Masaajidka Qudus waa mid kamid ah Masaajidada ugu weyn Caalamka, waana masaajidka sadexaad ee ugu muqadsaysan Islaamka, waa qibladii koowaad ee muslimiinta, waana gobtii laga dheelmiyey nabiga xabiibka Muxamed (scw) habeenkii Israa’ walmicraaj. Masaajidkuna wuxuu ku yaala xaafada qadiimiga ah ee Magaalada Qudus.

Masaajidka Qudus, wuxuu leeyahay dhawr magaca:

Masjid Al-aqsaa: waxa lagu sheegay suurada Israa, aayada Koowaad:

Ra bracket.png سُبْحَانَ الَّذِي أَسْرَى بِعَبْدِهِ لَيْلًا مِنَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ إِلَى الْمَسْجِدِ الْأَقْصَى الَّذِي بَارَكْنَا حَوْلَهُ لِنُرِيَهُ مِنْ آَيَاتِنَا إِنَّه هُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ Aya-1.png La bracket.png

Bayt Al-muqadas: macanheeduna waa guriga daahirka ah.

Bayt Al-Maqdas: «ثم دخلت أنا وجبريل عليه السلام بيت المقدس فصلى كل واحد منا ركعتين»

Muhiimada uu leeyahay Masaajidka Qudus:

  1. Masaajidka Qudus waxa lagu sheegay inuu barakaysanyahay Quraanka Kariimka:

 ( سبحان الذي أسرى بعبده ليلاً من المسجد الحرام إلى المسجد الأقصى الذي باركنا حوله ) ( سورة الإسراء / 1 )

“Waxa Nasahan (Ceeb ka fog) Ilaaha ka guuriyey Addoonkiisa (Nabiga) Habeen masaajidka Xurmada leh (Maka) xagga Masjidkii Aqsa een barakaynay Hereerihiisa”

Meesha barakaysan maaha oo kaliya Masaajidka iyo goobta laga dheelmiyey nabiga ee waxa barakaysan dhulka oo dhan, wadanka Falasdiin oo idil.

  1. Sidoo kale waa dhul muqadas ah sida Ilaahay ku tilmaamay Quraankiisa:

 ( يا قومِ ادخلوا الأرض المقدسة التي كتب الله لكم ) ( سورة المائدة /21 )

“Qoomkaygoow gala dhulka muqadaska ah ee laydiin qoray”

Halkaasna waxa inooga cad in Dhulka Falasdiin oo dhan uu yahay dhul muqadas ah oon marnaba ka go’I karayn dhulalka Islaamka.

  1. Salaad lagu tukado Masaajidkaas waxay u dhigmaysaa 250 salaadood:

<<صلاة في مسجدي أفضل من أربع صلوات فيه ولنعم المصلى هو>> رواه الحاكم ( 4 / 509 ) وصححه ووافقه الذهبي والألباني كما في ” السلسلة الصحيحة ” في آخر الكلام على حديث رقم ( 2902 ).

“Salaada Masaajidkayga (Madiina) ayaa ka fadlibada afar salaadood, waxaana nicmo badan ruuxa ku tukaday” Hadii salaada Masjaajidka nabigu u dhigmayso 1000 salaadood, markaa afar u qaybi, waxa soo baxaya waa 250 salaadood.

  1. Masaajidka Qudus ma galayo Dajaal Cawarku:

” وإنه سيظهر على الأرض كلها إلا الحرم وبيت المقدس ” رواه أحمد ( 19665 ) ، وصححه ابن خزيمة ( 2 / 327 ) وابن حبان   ( 7 / 102 ) .

“wuxuuna ka muuqan doonaa dhulka oo dhan, marka laga reebo Xaramka iyo Baytka Maqdaska”

  1. Rasuulka Xabiibka Muxmedna (scw) waxa laga dheelmiyey oo sarena looga qaaday Masaajidka Qudus, gaar ahaan Qubbat Assakhrah (koofiyada dhagaxa ah).

 ( سبحان الذي أسرى بعبده ليلاً من المسجد الحرام إلى المسجد الأقصى الذي باركنا حوله ) ( سورة الإسراء / 1 )

  1. Waa qibladii koowaad ee Muslimiinta, sida ku xusan xadiiskan:

عن البراء رضي الله عنه : أن رسول الله صلى الله عليه وسلم صلى إلى بيت المقدس ستة عشر شهراً أو سبعة عشر شهراً ..  رواه البخاري ( 41 ) – واللفظ له – ومسلم ( 525 ) .

