay wuxuu baray Nabi Aadam magacyada dhammaan,..” Albaqara:30.

– Aayadan waxay cadaynaysaa in Ilaahay (swt) uu doonay inuu nabi Aadam ka yeelo cida dhaxlaysa ee ku hadhaysa Dhulka, taasoo laga qaadanayo in nabi Aadam kahor ay dhulka daganaayeen nooleyaal kale.

Dhanka kale Malaa’iktii Ilaahay waxay tidhi; ma waxaad yeelasaa cid fasahaadisa oo dhiigana ku daadisa? Su’aashaas malaa’iktu ay Rabigood waydiiyeen waxa laga qaadanayaa in dhulka hada kahor ay ku noolaayeen noole fasahaadiyey oo dhiigoodana daadiyey oo ay malaa’iktuna markhaati ka ahaayeen. Aayadaasi waxay daliil u tahay in makhluuqaad kale ay dhulkan joogeen, ha noqdaan Diinaasoorka iyo kuwo kalebee.

– Sidoo kale waxa daliil u ah in makhluuqaad kale ku noolaayeen dhulkan, aayada 31 aad ee suurada Al-baqarah oo inooga warramaysa in nabi Aadam la baray magacyada dhamaantood, taasoo aynu ka fahmayno in magacyada la baray ay ahaayeen magacyada makhluuqaadka, sababtoo hadii aanu noole jiri lahaynba,  sideebaa magac u iman karaa?

Tusaale ahaan waagii hore ee aanu TVgu jirin, lama aqoonin wax la dhaho Tv, balse kolkii la sameeyey Tvga, ayaa loo bixiyey magacan loogu yeedho ee TV. Waana sidaas oo kale, oo xilligaas nabi Aadam la abuuray waxa jiray xayawaanada dhulka jooga oo dhan, dabadeedna Ilaahay ayaa baray magacyadooda dhamaantood.

– Noolahaas dhiiga daadiyey waxay noqon karaan Diinaasoorka, ayagoo naftooda ku xadgudbay oo dhulkana fasahaadiyey, kadibna Ilaahay ayaa halaagay oo dabarogooyey. Dhanka kalena Culumada baadha Diinaasoorka waxay cadeeyeen in Diinaasoorku dhiiga daadin jireen kadibna ay danabyo kaga yimaadeen cirka oo gabi ahaanba laayeey diinaasoorkii barriga iyo kuwii baddaba. Sidaas awgeed ayuu Allah leeyahay:

وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هُمْ أَشَدُّ مِنْهُم بَطْشًا فَنَقَّبُوا فِي الْبِلَادِ هَلْ مِن مَّحِيصٍ ﴿٣٦

“Imisa ayaan halaagnay ayaga hortood oo quruuno ka awood badan ayaga xaga xooga ee bal fatisha (baadha) deegaanada, meel looga cararaya majirto (cadibaada Ilaahay” Qaaf:36

Hadiiba ay jireen noolahaas miyey waaweynaayeen?

Dabcan haa, waa suurtagal in xayawaanadaasi ay waaweynaayeen, maxaa yeelay nabi Aadam laftigiisa markii la abuuray wuxuu ahaa 60 dhudhdun dhererkiisu.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( خَلَقَ اللَّهُ آدَمَ وَطُولُهُ سِتُّونَ ذِرَاعًا ثُمَّ قَالَ اذْهَبْ فَسَلِّمْ عَلَى أُولَئِكَ مِنْ الْمَلَائِكَةِ فَاسْتَمِعْ مَا يُحَيُّونَكَ تَحِيَّتُكَ وَتَحِيَّةُ ذُرِّيَّتِكَ فَقَالَ السَّلَامُ عَلَيْكُمْ فَقَالُوا السَّلَامُ عَلَيْكَ وَرَحْمَةُ اللَّهِ فَزَادُوهُ وَرَحْمَةُ اللَّهِ فَكُلُّ مَنْ يَدْخُلُ الْجَنَّةَ عَلَى صُورَةِ آدَمَ فَلَمْ يَزَلْ الْخَلْقُ يَنْقُصُ حَتَّى الْآنَ ). لبخاري (3326) ومسلم (2841)

“Aba hurayra wxuu ka wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: Ilaahay wuxuu abuuray Aadam oo dhererkiisu yahay 60 dhudhun markaasuu ku dhahay tag oo salaam kuwaas malaa’ikta ah oo dhagayso waxay kugu salaamayaan waana salaantaada iyo salaanta ubadkaaga wuxuuna yidhi: Salaama calaykum, waxayna dhaheen: Calaykuma salaam waraxmatuAllahi waxay ku dareen waraxmatuAllah, ku kasta oo Jannada galaan (wuxuu galaa) isagoo ah suuradii nabi Aadam, makhluuqaadkuna kamaysan suulin inay nuqsaamaan ilaa iyo hada”

– Dabcan xadiiskan cajiibka ah waa mid kamid ah mucjisooyinka nabigeena (scw), wuxuu xadiiskan leeyahay, nabi Aadam dhererkiisu wuxuu ahaa 60 dhudhun ahaa, sidoo kalena nabigu wuxuu dhahay makhluuqaadka ayaa nuqsaamaya ilaa iyo hada. Halkaas waxaan ka qaadanaynaa in ay xitaa xayawaanadii dhulkan joogay ay ahaayeen kuwo dhaadheer, oo awood badan.

– Hadaad rabto inaad fiiriso guryihii hore ee ay bani-aadamku daganaayeen waxaad arkaysaa in albaababadoodu weynaayee, waxaad kale ood fiirisa xabaalaha dadkii hore oo aad u balaadhnaa. Sidoo kale maydadka dadkii hore aad ayey uga waaweynyihiin dadkan iminka nool. Sidaas awgeed Ilaahay (swt) wuxuu dhahay:

هَلْ أَتَىٰ عَلَى الْإِنسَانِ حِينٌ مِّنَ الدَّهْرِ لَمْ يَكُن شَيْئًا مَّذْكُورًا ﴿١

“Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin)” Insaan:1

– Kol hadii xayawaanadu ay waaweynaayeen ma jirto wax diiday in Diinaasoorkuna ahaa xayawaan wayn oo xoog leh, waana suurtagal in dhererkoodu gaadhi karo 27 mitir iyo wax ka badanba.

Ugu danbayn Diinsoorku waa mid kamid aha xayawaanadii Ilaahay dabar gooyey, ee bani-aadamka kahor noolaa. Quraankuna ma diidayo jiritaankooda iyo sunada nabiga toona.