Tusmo

Ma Ogtahay in diinta Islaamku sare u qaaday Sharafta Haweenka Muslimaadka ah?

– Ma Ogtahay walaalka Muslimka ahoow in hooyadeen Ummu-salama ahayd haweenay u dooda xuquuda dumarka, waxay maalin utagay Rasuulkii Ilaahay (scw) waxayna ku tidhi: “Rasuulkii Ilaahayoow, maxaa Quraanka loogu xusi waayey dumarka, oo raga oo kaliya loogu xusay? Waxay tidhi: hal maalin kadib anigoo madaxayga u shallaynaya ayaan maqlay Rasuulkii Ilaahay (scw) oo dadka u yeedhaya, kadibna intaan timahayga duuduubtay ayaan dhagaystay nabiga oo ka warramaya aayad Quraana oo Ilaahay soo dajiyey, wuxuu nabigu dhahay: “Dadoow Ilaahay wuxuu leeyahay”: –

إِنَّ الْمُسْلِمِينَ وَالْمُسْلِمَاتِ وَالْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ وَالْقَانِتِينَ وَالْقَانِتَاتِ وَالصَّادِقِينَ وَالصَّادِقَاتِ وَالصَّابِرِينَ وَالصَّابِرَاتِ وَالْخَاشِعِينَ وَالْخَاشِعَاتِ وَالْمُتَصَدِّقِينَ وَالْمُتَصَدِّقَاتِ وَالصَّائِمِينَ وَالصَّائِمَاتِ وَالْحَافِظِينَ فُرُوجَهُمْ وَالْحَافِظَاتِ وَالذَّاكِرِينَ اللَّـهَ كَثِيرًا وَالذَّاكِرَاتِ أَعَدَّ اللَّـهُ لَهُم مَّغْفِرَةً وَأَجْرًا عَظِيمًا ﴿٣٥

“Raga Muslimiinta ah iyo Haweenka Muslimaadka ah, Ragga Mu’miniinta ah iyo Haweenka Mu’minaadka ah, Ragga Allah adeeca iyo Haweenka Allah adeeca, Ragga Runlowga ah iyo Haweenka Runlowga ah, Ragga Samra iyo Haweenka Samra, Ragga u khushuuca Allah iyo Haweenka u kushuuca Allah, Ragga Sadaqaysta iyo Haweenka Sadaqaysta, Ragga Sooma iyo Haweenka Sooma, Ragga isdhawra iyo Haweenka isdhawra, iyo Ragga imbadan Allah xusa iyo Haweenka inbadan Allah xusa, wuxuu Allah u diyaariyey  Dambi dhaaf iyo ajir weyn.” [Axzaab:30] [1]

– Ma Ogtahay walaalka Muslimka ahoow in amiirkii Mu’miniinta ee Cumar ibnu Khadaab (I.R.H) uu maalin minbarka istaagay, kadib markii dumarkii maherkoodii sare u qaadeen, wuxuuna dhahay: Maxaa ku kallifay in haweenku maherkooda sare uqaadaan? halka nabigii Ilaahay iyo xaasaskiisii iyo hablihiisaba lagu guursan jiray afar boqol oo dirham iyo wax ka hooseeyaba. hadii lacagtaas la kordhinayo ay ku jirto Alle kacabsi ugamaydaan horumari lahayn, ee yaana arkin nin maherka sare u qaaday!! Kadibna markuu dibada usoo baxay ayaa haweenay kahor timid oo ay ku tidhi: Cumaroow maxaad u go’aamisay in la xadido maherka? Halka Ilaahayna aanu kaxadidin oo uu leeyahay: “وآتيتم إحداهن قنطارا” “idinkoo Siiyey Meher (Badan) ama jawaan lacag ah”!!! Cumar wuxuu dhahay: “Dhamaan dadku wa fiqi yaqaan, cumar mooyaane”. [2]

– Ma Ogtahay walaalka Muslimka ahow in Cumar ibnu Khadaab uu kasoo baxay Masaajidka, waxaana kahor timid haweenay waayeel ah markaasuu Cumar salaamay, ayadiina wa ka qaaday salaantii markaasay tidhi: kala fogaa, waxaan ogaa Cumaroow adigoo lagu dhaho Cumayr, oo suuqa Cukaad adhiga ushaada ku raaca, markaasaa dadkii kuu yeedheen Cumar, hadana waxay kuugu yeedheen Amiir Almu’miniin, ee uga cabso Ilaahay dadka aad masuulka ka tahay,.. Kolkaasbaa nin la socday Amiir Almu’minin oo la dhaho Jaaruud ayaa ku dhahay: hadalkii ayaad haweenyahay ku badisay amiirkii Mu’miniinta? markaasuu Cumar yidhi: Faraha qaad, miyaanad garanayn waa Khawla bintu Xakiim (thaclam) xaaskii Cubaada ibnu Saamit ee Ilaahay hadalkeeda ka maqlay todoba samo korkooda!! Cumarna isagaa mudan inuu dhagaysto hadalkeeda. [3]


[1] Imaam Axmed, Tafsiirka ibnu Kathiir, suurada Axzaab, aayada 35 aad.

[2] Axmed, Tirmadi, Ibnu Maajah, iyo Abudaawuud, laakiin sanadka xadiiska hadal ayaa ku jira oo ninka la dhaho Majaalid ibnu Saciid waa daciif.

[3] Ibnu Cabdialbarri fi Al-istiicaab, 4/1831.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.