Tusmo

Awr

Sida kusoo aroortay Sunanka Abudaawuud iyo Musnadka Imaamu axmed waxa uu ka wariyey Cabdilaahi ibnu Jacfar Nabiga inuu Maalin uu nabigu galay beer nin reer Ansaar ah uu lahaa, mise waxa ka horyimid Nabiga (N.N.K.H) Awr oynaya oo ciyaya markaasuu Rasuulkii Ilaahay masaxay ilmadiisii waanu dagay Awrkii, wuxuuna dhahay yaa iska leh Awrkan? waxa yimid wiil reer Ansaar ah dhahayna aniga leh Awrkan Rasuulkii Ilaahayoow, wuxuu yidhi; miyaanad Ilaahay uga cabsanayn mayeedhaanka ilaahay ku siiyey, wuxuu iiga kaa cawday inaad gaajaysid ood garaacdid.

Mascagalay

Imaamu Dabari wuxuu soo saaray xadiiska uu warinayo Cabdilaahi Ibnu Cumar (I.R.H) wuxuuna yidhi; Nabigu isagoo la jooga koox kamida Saxaabadiisii ayaa waxa yimid nin reer baadiye ah oo soo ugaadhsaday Mascagalay markaasu dadka waydiiye waa kuwama  kooxdan halkan fadhidaa? waxa loo sheegay inay yihiin Muxamed iyo Saxaabadiisii, markaasuu u yimid oo dhahay; hadaanu qoomkaygu igu tilmaami lahayn inaa dagdagayo waan ku dili lahaa oo kolkaas dilkaaga dadka kaga farxiyee, cumar ayaa dhahay; Rasuulkii Ilaahayoow ii ogolow aan dilo ninkane markaasuu dhahay Rasuulku; miyaanad ogayn qofka dulqaataa inuu nabi ku dhowaaday, kadibna ninkii ayaa soo dhowaaday oo dhahay; Laata iyo Cuzaan ku dhaartee kuma rumaynayo intuu kaa rumaynayo Maskacagalydaasi, wuxuuna kusoo dhex tuuray Maskacalaydii dabadeedna nabiga ayaa dhahay; Maskacagalyoow, markaasuu maskacagalaydii ku hadlay hadal waadixa oo af carabiya oo uu dhahay; waan ku ajiibay oo kugu barwaaqoobay Rasuulkii Ilaahayoow, markaasuu Rasuulku ku dhahay; Maskacagalayoow yaad caabudaa? wuxuu yidhi; Ka carshigiisu Samada ahaaday, Awoodiisuna dhulka ahaatay, Badduna jidkiisa ahaatay, Jannaduna Naxariistiisa ahaatay, Naartuna cadaabkiisa ahaaday, wuxuuna dhahay; kumaan ahay Maskacagalayoow? wuxuu yidhi: waxaad tahay Rasuulkii Ilaahay, waxaanadna tahay nabigii ugu danbeeyey, waxa liibaanay cidii ku rumaysa, waxaana hoogay cidii ku beenisa. Ninkii reer baadiyaha ahaan wuu Islaamay.

Deero

Wuxuu Bayhaqi soo saaray inuu Nabigu marayey meel Saxare ah markaasuu maqlay cod leh Rasuulkii Ilaahyoow, markaasu fiiriyey nabigu hareeraha waxna wuu arki waayey, ugu danbayna wuxuu arkay Deero xidhxidhan markaasy tidhi; Soo dhowoow Rasuulkii Ilaahayow, markaasuu soo dhowoow kuna dhahay; maxaad u baahantahay? wuxuu yidhi: waxaan lahaa laba caruura oo buurtaa jooga ee isii daa aan soo nuujiyo kadibna waan soo laabanayaaye!! wuxuu dhahay; waad soo noqonaysaa? waxay tidhi: Ilaahay hay i cadaabo hadaanan soo laaban, markaasuu sii daayey wayna soo nuujisay kadibna way soo laabatay, waanu xidhay nabigu kadibna waxa arkay ninkii lahaa oo dhahay Rasuulkii Ilaahoow maad u baahantahay; haa ayuu dhahay. kadibna waa siidaayey markaasay carartay. (silsilada daciifka ah ee Albaani).

Shinbir

Cabdilaahi ibnu Mascuud wuxuu yidhi; waxaa nabiga la soconay safar kadibna waxaan soo ag marnay geed waxaanan qaadanay dhal shinbireed, dabadeedna shinbirtii oo ordaysa ayaa u timid Nabiga (N.N.K.H) markaasu yidhi; tan yaa kaga argagxiyey dhasheeda? waxay dhaheen: anaka, wxuu yidhi; u celiya. Waxa soo saaray Abudaawuud.