“Baraa (i.r.h) waxa laga wariyey: in Rasuulkii Ilaahay (scw) uu utukada xaga masaajidka Bayt Al-maqdaska, 16 ama 17 bilood…”

  1. Wuxuu Masaajidka Qudus kamid yahay sadexda Masaajid ee loogu safri karo arrin cibaado, sida xabiibka Muxamed (scw) cadeeyey:

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ” لا تشد الرحال إلا إلى ثلاثة مساجد المسجد الحرام ومسجد الرسول صلى الله عليه وسلم ومسجد الأقصى ” . رواه البخاري ( 1132 ) . ومسلم ( 827 )

“Abuhurayra  (I.R.H) wuxuu ka wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: Safar looma xidhxidho (cibaado) marka laga reebo sadex masaajid, masaajidka Xaramka, Masaajidka Rasuulka (scw) iyo Masaajidka Al-Aqsaa”

Yaa dhisay Masaajidka Al-qudus?

Masaajidka Qudus cidii dhistay khilaaf ayaa ka taagan laakiin dhismiiisu aadbuu u horeeyey, waxaana u daliila xadiiska Abudar ee kusoo arooray saxiixa Muslim.

“عن أبي ذر قال قلت يا رسول الله أي مسجد وضع في الأرض أول قال المسجد الحرام قلت ثم أي قال المسجد الأقصى قلت كم بينهما قال أربعون سنة وأينما أدركتك الصلاة فصل فهو مسجد”  صحيح مسلم » كتاب المساجد ومواضع الصلاة

“Abudarr wuxuu yidhi: Waxaan idhi; Rasuulkii Ilaahayow, masaajidkee ayaa loogu hor dhisay? wuxuu ydihi: masaajidka Xaramka, waxaan idhi; yaa ku xigay? wuxuu yidhi: Masaajidka Al-aqsaa. Waxaan idhi: Imisa ayaa u dhaxeeyey (sanadood)? Wuxuu dhahay: Afartan sano, meeshii Salaadu kugu soo gaadhana ku tuko maxaayeelay waa Masjide” Muslim.

Xadiiskaasi wuxuu tilmaamay in Masajidkan yahay masaajidkii labaad ee la dhiso, lana dhisay Afartan sano kadib masaajidka Xaramka. Sida la ogyahayna Masaajidka Xaramka waxa dhisay Nabi Aadam iyo wiilkiisii Shiith, kadibna waxa sanado badan kadib cusboonaysiiyey nabi Ibraahiim iyo wiilkiisa Ismaaciil.

Sidaa darteed cidii dhistay Qudusna waa nabi Aadam, ama wiilkiisii Shiith, ayadoo ay jirto dad dhaha waxa dhisay Saam ibnu Nuux, Ilaahaybaana og.

Taariikh Kooban oo ku saabsan Qudus:

Cidii ugu horeysay ee dagta Falastiin waxay ahayd Kancaaniyiintii oo la sheego inay daganaayeen sanadadii u dhaxeeyey 3000 ilaa 1500 sanadood kahor dhalashadii Nabi Ciise. Waxayna dhiseen magaalada Qudus oo loo bixiyey Orshaliim (Nuur saliim).

Xilliyadaas kadib waxa usoo hijrooday dhulka Falasdiin nabi Ibraahiim (csw) isagoo deegaan ka yeeshay, waxana uga danbeeyey wiilkiisii nabi Isxaaq (csw) iyo wiilkii nabi Isxaaq ee Yacquub (csw).

Dabadeedna waxa la wareegay gacan ku haynta Magaalada Qudus Faraaciinta Masar, kadibna waxa qabsaday Camaaliiqdii, ilaa uu ka furtay nabi Daawuud iyo reer bani Israa’iil oo uu hogaaminayey.

Kolkuu nabi Daawuud geeriyooday waxa uga danbeeyey wiilkiisii nabi Suleymaan, isagoo dib udhisay Masaajidka Qudus, markaasuuna Ilaahay ka baryey sadex arrimood, laba kamid ahna waa la siiyey tan kalena waxa la siiyey xabiibka Muxamed (scw).

