Bismillah, magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa, Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahba. Waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka oo ah Asalama calaykum wa raxmatullahi wa barakatuhu, macnaheeduna tahay nabadgalyo, naxariis iyo barakooyin korkiina ha ahaato.

Maqaalkan waxaan kaga hadlaynaa su’aal qadiimiya oo inbadan dadku ay ku lumaan, kadib markay waayaan cid u cadaysa ama tusta xujooyin cadcad oo qeexaya jiritaanka Ilaahay iyo awoodiisaba. Hadaba si aan uga jawaabo su’aashan waxaan ereyada qaar ka amaahan doonaa Dr Zakir Naik, kadibna waxaan idiin cadayndonaa jiritaanka Allah iyo mucjisooyinkiisa.

 

– Ugu horeyn qofka diidan jiritaanka Ilaahay (Atheist) wuxuu aaminsanyahay inaanu jirin Ilaah koonkan maamula, anaguna waan u hanbalyeynaynaa, waxa laga yaabaa inaad yaabtid ma qof aan Ilaahay rumaysnayn ayaad u hanbalayeynaysaa? Jawaabtu waxay tahay qofka mulxidka ah wuu fakarayaa, dadyow badan oo haysta diimo kala duwan sababta ay u haystaan waxay tahay maadaama aabihii ahaa Kiristaan isaguna wuxuu noqonayaa kiristaan, haduu Hinduus yahay wuxuu noqonayaa Hindus, haduu Buddist yahay wuxuu noqonayaa Buddist, laakiin Mulxidku wuu fakayaa wuxuuna u baahanyahay xujo cad oo la taaban karo si uu ugu qanco jiritaanka Ilaahay.

– Ta labaad sababta aan u hanbalyeynayno Mulxidku waa:  wuxuu ku dhawaaqay Shahaadada Islaamka qeybteedii hore oo ah (لا إله ) Ilaah ma jiro, waxa kaliya u dhiman inuu dhaho ( إلا الله) Ilaahay mooyee, taasna inshallah waan cadayn doonaa.

– Ta sadexaad waxaan Mulxidka waydiinaynaa su’aasha ah: Waa kuma Ilaaha aad jiritaankiisa diidantahay? Waxa muhiim ah inaad garanayso qeexida dhabta ah ee macnaha Ilaah. Tusaale ahaan hadii aan ku tuso kitaab aan gacanta ku hayo oo aan ku dhaho kani waa qalin, waxa dhacaysa inaad tidhaahdo maaha qalin ee waa kitaab, sababtoo ah waxaad garanaysaa qeexida wuxuu kitaab yahay iyo wuxuu qalin yahay, taas mid lamid ah waa inaad garanayso qeexida dhabta ah ee macnaha Ilaah.

Dabcan dadka Mulxidiinta ah waxa saameeya dadka uu la noolyahay, iyo deegaanka uu ku noolyahay, hadii dadkaasi rumaysanyihiin Ilaah qof ah, oo ubaahanaya inuu wax cuno ama wax cabo, ama xanuusanaya oo cusbitaal loola ordaya, taasi waa hubaal inaad diidaysid in qof miskiina oo baahan uu noqon karo Ilaah, anaguna waan kugu raacsanahay in cid kasta oo leh sifooyin bani aadamnimo inaanay noqon karayn Ilaahay.

Hadii Mulxidku ka rumaysanyahay diinta Islaamku inay tahay diin aan naxariis lahayn, diin argagixiso ah, diin aan dumarka xuquuqdooda siinayn, iyo in diin ka hor imanayso culuumta Sayniska kolkaa ruuxii Mulxidka ahaa wuu diidayaa Islaamka, sidaas awgeed waa inaan Mulxidka ka saarnaa fikrada qaldan ee qaloocda ee uu ka aaminsanyahay Islaamka, tusinaana macnaha dhabta ah ee diinta Islaamka. Marka aan si dhab ugu sheegno ruuxii Mulxidka ahaa qeexida saxda ah ee Islaamka, Ilaahay iyo Rasuulkiisa, waxa intooda badan ku qancayaan jiritaanka Ilaahay iyo xaqnimada diinta Islaamka.

Hase ahaatee qaar kamid ah Mulxidiinta intaas oo kaliya kuma filna ee waxay rabaan xaqiiqo cilmi ah, sababtuna waxay tahay in dadka Mulxidiinta ah badankoodu ay u janjeedhaan dhanka culuumta Sayniska, sidoo kalena waxaynu noolnahay casrigii Sayniska iyo Tiknaloojiyada, markaa aynu hal dhagax ku wada dilno laba shinbiroode inagoo cadaynayna jiritaanka Ilaahay iyo in Quraanka Kariimka ah yahay hadalkii Ilaahay.

