Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu leeyahay magacyo wanaagsan iyo sifooyin wanaagsan oo uu Allah ugu deeqay, sifooyinkaas oo ah kuwo lagu abuuray iyo kuwo dhaqankiisa ahayd. Magacyada nabiga (scw) dhamaantood waxay tilmaamayaan sifooyinka wanaagsan oo nabigu ku amaananyahay scw:

  1. Magaca koowaad ee ugu caansana waa Muxamed, waxaana magiciisan lagu sheegay kitaabka Quraanka iyo Kutubtii ka horeysayba, wuxuu Allah leeyahay:

مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ اللَّـهِ ۚ[1]

Muxamed waa Rasuulkii Alllah.. (29)

Dhanka kale magaca Muxamed waxa lagu sheegay kutubta Yahuuda iyo Kiristaanka, wallow ay badaleen kutubtooda oo ayna qariyeen magaca Muxamed, waxa hadana ilaa manta ku jira magicii Muxamed sida lagu sheegay Baybalka, kitaabka gabayadii Suleymaan cutubka 5 aad, faqrada 16 aad waxay leedahay marka lagu akhriyo luuqada Yahuuda ee Cibraaniga oo asal u ah Axdiga Qadiimiga ah

“Hikko Mamittakim we kullo Muhammadim Zehdoodeh wa Zehraee Bayna Jerusalem.”

“16 Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.” (Song of Solomon:5:16)

Kaliya ereygii Muhamed ayey turjumeen si aan loo arkin in magaca nabi Muxamed ku yaalo kutubteeda waxay u turjunteen Ruux la jecleyahay (altogether lovely).

 

Hadaba waa maxay macnaha magaca Muxamed?

Macnaha magaca Muxamed waa ruux aad loo mahadiyo oo aad loo jecelyahay.

 

  1. Magaca labaad ee la dhaho nabiga waa Axmed, wuxuuna magacan kusoo arooray Quraanka Kariimka ah, sidoo kalena nabi Ciise ayaa ugu bishaareeyey asxaabtiisii imaanshaha nabiga (scw) Wuxuu Allah leeyahay isagoo ka warramaya nabi Ciise csw:

 

وَمُبَشِّرًا بِرَسُولٍ يَأْتِي مِن بَعْدِي اسْمُهُ أَحْمَدُ ۖ[2]

Kuna bishaaraynaya Rasuul imanaya gadaashayda oo magiciisuna yahay Axmed ..(6).

Waa maxay macnaha magaca Axmed?

Macnaha Axmed waa ruuxa ugu badan ee u mahad celiya Ilaahay SWT.

 

  1. Magaca Sadexaad ee loogu yeedho nabigu waa Mutawakkil.

Magacanina wuxuu kusoo arooray Kitaabka Bukhaari waxaanu kasoo wariyey saxaabiga Cabdillaahi ibnu Camru inuu dhahay: “Waxaan ka akhriyey Tawreedka Siffada nabiga scw: Muxamed waa Rasuulkii Ilaahay, waxaad tahay adoonkaygii iyo Rasuulkaygii, waxaan kugu magacaabay Mutawakkil, mana tihid mid qallafsan iyo mid adadag toona, mana tihid mid ka qayliya suuqyada, xumaantana kuma abaalmariyo xumaan hase ahaatee wuu u cafiyaa, oo u danbi dhaaf warsadaa, Allena dili maayo illamaa uu ka toosinayo diinta, ayagoo dhahaya Laa’ilaaha illaa Allah, wuxuuna furayaa indho daboolan, dhago awdman iyo qalbiyo dahaadha saaranyahay.[3]

 

Waa maxay macnaha magaca Mutawakkil?

 Macnaha magaca Mutawakkil waa ruuxa talo saarta Ilaahay, nabiguna isagaa ahaa ruuxa ugu talo saarashada badan Ilaahay, sidaas awgeed ayuu Alle u bixiyey Mutawakkil.

 

  1. Magaca Afaraad ee loogu yeedho waa Almaaxii, oo macniisu yahay ka Alle ku tirtirayo gaalnimada.
  2. Magaca Shanaad ee loogu yeedho Rasuulku waa Alxaashir oo macnihiisu yahay ka lagusoo saari doono dadka hortiisa maalinta Qayaame.
  3. Magaca Lixaadna waa Alcaaqib oo macnihiisu yahay nabiga aan nabi kale danbaynin ee lagu khatimay nabiyada iyo rusushaba.