Nabi Suleymaan wuxuu Ilaahay ka baryey Boqortooyo aan isaga kahor iyo kadib la siinin bani Aadam, waana la siiyey, waxa kale oo lasiiyey xukun waafaqa xukunka Ilaahay, sidoo kale wuxuu dalbaday inuu Ilaahay danbigooda dhaafo cidii siyaarata Baytka Maqdaska ah, waana loo diiday isaga waxaana la siiyey nabi Muxamed (scw).

Markuu geeriyooday nabi Suleymaan ayey reer bani Israa’iil is laayeen waxayna u kala baxeen laba dawladood, oo kala ahaa “Boqortooyada Israa’iil” oo dhanka waqooyi ka aasaasantay iyo “Boqortooyada Yahuuda” oo koonfur ahayd, oo xukumaysayna masaajidka oo ay u yaqaanee Haykalka.

Dabadeedna waxa soo weeraray reer bani Israa’iil dawladii Baabiliyoonta, oo gubay gabi ahaanba haykalkii, waxayna qafaasheen reer bani Israa’iil, waa xilliga taariikhyahanadu u yaqaanaan (Qafaalashadii Baabiloonka).

Kadibna Faarisiyiintii ayaa jabisay Baabiliyiintii waxayna Yahuudii ka furtay qafaalashadii, ayagoo u ogolaaday inay dhisytaan haykal labaad, waxayna dhiseen sanadkii 516 miilaadiga kahor, ayagoo ugu magacdaray boqorkoodii Xayruud Alkabiir.

Hadana reer bani Israa’iil markay qooqeen ayaa Ilaahay usoo diray dad ka xoog waaweyn, waxa qabsaday Gririigii oo uu hogaaminayo Alexander the Great, isagana waxa uga danbeeyey Roomaankii oo ka talinayey Qudus mudo aad u dheer.

Markii lasoo diray nabi Ciise (csw) wuxuu ugu khudbadeeyey Masaajidka Al-aqsaa reer bani Israa’iil inay kasoo laabtaan gaalnimada oo ay raacaan jidka toosan ee Ilaahay, hase ahaatee Yahuudii way ka biyo diiday wayna ka gaalowday diintii nabi Ciise iyo nabi Muuseba.

Sadex boqol oo sanadood kadib dhalashadii nabi Ciise (csw) waxa kala qaybsamay Roomaankii oo kala noqday Roomaanka Bariyeed (Biizandiiniyiin) iyo Roomaanka galbeed. Waxaana haysatay magaalada Qudus Roomaanka Bariyeed (Bizandiniyiinta),  intaas kadibna waxay magaladii u badaleen magaalo Kiristaan, waxayna dhiseen Kaniisada Qayaamaha.

Sanadku markuu ahaa 614 kii miilaadiga, ayaa Faarisiyiintii oo Yahuuda kaalmo ka helayaa waxay qabsadeen Qudus, waana qisada Ilaahay kaga warramay suuratu Al-Ruum. Kadibna Roomaankii ayaa dib usoo ceshtay gacan ku haynta magaalada Qudus.

Xilligii Khaliifkii 2 aad ee Islaamka, Cumar ibnu Khadaab ayaa la furtay Qudus, kadib markii ciidankii Abucubayda ibnu Jarraax ay go’doomiyeey magaalada Qudus iyo Roomaankii haystay.  Kadibna waxay Roomaankii ogolaadeen in ay magaalada furaheeda u dhiibayaan amiirka mu’miniinta ee Cumar ibnu Khadaab (i.r.h).

Ilaahay raali haka ahaade Cumar ayaa soo baxay oo saaran dameerkiisii isaga iyo mowlhiisii Saalim oo marba ukala dagaya dameerkii. Ugu danbeyna Cumar wuxuu galay Qudus, isagoo qoray axdiga loo yaqaano Cumariyah.

Cumar ibnu Khadaab wuxuu dhisay Masaajidkan oo ka dul taagay goob banaanayd oo ay ku taalay dhagaxii laga duuliyey nabi Muxamed (scw). Masaajidka Cumar dhisayna wuxuu ahaa mid ka samaysan loox iyo tiiran, qaadayana ku dhowaad 1000 ruux oo musaliin ah.

