Qaabkee ayuu nabi Muxamed (scw) u cuntayn jiray?

Tusmo

Fadhiiso markaad wax cunayso ama cabayso

Ugu horeyn waxaynu wax ka tilmaamaynaa qaabkii uu nabi Muxamed (scw) u fadhiisan jiray markuu rabo inuu cunteeyo ama uu cabitaan doono inuu cabo.

Nabigu wuxuu ahaa mid ku fadhiista ruugagiisa qaab kadaloob ah markuu rabo inaanu cuntada ku raagin sidoo kalena wuxuu ku fadhiisanjiray lugtiisa bidix sida fadhiga salaada oo kale. Waxaanu nabigu reebay in cuntada lacuno ayadoo la dingiigo. ” ู„ุง ุขูƒู„ ูˆุฃู†ุง ู…ุชูƒูŠุก” ย Sidoo kale nabigu wuxuu diiday in cunto la cuno ayadoo caloosha loo jiifo ” ู†ู‡ู‰ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู… ุนู† ุงู„ุฌู„ูˆุณ ุนู„ู‰ ู…ุงุฆุฏุฉ ูŠุดุฑุจ ุนู„ูŠู‡ุง ุงู„ุฎู…ุฑุŒ ูˆุฃู† ูŠุฃูƒู„ ุงู„ุฑุฌู„ ูˆู‡ูˆ ู…ู†ุจุทุญ ุนู„ู‰ ุจุทู†ู‡” Sababta ugu wayn ee nabigu qaababkaas uu ugu fadhiisanjirayna waxay tahay inuu iska ilaaliyo in cunto xad dhaaf ahi ay ugudubta calooshiisa, waana arrin u wanaagsan caafimaadka iyo saxada.

Cabidii Nabiga (scw)

ุนู† ุฃู†ุณ ุฃู† ุงู„ู†ุจูŠ ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู… ุฒุฌุฑ ุนู† ุงู„ุดุฑุจ ู‚ุงุฆู…ุง

Anas wuxuu ka wariyey nabiga inuu reebay in wax lagu cabo taagni.

Sida xadiiska ka muuqata nabigu wuxuu reebay in wax la cabo ayadoo la taaganyahay, reebidaasina waa mid karaahiyo ah sababtoo ah waxa jira xadiisyo kale oo tilmaamaya inay banaantahay in lagu cabi kari taagni hase ahaatee sida ugu fiican ee caafimaadka u wanaagsan waa in fadhiga wax lagu cabo sidoo kalena lagu cuno. Maantana waxay culumada dhakhaatiirtu cadaysay in biyah lagu cabo taagnida ay dhib badan u leedahay caafimaadka taasoo sababt in biyuhu ay ku dhibcaan boog kamid ah caloosha sida biyaha harooyinka kasoo daata qaabka ay ugu dhacaan dhulka markay soo daadanayaan, sidaas awgeed waxa fiican in wax la cabo ayadoo la fadhiyo lagana fogaado cabitaanka marka aad taagantahay.

Sadex jeer neef qaado intaanad cabin cabitaanka.

( ูƒูŽุงู†ูŽ ุฑูŽุณููˆู„ู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุตูŽู„ู‘ูŽู‰ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุนูŽู„ูŽูŠู’ู‡ู ูˆูŽุณูŽู„ู‘ูŽู…ูŽ ูŠูŽุชูŽู†ูŽูู‘ูŽุณู ูููŠ ุงู„ุดู‘ูŽุฑูŽุงุจู ุซูŽู„ูŽุงุซู‹ุง ุŒ ูˆูŽูŠูŽู‚ููˆู„ู : ุฅูู†ู‘ูŽู‡ู ุฃูŽุฑู’ูˆูŽู‰ ุŒ ูˆูŽุฃูŽุจู’ุฑูŽุฃู ุŒ ูˆูŽุฃูŽู…ู’ุฑูŽุฃู ) ุฑูˆุงู‡ ู…ุณู„ู… (ุฑู‚ู…/2028)

Anas ibnu Maalik wuxuu yidhi; Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu ahaa mid neefqaata sadex jeer markuu cabayo, wuxuuna odhanayey: waa laga dharagyaa, wayna bugsiinaysaa, una wanaagsan inay socoto.

Xadiiskani wuxuu qeexayaa qaanuunka loo cabo cabitaanka, waa in sadex jeer loo neefqaataa cabitaanka, waxa looga jeedaa inaad bisinka u qabato bilowga cabitaanka oodna cabto kadibna aad joojisid cabida oo aad qaadato waxooga hawo ah dabadeedna aad samayso sidaas sadex jeer.