Tusmo

Quraanka iyo Sayniska:

Maanta casriga aynu noolnahay waa casriga Sayniska iyo Tiknaloojiyada, cid kasta oo sheegata in diintoodu tahay diin sax ah waa in lagu qiyaasa maxay ka aaminsanyihiin xaqiiqooyinka uu cadeeyey Saynisku. Waxaynu ognahay in cilmiga Saynisku aad u horumaray, walow ay jirto goldaloolooyin farabadan, hadana marka loo fiiriyo qarniyadii inasoo dhaafay aadbuu uga horumaray siduu ahaan jiray. Waxaan adeegsanaynaa xujooyinkeenan kaliya wixii noqday xaqiiqo cilmiya, sababtoo hadii Saynisku uu wali yahay fikrad ama aragti waxa dhici karta in fikradaasi noqon karto sax ama qalad.

Si ay kuugu fududaato fahanka xujooyinka aan soo wado waxaan ku siinayaa tusaale: Kasoo qaad waxa hortayda yaala aalad aan waligeed iyo abidkeed dhulka lagu arkin oo markii ugu horeysay bani aadamku ay la kulmaan, hadaba aaladaas waa kuma cida ugu horeysa ee qeexaysa shaqada aaladaas iyo wax qabadkeeda? Waxa laga yaabaa inaad dhahdo, waa cidii samaysay aalada, cidii aliftay, cidii abuurtay, cidii unkuntay, cidii sawirtay ama cidii bar bilowday. Dhamaan jawaabahaasi waxay u noqonayaan cidii ugu horeysay ee aalaadaas samaysay ayaa ah cida ugu horeysa ee sheegaysa wax qabadka aaladana, saw sidaas maaha!!

Xujada 1 aad:

Sanadku markuu ahaa 1927 ayaa ninka la dhaho Georges Lemai’tre oo kasoo jeeda wadanka Belgium ayaa markii ugu horeysay qeexay in Koonku ahaa walax qiiqaysa oo gubanaysa, heerkulkeeduna ahaa mid aad u sarreeya, kadibna uu dhacay Qarax wayn oo ay u bixiyeen Culumada Falaku Bigbang Theory.

Ugu horeyn in koonku aha Walax yar oo qiiqaysa waxaa inooga warramay Allah (S.W.T) mudo kabadan 1400 oo sano kahor oo wuxuu Allah ku leeyahay Suurada 41 aad ee Quraanka Suurada Fussilat, aayada 11 aad:-

[ثُمَّ اسْتَوَىٰ إِلَى السَّمَاءِ وَهِيَ دُخَانٌ فَقَالَ لَهَا وَلِلْأَرْضِ ائْتِيَا طَوْعًا أَوْ كَرْهًا قَالَتَا أَتَيْنَا طَائِعِينَ ﴿١١]

[(11) Markaasuu Allah u istiwooday Cirka oo qiiq ah kuna dhahay Cirka iyo Dhulkaba kaalaya idinkoo adeecsan ama idinkoo laydin karhi (qasab) waxay dhaheen waxaan nimid anagoo adeecsan.]

Ta labaad waxay tahay, wuxuu Allah sidoo kale inoo tilmaamay in Koonkan ahaa walax yar oo isku taala, kadibna lakala fujiyey oo lakala kaxeeyey. Allah wuxuu ku leeyahay Suurada 21 aad ee Al-anbiyaa aayada 30 aad:

[أَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَاهُمَا ۖ وَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاءِ كُلَّ شَيْءٍ حَيٍّ ۖ أَفَلَا يُؤْمِنُونَ ﴿٣٠]

[(30) miyeyna arkayn kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn.] 

Su’aashu waxaya tahay Yaa uga waramay nabi Muxamed in Koonkani ahaa walaxyar kadibna uu dhacay qaraxaas wayn (Bigbang Theory), ayadoo bani aadamku aqoontoodu xilligaas (kun iyo afar boqol oo sanadood kahor) aanay wax cilmi ah u lahayn culuumtan iyo xaqiiqdanba.

