Walaalayaal waxaad maqlaysaa dad muslimiina oo ilaahay ku nicmaystay nicmadii ugu waynayd oo ah Islaamka. Ilaahay meelo badan oo Quraankiisa kamid ah ayuu ku tilmaamay inaynaan Ilaahay mahadinin, bal maantaba ogsoono siduu Allah kuu karaameeyey, kolkaan kuusoo bandhigno dadka aduunkan ku nool waxay caabudaan.

Tusmo

Dadka caabuda Jiirka ama Dooliga:

Magaalada Rajasthan ee wadanka Hindiya waxa ku yaala macbud lagu cibaadaysto loona xaj tago oo la dhaho the Karni Tempel, waxa kaniisadan ama macbudkan lagu caabudaa Jiirka/Dooliga. Waxa Kaniisadaas ku nool 20000 kun oo jiir, ayagoo rumaysan in Ilaaha la dhaho Karni Mata uu soo qaatay jidhka Jiirka. Meeshaas waxa lagu quudiyaa jiirka, ayadoo loo kariyo cuntooyin aad u qaaliya sida lawska, caanaha gadhoodhka ah iyo ciirta. Dad aad u tiro badan ayaa kaniisadaas usoo xaj taga, ayagoo laga iibiyo sanam ka samaysan jiir Dahab ah ama birta Silverta ah, kadibna waxay kaga tagaan meeshaas kaniisada si loogu danbi dhaafo. [1]

Dadka Caabuda Lo’da:

Diimo badan ayaa qadariya oo wayneeya saca, sida diinta Hinduism, Jainism, Zoroastrianism. Waxay rumeysanyihiin in neefka saca ah ka qiimo badanyahay hooyadii dhashay. Wuxuu yidhi hogaamiyihii Mahatma Gandhi; “Sacu wuxuu kaga fiican yahay hooyadii i dhashay dhawr xaaladood, hooyaday way i nuujisay dhawr bilood kadibna waxay iga rabtaa inaan daryeelo inta nolosheeda ka hadhay halka sacu uu nasiiyo caano markasta oo aanu nooga baahnayn daryeel badan, kaliya wuxuu cunayaa daaqa iyo cawska. Sidoo kale hooyaday inta badan way xanuusataa ayadoo u baahan in loo adeego marwalba, halka saca aanu inta badan xanuusanin. Hooyaday markay dhimato waxay u baahantahay qarash badan oo lagu aaso ama lagu gubo, halka saca markuu dhinto aanu ka faa’idaysano, hilibkiisa, lafahiisa, geesihiisa iyo haragiisaba.” Dadka caabuda saca waxay ka barakaystaa caanihiisa, kaadida iyo saalada lo’da, ayagoo kaadida ku daadiya guryaha si loo nadiifiyo gurigaas loogana hortago shaydaanka!![2]

Dadka Caabuda xubinka taranka ee Ninka:

Magaalada ku taala koonfurta Japan, ee Twaryama waxa ku yaala macbud lagu caabudo xubinka taranka ee Ninka. Waxa la sheegaa in mudo laga joogo 450 sanadood kahor ay isqabsadeen laba nin oo siyaasiyiin ahaa, waa Mr Oji and Mr Sue. Kadibna dagaal ayaa ka dhex dhacay labadii nin, Mr Oji si uu wiilkiisa u qariyo ayuu u galiyey dharka gabdhaha hase ahaatee Mr Sue ayaa wiilkii helay wuxuna ka gooyey madaxa iyo xubinkiisii taranka.

Markay dadkii maqleen in wiilka laga gooyey dakarkiisii ayey looxyo ka samaysteen xubinkii taranka ee ninka, si loogu ixtiraamo wiilkaas. Dhacdadaas lagasoo bilaano ilaa iyo maanta waxa magaaladaas lagu caabudaa xubinka taranke ee ninka, ayadoo looga soo xaj tago meelo badan oo Caalamka ah. Dadkaasina waxay sare u qaadaan sanamkaas looxa ah ee loo ekaysiiyey dakarka ninka, kadibna waxay ku dul shubaan caano iyo biyo waana loo sujuudaa. [3]

Dadka Caabuda Shaydaanka:

Shaydaanka oo la caabudo mudo badan ayey jirtay hase ahaatee dadku waxay u arki jireen in shaydaanku lid ku yahay diimahooda. Sanadku markuu ahaa 1966 ayey dadka caabudaa Shaydaanku dhisteen urur diimoodkan la dhaho Satanism, waxa kaniisadoodii laga dhisay magaalada San Francisco, California, waxay leeyihiin qasri la dhaho Black House (guriga madow), ayagoo raaca kitaabka madow ee Satanic Bible. Diinta caabuda shaydaanku laba nooc ayey ukala baxaan, waa shayaadiinta iimaanka laga helay ee sida tooska ah u caabuda Ibliis iyo shayaadiinta mulxidiinta oo aan si toos ah u caabudin. [4] Dadka inta badan heesa ama qoobka ka cayaara iyo guuda ahaan dadka Dunida caanka ka ah waxay caabudaan jireen Shaydaanka.

Dadka Caabuda Sanamyada:

Sanamku waa shay kasta oo la taabankaro lana caabudo, dabcan diimaha badankoodu waxay caabudaan sanamka ayagoo ka rumaysan in ruuxaas la sawiray uu mudayahay ixtiraam, sidoo kalena uu maqlayo codsigooda, ama uu gudbinayo codsigooda Ilaaha ka sarreeya. Diimaha ugu badan ee caabuda sanamyada waa Hinduuska, Budhiska, Majuusiyiinta, Saabi’ada, Kiristaanka, Janisamk iwm. Sababtuna waxay intooda badan ku doodaan in ay ugu dhowaanayaan Ilaahay ama Ilaahyada badan ee ay rumaysanyihiin.

Dadka Caabuda Sanamka Iskutallaabta:

Diinta Masiixiyiintu waxay rumaysanyihiin in gabadha la dhaho Maryama ay dhashay wiilka Jesus, qolo kamida masiixiyiintu waxay aaminsanyihiin in Jesus ahaa Ilaahay oo soo qaatay jidh bani Aadam, halka kuwo kale ay rumaysanyihiin in Jesus yahay wiilka Aabaha cirka jooga uu dhalay. Hadaba wiilkaas Ilaaha ah ama wiilka Ilaaha cirka joogaa dhalay ayaa la dilay, ayadoo dhiig lagaga keenay oo uu ooyey!!

Kiristaanku waxay caabudaan iskutallabta (Cross) taasoo calaamad u ah in Ilaaha aabaha ah ee xaga sare joogaa dilay wiilkiisii Jesus si uu ugu dhaafo dadka rumaysan danbiyadooda. Fikradan wax caqliga bani Aadamka gali karta maaha maxaa yeelay Adigu hadaad dhashay wiil kaliya, kadibna tuug ay usoo dhacdo gurigaaga ma waxaad dilaysaa wiilkaaga kaliya si aad u cafido tuugtii danbiilayasha ahaa!!

 


[1] Dailymai: http://www.dailymail.co.uk/news/article-2566748/Inside-Indias-rat-temple-20-000-worshipped-fed-protected-scurry-feet-tourists.html

[2] Gandhi: http://www.mkgandhi.org/momgandhi/chap81.htm

[3] http://japanvisitor.blogspot.se/2007/01/mara-kannon.html

[4] Satanism: https://en.wikipedia.org/wiki/Church_of_Satan