Nabiguna wuxuu ahaa mid u qabta bisinka sadexda jeer ee uu cabayo cabitaankiisa, sidoo kalen uga mahad caliyo Ilaahay cabitaanka sadex jeer. Maanta waxa la ogaaday in biyuhu ay kamid waxyaalaha ugu dhago nugul maqalka codka bani aadamka, hadii aad koob biyha soo qaado oo tidhaahdo eray wanaagsan waxay balooraatka biyuhu ka samaysanyihiin isku badalayaan kuwo aad u qurxoon sidoo kalena hadii aad erayo xun ku tidhaahdo biyaha waxay balooraatka biyuhu isku badalayaan kuwo aad u fool xun. Daawo sawiradanย siday ukala duwanyihiin iyo ta lagu akhriyey Quraanku sida ay uga qurxoontahay kuwa kale.

Balooraatka Biyaha ee erayga Mahadsanid

Balooraatka Biyaha ee erayga Mahadsanid

Balooraatka biyaha ee erayga Ruux

Balooraatka biyaha ee erayga Ruux

Balooraatka biyaha marka lagu akhriyey Quraanka

Balooraatka biyaha marka lagu akhriyey Quraanka

 

Balooraatka biyaha Zamzamka marka lagu akhriyo Quraan

Balooraatka biyaha Zamzamka marka lagu akhriyo Quraan

 

 

 

 

 

 

 

 

Cuntada badan iska ilaali.

Cuntada badan ee lagu gufeeyo caloosha waxy dhib ku keentaa dheefshiidka iyo caloosha, sidoo kalena dhamaan cudurada aduunka jira waxay ka bilaabmaan caloosha oo hoyga ugu badan ee caafimaad darrada. Xikmadaas cajiibka ee wadata kahortaga waxa ka warramay nabiga isagoo yidhi:

(ู…ุง ู…ู„ุฃ ุงุจู† ุขุฏู… ูˆุนุงุก ุดุฑุงู‹ ู…ู† ุจุทู†ู‡ุŒ ุจุญุณุจ ุงุจู† ุขุฏู… ู„ู‚ูŠู…ุงุช ูŠู‚ู…ู† ุตู„ุจู‡ุŒ ูุฅู† ูƒุงู† ู„ุงุจุฏ ูุงุนู„ุงู‹ ูุซู„ุซ ู„ุทุนุงู…ู‡ ูˆุซู„ุซ ู„ุดุฑุงุจู‡ ูˆุซู„ุซ ู„ู†ูุณู‡)

(Bani Aadam ma buuxiyo weel ka shar badan calooshiisa, ibnu aadamka waxa ku filan hudhmooyin uu ku tiirinayo adkaantiisa, hadii ay lagaga maarmaan tahay ka yeel sadex meelood hal meel cuntadiisa, hal meelna cabidiisa iyo hal meel oo neefqaadashadiisa.)

Xadiiskan cajiibka wuxuu nabigu tilmaamay in weelka ugu sharka badan uu yahay caloosha sababtoo ah calooshu waa hoyga cudurada, gaar ahaan cuntooyinka iska daba yimaada ee aan qaab fiican aan loo qaadan waxay dhalisaa caafimaad darro. SubxaanAllah, arrintaas uu ย nabigu tilmaamayna waa mucjisooyinkiisa waaweyn oo dadku ogaadeen qarnigan aynu ku jirno.

Dhanka kale nabigu wuxuu ka digay in caloosha la buuxiya un, hadiiba ay sidaasi dhacdana oo laysku dheeli tiri waayo cuntada, cabida iyo neefqaadashada waxa imanaysa in hawadu istaagto ood ka qaado xanuun.

Waxa sidoo kale la ogaaday in caloosha bani aadamka ee dabiiciga ah ay mugeedu tahay 150cl, sidaas awgeed waxa aad u qaybinaysaa calooshaada sadex qaybood, 500 oo cunto ah, 500 oo cabid ah iyo 500 ood banayso si aad uga neefsato.

Dadka qaar ayaa is waydiinaya oo ma caloosha ayaa laga neefsadaa? haa, sanbabka ayaa ah xubinka qaabilsan hawda iyo neefqaadashada wuxuuna u baahnyahay meel ku filan si loosoo jiido hawada, hadii markaa calooshu buuxdo ma awoodayo sanbabku inuu si caadiya u neefsdo, tusaale ahaan waa sida dhalada ama quraarada biyo laga buuxiyo kadibna afka laga xidho, ma kultahay dhaladaas meel neef ka gasho ayey leedahay? Calooshana marka la buuxiyo waa sidaas oo kale.

