Bismillaah:

Dad badan waxay sheegaan inaynu noolnahay casrigii infulensiga doofaarka, dhibteedana la dhadhamiyey. Dadka qaar ka shaqeeya caafmaadka waxay dhahaan: Waxan muslimiintu ay ka sheekeeyaan ee ah dhibka doofaarka, waxaan kaga jawaabi karnaa dhawr jawaabood oo ay kamid tahay; in kumanaan sanadood dadku ay cunayeen hilibka doofaarka, manaynaan maqal wax ka cabanaya cudurada doofaarka, haday xujadaasi xaqiiqo tahayna way joojin lahaayeen, waxay dareemayaan caafimaad?

Ta labaadna waxay tahay in dad badan ay dhahaan; doofaarku waa xayawaan najas ah oo cuna saxarada, bakhtiga iwm, bal kawaran hadii aan soo qaadno doofaarka oo aanu keeno meel nadiif ah oo laga fogeeyey nijaasada?

Jawaab:

Xikmada rabaaniga ah waxay tahay haduu Ilaahay xarrimo shay, shaygaasi waa xaaraan, haduu wax xalaaleeyana waa xalaal. Ilaahayna wuxuu ku xarrimay Quraankiisa:

حُرِّمَتْ عَلَيْكُمُ الْمَيْتَةُ وَالدَّمُ وَلَحْمُ الْخِنزِيرِ وَمَا أُهِلَّ لِغَيْرِ اللَّـهِ بِهِ

“Waxaa laydinka Xarrimay Bakhtiga iyo dhiigga iyo Hilibka Doofaarka iyo wixii lagu Xuso (Lagu Gawraco) waxaan magaca Ilaahay ahayn..” [Maa’ida:3]

Run ahaantii Saynisyahanadu way cadeeyeen in Quraanka wuxuu  ka warramay ay yihiin xaqiiqo iyo run. Ha ahaato hilibka doofaarka, dhiiga, ama cuntooyinka Ilaahay qayrkii loo gawracabee.

Ugu horeyn: Doofaarku waa xayawaan nijaas ah, kudaafada cuna, maydka cuna, xitaa hadii lagu rabeeyo meel nadiid ah oo ka madhan waskh iyo nijaasba.

Doofaarku fidradiisa iyo sida loo abuuray ayaa ah inuu cuno wixii nijaas ah haba ahaato wuxuu isagu saxaroodaybee. Mana awoodi karaysid inaad badasho dhaqankiisa si kasta ood iskugu daydidbee.

Ta labaad: Waxa cilmiga iyo sayniskuba cadeeyeen in duxda (baruurta) doofaarka ee hilibkiisa saaran aanu jidhka bani-aadamku waxba ka faa’idaynin. Caloosha bani-aadamku ma ridqi karto saliida doofaarka iyo baruurtiisa toona sidoo kale beerkuna ma kaydin karo.

Sidaa awgeed duxdii waxay ku ururaysaa jidhka bani-aadamka, taasoo ku keenaysa cuduro badan gaar ahaan cudurada ku dhaca  wareega dhiiga, xidida dhiiga iyo xidida wadanahaba ee waaweynba.

Ta sadexaad: nidaamka cuntada ee doofaarku wuxuu lamid yahay nidaamka cuntada ee bani-aadamka.

Culumada barashada cilmiga noolaha ee Biologists  waxay u qaybiyaan nidaamka cuntooyinka sadex qaybood: Xayawaanka cuna hilibka, kuwa cuna dhirta (dooga ama daaqa) iyo kuwo kele oo cuna  hilibka iyo dhirtaba. Bani-aadamkuna wuxuu kamid yahay noolaha  cuna labadaba (hilibka iyo dhirataba). Doofaarkuna sidoo kale wuxuu cunaa hilibka iyo dhirtaba.

Sidaa darteed Doofaarka cunidiisu wuxuu sababayaa cuduro badan, waxay culumadu dhahaan: Jidhka doofaarka waxa ku jira Afartan nooc oo cudur, oo ay sababaan Jeermiska, Viruska iyo bakteeriyaduba.

Waxa dhici karta in dadka qaar is waydiiyaan cuduradaas miyeyna dadku garanayn? Dabcan haa, dadku way ogyihiin in cuduro halis ah uu leeyahay cunida doofaarku, wayna cunaan, sidoo kale way ogyihiin in Khamrigu dhib leeyahay wayna cabaan, waanay la socdaan in Sigaarku halis wayn leeyahay, hadana waa la cabaa, waxa kale oo ay ogyihiin in daroogadu khatar ku tahay caafimaadka hadana way cunaan oo cabaan!!.

Sidaas awgeed waa in amar Rabaaniya oo xaga Ilaahay kayimid waa inoo soo af jaraa dhibkaas iyo kadeedkaas. Waana mahad Ilaahee, waa laynoo cadeeyey in doofaarka cunidiisu xaarantahay.

Muxuu Ilaahay u abuuray Doofaarka hadii Doofaarku dhibta intaas la eeg uu leeyahay? Ayadoon ognahay in Ilaahay aanu noole koonkan jooga u abuurin cayaar iyo dheeldheel.

Wuxuu ku jawaabay Dr Zaqhloul Najjar kolkii su’aashaas la waydiiyey: “Rabigeen (swt) wuxuu u abuuray doofaarka si uu dhulka uga nadiifiyo wasakhda, nijaasada, kudaafada iyo maytka. Doofaarku maaha cunto bani-aadam, ee shaqadiisu waa inuu nadiifiyo deegaanka, waana xayawaan duur joog ah oo bani aadamku hoosta soo gashtay, oo barbaarsaday” Dr zaghloul al najjar

Ayadoo laga duulayo cadaymahaas iyo daliiladaana waa in laga taxadaraa cuntooyinka ay ku jirto hilibka Doofaarku sida Hamburger, Jibista, hilibkiisa la dubo, ama ka la kariyo, waxa kale oo xaaraan ah caanihiisa, subagiisa iyo haragiisaba.

Dhanka kale ka ganacsiga Doofaarka, rabayntiisa, waaridiisa, soo dajintiisa iyo qaybintaasuna ma banaana, sababto ah haduu Ilaahay shay xarrimo, waxa kale oo uu xarrimaa ka shaqayntiisa iyo dheeftiisaba. Wallahuaclam.