Assalaama calaykum, walaalayaal waxaan idin ogaysiinaynaa dhamaan walaalaha jecel waxbarashada in loo furay xarun online ah oo ay ku baran doonaan culuumta kala duwan ee ay ubaahanyihiin, xaruntaas waxa la dhahaah koorso.com. Waxa xaruntan la aasaasay sanadkan 2017 ka, waxaana la daahfuray bishan August, waxayna xaruntan ama mareegtan onlineka ah ay u adeegi doontaa bulshada soomaaliyeed ee jecel waxbarashada, gaar ahaan dadyowga aanay u suurtoobayn inay helaan dugsi, iskuul iyo jaamicad ay ka bartaan culuumta kala duwan.

Sidaas awgeed anagoo ka duulayna baahida jirta awgeed waxaan aasaasnay xarunta www.koorso.com oo lagusoo bandhigay koorsooyin online ah, kuwaas oo dhankasta taaban doona. Iminka waxa idiinku diyaarsan koorsada Tafsiirka Quraanka, koorsada taariikhdii Caasha bntu Abubakar, koorsada taariikhdii Khaalid ibnu Waliid, waxa soo socda isla bishan koorsada Xajka iyo Cumrada.

Bisha soo socota waxa bilaabmaya koorsada barashada Computer ka, koorsada diimaha iyo Islaamka, xifdinta Quraanka, iyo qaar kale oo marba iska daba iminaya.

Xaruntan waa tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga furo gayiga soomaalida, waana xaruntii labaad ee ku takhasustay culuumta sharciga Islaamka ee laga furo caalamka Islaamka iyo caalamka Carabtaba.

Si aad u qaadato koorsada aad rabto iska diiwaangali bogga koorso.com kadibna dooro koorsadaada oo ku casharka qaab online ah, waxaad macluumaad dheeri ah kal helaysaa bogga koorso.com