Masaajidka waxa la waynaysiiyey xilligii Mucaawiya ibnu Sufyaan,  isagoo dhagax iyo jaajuur ka dhigay Masaajidka, waxaana la waasiciyey dadkii ku tukanayey ee musalliinta ahaa oo la gaadhsiiyey 3000 oo ruux.

Dabadeedna dawladii Umawiyiinta ayaa sifiican u daryeeshay masaajidka, gaar ahaan xilligii Cabdulmalik ibnu Marwaan oo la wayneeyey Masaajidka iyo xilligii wiilkiisii Waliid ibnu Cabdulmalik ibnu Marwaan, kaasoo ka dhisay dhagaxii laga duuliyey nabiga koofiyad dahab ah, iyo sidoo koofiyada kale ee loo yaqaano Qubbah salaasil.

Tan iyo intii laga soo gaadhay sanadkii 1099kii miilaadiga, waxa magaalada Qudus ka talinayey Muslimiinta. Xilligaas waxa qabsaday Qudus Saliibiyiintii oo weerar saliibnimo ah soo qaaday, waxayna haysteen mudo gaadhaysay 80 sanadood, ayagoo ka dhigtay masaajidkii qasri ay ku qaabilaan dadka iyo meel ay ku carbiyaan fardahooda.

Sanadkii 1187 kii ayuu Salaaxu Diin go’doon ku qabtay Saliibiyiintii, kadib dadaal badan oo ay soo halgameen Cimaadu diin Zinki iyo wiilkiisii Nuuradiin Maxamuud oo dhisay intaan la furaninba Qudus minbar loogu talo galay Masaajidka. Kadibna waxa ku guulaystay furashdii Qudus Salaaxudiin Ayuub, isagoo soo qaaday minbarkii Nuuradiin Maxamuud oo dhigayna Masaajidka.

Muslimiinta ayaa ka talinaysay Falastiin iyo Qudus ilaa laga soo gaadho bilowgii qarnigii 20 aad, markaas oo guumaystihii Ingiriis khiyaameeyey muslimiinta Carbeed isagoo ugu ballan qaaday Yahuuda inuu wadan uga yeelayo dhulka Falasdiin. Haatan iyo maantana Yahuuda ayaa xoog ku haysata dhulka Falasdiin iyo Baytka Maqdaska ayagoo ku doodaya in dhulkaas awoowyaashood deganaayeen.

Yaa Xaq u leh Qudus?

  • Ugu Horeyn

Xujada Yahuuda waa mid been ah sababtoo ah Muslimiinta ayaa Falastiin ka talinayey mudo gaadhaysa 1300 oo sanadood, dhanka kalena reer bani Israa’iil marka laysku daro xilligay ka talinayeen Falasdiin xitaa ma gaadhayso hal qarni oo kaliya.

  • Ta Labaad:

Yahuuda waa la lacnaday oo Ilaahay ayey ka gaaloobeen ayagoo laayey nabiyadii, kadibna xarrifay kutubtii loo soo waxyooday iyo xitaa kutubtuu Kiristaanka.

  • Ta Sadexaad:

Yahuuda maanta nooli maaha reer bani Israa’ill, ee waa Sahaayino, hadafkoodu yahay inay maamulaan Aduunka iyo xoolihiisa, mana aha dad diin ku dhaqma ee badankoodu waa Mulxidiin iyo Ilaahay kuwo col la ah.

  • Ta Afaraad:

Cida kaliya ee xaqa uleh Falastiin waa Muslimiinta oo Nabigoodii xabiibka Muxamed (scw) laga dheelmiyey, sidoo kalena ay noo tahay dhul muqadas ah oo lamid ah sida Makkah iyo Madiina.

  • Ta Shanaad:

Yahuuda haysta Falastiin macnaheedu maaha in loo ogolyahay ama ay raali ka yihiin Muslimiintu, ee waxay dawladaha muslimiintu ku jiraan tamaryari iyo dacfi ee maaha in loo ictiraafay taako kamid dhulka barakaysan ee Falastiin ama daloolka u dhaxeeya labad ilkood oo dhul ahna kuma laha wadamada Muslimiinta.

 

ILAAHAYBAAN KA BARYEYNAA IN SIDA UGU DHAKHSAHA BADAN IN LOO FURTO DHULKA BARAKAYSAN EE QUDUS.