Tusmo

Ma Wadnaha ayaa fakara mise Maskaxda?

Waa su’aal qadiimiya oo doodo badan dhalisay, balse inatynaan ka jawaabin Suaashan aynu dul istaagno dhawr tusaale oo kaa yaabin doona!

Sida aan ka soo xiganaya jariirada Afka dheer ee Dailymail, cadadkeedii la daabacay 09 April 2008 ayaa waxay ka dooday cinwaanka ahaa: Can we really transplant a human soul? Suurta gal matahay in Ruuxda lagu wareejinkaro shakhsi kale? Waxayna soo bandhigeen cilmi baadhis cajiiba oo laga yaabo inay wax badan ka badasho culuumta caafimaadka iyo cullumta barashada Noolaha Biology.

“Waxay dhaheen: Ruuxa lagu sameeyo qalliin xubin kamid ah jidhkiisa sida wadnaha oo dabadeedna la galiyo xubn kale oo qof kale lahaa, kaliya ruuxaasi ma helo xubinta shakhsigaas ku tabarucay ee waxa kale oo uu helaa xasuustii shakhsiga ku tabarrucay ama laga yaabaa wax kamid ah ruuxdiisii!!”

Tusaale ahaan: Ninka la dhaho Sonny Graham oo da’diisu ahayd 69 jir oo ahaana nin faraxsan oo jecel inuu dadka caawiyo ayaa lagu sameeyey qalliin xaga wadnaha ah, wuxuuna helay nasiib wanaag wadne ruux dhintay oo ku tabarrucay, kadib markii qalliinkii lagu guulaystay ayaa ninkii shakhsiyadiisii waxa ku yimid isbadal.

Sonny Graham wuxuu baadhay cidii wadnaha ugu deeqday ehelkiisii, wuxuuna helay gabadhii uu qabay ninkaas hore ee dhintay, wuxuu yidhi Sonny Graham: “Markaan arkay haweenyadii uu qabay cidii ugu deqday wadnaha way isoo jiidatay, waanan ku qallalay, anigoo dareemaya inaan gabadhay mudo badan aan aqoon u lahaa, waxaan ka laabi kari waayey indhahayga”

Sonny Graham

Sonny Graham

Hadaba waxa cajiiba in Sonny Graham uu xasuustay gabadhan aanu waligii hada kahor aanu arkn, sidoo kalena uu dareemay jacayl xageeda ah, taaso ka dhigan in Sonny Graham qalliinkii wadnaha lagu sameeyey aanu ahayn oo kaliya wadne dhiiga qaybinayee ee uu helay wax kamid xasuustii ninkii ka dhinta gabadhaas iyo sidoo kale dareemihiisii wax kamid ah.

Waxa cajiiba in Sonny Graham uu naftiisa dilay kadib markii uu rasaas iskaga dhuftay madixiisa. Waxa lala yaabay sababah ku kallifay Sonny Graham inuu naftiisa dilo, isagoo ahaa nin faraxsan oo dadka caawiya. Sida ay sheegeeb dadkii qaraabadiisa ahaa, waxay dhaheen: “Sonny Graham wuxuu isu dilay cidii wadnaha ku tabarrucda laftigiisuna madaxa ayuu iska toogtay”

Arrimahasi waxay keeneen dooda ah wadnhu miyuu fakaraa? Miyuu leeyahay dareemayaal? Miyuu xasuusan karaa macluumaadka shakhsiyadaada? Dabcan qofkasta oo dhakhtar ah ama Saynisyahan wuxuu kuu sheegayaa maanta in wadnuhu ka wayn yahay xubin dhiiga u qaybisa jidhka bani-aadamka.

Dhacdadaas mid lamid ah ayaa waxa cadeeyey Pr Schwartz oo waxay ku dhacday gabadh la dhaho Danielle oo da’deeduna ahayd 18 sano jir, taaso wadno xanuun lahayd, kadibna waxa loogu deeqay wadne wiil 18 jir ahaa oo ku dhintay shil baabuur. Wiilka dhintay ayaa ahaa fanaan qora heesaha iyo laxanka, kadibna qoyskii wiilka dhintay ayaa la kulmay Danielle, waxayna u daareen qaar kamid ah heesihii wiilkoodu sameeyey oo uu qaadi jiray, markaasay Danielle oo waligeed heesahaas maqlin la qaaday heestii, ayadoo xitaa dhamaystirta heeso wiilkaasi qabyo ka ahaa.

Sidoo kale Pr Schwartz wuxuu ogaaday dhacdo kale oo ku asiibtay haweenay 29 aad ji ahayd, oo ahayd gabadh jecel cuntooyinka dagdaga ah, waxayna heshay wadne gabadh 19 jir ah oo jeclayd cuntooyinka vegetarian (khudaarta). Qalliinkii kadib waxay gabadhii tidhi: laga bilaabo maanta waan ku xanuusanayaa cunida hilibka.

Dhacdo kale oo lamid ah taasina waxay ahayd nin da’diisu meel dhexaad tahay ayaa si kadis u jeclaaday heesaha Classic Music ah, kadib markii lagu sameeyey qalliin wadnaha ah. Ugu danbeyna waxa la ogaaday in cida wadnaha lahayd uu ahaa wiil 17 jir ah oo aad u jeclaa heesaha Classical ah, sidoo kalena tumi jiray gitaarka, waxaana la toogtay isagoo giitaarkiisa labta ku haysta.

