Rasuulka Ilaahay (scw) wuxuu ahaa mid waydiiya asxaabtiisa salaada subxa kadib inay arkeen riyo xalay si uu ugu fasiro, wuxuuna waydiiyey maalin saxaabadiisa inay arkeen riyo ,waxayna dhaheen: maanaan arkin.  Kadibna isaga ayaa uga warramay riyo cajiiba oo uu arkay rasuulku (scw), waxaana soo warinaya xadiiska saxaabiga Samur ibnu Jundub (I.R.H).

 

Waxa laga wariyey Samur ibnu Jundub inuu dhahay: Rasuulka Ilaahay (ﷺ) wuxuu ahaa mid waydiiya asxaabtiisa, “Mid idinka mid ahi ma arkay Riyo?” wuxuu yidhi Samura: waan uga warrami jirnay wixii aan ragnay, wuxuuna dhahay Rasuulku subax: “Hase ahaatee xalay waxa ii yimid laba nin oo i kaxeeyey, waxayna igu dhaheen ina mari waanan raacay..

 waxaanan u taganay nin jiifa, waxaana ninkaas dul taagnaa nin kale oo dhagax sita, wuxuuna dhagax ku tuuraya madixiisa, waxaana burburya madaxiisa, dhagixiina wuu giraangirmayaa isagoo ku dhacaya halkan, kadibna dhagaxii ayuu ka daba tagayaa, wuuna soo qaadanayaa, wuxuuna soo laabanayaa isagoo madixiisii kusoo noqday siduu ahaa, markaasu ku dhufanayaa sidii markii hore oo kale, markaasaan ku idhi (labadii nin ee waday nabiga): SubxaanAllah! maxay yihiin labadanina? waxay igu dhaheen: ina mari…….

Waanan baxnay, waxaan u tagnay nin u jiifa dhanka qadaadka, waxaana dul taagan nin kale oo sita bir kalbad ah (maqas), wuxuuna ninkii aadayaa dhanka dhabankiisa waanu jeexjeexayaa illamaa uu ka gaadho qadaadkiisa, markaasuu ninkiina isu rogayaa dhiniciisa kale, wuxuuna u jarjarayaa sidii oo kale, kamasoo noqonaya dhankaas haduuba soo laabto wuxuu u imanayaa dhankii kale oo sidiisii kusoo laabtay, markaasuu ku samaynayaa sidii markii hore oo kale, waxaan idhi: SubxaanAllah! maxay ahaayeen labadanina? waxay dhaheen: ina mari,

Waanan tagnay, waxaana aadnay dhismo lamoodo moofo oo kale, – waxaanan u malaynayaa inuu yidhi, waxaan maqalnay qaylo iyo sawaxan- wuxuu yidhi: waan fiirinay, mise waxa ku jira rag iyo dumar qaawan, waxaana xaga hoose kaga imanaya olol, markuu ololkaasi u yimaadana way qaylinayaan, waxaanan ku dhahay: SubxaanaAllah, maxay ahaayeen kuwani? waxay dhaheen: ina mari..

 

 

Waxaanan tagnay wabi -aan u malaynayo inuu yidhi waa wabi u cas sida dhiiga- mise wabigaasna waxa dabaalanay nin, wabiga qarkiisana waxa jooga nin soo urursaday dhagxaan, markuu kii dabaalanayey soo dabaasho, ayuu u imanaya kan dhagxaanta soo urusaday, wuxuuna furaya afkiisa, markaasu afka kaga tuurayaa dhagax, markaasu ninkiina hadana dabaalanayaa, waanu soo noqonayaa, kolkasta oo uu soo laabtana wuxuu furayaa afkiisa, waxaana loogu ridayaa dhagax, waxaan idhi: maxay yihiin kuwanina? waxay dhaheen: ina keen…

 

Waanan baxnay, waxaanan aadnay beer doogaysan, oo ay ka baxday dhir kastaba, waxaana beertaas ahaaday dhexdeeda nin aad u dheer, oo aanan arki karayn madixiisa dhererkiisa xaga samada awgeed, waxaana ninka hareerihiisa jooga caruur kuwii ugu badnaa ee aan waligay arko, oo walibana qurxoon, waxaan ku idhi (labadii nin) SubxaanALlah! Maxay yihiin kuwanina? waxay dhaheen: ina mari..

 

Waxaanan ku dhamaanay geed wayn, manaan arkin waligay geed ka wayn geedkaas iyo geed ka qurux badan toona, waxay igu dhaheen: fuul, waanan fuulay, waxaanan ku dhamaanay magaalo laga dhisay dahab iyo fiddo, waxaanan nimid albaabkii magaalada, waxaanan dalbanay in lanaga furo, waana lanaga furay, waanan galnay, waxaanan la kulanay, rag qeyb jidhkooda kamid ah ay yihiin wixii ugu qurxoonaa, qeyb kalena ay tahay waxa ugu foosha xun, (labadii nin ) ayaa ku yidhi: taga oo isku tuura wabigaas, waxaana halkaas ahaaday wabi balaadhan oo biyihiisu yihiin cadaaan saafiya, wayna tageen oo isku tuureen waxayna nagusoo laabteen, ayagoo foolxumadii ka tagatay, waxayna noqdeen suuradii ugu quruxda badnayd,

Waxayna nimankii igu dhaheen: tani waa Jannada Cadan, waana kaas gurigaagu, waxaana sare uqaaday indhahayga, waxaana halkaas ahaaday qasri lamid ah daruurta cad, waxayna idhaheen waa kaas gurigaagii, waxaanan ku idhi: Alle haydin barakeeyee, faraha iga qaada oo ii ogolaada aan galee, waxay dhaheen: Iminka maya, waanad galaysaa.

waxaana ku dhahay: waxaan arkay caawa mucjiso ee waamxay waxaan araky? waxay dhaheen waan kuu waramaynaa: ninkii koowaad ee aad aragaty in madaxiisa la jajabinayo wuxuu ahaa nin Quraanka qaatay, (bartay) kana seexday salaadii faralka ahayd. Ninkii kale ee dhabankiisa la jarjarayey, sidoo kalena la jarjarayey ishiisa iyo sankiisa illaa qadaadka, waa nin kasoo kallaha gurigiisa, wuxuuna sheegayaa been, beentaas oo gaadhaysa Aduunka oo dhan. Ragii iyo dumarkii qaawanaa ee ku jiray dhismihii u ekaa moofaduna waa nimanka sinaysta iyo dumarka sinaysta. Ninka dabaalanayey wabigana ee lagu tuurayey dhagaxuna wuxuu ahaa nin cuna ribada. Ninkii muuqalkiisu foolxumaana waa Maalik, khasnad hayaha naarta. Ninkii beerta dhexdeeda joogayna wuxuu ahaa nabi Ibraahiim (scw), caruurtii hareertiisa joogtayna waa ilmo kasta oo ku dhashay fidrada. Qaar kamid ah saxaabadii ayaa tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow, xitaa caruurta gaaladu maku jiraan? wuxuu yidhi: xitaa caruurta gaalada (way ku jiraan). Qoomkii aad aragtay in qeyb kamid ah ay qurxoonayd, qeyb kalena ay foolxumayd waxay ahaayeen qoom isku dhex daray camal wanaagsan iyo camal xun, oo Ilaahayna ka dhaafay. [1]


[1] Mujamka Alakbiir, ee Dabari (6984),  Miqrat almasaabiix (4621),  Bukhaari (1320)