 

Waxaanu soo saaray Imaam Albukhaari xadiiskii Jubeyr ibnu Mudcim inuu dhahay: Wuxuu nabigu noo magacaabay magacyo loogu yeedho isaga wuxuna dhahay: “Anigu waxaan ahay Muxamed iyo Axmed, Anigu waxaan ahay Almaaxii ka Alle ku tirtirayo gaalnimada, Alxaashir ka lagusoo xaadrin doono lugihiisa dadka, iyo Alcaaqib oo ah ka aanu nabi kale ka danbaynin”[4]

  1. Magaca Todobaad waa Nabiyyu Altawbah, macnaheeduna tahay nabigii toobadkeenka badnaa sidoo kale isaga sababtii loo furay Toobada dhulka dadka degan, lagana yeelay toobada keenka umaddiisa mid aad u fudud, kaliya waa inay ka tagaan xumaanta kana shalleeyaan wixii xumaa ay falayeen, halka umadihii kahoreysa umadaa nabi Muxamed toobad keenkoodu uu aad u adkaa ayagoo toobadoodu ahayd inay isdilaan sida qoomkii reer bani Israa’iil ee caabudar Dibiga.
  2. Magaca Sideedaad waa Nabiyyu Almalxamah, oo macnaheedu yahay nabigii ugu jihaadka badnaa, mana jiro nabi ka jihaad badnaa Rasuulka scw.
  3. Magaca Sagaalaad waa Nabiyyu Arrxmah oo macnaheedu tahay nabigii naxariista badnaa ee Alle usoo bxiyey inuu ahaado naxariista Caalamiinta.
  4. Magaca Tobnaad waa Alfaatix oo macnihiisu yahay kii hanuunka jidkiisa lagu furay, isaguna furay dhago awdan indho dabool iyo quluub dahaadhan.
  5. Magaca Kow iyo tobnaad, waa Al-amiin oo ah kii Alle ku aaminay waxyigiisa iyo hadalkiisaba, waana magicii loogu yeedhi jiray isagoo dhalinyaro ah intaanu nabi noqonba kahor.
  6. Magaca Laba iyo Tobnaad waa Aldaxuuk oo macnaheedu yahay nabigii faraxsanaa ee qoslayey sidoo kalena wajigiisa u fuayey Mu’miniinta ee aan u cadhaysnayn, cuqdad iyo xaasidnimana aan u haynin.
  7. Magaca Sadex iyo Tobnaad waa Albashiir, oo ah ka ugu bishaareynaya Muslimiinta abaalmarka wayn ee Allah u diyaariyey.
  8. Magaca Afar iyo Tobnaad waa Alnadiir oo ah ka u digaya cida caasida isaga inay mudanayaan ciqaab ka imanaya xaga Allah.
  9. Magaca Shan iyo Tobnaad waa Siraaj oo macnaheedu yahay Siraad waana sifada Cadceeda, sida Qorraxdu siraadka u tahay oo kale ayuu nabiguna uyahay Siraad.
  10. Magaca Lix iyo Tobnaad waa Nuur iyo Muniir oo ah nuurka iyo iftiinka, waana sifada Dayaxa oo ah nuur iyo mid iftiima sidoo kalena Allah ayaa u bixiyey magacana oo ugu yeedhay inuu Muxamed yahay Nuur iyo Iftiin sida Dayaxa oo kale. Wuxuuna Allah leeyahay::

 

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ شَاهِدًا وَمُبَشِّرًا وَنَذِيرًا ﴿٤٥﴾ وَدَاعِيًا إِلَى اللَّـهِ بِإِذْنِهِ وَسِرَاجًا مُّنِيرًا ﴿٤٦﴾ وَبَشِّرِ الْمُؤْمِنِينَ بِأَنَّ لَهُم مِّنَ اللَّـهِ فَضْلًا كَبِيرًا ﴿٤٧﴾ وَلَا تُطِعِ الْكَافِرِينَ وَالْمُنَافِقِينَ وَدَعْ أَذَاهُمْ وَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّـهِ ۚ وَكَفَىٰ بِاللَّـهِ وَكِيلًا ﴿٤٨﴾

Nabigii (Ilaahayoow) Adiga waxaan kuusoo dirnay inaad tahay Markhaati iyo Bishaareeye iyo Udige (45) Iyo inaad tahay ka u yaboohay xaga Allah idankiisa iyo (inaad tahay) Siraad iyo Nuur (46) Una bishaaree Mu’miniinta inay ku leeyihiin xaga Allah fadli aad u wayn (47) Hana adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, iskana dhaaf dhibkooda (ka gudub) talo saarana Allah, Ilaahaybaan ku flan cida talo saaratee (48)[5]

 


[1] Suurada Alfatxi (29)

[2] Suurada Alsaff (6)

[3] Saxiix Albukhaari (2018)

[4] Saxiix Albukhaari (8/492)

[5] Suurada Alaxzaab (45,46,47,48)