Wadnaha oo kaliya maaha xubnaha keena saamaynta shakhsiga ee xitaa qalliinka kalyaha lagu kala wareejiyo ayaa keena isbadal shakhsiyadeed.

Gabadha la dhaho Lynda Gammons oo katimid Weston, Lincolnshire ayaa ninkeeda ugu deeqday midk kamid ah kalyaheeda. Qalliinkii kadib wuxuu ninkeedu jeclaaday cunto karinta, guryo nadiifinta iyo xashida daqiiqda. Waxa kale oo korsaday ey, isagoo markii hore ahaa nin korsada bisadaha sababtuna waxay ahayd haweenaydiisa ayaa jeclayd eyda.

Waxa jira 70 xaaladood oo noocan oo kale ah oo ilaa iyo hada la baadhay, waxayna dhamaantood cadeynayaan in Wadnaha bani-aadamku aanu ahayn oo kaliya xubin pumgareysa dhiiga ee ay leedahay xasuus u gaar ah, fikir u gaar ah, fiirsasho u gaar ah, iyo miyir u gaar ah.

Hadaba waxa cajiiba in Wadnahaas caqliga leh ee fakaraya, ee xasuusta leh sidoo kalena dareemayaasha cjiibka ah ay ku gudo jiraan sida jacaylka, nacaybka, khayrka, wanaaga iyo sharkuba waxa lagu sheegay Quraanka Kariimka ah:

وَلَقَدْ ذَرَأْنَا لِجَهَنَّمَ كَثِيرًا مِّنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ ۖ لَهُمْ قُلُوبٌ لَّا يَفْقَهُونَ بِهَا وَلَهُمْ أَعْيُنٌ لَّا يُبْصِرُونَ بِهَا وَلَهُمْ آذَانٌ لَّا يَسْمَعُونَ بِهَا ۚ أُولَـٰئِكَ كَالْأَنْعَامِ بَلْ هُمْ أَضَلُّ ۚ أُولَـٰئِكَ هُمُ الْغَافِلُونَ ﴿١٧٩

Waxaan u Abuuray Jahannamo wax badan oo Jinni iyo Insiba leh, waxayna Leeyihiin Quluub ayna wax ku fahmaynin, waxayna Leeyihiin Indho ayna wax ku Arkayn, waxayna Leeyihiin Dhago ayna wax ku Maqlayn, Kuwaasina waa Xoolo oo kale, waana ka sii baadiyeysanyihiin, kuwaasina waa uun kuwa mooganayaal ah. [Acraaf:179]

Quraanku iyo Axaadiista nabiguba (scw) waxay si toos ah u sheegaysaa inuu qalbigu fakaro, caqlina uu leeyahay oo haduu isagu hagaago ay jidhkoo dhan hagaagayo, wuxuu dhahay Rasuulku (scw):-

ألا وإن في الجسد مضغة إذا صلحت صلح الجسد كله وإذا فسدت فسد الجسد كله ألا وهي القلب

” Waar hooyaaay, jidhka waxa ku jira waslad hadii ay hagaagto jidhkoo dhan uu hagaagayo, haday xumaatana ay jidhkoo dhan xumaanayo, hooyaaay waa Qalbige” Bukhaari iyo Muslim

Sidoo kale Allah wuxuu sheegay in Qalbiga uu caqli leeyahay:

أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَا أَوْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا ۖ فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى الْأَبْصَارُ وَلَـٰكِن تَعْمَى الْقُلُوبُ الَّتِي فِي الصُّدُورِ ﴿٤٦

“Miyeyna ku Soconin Dhulka oy u Ahaato Quluub ay wax ku Kasaan ama Dhago oy wax ku Maqlaan, Indha Beelka Dhabta ahna waa Indho Beelka Quluubta ku Sugan Laabta.” [Xajj:46]

Sidoo kale Qalbiga dadku isagaa ah ka wax si dhaba u fiiriya, fakara kuna noqnoqda, wuxuuna Allah leeyahay:

أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ الْقُرْآنَ أَمْ عَلَىٰ قُلُوبٍ أَقْفَالُهَا﴿٢٤

“Miyayna Quraanka u fiirsanin (sidhab ah) mise Quluubtoodaa daboolan.” [Muxamed:24]

Meesha iimaanku ahaado waa Qalbiga, waa laabta. Nabigana (scw) waxa ducadiisii ugu badnayd ay ahayd:

عن أنس قال : كان النبي صلى الله عليه وسلم يكثر أن يقول : يا مثبت القلوب ، ثبت قلبي على دينك ، قالوا : يا رسول الله ، آمنا بك وبما جئت به ، فهل تخاف علينا ؟ قال : نعم ، إن القلوب بين إصبعين من أصابع الله يقلبها .

“Anas wuxuu dhahy: Nabigu (scw) wuxuu ahaa mid badsada inuu dhaho: Ka quluubta sugoow, ku sug qalbigayga diintaada, waxay dhaheen: Rasuulkii Ilaahayoow, waan ku rumaynay iyo wixii aad la timidbee ee miyaad noo cabsanaysaa? wuxuu dhahay: Haa, Quluubtuna waxay ahaatay kuwo ku dhex jira laba farood ee Ilaahay, oo qallibo (badalo).” Tirmadi.