Xujada Labaad:

Bani aadamku waxay hada kahor rumaysnaayeen in ilayska Qorraxda iyo ilayska Dayaxu in ay isku mid yihiin, hase ahaatee dhowaan ayaa la ogaaday in Qorraxdu ay ayadu iska leedahay ilayska, iftiinka iyo xaraaradaba halka Dayaxa iftiinkiisu uu ka yahay ilayska falaadh dib u celinta qorraxda (Reflection Light), ma kulatahay arrintaas ayaa lagu sheegay Quraanka?

Sida kusoo aroortay Suurada Nuux, aayada 16 aad wuxuu Allah ku cadeeyey in ilayska Qorraxda iyo ka Dayaxu ay kala duwanyihiin:

وَجَعَلَ الْقَمَرَ فِيهِنَّ نُورًا وَجَعَلَ الشَّمْسَ سِرَاجًا ﴿١٦

“Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.” [Nuux 71:16]

Nuur waxa loo yaqaana ilayska falaadha dib u celinta oo Dayaxa ayaa sifadaas iska leh, halka Qorraxduna ay ka tahay Siraad oo ay ayadu iskeeda u leedahay ilayska iyo iftiinkaba, hadaba aan su’aal ku waydiiyee Yaa uga warramay nabi Muxamed xaqiiqadan cilmiga ah?

Xujada Sadexaad:

Ma ogtahay in maanta culumada Falaku ay cadeeyeen in Koonkan aynu ku noolnahay uu dhankasta u fidayo ayna u bixiyeen [Expanding Universe] Koonkan waasacmaya, ma kulatahay arrintana waxa lagu sheegay Quraanka?

Sida kusoo aroortaya suurada 51 aad ee Adh-Dhaariyat, aayada 47 aad wuxuu Allah leeyahay:

وَالسَّمَاءَ بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ ﴿٤٧

[Samada annakaa u dhisnay si xoog ah, waanan waasicinaynaa] [Daariyaat 51:47] 

Sidee ku ogaaday nabi Muxamed (scw) in koonkani waasacmayo isagoo noolaa mudo laga joogo 1400 oo sanadood kahor, kuna noolaa saxaraha Jaziirada carbeed, isagoon haysanin aalada Teleskoobyada ama aalad kale oo wax soo waynaysa?

 

Xujada Afaraad:

Waxa culumada barashada nooluhu ogaadeen in noolo kasta laga abuuray biyo, oo ayna ka yimaadeen xaga badda. Unug noole kasta wuxuu ka koobanyahay biyo; tusaale ahaan: Unuga ugu yar noolaha (cell) wuxuu leeyahay gidaar loo yaqaano (cell membrane) kaasoo afsoomaali ku noqonayaa (Darbiga unuga), waxa kale oo unugaasi ka koobanyahay “cytoplasm” oo boqolkiiba 70 ilaa 90 ah biyo iyo dareere. Taasoo ka dhigaysa in unug noole kastaa ka koobanyahay biyo boqolkiiba 65 ilaa 90.  Hadaba makula tahay in arrintan Ilaahay ka warramaya 1400 oo sanadood kahor ayadoo aanay jirin kubaacooyinka wax soo wayneeya ee ku tusaya unugyada!

وَاللَّهُ خَلَقَ كُلَّ دَابَّةٍ مِّن مَّاءٍ ۖ فَمِنْهُم مَّن يَمْشِي عَلَىٰ بَطْنِهِ وَمِنْهُم مَّن يَمْشِي عَلَىٰ رِجْلَيْنِ وَمِنْهُم مَّن يَمْشِي عَلَىٰ أَرْبَعٍ ۚ يَخْلُقُ اللَّهُ مَا يَشَاءُ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ (45)

“Ilaahay wuxuu daabad kasta (noole) ka abuuray biyo, waxa kamida kuwo calooshooda ku socda, waxa kamida kuwo laba lugood ku socda, waxa kamida kuwo afar ku socda, wuxuu abuuraa Ilaahay wuxuu doono, Ilaahayna wax kasta wuu awoodaa” [Suuratu Nuur: 45]

Hadaba waxa is waydiin leh, sidee ayuu Nabi Muxamed (scw) ku gartay culuumtan kala duwan? Yaa uga warramay? Mida kale maxaa ku kallifay inuu ka warramo arrimahan oo xilligiisii dadku aqoonba u lahayn? Waxay ku tusaysaa in Quraanku yahay hadalkii Ilaahay, oo ogsoonaa in maalin maalmaha kamid ah bani aadamku gaadhi doonaan xaqiiqooyinkan, ayna u noqon doonto islaamka iyo nabi Muxamed (scw) arrin mucjiso ah oo ku tusaysa dhabnimada diinta macaan ee Islaamka.