Xayawaanada qaar ayuu nafaray xabiibka Muxamed (scw) in ay banaantahay in la dilo, xikmada ku dhx jirtana ha ahaato mid aan garanayno ama mid aynaan ogsoonaynba. Waxa laga wariyey Nabiga (scw) xadiisyadan:

 عن عائشة رضي الله عنها أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال خمس من الدواب كلهن فاسق يقتلن في الحرم الغراب والحدأة والعقرب والفأرة والكلب العقور

Caasha waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) uu dhahay: Shan kamid ah xayaawanada dhamaantood waa Faasiqiin, laguna dilayaa Xaramka, Tukaha, Shinbir (Galaydka u eeg), Dib qallooca, Jiirka, Eyga Dad cunka ah.

1: Xayawaanada la dilayo waxa kamid ah Jiirka, dadka qaar ayaa is waydiinaya sababtu waa maxay? Xikamdu waxay tahay in Jiirku faafiyo cuduro badan, iyo jeermiska ukala gudba bani aadamka iyo xoolahaba.

2: Dib Qallooca, sababtuna waa suntiisa badan. Wuxuuna dhahay Nabigu (scw):

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ اقْتُلُوا الْأَسْوَدَيْنِ فِي الصَّلَاةِ الْحَيَّةَ وَالْعَقْرَبَ

Abuhurayrah wuxuu ka wriyey Rasuulka (scw): Ku Dila labada madmadow Salaada waa Abeesada iyo Dibqalloca.

3: Shibir u eeg galaydhka kana mid ah kuwa wax ugaadha

4: Qorato/Goodaaado, xikmada loo dilayo ma garanayno, inkastoo la dhaho waxay dabka ku afuufi jirtay nabi Ibraahiim.

5: Eyga Dad cunka ah, ee ugaadhsanaya dadka iyo xoolahaba.

6: Tukaha baalka cad, waa tukaha midabkiisu isku dhex jro madawo iyo cadaan.

Fiiro Gaar ah:

Kolka aad dilayso Maska,Abeesada ama Halaqa waa inaad abisa sadex jeer adigoo leh, hadaad Ilaahay garanaysi naga soo bax, haduu soo bixi waayo Bisinka u qabo oo dil. Sababtuna waxa weeye waxa dhici karta in Abeesadaasi ay tahay Jinni Muslim ah.