Tusmo

Cunida Dhiigu waa ku xaaraan diinta Islaamka:

Diinta Islaamka waa ku xaaraan in la cuno ama la cabo dhiiga xoolaha, sida Allah uu ku sheegay Quraanka kariimka ah:

حُرِّمَتْ عَلَيْكُمُ الْمَيْتَةُ وَالدَّمُ وَلَحْمُ الْخِنزِيرِ..

“Waxa laydinka xarrimay bakhtiga, dhiiga iyo hilibka doofaarka..” [Maa’ida:3]

Dhiiga kulligiisa waa xaaraan, waxayna cadaysay cilmi baadhistii culumadu sameeyeen in dhiiga ay ku jirto xaddi badan oo aashito kaadiya (Uric Acid), waana maado sun wadata hadii loo adeegsado cunto ahaan, waana sirta cajiibka ah quraanku inoo tilmaamay in dhiiga caafimaadka wax yeelayo.

Qaabka xoolaha loo gawraco ee Islaamka:

Qaabka loo gawraco xoolaha ee islaamiga ah waa in neefka la gooyo xididka wayn ee dhiiga qaada (Artery), si dhiiga ka imanaya wadnuhu uga baxo jidhka neefkaas xoolaha ah, sidaa daraadeed xidida kale oo lama goynayo, madaxa oo sidiisa u dhana lama wada jarayo ee xididka wayn oo kaliya ayaa la goynaya.

Sababtuna waa in dhiiga xaaraanta ah laga soo wada saaro jidhka neefka la gawracay, balse hadii la gooyo dhamaan xidida  waxa dhacaysa in dhiigu fadhiisto jidhka dhexdiisa oo uu hadhowna sababo cuduro ama sumayn, sidaa daraadeed Islaamku wuxuu ina baray in neefka loo gawrac qaab wanaagsan oo aanu neefkuna xanuun badan ku dareemayn sidoo kalena xidida kale ay wali kusii talaalnaadaan maskaxada oo dhiigun si xawli ah uga soo baxo jidhka neefka xoolaha ah.

Hadii loo gawraco neefka xoolaha ah qaab kale?

Kasoo qaad hadii neefkii xoolaha ahaa loo gawraco qaab kale sida in la gagabiyo, lagu bireeyo mishiin, la toogto ama inta la gawraco markiiba madaxa laga jaro, waxa ka dhalanaysa in dhiigii sumaysnaa ee watay Aashitada Kaadida (Uric Acid) inay baaqi ku ahaato jidhka neefka xoolaha ah, oo ayna u gudubto qaybaha kale ee xubnaha neefkaas, taasina waxay bani Aadamka ku keenaysaa caafimaad darro, sida in qofka ay xanuunaan meelaha laablaabyada ee muruq iyo seedu iska galaan, iyo sidoo kale cudurada asiiba ruugaga ama lawga. Sidaas daraadeed Rabigeen wuxuu ina faray in neefka xoolaha ah loo gawraco qaab islaamiya oo u wanaagsan neefka la gawracayo iyo dadka cunaya hilibkiisaba.

Wax kasta oo Allah uu inaga xarrimo waa maslaxadeena.

Walaalayaal waxaynu halkaas ku ogaanay xikmada Rabaaniga ah ee laynooga xarrimay dhiiga, waxa inoogu jirta maslaxo. Cidii ka hortimaada axkaamta Ilaahayna wuxuu haleelayaa cawaaqib xumo iyo naftiisii oo uu halis galiyey waxaana u dheer cadho Ilaah iyo inkaartiisa.