Sidoo kale xabiibka Muxamed (scw) wuxuu yidhi xadiiskan:-

ุนู† ุงุจู† ุนู…ุฑ ุนู† ุงู„ู†ุจูŠ ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู… ู‚ุงู„ ุงู„ูƒุงูุฑ ูŠุฃูƒู„ ููŠ ุณุจุนุฉ ุฃู…ุนุงุก ูˆุงู„ู…ุคู…ู† ูŠุฃูƒู„ ููŠ ู…ุนู‰ ูˆุงุญุฏ

Ibnu cumar wuxuu nabiga ka wariyey inuu dhahay; Gaalku wuxuu wax ku cunaa todoba caloolood, muuminkuna wuxuu ku cunaa hal calool kaliya.

Waxa cajiiba xadiiskan, oo nabigu wuxuu tilmaamay in gaaladu ay calooshooda aanay u aabo yeelin oo ay siday doonaan uga dhargaan cuntada iyo cabitaanka hase ahaatee ay ka qaadaan cuduro badan oo waxyeelaya caafimaadka. Xadiiskanina sabab ayuu lahaa oo nin safar ah ayaa soo maray nabiga markaasuu yidhi; safarbaan ahay ee cunto halay siiyo? Waxa loo maalay todoba jeer, kadibna ninkii wuu islaamay markaasuu isagoo safar ah markale soo maray nabiga, waxaana la siiyey hal koob oo caano ah waanu ka dhargay, sidaa awgeed nabiguna wuxuu yidhi: gaalku todoba caloolood ayuu wax ku cunaa halka muuminkuna uu hal calool ku cuno.

Dhanka kale cuntada badan ee miisaanka siyaadinaysa waxa lagu waydiinayaa maalinta qayaame. Sidaas awgeed wuxuu yidhi caalimkii cuntada ee Andre will: hadii dhererkaagu yahay 170cm oo miisaankaaguna yahay 90kg waxa kugu siyaado ah 20 kg, waa lagu waydiinayaa misaankaa siyaada

Cuntada calaali:

Cuntada markaad cunaysida waa inaad aad u calaalisaa adigoo waqti siinaya dheefshiidkeeda, sababtuna waxay tahay, waxa dhowaan la ogaaday in maskaxda bani aadamka ay ku qaadato 20 daqiiqadood inay ku ogaato haday dharagsantahay sidaa awgeed bani aadamku haduu labaatankaa daqiiqo uu cuno foosto cunto ah ma dareemayo dharag. Hadaba culumada cuntada ku takhasusay waxay dhaheen hadii aad rabto inaad si caafimaad leh wax u cunto ha dadajinin cuntada ee waqti sii si aad u gaadho xilliga dharagta adigoon calooshaada buuxin. Hadaba bal aynu fiirino macalinkii aduunka ee nabi Muxamed siduu wax ucni jiray.

ูู†ุธุฑู†ุง ุฅู„ู‰ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ – ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู… – ูŠู„ูˆูƒ ู„ู‚ู…ุฉ ููŠ ููŠู‡

..Waxaan fiirinay Rasuulkii Allah- isagoo hudhmada calaalinaya…

Macnaha xadiisku waxa weeye inuu xabiibka muxamed uu aad u calaalin jiray cuntada kahor intaanu liqin, taasoo maanta culumadu daaha ka qaadeen faa’idada ku jirta u kaadintaas loo kaadiyo ama waqtiga loo siiyo cuntada.

Laba cunto oo iskumida ha cunin

Wuxuu dhahay ibnu Qayyim kitaabkiisa Zaad almicaad fii hadyi khayr alcibaad sidan:

ูˆู…ู† ุชุฏุจุฑ ุฃุบุฐูŠุชู‡ – ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู… ุŒ ูˆู…ุง ูƒุงู† ูŠุฃูƒู„ู‡ ุŒ ูˆุฌุฏู‡ ู„ู… ูŠุฌู…ุน ู‚ุท ุจูŠู† ู„ุจู† ูˆุณู…ูƒ ุŒ ูˆู„ุง ุจูŠู† ู„ุจู† ูˆุญุงู…ุถ ุŒ ูˆู„ุง ุจูŠู† ุบุฐุงุกูŠู† ุญุงุฑูŠู† ุŒ ูˆู„ุง ุจุงุฑุฏูŠู†

Cidii u fiirsata cuntiisa (scw) wuxuu helayaa inaanu walgii wada kulmin caano iyo kalluun, caano iyo wax acid leh, laba cunto oo karsan iyo laba cunto oo qabow…

Waxa maanta dunida lagu baahiyey in cuntada laga yeelo laba nooc oo kala ah cuntooyinka la kariyo iyo cuntooyinka aan u baahnayn in la kariyo sida khudaarta iyo faakihooyinka, waana inay isu dheeli tirnaata. Hadaba markaynu u fiirsano arrintaas waxay ka keeneen hadyigii nabiga oo ahaa mid aan waligii kulmin laba cunto oo karsan ama laba cunto oo qabow.